Aabbe La'aanta iyo Eebbe La'aantu Maxay Wadaagaan
Caayida Shariif buuggeeda "Rubuc qarni waxay u soo joogtay /شاهدة ربع قرن", oo ay kaga faallootay taariikhda qaar ka mid ah qoraayaashii dalka Masar, waxay ku sheegtay in raggii qoraayaasha ahaa ee haweenka ajanabiga ah guursaday badankoodu aysan ilmo dhalin.Sidaa awgeedna ay weheshan jireen xayawaanaadka la rabaysto sida bisadaha iyo eyda. Caayido intaa waxay ku dartay, in dhammaan qoraayaashii Masaarida ahaa ee dumarka ajanebiga ah guursaday, marka laga reebo Dr. Taha Xuseen, ay ka sinnaayeen in aroortii ay xaasaskooda qaxwaha u karin jireen. Sababta Taha Xuseen uu qaxwo karinta uga badbaadayna waxay ku sheegtay indho la'aantiisa uusan dabka iyo alaabta u jeedin.
Doodda Caayido iyo kuwa la midka ah, waxaan xusuustaa marka aan arko cid si aan macquul ahayn wax u cammimaysa. Maxaa yeelay qoraayaashii Masaarida ahaa ee haweenka ajanebiga ah guursaday aad bay u badnaayeen, isku meel iyo isku waqtina ma noolayn. Caadi ahaanna, xogta lammaanayaashu ma ah arrin si fudud lagu ogaan karo. Xaalkuna wuxuu sii adkaanayaa marka xogta la raadinayaa ay khusayso dad faro badan oo kala shakhsiyad iyo duruufo geddisan. Sidee lagu ogaan karaa in dhammaan raggaasi ay xaasaskooda qaxwaha u karin jireen?
Doodda Caayido waxaa hadda i soo xusuusiyey buugga lagu magacaabo "Iimaanka aabbelaaweyaasha: Saykoloojiyadda Ilxaadka" (=Faith of the Fatherless: The Psychology of Atheism /نفسية اإللحاد: إيمان فاقد األب" ee uu qoray Dr. Paul C. Vitz. Dr. Vitz wuxuu ku doodayaa in dadka mulxidiinta ah ee Eebbe diiddani aysan haysan sababo caqligal ah oo ay u cuskadaan diidmada Alle, balse allediidmadoodu ay ku salaysan tahay sababo xagga nafsadda ah oo aabbe la'aantu ay ugu muhiimsan tahay. Qoraagu wuxuu sheegayaa in ilxaadku uu yahay jirro xagga nafsadda ah oo ka dhalata wax uu ugu yeeray jiritaanka "aabbe iin leh /defective father". Eraybixinta aabbaha cilladaysan waxaa soo hoos galaya aabbaha dhintay, kan maqan, kan ubadka sida xun u la dhaqma iyo kan daciifka ah ee ku fashilma in uu ka soo baxo kaalinka aabbenimo. Sida la ogyahayna, dadka haysta diinta Masiixigu Eebbe waxay ugu yeeraan 'Aabbe iyo Aabbaha samada."
Qoraagu wuxuu ku andacoonayaa in mulxidiinta jiritaanka Eebbe inkirsani ay aabbe la'aan yihiin, oo aabbahood uu maqan yahay ama daciif yahay ama uu iin kale leeyahay, halka muuminiintu ay aabbayaal wanaagsan ku ag koraan. Wuxuu xusayaa magcaanta 29 qof oo uu ku tilmaamayo in ay yihiin aabbayaasha fikirka ilxaadka ama allediidka ah. Wuxuuna ku doodayaa in dhammaantood ay wadaageen arrin ah in aabbayaashood ay iin lahaayeen, wuxuuna soo xiganayaa dhacdooyin iyo weero lagu xusay taariikh-nololeedkooda. Dadka uu magcaantooda xusay waxaa ka mid ah; Thomas Hobbes, David Hume, Voltaire, Baron d’Holbach, Arthur Schopenhauer, Ludwig Feuerbach, Friedrich Nietzsche, Sigmund Freud, Bertrand Russell, Jean-Paul Satre, Albert Camus, Madalyn Murray O'Hair, Joseph Stalin, Adlof Hitler, Mao Tse-tung iyo qaar kale.
Aadanaha garaadka lihi, tan iyo muddo fog buu ku baraarugsanaa raadka taban ee maqnaanta aabbuhu ay ilmaha ku leedahay. Mas'alada halkaan laga doodayaana ma aha: maqnaanta aabbuhu ilmaha saamayn xun ma ku leedahay mise kuma laha? Sidoo kale, dooddu ma aha in aabbe la'aantu ay xaaladaha qaarkood keeni karto Eebbe la'aan, waayo taas xataa waxaa qiray Sigmund Freud qudhiisa. Balse dooddu waxay tahay: Maqnaanta aabbuhu ma tahay sababta ugu mudan ee keenta allediidmada mise ma aha?
