Abu ina Aadan xaj iyo xaajo (Faallo filin)

Aadanaha garaadka lihi, meel walba oo uu dunida ka joogo iyo seben kasta oo uu noolaaba, wuxuu isweydiiyaa weydiimo waaweyn oo jiritaankiisa iyo gebi ahaan jiritaanka kownka ku saabsan. Anigu kumaan ahay? Halkee baan ka imid? Halkee baan ku danbayn? Maxay tahay ujeeddada noloshu?.

Weydiimahaani ma aha kuwo dadku ay u helaan jawaabo ay ku qancaan, oo laabtoodu ay si buuxda ugu xasisho. Waa weydiimo aan jawaab dhalin, balse weydiimo hor leh abuura. Abwaan Cabdi Aadan Xaad 'Cabdiqays' -oo malaha carrabka aadanaha oo idil ku hadlayaa- waa kii isweydiiyey su’aasha ah: Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?

Maalinta xanuunkiyo ... Xaqa mowdku soo galo

Xabaasha iyo iilkaan ... Kugu soo xasuustaa

Xiddigaha cirkee sare .... inaad xubin ka mida tahay

Inaad hoos u xulan tahay ... Dhulka xero ku leedahay

Maannu helin xogtaadee

Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?

Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa ?

Gabyaagii Hindiga ahaa ee Rabindranath Tagore (1861-1941) oo xanuunkii geerida sariir la saaran ayaa nin wuxuu ku yiri: "Waxaa kula gudboon in aad faraxdo, oo aad Eebbe u mahadnaqdo, waayo waxaad tahay maanso-yahanka ugu weyn ee abid dunida soo maray. Waxaad tirisay lix kun oo maanso; mana jirto cid kale oo tirisay maanso intaa tiro le'eg. Xataa Shelley oo loo arko in uu yahay gabyaaga ugu weyn reer Galbeedku wuxuu tiriyey labo kun oo maanso oo keliya. Waa xaqiiqo in aad adigu ugu weyn tahay!"

Laakiin indhaha Tagore ilmo ayaa ka qubatay. Ninkii waa fajacay; wuxuu garan waayey sababta Tagore uu la ilmaynayo, isaga oo yaabbanna wuxuu weydiiyey: "Maxaad la booyaysaa? Guullahaa ku xamdi! Nolosha ayuu kugu guuleeyey. Waxaad gaadhay dhammaan waxa qof doono in uu nolosha ka gaaro."

Tagore wuxuu ku jawaabay: "Waxba ma aannan xaqiijin! Lixda kun ee maanso waxay daliil u yihiin fashilkayga. Waxaan isku dayey in aan wax sheego, laakiin ma awoodin in aan sheego. Mar walba oo aan isku dayey, waan ku fashilmay. Mar, labo, saddex, ilaa lix kun oo jeer baan isku dayey in aan sheego, intabana waa ku guuldarraystay. Heestii aan u imid in aan qaado, weli la ma qaadin. Qabriga ayaan u qaadanayaa."

Tan iyo maanta, wixii dunida anbiyo, awliyo, abwaanno iyo falaasifo soo maray, mid walbaa wuxuu god galay isaga oo aan qaadin heestii uu damacsanaa in uu qaado. Mid kastaa wuxuu xijaabtay isaga oo aan si buuxda u caddayn waxa runtu tahay. Aakhiro dhankayga naga xigtana waa weydiin weli taagan. Laakiin iyada oo ay taasi jirto, ayaa haddana weydiin kale waxay leedahay: xaqiiqada iyo khayaalka kee baa la qaataa?

Sidaan maqaalkii hore ku soo xusnay, diimaha oo dhammi waxay siyaabo kala geddisan nolosha ugu macneeyaan in ay tahay sadcaal ama xaj loogu baxo sidii loo gaari lahaa kaamil noqosho, yoolka ugu danbeeya ee la higsanayaa uu yahay Janno. Jiritaanka qofka aadanaha ahi wuxuu maraa saddex marxaladood oo kala ah; dhalasho, dhimasho iyo soo noqosho. Si taa la mid ahna, sadcaalka xajku wuxuu maraa saddex marxaladood oo kala ah; bixid, gaarid iyo soo noqosho. Waxaa la rumaysan yahay in saddexda marxalood ee xajka iyo kuwa noloshaba ay ugu muhiimsan tahay marxaladda saddexaaad ee noqoshadu. Marxaladda noqoshadu waa marka la goosto miraha sadcaalka xajka iyo nolosha.

