Aug 22, 2016
Unuunkii Daqaqamay!
Coobbo karsan, gaaddo caro la higaagan iyo indho gadaashoodu maran tahay ayay saddexduba ka sinnaayeen. Gararka waxa sida sayaxa uga saarsaarnaa abur yaryar ah, qawlallada xumbo ayey ku lahaayeen, noloshana col bey la ahaayeen. ‘cadowga Ilaahay gawrac!’ ayuu midi ku yiri mid kale.