Waxaa xusid mudan, in dadka baaritaanka lagu xusay ay tiradoodu yar tahay, si gaar ahna loo xushay (=non-random), isla markaana ay ku kooban tahay deegaan gaar ah (=waddama Galbeedka ee Yurub iyo Maraykanka). Sidaas oo ay tahay, haddana dhaliilahaas iyo kuwo kale oo jiraaba, baaritaanka kama dhigayaan mid aan qiimo lahayn. Waayo ugu yaraan waa isku day mawduuca xagal cusub looga eegayo.
Qarnigii 19-aad, Yurub weli nolosha xooggeedu wuxuu ku xirnaa diinta, oo fursadaha waxbarashada iyo shaqada badankooda waxaa bixin jirey kaniisadaha, waxaana go'aamin jirey wadaaddada. Wadaaddada kaniisaddu waxay saamayn weyn ku lahaayeen xukuumadaha, qawaaniinta iyo siyaasadda. Waxay lahaayeen awood ay ku xakameeyaan sayniska, kulana diriraan isbeddelka afkaarta bulshada.
Iyada oo xaalku uu sidaa yahay, baa waxaa soo baxay feylasuuf la oran jirey George Hegel (1770-1831). Hegel oo dhallinyaro badan macallin u ahaa wuxuu ku dooday in taariikhda dunidu ay ka dhalato loollanka ka dhexeeya afkaarta iyo bulshada, isbeddelka afkaarta ku dhacaana uu keeno isbeddelka iyo horumarka bulshada. Aragtida Hegel waxay soo jiidatay dhallinyaro badan oo ay ku abuurtay rajo ah in timaaddadu ay dhaami doonto tagtada, maxaa yeelay nuxurka aragtidu waa in ummuuruhu ay si joogto ah isu beddelayaan, horumarna u samaynayaan.
Dhallinyaradii la dhacday afkaarta Hegel waxaa ka mid ahaa arday la oran jirey Ludwig Feuerbach (1804-1872) oo isaguna kolkiisa dhallinyaro badan macallin u noqday. Foyerbaakh, dabshidkii 1841, wuxuu qoray buug uu cinwaan uga dhigay "Ruuxda Masiixiyadda" (=The Essence of Christianity /جوهر المسيحية". Foyerbaakh wuxuu sharraxaad ka bixiyey sida diinta Masiixiyaddu ay isu beddeshay, iyo saamaynta gedgeddoonka waayaha iyo duruufuhu ay ku lahaayeen. Hadalkiisana wuxuu ku soo gunaanaday: "Diintu waa riyada maanka aadamiga /Religion is the dream of the human mind."
Foyerbaakh wuxuu ku dooday in diintu ay tahay aalad bulshada lagu xakameeyo, wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii xaalku uu noqday burburkii imbiraadooriyaddii Roomanka kadib, wuxuuna yiri: Kolkii ay burburtay imbiraadooriyaddii Roomanku, awooddii ayaa meel cidlo ah ku soo dhacday, halkaasna waxaa fursad ka heshay kaniisadda oo buuxisay kaalinkii dowladda. Kaniisaddu Eebbe waxay u muujisay sidii in uu yahay imbiradoor carshiga ku dengiiga. Duni aysan ka jirin boolis, maxkamado iyo xabsiyo macne lihina waxaa lagu waashay ka hadalka jannada iyo naarta. Diinta Masiixiyaduna halkii ay ka ahayd caqiido dad yari ay rumaysan yihiin, bay waxay ka noqotay dowlad awood badan oo if iyo aakhiraba ka arrimisa. Wuxuu yiri: "Waayahaas dhalanteedka oo keli ah baa muqaddas ahaa, xaqiiqaduna nijaas bay ahayd (=waa xumayd) /in these days illusion only is sacred, truth profane." Foyerbaakh gadaashiis waxaa yimid Sigmund Freud (1856-1939) oo lagu tiriyo aasaasaha cilminafsiga casriga ah, isla markaana qoray dhigaallo dhowr ah oo uu uga hadlay diimaha iyo jiritaanka Eebbe. Dhigaalladaas waxaa ka mid ah; "Ficillada Hanashada iyo dhaqamada Diinta" (=Obsessive Actions and Religious Practices), "Mustaqbalka Ismoodsiiska (=The Future of an Illusion /مستقبل الوهم), Totemka iyo Looma-dhawaadaanka (=Totem and Taboo /الطوطم والمحرمات), Muuse iyo Towxiidka (=Moses and Monetheism /موسى والتوحيد) iyo "Ilbaxnimada iyo Qanaaco La'aanteeda" (=Civilization and Its Discontents /قلق في الحضارة).