Gabyaagii Turkiga ahaa ee Maxamed Caakif Ersoy (1873-1936) oo lagu tilmaamay in uu yahay ruuxa ugu saamaynta badan madaxweynaha hadda ee dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan, maansooyinkiisa middood wuxuu ku xusay dhacdo uu sidaan u wariyey:

"Maalin baa quraanjo lugaynaysa waxaa la weydiiyey: 'Halkee baad u socotaa?'"

Waxay tiri: "Xajkii baan u jeedaa"

Waxaa lagu yiri: "Oo ma lugo xaj ku geeya baa kugu yaal, miyaadan ogayn tabar yaridaada?"

Waxay tiri: "Ma moogi tabardarrida lugahayga, laakiin xataa haddii lugahaygu aysan guriga Alle i gaarsiin karin, waxaan doonayaa in aan dhinto aniga oo dhankiisa u jeeda."

Dadka xajiya waxaa wada isla hilowga iyo maxabbada quraanjadaas dhaqaajinaya. Waxay doonayaan in ay fahmaan macnaha nolosha. Waxay qabaan baahi ruuxi ah. Waxay ka jawaabayaan aayadda quraanka ah ee ugu baaqaysa: War dhanka Alle u carara (=ففروا إلى هللا).

Si kastaba ha ahaatee, filinkaan lagu magacaabo "Abu ina Aadan" (Adaminte Makan Abu/ Adam's son Abu), wuxuu ka warramayaa lammaane da' iyo saboolnimo isu biirsadeen oo ku nool gobolka Kerala ee dalka Hindiya, oo sidoo kale lagu magacaabo "Dhulka Eebbe qudhiisu uu leeyahay/ God's Own Country". Waa lammaane halgan ugu jira sidii ay uga dhabayn lahaayeen himilo ay weligood qabeen oo darteed rubiyaddii ay helaanba ay santuukh ugu ridi jireen. Waa himilo ah in ay mar Maka iyo Madiina xaj u tagaan, qabriga nebigana (scw) ay soo booqdaan.

Abu waa 70 jir ay noloshiisu ku tiirsan tahay kutub diini ah, tusbax iyo qaaruurado cadar ah oo uu suuqyada iyo xaafadaha kula wareego. Abu iyo afadiisa Caasho waxay go'aansadeen in ay ka mid noqdaan dadka dabshidka xajka aadaya. Maaddaama,ay yihiin Muslimiin diintooda daacad u ahna waxay doonayaan in ay ku xajiyaan xoolo xalaal ah oo waafaqsan sida diinta lagu sheegay.

Dad wanaagsan oo xog ogaal u ah dabcigooda iyo duruuftooda ayaa isku dayaya in ay dhaqaale ku caawiyaan, laakiin maadaama arrinkaasi uu khilaafsan yahay waxa kutubta ku qoran, ma yeelayaan in ay cidna dhaqaale ka qaataan.

Abu iyo Caasho waa waayeel aan nolosha casriga ah wax badan kala socon, tillaabo walba oo ay qaadaanna waxay la kulmayaan caqabado cusub oo aan xisaabta ugu jirin (=Kameerada sawir qaadaha, baasaboor, warqado xafiiseed, laaluush iyo ummuuro kale). Ugu danbaynta, sannadkaas xajka way ka baaqanayaan, Abuna afadiisa wuxuu u sheegayaa in haddii loo qoray, isla markaana ay guntiga naysha isaga dhigaan ay dabshidka danbe xajka tegi doonaan.

Farriimaha waaweyn ee filinku xanbaarsan yahay waxaa ka mid ah in aadanuhu si ay isu jeclaadaan aysan u baahnayn in ay isku diin noqdaan. Caqiido iyo diin kastaa waxay sheegaysaa in dadka oo dhammi ay is jeclaadaan iyo xataa in noole kastaa uu leeyahay naf ay waajib tahay in la ilaaliyo. Filinka waxaan ku arkaynaa dad kala diin ah, oo haddana ah asxaab, deris iyo ehel is jecel. Waxaa kale oo aan filinka ku arkaynaa Abu iyo Caasho oo la murugaysan labo sac iyo geed ay lahaayeen oo ay u iibiyeen si ay ugu biiriyaan kharashka xajkoodu uu u baahan yahay. Agtooda lo'da iyo dhirtu waa gacal leh xurmo ay tahay in la ilaaliyo. Caasho iyada oo ilmaynaysa ayay tilmaan ka bixinaysaa labadeeda sac, waxayna leedahay: "Abidkay ulama dhaqmin sidii in ay duunyo yihiin oo keliya. Waxay ahaayeen wehel aan la sheekaysto marka aan cidloodo." Abu dhankiisa wuxuu Caasho ku leeyahay: "Waxaa dhici karta in sababta aan sannadka xajka uga baaqannay ay tahay geedkii aan goynay oo Eebbe uusan ka raalli ahayn. Wuxuu ahaa abuur sideenna oo kale naf u leh."

