Oct 22, 2016
Maansadii hore iyo midda cusub
Dadka filka weyn ee Soomaaliyeed waxa ay jecel yihiin in ay faca ka danbeeya u sheegaan in ay dadkii hore dhan kasta kaga fiicnaayeen facyaasha danbe. Waxa ay sheegtaan in ay dadkii hore hawlkarro ahaayeen, aftahamiin ahaayeen, indheegaradyo caqli badan ahaayeen, murti badnaayeen, oo ay xoog badnaay