Farooyd wuxuu ku dooday in diintu ay tahay jirro nafta aadanaha ku dhacda, wuxuuna sheegay in dadku ay nolosha culays kala kulmaan, diintuna ay tahay qaab ay isaga caabbiyaan culayska iyo xanuunka nolosha adduunka. Dadku diinta waxay ka helaan ammaan iyo raaxo, waayo waxay sawirtaan jiritaanka Eebbe aqoon, awood iyo naxariis badan oo samada ku sugan, kaas oo u ilaalinaya sida aabbaha turidda badani uu ubadkiisa dhibka iyo waxyeellada uga ilaaliyo. Farooyd isaga oo adaeegsanaya aragtida loo yaqaan "Aragtida ku geddinta" (=Projection theory /نظرية اإلسقاط), ayuu wuxuu yiri: Dadku diinta waxay u hindiseen si ay naftooda uga difaacaan gacanta sare ee dabeecadda, oo sida ilmuhu uu ugu baahan yahay aabbe difaaca, ayay waxay ugu baahdeen Eebbe ka difaaca waxyeellada dabeecadda.
Sida ay la tahay, Alle iyo diimuhu ma aha wax la caddayn karo ama la deedifayn karo, waayo caqli iyo khibrad midna laguma ogaado ee waxay ku dhisan yihiin abdada dadka (=Wish fulfilment). Diintu waa nooc riyada ka mid ah. Riyadu maxay tahay? Riyadu waa xeelad noo suurogelisa damaca ay nagu adkaato in aan dhab ahaan u samayno. Marka barbaarku uu ku riyoonayo gabadha qalanjada ah ee gogosha kula jiifta, ama gabadhu ay ku riyoonayso barbaarka amiirka ah ee dheelsiinaya isaga oo ku haya ha dhicin ha kufin, waxay riyada uga dhabaynayaan damac maankooda ka guuxaya, asii aan u suuroobin.
Fikradaha iyo tusaalooyinka badan ee Sigmund Freud uu u adeegsaday xoojinta bareerihiisa, waxaa ka mid ah fikradda loo yaqaan "Cuqdadda Oodiib" (=Oedipus complex /عقدة أوديب). Asal ahaan sheekada Oodiib waxay ka mid ahayd sheekoxariiri hore ee Giriigga, laakiin Farooyd wuxuu siiyey macne cusub oo oranaya:
Seben hore oo aad u fog, ayaa wiilashu waxay dareen galmo u qaadeen hooyadood. Laakiin cabsidii ay ka qabeen aabbahood baa u diidey in ay la xiriiraan hooyadood, si ay caqabaddaas isu dhaafiyaan darteedna waxay dileen aabbahood. Kolkii ay odayga dileenna waxay dareemeen denbi, waxayna isku dayeen in ay saxaan denbigii ay galeen, waxayna bilaabeen in ay qaddisaan oo ay weyneeyaan aabbahood. Laakiin, maadaama uu geeriyoodey, uma ay suuroobayn in ay caabudaan, taa awgeedna waxay hindiseen aabbe samada jooga, oo samaha la jecel, xumahana la neceb. Dabeed aabbaha samada ku sugan ee jecel, gacalada uu u qabo mid la mid ah bay u qaadeen, waxayna bilaabeen in ay caabudaan, oo ay u tukadaan, waxna u sadaqeeyaan. Sidaana waxaa ku curtay fikradaha Alle iyo diimaha, waxaana faafay sheekoxariiraha diiniga ah ee dadku ay falkiyeen, dabadeedna ay rumaysteen.
Farooyd si cad uguma doodayo in diimuhu ay been yihiin, laakiin wuxuu ku adkaysanayaa in ay yihiin wax aan laga salgaari karin xaqiiqadooda, isla jeerkaasna wuxuu qabaa in dhinacyada qaarkood ay bulshada waxtar uga yeelan karaan, oo ay ka qaybqaadan karaan isku xirnaanta iyo kala danbaynta bulshada. Wuxuuna qabaa in qofka aadamiga ahi uu yahay anaani caarkiisa iyo calooshiisa la ciyaara, uusanna baad reebayn, haddii aan loo helin qaabab diimuhu ay ka mid yihiin oo lagu xakameeyo damaciisa waalan.
Dadka la dhacsan afkaarta Farooyd waxay qabaan in mustaqbalka diimaha looga xoroobi doono si la mid ah sida ilmuhu ay waalidkooda uga weynaadaan. Dabcan Farooyd kolkii uu ka hadlayey Alle iyo diimaha, waxaa maankiisa ku jirey diimaha Ibraahiimiga ah -Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka- ee uu wax ka yaqiin. Haddii uu xisaabta ku darsan lahaa diimaha ay ka midka yihiin Hinduusiyadda, Buudiyada iyo Taawiyada oo aan lahayn hal ilaah oo shakhsi ah, dooddiisu intaa waa ka baaxad weynaan lahayd. Fikradihii Farooyd qayb ka mid ah waa laga gudbay, qayb kalena baaritaanno baa ku socda, laakiin sidaas oo ay tahay haddana weydiimihii waaweynaa ee uu iska weydiiyey diimaha iyo nafta aadanahu weli waa taagaan yihiin, oo dood baa ka furan.
