Jul 10, 2018
Saamaynta suugaanta: Tusaale Yasiid bin Mucaawiye
Bilowgii siddeetanaadkii qarnigii tagay, waxaan muddo guri ku wada noolayn oday cutush ahaa oo aan qaraabo ahayn. Odaygu wuxuu ahaa nin noloshiisa badankeeda miyi ku qaatay, oo malaha markaas baa magaalo ugu horraysay. Sidaa darteed, ma uu oggolayn in uu seexdo qolalka guriga, wuxuuna oran jirey: “I