Farriimaha kale ee filinka laga qaadanayo waxaa ka mid ah in furaha diimuhu uusan ku jirin gacanta Ilaaha ay caabudaan dadka diintaas haystaa, balse uu ku jiro gacanta dadka diinta rumaysan. Dadku waxay awoodaan in ay diinta u macneeyaan hadba si waafaqsan falsafadda ay ka haystaan adduun iyo aakhiro. Diintuna waxay macaan iyo qurux yeelataa marka falsafadda dadka haystaa ay noqoto mid ku salaysan farxad, jacayl, nabad iyo sinnaanta aadanaha oo idil -kuwa diintaas haysta iyo kuwa aan haysan labadaba.

Filinku wuxuu si dadban noo barayaa in jacaylka, naxariista iyo cafintu ay yihiin nuxurka diimaha loogu xisho. Dhanka kale, filinku wuxuu si fudud u tilmaamay falalka argagixisada iyo islaam-nacaybka (=Islamophobia), oo filinka waxaan ku arkaynaa muuqaal la isweydiinayo halka Abu uu ka keenay lacagta uu ku xajinayo, jawaabta la bixinayaana ay tahay: "Usaama bin Laadin baa jeeg u qoray".

Ruux walba, si kasta oo da'diisu u weynaato, wuxuu leeyahay wuxuun dabci dhallaannimo ah, oo gebi ahaan dabciga carruurnimada lagama duqoobo. Meelaha filinku ka muujinayo dabciga carruurimada cirroolahana waxaa ka mid ah farxadda Abu iyo xaaskiisu ay dareemayaan marka ay helaan baasaboorka ay damacsan yihiin in ay xajka ku aadaan. Saacado badan bay ku dhuminayaan daawashada iyo rogrogidda baasaboorrada. Abu kolka uu daawado sawirka xaaskiisa ee baasaboorka ku dheggan, farxad baa saaqaysa, wuxuuna u sheegayaa in sawirkeedu uu qurux badan yahay, Caashana dharbaaxo gacal-cun ah bay aayar ugu dhufanaysaa. Shaki la'aan, waa muuqaal ay daawadayaal badani u riyaaqayaan. Muuqaallada kale ee dareenka daawadaha dhaqaajinaya waxaa ka mid ah muuqaalka habeenka Abu iyo Caasho ay ku dhafrayaan tirinta lacagta santuukha kaydka.

Maahmaah caan ah oo Carabtu - gaar ahaan Sacuudidu- ay adeegsadaan baa waxay tiraahdaa: "Xaj iyo tusbax iibin /حج وبيع سبح ". Waxay kaloo yiraahdaan: "Xajku waa xaj iyo xaajo", oo ay ka wadan xajku wuxuu isugu jiraa cibaado iyo danaysi adduunyo (=Dhaqaale, dhaqan, siyaasad, iqk). Aayadda quraanka ah ee xajka ka hadlaysaana waa tan xujeyda ku oranaysa: "Eed kuma lihidin in dheeraadka Rabbigiin (=ganacsi) aad raadsataan /ليس عليكم جناح أن تبتغوا فضال من ربكم". Filinkana waxaan ku arkaynaa xaaji Hindi ah oo oranaya marar badan baan horay u xajiyey, laakiin kalkaan waxaan xajka ugu socdaa si aan Sacuudiga badeeco uga soo iibsado, waayo waxaan rabaa in aan ka faa'iideysto canshuur dhaafka xukuumaddu ay xujeyda u samayso.

Isku soo duuboo, filinku wuxuu ku guulaystay in uu si cuddoon u soo bandhigo ahmiyadda xajku u leeyahay mu'miniinta daacadda ah iyo waxa ay ka dhigan tahay in qofku uu xaj aado. Waa hubaal, in qofka ka warhaya hilowga dadka diimuhu ay u qabaan booqashada xarumaha diimahoodu, uusan ka qoomamayn doonin daqiiqadaha uga dhumaya daawashada filinkaan.

Comments