Sida muuqatana, buuggaan "Iimaanka aabbelaaweyaasha: Saykoloojiyadda Ilxaadka", waa isku day qoraagu uu ku doonayo in uu ku qiimo tiro doodda ilaahdiidmada, si la mid ah sidii Farooyd uu isugu dayey in uu macne tiro rumaynta Eebbe. Halkii Farooyd uu kaga dooday in diimuhu ay ka curteen xanuun xagga dhimirka iyo nafsadda ah, ayaa Vitz wuxuu kaga doodayaa in mulxidiintu ay nafsad ahaan u jirran yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay: Ilaa xadkee buu taa ku guulaystay? Aragtida Freud ee laamaha badan ma lagu burin karaa dood u fudud sida midda Paul Vitz?
Qof ahaan, waxaan isweydiiyey haddii uu jiro xiriir toos ah oo ka dhexeeya joogitaanka aabbaha iyo Alle jecaylka ama maqnaanta aabbaha iyo ilaahdiidmadu, sidee buu noqon lahaa iimaanka anbiyadu? Waayo buugta diimuhu waxay noo sheegaan in ay jireen nebiyo badan oo aan aabbahood la noolaan ama xiriirkoodu uu cillad lahaa. Tusaale ahaan, nebi Muxamed (scw) wuxuu ahaa agoon aabbihiis uu dhintay isaga oo uurka hooyadi ku jira. Nebi Ciise aabbihii dood badan baa ka jirta. Nebi Isxaaq ama nebi Ismaaciil aabbihi ayaa damcay in uu gawraco. Nebi Yuusuf waxaa korsaday nin ka af, dhalasho iyo diin duwanaa. Nebi Muuse wuxuu ku koray guriga Fircoonkii Masar oo ka diin duwanaa -(waxaa xusid mudan, in ay jiraan aqoonyahanno uu ka mid yahay Sigmund Freud oo rumaysan in nebi Muuse uusan Yahuudi ahayn, balse uu ahaa Masri aqoon fiican u leh diintii Masaarida, uuna ka mid ahaa dadkii taageeray kacdoonkii amiirkii Masriga ahaa ee Akhnatoon, diinta towxiidiga ah ee uu la yimidna ay tahay isla middii uu ku baaqay Amiir Akhnatoon oo isku dayey in uu mideeyo ilaahyadii Masaaridi hore. Aqoonyahannadaani waxay qabaan in qisada nebi Muuse xooggeedu ay tahay sheeko waa danbe ay Yahuuddu u allifeen si ay ugu bilaan taariikhda qawmiyaddooda).
Paul Vitz, ka ma uusan hadlin mas'alada ku saabsan jiritaanka Eebbe, wuxuuna sheegay in cilmiga uu ku takhasusay ee cilminafsigu uusan ahayn cilmi ku habboon falanqaynta doodda la xiriirta jiritaanka iyo jiritaan la'aanta Eebbe. Akhristahana wuxuu kula taliyey in haddii uu danaynayo doodda noocaas ah uu ka raadiyo dhigaallada falsafadda, caqiidada, sayniska, taariikhda iyo takhasusaadka kale ee mawduucaas xiriirka la leh.
Laakiin sida runta ah, taladaasi ma ah mid waxtar u leh akhristaha, ee waa xeelad qoraagu uu akhristaha ku marin-habaabinayo, isagana leexinayo culayska mas'uuliyadda. Waayo, culuumtaas uu tilmaamay oo dhan, kuma uu jiro mid qura oo ku guulaysan kara in uu akhristaha si buuxda uga qanciyo mas'alada jiritaanka Eebbe. Cilmiga diiniga ah iyo kan maaddiga ah midkoodna ma awoodo in uu si cad u sugo jiritaanka Eebbe ama uu si buuxda u beeniyo jiritaankiisa.
Eebbe ma ah walax la qeexi karo. Waayo ma jirto cid Eebbe aragtay oo aqoon gaar ah u lihi. Feylasuufkii Shiinayska ahaa ee Lao Tzu oo la sheego in uu yahay kan qoray buugga Shiinaha muqaddaska u ah ee "Tao Te Ching" (=Buugga Waddada ama Dariiqada /The Book of the Way), ayaa isaga oo Alle tilmaamaya wuxuu yiri:
"Magaciisa ma aqaan, sidaas oo ay tahay marka la igu dirqiyo in aan magacaabo, waxaan ugu yeeraa 'Tao'. Kolka la igu khasbo in aan tilmaamana, waxaan ugu yeeraa "'Weyne'".
