Apr 2, 2018
Anaa kuu fekeri: Dameeraha Alle iyo dameeraha sheydaanka!
Waxaa la wariyey in kolkii tareennada laga hirgeliyey dalka Masar uu wadaad caan ahaa bilaabay in uu dadka uga digo raacidda tareennada, isaga oo ku doodaya in tareenku yahay farsamo gaal, raaciddiisuna ay ka soo horjeedo doonista Alle. Sida la sheegay wadaadku wuxuu daliishaday aayadda 8–aad ee suu
