Afrika Maxay ku Galabsatay in Gumeystayaashu ku Wiirsadaan

Waddamada Carabta gudahooda, marka laga hadlayo buugta ku qoran Af-carbeedka, waxaa jirta oraah caan ah oo tiraahda ‘buugga carabiga ah waxaa lagu qoraa Qaahira, waxaana lagu daabacaa Beyruut, waxaana lagu akhriyaa Baqdaad iyo Khartuum.’
Inkasta oo xaaladda ay hadda wax badani iska baddaleen, haddana Suudaanta waxa lagu sheegi jirey in ay yihiin dad aan wax qorin asii akhriska iyo doodaha ku wanaagsan. Waxaa kale oo la sheegi jirey in dhigaallada dadyowga shisheeya ay ka qoraan Suudaanta iyo dhulkoodu ay ka badan yihiin kuwa Suudaantu ay ka qoreen dalkooda iyo dadkooda -arrinkaas oo la hubo in Soomaaliduna ay kala mid ahaayeen, haddiiba aan la oran way ka darnaayeen, oo qoraalka Suudaanta waan kaga liidannay.
Dadka shisheeyaha ah ee dadka iyo dalka Suudaan wax ka qoray waxaa ka mid ah nin Ingiriis ahaa oo la oran jirey Henry Cecil Jackson (1883-1962). Jackson oo ka mid ahaa saraakiishii gumeystaha Ingiriiska wakiilka uga ahaa carriga Suudaan, muddo 24 sano oo xiriir ah (1907-1931) buu ka mid ahaa saraakiishii ugu sarraysay ee Suudaan xukumi jirey. Muddadaas uu dhulkaas ku sugnaa waxa uu tagay deegaannada dhulka Suudaan uu ka kooban yahay badankooda, haddiiba aan la oran kulligood. Wuxuuna u kuurgalay dabeecadaha dadka iyo dalka Suudaan. Dabadeedna waxa uu ka diyaariyey dhigaallo badan oo ay ka mid yihiin buug uu u bixiyey “Waxa Ka Gadaaleeya Suudaanta Cusub /Behind the Modern Sudan /ما وراء السودان الحديث” oo la daabacay dabshidkii 1955, iyo mid kale oo lagu magacaabo “Suudaan: Maalmo iyo Caadooyin /Sudan: Days and Ways /السودان: أيام وعادات”, oo isagana la faafiyey 1953.
Labada buugba, ummuuraha faraha badan ee uu uga warramayo waxaa ka mid ah dib- u-dhacii iyo nabadgelyo xumadii ka jirtey dhulka Suudaan wixii ka horreeyey markii gumeystaha Ingiriisku ay halkaas tageen iyo hawlihii badnaa ee ay ka qabteen dhinacyada nabadgelyada iyo mashaariicda horumarinta bulshada sida nabadgelyada, garsoorka, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iqk.
In gumeystayaashu ay ka hadlaan waxtarka gumeysiguna ma aha wax lala yaabo. Waayo, gumeystayaashu goor kasta iyo meel walba waxay ku andacoodaan in sababta ay ugu soo duuleen dadyowga ay gumeystaan ay tahay in ay doonayaan in dadyowga dugaagga ah ay ilbixiyaan, oo aqoon iyo horumar ay ugu deeqaan. Arrinkaan oo marka mowduuca suugaanta gumeysiga laga hadlayo loo yaqaan eraybixinta “Culuubta ninka cad /the white man’s burde /عبء الرجل األبيض”.
Si kastaba ha ahaatee, buugga ‘Waxa ka Gadaaleeya Suudaanta Cusub’, qoraagu marka uu ka hadlayo nabadgelyo xumadii dhulkaas ka jirtey iyo waxa maamulkii Ingiriisku ay ka qabteen, waxa uu xusayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu safarradiisa midkood kula kulmay nin u dhashay qabiilka Fulaata. Waa nin ruuxa muuqaalkiisa arkaa uu durba dhayalsanayo, laakiin ruuxa qofnimadiisa bartaa uu si weyn u qaddarinayo. Waa nin gaaban, oo caato ah, oo saboolnimo ba’ani ay ka muuqato. Laakiin dhanka kale, waa nin leh hal hadaf oo uu doonayo inuu ka dhabeeyo inta uu noolyahay ee naftu ay ku jirto.