Anbiyada, awliyada iyo dadka kuwa ugu iimaanka badani Eebbe kama bixin karaan xog intaas dhaafsiisan. Ruuxii Eebbe kaaga sheega wax intaas ka badani waa dammiin hadal tiro haya, ama waa danayste adiga dammiin kuu arka.
Vitz wuxuu sheegay in dhallinyaronimadiisii uu isu muujin jirey sidii in uu mulxid yahay, laakiin mulxidnimadiisu aysan ka dhalan aabbe la'aan, balse ay ka dhalatay isaga oo rabay in uu saaxiibbadi u ekaado iyo in uu horumariyo fursadaha shaqo ee uu mustaqbalka heli karo. Intaa wuxuu raaciyey, in xiriirkii wanaagsanaa ee aabbihi kala dhexeeyey uu ugu danbayntii ku bixiyey in uu noqdo Katoolig iimaankiisu uu wanaagsan yahay. Laakiin weydiin meesha ku jirta, oo akhristayaal badani ay isweydiin karaan baa waxay tahay: Haddii qoraagu uu shalay dano adduunyo dartood uu mulxid u noqday, maxaa diidaya in sababta uu hadda muuminka u noqday ay tahay isla danihii adduunyada ee uu shalay ilxaadka ka arkay in uu hadda iimaanka uga jeedo?
Nin Soomaali ah baa hadda ka hor wuxuu iiga sheekeeyey qiso uu sidaan u dhigay: Aniga oo Sacuudiga jooga baa waxaa la ii sheegay in nin aan qaraabo nahay uu ka tagay shaqadii shirkad uu u shaqayn jirey, oo uu noqday wadaad waqtigiisa geliya dacwada iyo faafinta diinta Islaamka. Raggii warka ii sheegay baan waxaan ku iri: "War hebel aniga ayuu ina adeerkay yahay, oo idinka badiya, diinta iyo doollarkana kan danbe ayuu jecel yahay, marka warka aad iiga sheegaysaan ma aha mid i galayee, maad sida wax u jiraan ii sheegtaan?" Raggii waxay ku adkaysteen in xogta ay arrinka ka hayaani ay intaas tahay. Hayeeshee, maalmo ka dib ayaan waxaan arkay nin kale oo ii sheegay in shaqada cusub ee dacwada lagu sheegay ay ina adeerkay uga dhaqaalo badan tahay, ugana hawl yar tahay middii hore ee uu ka shaqayn jirey. Jeerkaas baan iri: Haddaan hooyaa! Sidaa iga dheh!
Marka xaalka Dr. Vitz amuu la mid yahah xaalka wadaadkaas Soomaaliyeed?
Docda kale, Vitz wuxuu xusay magcaanta aqoonyahanno uu ku tilmaamay in iimaanku uu qanjaha u joogey, sababtuna ay ahayd in ay lahaayeen aabbeyaal si wacan u ababiyey. Ragga uu xusay waxaa ka mid ah; Soran Kierkegaard, Blaise Pascal, George Berkeley, William Wilberforce, Moses Mendelssohn, Edmund Burke, Alexis de Tocqueville, Dietrich Bonhoeffer, Abraham Heschel iyo qaar kale. Laakiin xaqiiqadii cidina ma hubto iimaanka raggaan, waayo iimaanku waa shey ku sugan kasha ruuxa, lamana hayo halbeeg lagu cabbiro iyo tabo lagula socdo toona. Waxaana xusid mudan, in raggaan uu iimaanka ku xushay badankooda, uusan iimaankoodu ahayn midka taqliidiga ah ee wadaaddada diimuhu ay aqoonsan yihiin iyo weliba in qaarkood ay ku rumoobaysa isla cillad "aabbaha iinta lihi".
Tusaale ahaan, Soren Kierkegaard )1813-1855) oo ka mid ah raggaan uu ku sheegay in ay ahaayeen muuminiin iimaan san, wuxuu leeyahay fikrad caan ah oo ay wada garanayaan dadka ku takhasusay diimaha iyo falsafaddu. Waa fikradda loo yaqaan "Iimaan ku boodidda /Leap of faith".
Kirkigaad wuxuu kala duway labada eray ee "Rumaysnaan /Belief" iyo "Aaminaad /Faith". Wuxuuna qabaa in erayga hore loo adeegsan karo wixii la hubin karo run iyo been midka uu yahay, halka kan danbe loo adeegsado arrinka aan laga salgaari karin run iyo been midka uu yahay. Tusaale ahaan, marka aad ka hadlayso in albaabka gurigaagu uu caawa kuu furmayo iyo in kale, waxaad adeegsan kartaa erayga 'Belief', waayo albaabka gurigaagu mar kasta wuu kuu furmi jirey, cillad cusubna kuma aad ogid. Laakiin kolka laga hadlayo waxyaabaha qeybiyaadka maqan ah -sida jiritaanka Eebbe- looma adeegsan karo erayga rumayn, ee waxaa la adeegsanayaa erayga iimaan ku qabid, maxaa yeelay xaqiiqada qeybiyaadka lagama gun gaari karo.
