Jul 31, 2016
Baahidu xaaraantay bannaysaa
Ruuxa wax ka akhriya maaddada taariikhda diimuhu, wuxuu ogaanayaa in aalaaba dhibka ay isu geystaan dadka isku diinta ahi uu ka badan yahay kan ay isu geystaan dadyowga kala diinta ahi. Waxaana xusid mudan in arrinkaani uu si gaar ah ugu rumoobayo diimaha Samaawiga ah, siiba Masiixiyadda iyo Islaamk