Waa hadaf ama himilo ah inuu mar guto xajka islaamka, oo uu gaaro dhulalka barakaysan ee Maka iyo Madiina. Waxa uu damacsan yahay inuu galo safar kumanyaal kiilomitir ah isaga oo aan sidan sahay ku filan, oo aalaaba sahayda uu heli karaa beridhaxmo kama badna. Waxaana caado u ah in marka uu deegaan cusub tagaba uu raadsado meel uu maalmo ama bilo kooban ka shaqeeyo si uu uga helo jidmar uu sadcaalka ku sii wato. Waxa kale oo caawiya martisoorka Muslimiinta -siiba Suudaantu- ay ku sheeggan yihiin.
Henry C. Jackson marka uu xaaladda ninkaas ka warbixiyo kaddib, waxa uu faallada ku darayaa in uu isweydiiyo: Wadeygeenna Fulaatiga ahi nabad iyo amni ayuu hadda carrigiisa ku marayaa, laakiin wixii hadda ka horreeyey –(imaanshaha gumeysiga Ingiriiska)- suurogal ma ahayd inuu cabsi la’aan dhulka ku maro? Isaga oo isu jawaabayana waxa uu leeyahay: Socdaalka noocaan ahi sannado yar ka hor waxa uu ahaa qar iska xoornimo ay tillaabo kasta halisi ku hareeraysan tahay. Wuxuu halis ugu jirey inuu u dhinto gaajo iyo harraad, inuu ku dhaco xanuunka hurdada ee laga qaado qaniinyada diqsiga TisiTisi (Tsetse fly), in lagu dilo dagaallada qabiilooyinka ka dhex aloosan, iyo in ay helaan kuwa hilibka dadka cuna -waa sidii ay isaga la ahayde. Intaa
waxaa dheer, in xaajigu kolka uu soo gaaro gudaha Suudaan uu saacad walba khatar ugu jiro afduubka kuwa addoonta ka ganacsada, kuwaas oo dhulkaan ka geysan jirey falal cabsi iyo argagax leh.
Intaas dabadeed, qoraagaan Ingiriiska ahaa hadalkiisa waxa uu ku soo gunaanaday inuu yiri: “Markaan xaajigaan la kulmay kaddib, waxaan isweydiiyey, welina aan isweydiiyaa: ilaa iyo goorma ayaa nabaddaani sii jiraysaa kolka Biritan ay shanta kala baxdo afaaraha dhulkaan?!” intaas waxa uu sii raaciyey in uu yiri:
“Afrika iyo Biritan waa isu baahan yihiin, oo qoloba tan kale waxa ay siin kartaa wax ay u baahan tahay… Afrika carradeeda dihin waxay ku mutaysan kartaa in aan u hibeyno in aan ku baraarujinno boholyowga dadkeedu ay u qabaan waxyaabaha aan sida weyn u qiimayno ee ah xorriyadda ruuxda, iyo ixtiraamka xuquuqda iyo shakhsiyadda dadka… Si kasta oo xaalka timaaddadu ay noqoto iyo wax kasta oo la soo dersa aqoonyahannada Muslimiinta ah ee Waqooyiga Suudaan, qaar badani waxa ay aamminsan yihiin in beelaha bidaa’iga ah ee Koonfurtu -Masiixiyiinta, cawaanta iyo kuwa arwaaxda caabudaa- aysan sanooyin badan oo soo socda dalban doonin wax dhaafsiisan xukuumad wanaagsan oo musuqmaasuq ka maran. Waxa qura ee ay ka sugayaan waa in la helo dowlad ka shaqaysa sidii ay uga ilaalin lahayd dulmiga, duudsiga, cabsida, abaaraha iyo cudurrada, una horumarisa dalagyadooda iyo xoolahooda, taas oo u fudaynaysa in ay ku noolaadaan nolol sahlan, oo nabad iyo xasillooni ay ku jirto.”
Docda kale, isla ninkaani buuggiisa kale ee ‘Suudaan: Maalmo iyo Caadooyin’, cutubka ugu danbeeya oo uu cinwaan uga dhigay ‘Sagootin ama macasalaamayn/Farewell’, waxa uu uga warramayaa sidii loo sagootiyey maalinkii ugu danbeeyey ee uu Suudaan ka anbabaxayey, iyo sida dareenkiisu uu ahaa, iyo waxa maskaxdiisa ku soo dhacayey. Wuxuuna xusayaa in markii markabkii qaaday uu cabbaar socday, isaga oo dhegaha u raaricinaya muusig Suudaani ah oo nin la socday uu tumayey, uu dib u daymooday dhulkii uu aadka u jeclaa joogiddiisa, intii uu daawanayeyna su’aalaha maankiisa ku soo dhacay waxaa ka mid ah mid uu isku weydiiyey:
“Haddii madaxda Suudaan ee mustaqbalka dhow xilalka waaweyn loo dhiibi doonaa, aysan awoodda xukunka u adeegsan sidii ay naftooda ku hodmin lahaayeen, ee ay u adeegsadaan sidii bulshadoodu ay baraare ku gaari lahayd. Nafhuriddii facyaasha hore looma arki doono wax macne la’aan ku dhumay.”