Marka Eebba la aamminayo, looma aamminayo in la hubo jiritaankiisa, laakiin waxaa loo aamminayaa abdo laga qabo jiritaankiisa. Sidaa darteedna, aaminidda Alle waxay ka dhigan tahay in lagu nasiibsado wax aan si buuxda loo hubin.
Kirkigaad wuxuu diiday in iimaanka la caqliyeeyo, oo lagu andacoodo in Eebbe iyo ummuuraha qeybiyaatka ah caqliga lagu ogaan karo. Kirkigaad iimaanka wuxuu ku metalay jacaylka iyo in uu yahay nooc jacaylka ka mid ah. Wuxuu qabaa in sida jacaylku uu u yahay dareen aan la qeexi karin oo kale, uu iimaankuna yahay mas'alo ku xiran qalbiga iyo dareenka qofka, ayna adagtahay in buug la isugu dhigo. Wuxuu ahaa muumin aan hubin jiritaanka Eebbe, laakiin abdo ka qaba jiritaankiisa. Wuxuu oran jirey: Masiixi ama muumin ma ahi, laakiin waxaan doonayaa in aan Masiixi noqdo.
Kirkigaad wuxuu qabay in iimaanka iyo shakigu aysan kala madax bannaanayn, oo uusan jirin iimaan shaki ka maran. Wuxuuna ku dooday in haddii shaki la waayo uusan iimaanku wax macne ah samaynayn. Isaga oo taa tilmaamayna wuxuu yiri: "Shakiga waxaa looga adkaadaa iimaanka, sida iimaanku uu u yahay kan shakiga dunida keenay." Duulka ummuuraha jacaylka ka faallooda qaarkoodna waxay sheegaan in uusan jirin jacayl shaki iyo xanuun ka maran. Jacaylka qaarkiis wuxuu dhalaa masayr, masayrkuna wuxuu keenaa shaki. Shakiga lammaanuhuna haddii uusan xadka ka bixin, oo uusan cudur noqon, wuxuu abuuraa jacayl cusub. Waayo waxaa loo arkaa in uu yahay astaan muujinaysa gacalo iyo danayn. Fannaanaddii Ummu Kaltuunna heesteeda caanka ah ee "Kacaankii Shakiga /ثورة الشك", waa tan ku leh:
أكاد أشك في نفسي ألني ..... أكاد أشك فيك وأنت مني
يقول الناس إنك خنت عهدي ..... ولم تحفظ هواي ولم تصني
وأنت مناي أجمعها مشت بي ..... إليك خطى الشباب المطمئن
يكذب فيك كل الناس قلبي ..... وتسمع فيك كل الناس أذني
وكم طافت علي ظالل شك ..... أقضت مضجعي واستعبدتني
كأني طاف بي ركب الليالي ..... يحدث عنك في الدنيا وعني
على أني أغالط فيك سمعي ..... وتبصر فيك غير الشك عيني
وما أنا بالمصدق فيك قوال ..... ولكني شقيت بحسن ظني
و بي مما يساورني كثير ..... من الشجن المورق ال تدعني
تعذب في لهيب الشك روحي ..... و تشقي بالظنون و بالتمني
أجبني إذ سألتك هل صحيح ..... حديث الناس ؟ خنت؟ ام لم تخني؟
Shakigu wuxuu ka mid yahay dabeecadda aadanaha, ruuxa aan shakinna dadka kama mid ah ee wuxuu ka tirsan yahay duunyada. Sidaa awgeed baana feylasuufyadu waxay u sheegaan in shakigu uu yahay kan yaqiinta horseeda. Waxaa kaloo la yiraahdaa: "Aqoontu shakigay ka bilaabtaa."
Kirkigaad ma ahayn nin doonaya in uu naftiisa ama dadka uu been u sheego. Sidaa darteed, wuxuu qaatay mawqif ah: Si kasta oo aadan u qanacsanayn, haddana waxaa khatar yar in aad iimaanka ku booddo. Mar uu arrinkaas si fudud u dhigayna wuxuu yiri: "In aad iimaan yeelato macneheedu waa in aad maankaaga khasaarto, Eebbana aad ku guulaysato /To have faith is to lose your mind and to win God". Sida ay la tahay, iimaanka iyo khatartu waa isku xiran yihiin, oo ma jiro iimaan aan khatari wehelin. Arrinkaasna wuxuu tusaale uga dhigay, qisada nebi Ibraahim uu ku damcay in uu gawraco wiilkiisa si uu u ilaashado iimaankiisa. Wuxuuna leeyahay fikrad caan ah oo uu u bixiyey "Halyeyga iimaanka /The Knight of Faith". Docda kale, Kirkigaad wuxuu ahaa muumin Alle iyo diinta jecel, laakiin wuxuu necbaa wadaaddada iyo kaniisadaha ay maamulaan. Wuxuu rumaysnaa in wadaaddadu ay diinta ku nuxur tiraan danaysigooda iyo daroorigooda cantarabaqashka ah, wuxuuna oran jirey: Diintu kama badna intii aabbahay i baray waagii aan ilmaha ahaa.
Si taa la mid ah, feylasuufkii iyo xisaab yaqaankii Blaise Pascal (1623-1662) wuxuu ahaa nin ku caanbaxay ka shakinta jiritaanka Eebbe. Wuxuu ahaa aqoonyahan jiritaanka iyo jiritaan la'aanta Eebbe ay u siman yihiin. Jiritaanka Eebbe iyo jiritaan la'aantiisana wuxuu ku metalay in ay la mid tahay shilin cirka loo tuuray oo ay isle'eg tahay filashada madax iyo xarash midka uu u dhici doono (=50% iyo 50%).
Sida la ogyahayna, Baaskaal wuxuu ahaa aqoonyahan ku sheeggan ciyaaridda qamaarka. Aqoontii uu u lahaa xisaabta iyo tii uu u lahaa qamaarkuna waxay u sahleen in uu ka qaybqaato horumarinta aragtida xisaabta ah ee lagu magacaabo "Aragtida ixtimaalaadka /Probability theory". Baaskaal buuggiisa "Fikrado /Pensées", wuxuu kaga hadlay wuxuu ugu yeeray "Sharad Ku Dhigashada Jiritaanka Eebbe /The Wager About God's Existence".
Baaskaal oo laga hayo hawraar oranaysa: "Runta caqliga oo keliya kuma ogaanno, ee sidoo kale qalbiga ayaan ku ogaannaa." Wuxuu qabay in jiritaanka iyo jiritaan la'aanta Eebbe ay siman yihiin, wuxuuna isweydiiyey: Haddii labada xaaladood ay siman yihiin maxaa xal ah? Diididda iyo yeelidda jiritaanka Alle maxaa faa'iido iyo khasaare ku jira?
Marka xaalku uu sidaa yahay, qofku wuxuu ku khasban yahay in uu labo go'aan midkood qaato. In uu ku sharatamo 50% sheegaya in Eebbe uusan jirin, uuna noolaado isaga oo aan aakhiro xisaabta ku darsan iyo in uu ku sharatamo 50% sheegaya in Ilaah uu jiro, xisaab iyo qiyaamana ay sugayaan. Haddaba, muxuu yahay waxa geerida ka dib ay la kulmi karaan labadaas qof ee go'aannada kala duwan qaatay?
Geerida kadib, haddii ay rumowdo in Eebbe uu jiro, ruuxa muuminka ahi wuxuu helayaa janno iyo liibaan, haddii ay rumowdo in uusan jirinna waxba gaari maayaan. Dhanka kale, haddii ay rumowdo in Eebbe uu jiro, ruuxa mulxidka ahi wuxuu mudanayaa hoog iyo cadaab, haddii ay dhabowdo in uusan jirinna waxba gaari maayaan. Haddii si kale loo dhigo, haddii Eebbe uusan jirin mulxidku wuxuu faa'iidayaa wax ka mid ah ummuuraha adduunyada, muuminkuna wuxuu khasaarayaa qayb ka mid ah ummuuraha adduunyada, laakiin haddii Eebbe uu jiro muuminku wuxuu helayaa janno lagu waarayo, mulxidkuna wuxuu mudanayaa cadaab. Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: in adduunyada la khasaaro iyo in aakhiro la khasaaro kee baa la qaataa?
Baaskaal waxay la tahay, in si kasta oo aan loo hubin jiritaanka Alle, haddana caqligu uu keenayo in dantu ay ku jirto in lagu mintido isku qancinta jiritaankiisa. Waayo faa'iida taa ku jirta baa ka badan tan laga helayo diididda jiritaankiisa. Iyada oo kooban, Baaskaal wuxuu noo sheegayaa in faa'iida laga helayo rumaynta Alle ay wax badan ka badan tahay diididdiisa, xataa haddii uusan jirin. Marka waxba khasari mayside iska rumee.