Akhristow, maanta waa sidee xaaladda dalka Suudaan? Waa sidee xaalka Soomaaliya? Guud ahaan, waa sidee xaalka Afrika? Madaxda Afrika -oo kuweennu ugu horreeyaan- xilalka dowladda ma dadweynaha ayay ugu adeegaan mase iyaga ayaa ku danaysta, oo xafiiska dowladda ka dhigta sida shirkad ay gaar u leeyihiin? Ninkaan gumeystaha ahaa oo hadda mootan iyo caddaan kale oo badani miyeysan xaq u lahayn in ay ku tookhaan: Baga! Waan ogayn in madwogu aysan lahayn caqli, aqoon, karti iyo garsoor ay isku maamulaan? Miyaan maanta Soomaalida qaarkeed iyo Afrikaan kaleba aysan ku calaacalin in gumeystayaashu ay geyigooda ka tageen waqti hore, iyadoo aan weli loo bislaan xorriyadda iyo dowladnimada? Maxaa keenay in dad miyir qabaa ay gumeysi miciin bidaan? Goorma ayaa gumeysi ka shaqeeyey danaha la’gumeystaha?!!!
Marka laga hadlayo mawduucyada waddaniyadda iyo ummadnimada, aqoonyahannada qaarkood waxay xusaan in dunida maanta lagu noolyahay ee gaadiidka iyo isgaarsiinta casriga ahi ay isu soo dhaweeyeen, ee lagu tilmaamo inay noqotay tuulo yar (=global village), ay dabaqadda ladan ee maalqabeenka ahi si sahlan ku dhumiso dareenka dal iyo ummad jacaylka. Taana waxaa ugu wacan in xubnaha dabaqaddaan ay ku beeranto kalsooni ah in adduunka oo idil meesha ay doonaan ay kaga noolaan karaan, taasina ay dhaxalsiiso in ugu yaraan ay qayb ahaan dhumiyaan gacalada dalka hooyo. Agtooda waxaa ku qiimo beesha murtida caanka ah ee tiraahda: “Bari iyo bogax midka aad tagtaba lamahuraan waa dhulka hooyo/ East or West, home is the best.”
Soomaaliga asalba reerguuraga ah ee dhulka ku qiimeeya biyaha iyo baadka maalinkaas laga helo, kuma sii jiro oo hadba meeshii maalinkaas cagaaran buu si sahlan waddan uga dhigtaa.
Sheekaba sheekay keentaaye, dabayaaqadii toddobaatanaadkii iyo bilowgii siddeetanaadkii qarnigii laga soo gudbay, magaalada Kismaayo waxaa ku noolaa nin ka mid ahaa ragga sabta ama allabariyada wiidaysta. Ninkaas waxaa halkudheg u ahaa in marka qof ka soo hor baxo -gaar ahaan wiilasha barbaarta ah- uu ku yiraahdo: “Halaguu duceeyee ii sheeg meel daruuri ka curatay.” Waxaana xusid mudan, in waayahaas xafladaha iyo allabariyada lagu casumi jirey deriska iyo asxaabta, halka hadda tolka looga yeero.
Yeelkadeede, oraah caan ah oo loo tiiriyo Madaxweynaha dalka Ruushka Mudane Falaadamiir Buutin baa waxay oranaysaa: “Madaxda Afrikaanka ahi Afrika waxay u arkaan sidii in ay tahay xabaal la isku aaso oo keliya. Waayo, madaxdu xoolaha ay dalkood ka dhacaan bay dibadaha geystaan, marka xilku ka dhammaado ama la inqilaabana waxay degaan waddamo shisheeye jeer tii Alle u timaaddo oo ay u guuraan aakhiro iyo xaggii loo badnaa. Markaas baa meydkooda dalka dib loogu soo celiyaa, si aas qaran loogu sameeyo, maalmana loo ammaano. Sheekaa magaceedu ahaa: ‘Xaajaba la yaab lehe, bal aan qodo xabaalah!’
Rabbi yasir walaa tucasir!

Comments