Baaskaal isaga oo dooddiisa jeedinaya, ayuu wuxuu yiri: "Eebbe waa uu jiraa ama ma uu jiro. Laakiin dhankee baan annagu isu badinaynaa? Caqligu halkaan waxba ma go'aamin karo... Waxaa jira labo shey oo aad dhuminayso.. Runta iyo danta... Aan isbarbardhigno faa'iidada iyo khasaaraha ku jira ku sharatanka in Alle uu jiro. Aynu qiyaasno labada fursadood. Haddii aad faa'iiddo, wax walba waad helaysaa; haddii aad khasaartana waxba lumin maysid. Haddaba adiga oo aan laba-labayn sharad ku gal in uu jiro /God is or He is not. But to which side shall we incline? Reason can decide nothing here … You have two things to lose.. The True and the good... Let us weigh the gain and the loss in wagering that God is. Let us estimate the two chances. If you gain, you gain all; if you lose, you lose nothing. Wager then without hesitation that he is."
Ku Allahoode, waxay wariyeen in Baaskaal uu habeen habeennada ka mid ah, saqdii dhexe hurdada ka soo toosay isaga oo farxad iyo raynrayn dareemayaa. Hees buu qaaday, dhaantana wuu ciyaaray. Heesaha iyo dhaantadu gedihiisa kama ay mid ahayn. Waxyar kadibna dhowr eray buu warqad ku qoray. Erayadii uu habeenkaas warqadda ku qoray waxaa ka mid ahaa; Ilaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub;
Ilaaha Ciise,
Maya kan feylasuufyada iyo saynisyahannada.
Hubantidii, Hubantidii, waxaan dareemayaa farxad iyo nabad;
Aabbaha runta ahow (=Eebbaha runta ahow),
Dunidu kuma taqaan,
Laakiin anigu waan ku aqaan,
Farxad, farxad, farxad, illin farxadeed!
Sida la sheegay, kolkii waagu beryay wuxuu ahaa ruux cusub oo ka duwan kii uu horay u ahaan jirey. Dadkii yaqiin oo idilna waa ku diimeen. Wuxuu ku qancay in iimaanka qeybiyaadka aan lagu gaarin caqli iyo cilmi toona. Wuxuuna u jeestay xagga Alle, oo wuxuu noqday wadaad suufi ah oo dadka wacdiya.
Laakiin si ku lid ah doodda Baaskaal, kuwa inkirsan jiritaanka Alle waxay ku doodaan in ay ku dhaqmayaan waxa ay caqligooda ka helaan, naftooduna ay ku qanacdo, haddii ugu danbaynta ay caddaato in Eebbe uu jirana ay ku oranayaan: "Eebbaha wanaagsanow waa iga hoos baxday /Good God, I got it all wrong." Haddii uu wanaagsan yahayna, ay hubaal tahay in uu aqbalayo ilduufkooda. Qoladaani waxay qabaan in xalku uusan ku jirin in la isu badiyo dhanka jiritaanka Eebbe. Maxaa yeelay arrinku intaa kuma ekaanayo, ee waxaa bilaabanaysa dood hor leh oo ah: Waa kee ilaaha dhankiisa la isu badinayaa? Ma kan Buudadaa? Mise waa kan Hinduusta? mase waa kan Masiixida? Mase waa kan Muslimiinta? Mase waa kan Yahuudda? Ma jiraa halbeeg runnimadiisa la isku halayn karo oo lagu kala shaandhayn karo kumanyaalka ilaah ee diimaha faraha badani ay kala sheegaan? Maxaa dhacaya haddii ilaaha dhabta ahi uu noqdo mid aan ahayn kan aan sharadka ku galay ee ay sheegtay diinta aan ku abtirsado? Maxaa dhacaya haddii diimahaas middoodna aysan sax ahayn? Waa dood aan ka dhib yarayn midda ku saabsan jiritaanka Eebbe. Isku soo xooriyoo, jiritaanka Eebbe iyo jiritaan la'aantiisu ma aha wax caqli iyo cilmi lagu caddayn karo. Mulxidka iyo muuminka midkoodna ma heli karo karti uu dooddiisa dadka uga dhaadhiciyo ama uu xataa naftiisa si buuxda ugu qanciyo. Sababaha ilxaadka keenaana ka badan sabab keliya. Kooxdaan Paul Vitz uu ku tilmaamay in ay ahaayeen muuminiin iimaan suubbanna, badankooda iimaankoodu wuxuu la mid ahaa iimaankii Shiikh Fakhri Raasi. Sida la sheegay Fakhri Raasi goortii uu ka quustay ka gungaaridda ummuuraha qeybiyaatka ah, ayuu wuxuu ku alletuugay: "Ilaahow waxaan ku weydiistay iimaan la mid ah kan habraha Niisaabuur / اللهم إيمانا كإيمان عجائز نيسابور". Marka waxa tartamayaa ma aha iimaan caqli iyo cilmi ku dhisan iyo ilxaad, ee waa ilxaadka iyo iimaanka habraha. Midka qofku uu qaadanayana isaga ayay jirtaa. Kolleyba anigu waxaan isu buusayaa dhanka iimaanka abootooyinka.

Comments