Boorkhees iyo uumanka male'awaalka ah

Boorkhees oo caadadiisu ay ahayd in uu isku si ula dhaqmo xaqiiqada iyo male'awaalka, hordhaca buugga wuxuu ku leeyahay: 'Ma naqaan waxaa mas-duulaagu uu yahay, si la mid ah sida aynaan u aqoon waxa koonku uu yahay.' Sidaa darteed, looma baahna in lala yaabo uumankaan male'awaalka ah.

Boorkhees iyo uumanka male'awaalka ah

"Had iyo goor, waxaan suuraystaa in jannadu ay maktabad noqon doonto."

*~ Jorge Luis Borges. *

Qoraagii Arjantiiniga ahaa ee Koorkhee Luwis Boorkhees (1899-1986), erayada laga guntay ee uu ku celcelin jirey waxaa ka mid ah:

"Akhriska iyo qoraalka dhanka farxadda ayaan ka eegaa. Haddii aadan farxad dareemin marka aad wax akhrinayso ama aad wax qorayso maxaad qabatay? Haddii dareenkaagu uusan kacsanayn kolka aad wax akhrinayso ama aad wax qorayso, dhab ahaantii akhris iyo qoraal toona ma aad samayn." Wuxuu kaloo yiri: ""Asal ahaan, waxaan isu haystaa in aan ahay akhriste. Sida aad ka warqabtaan, waxaan isku biimeeyey qoraalka, laakiin waxaan filayaa in waxa aan akhriyay ay aad ugu muhiimsan yihiin waxa aan qoray. Ruuxu wuxuu akhriyaa waxa uu jecel yahay -laakiin qofku ma qoro waxa uu doonayo in uu qoro, balse wuxuu qoraa inta itaalkiisu uu yahay." Iyo weliba in uu nagula taliyay: "Ha akhrin buug aadan ku raaxaysanayn. Buugga haddii aadan jeclaysan, waxaa fiican in aad waqti kale u dib dhigato. In aad dirqi ku akhrisaa buugga, qoraaga iyo adiga midkiinna uma wanaagsana."

Jorge Luis Borges - oo magaciisa loogu dhawaaqo 'Khoorkhee Luwis Boorkhees- waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay suugaanyahannada Laatiin Ameerika iyo guud ahaan dadka afka Isbaanishka wax ku qoray kuwooda ugu mudan. Wuxuu caan ku ahaa qoridda sheekada gaaban, maqaalaadka iyo tirinta gabayada. Wuxuu aamminsanaa in aqoonta iyo suugaantu ay yihiin xusuus iyo dhaxal aadanuhu uu wadaago, oo ay ceeb tahay in la yiraahdo suugaanta qolo heblaayo ama waddan hebel. Wuxuu yiri: "Ma hubo anigu in aan jiro iyo in kale, anigu waxaan ahay dhammaan qoraayaashii aan dhigaalladooda akhriyey, iyo idil ahan dadkii aan la kulmay, iyo wadar ahaan haweenkii aan jeclaaday, iyo gebi ahaan magaalooyinkii aan booqday." Wuxuuna sheegay in buugga noloshiisa ugu saamaynta badnaa uu yahay sheekada "Kun Habeen iyo Habeen /ألف ليلة وليلة".

Mawduucyada aalaaba dhigaalladiisu ay ku wareegaan waa afka, buugta, dabeecadda, dhaqanka, diinta, falsafadda, jacaylka, siyaasadda iyo guud ahaan macnaha nolosha.

Boorkhees wuxuu ku dooday: "Xaqiiqada si fudud baan ku yeelnaa, waxaana laga yaabaa in sababtu ay tahay in aan dareemayno in aysan jirin wax xaqiiqo ahi /We accept reality so readily, perhaps because we sense that nothing is real.” Tusaale ahaan, sheeko gaaban oo lagu magacaabo "Kan Kale " (=The Other /اآلخر) oo uu qoray dabshidkii 1972, wuxuu kaga sheekeeyey kulan dhexmaray isaga oo weyn iyo isaga oo yar. Isaga oo weyn buu maalin wuxuu la kulmay isla isaga oo yar. Waxay ku fariisteen kursi ku yiil beer dhexdeed oo ay isku waraysteen. Borges-ka weynina kan yar wuxuu uga warramay waxa uu la kulmi doono marka uu weynaado. Lama yaqaan in dhacdadaas la yaabka lihi ay dhab ahaan u dhacday iyo in ay ahayd riyo keliya. Laakiin haddii ay riyo ahayd labadooda kee baa riyoonayey? Riyada iyo xaqiiqaduse maxay ku kala duwan yihiin? (=Borges wuxuu leeyahay sheeko kale oo lagu magacaabo "Borges iyo aniga /Borges and I" oo uu uga hadlay qofka iyo nafta, dhammaadkeedana uu isku weydiinayo isaga iyo Borges kale midka sheekada qoray?).

Boorkhees wuxuu ku sheegganaa khayaal aad u sarreeya oo uu sawir iyo saadaalin uga bixiyo maqanaha iyo waxa samada ka sarreeya. Taasina la yaab ma leh, oo tan iyo dhallaannimadiisii ayuu wuxuu saaxiib lahaa buug ay ka mid yihiin "Kun habeen iyo habeen" iyo "Shirkii shimbiraha" (=The Conference of the Birds /منطق الطير) ee suufigii Fariidudiin al-Cataar oo uu ku duulo shinbirkiisa cajaa'ibta badan ee Simurug (=السيمرغ أو العنقاء). Tusaale ahaan, Boorkhees wuxuu na weydiiyey su'aal oranaysa: Bal ka warran haddii uu kuu yimaado qof doonaya in uu kaa iibiyo buug baalashiisu aysan dhammaad lahayn, xaashidii aad mar rogtana aadan abidkaa dib dambe u arkayn middii iyada ka horraysay? Ma iibsan lahayd buuggaas mise waad ka biqi lahayd haysashada buugga caynkaas ah? Xaaladda su'aashaani waxay qabsanaysaa ninka ay ku socoto sheekada "Buugga Cammuudda /The Book of Sand" ee Boorkhees uu qoray. Jilaagu wuxuu ka tanaasulayaa buugtiisa midka ugu naadirsan ee uu ugu jecel yahay si uu u hanto buuggaas cajaa'ibta leh. Laakiin weydiintu waxay tahay: Muxuu ku qabanayaa buuggaas? Sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinka Boorkhees kuwa ugu caansan waxaa la yiraahdo "Maktabaddii Babel" (=The Library of Babel /مكتبة بابل). Waa maktabad ay yaallaan dhammaan wixii aadanuhu ay weligood qoreen iyo waxa ay mustaqbalka qori doonaan. Waxaa yaal dhigaallo laga qoray wax walba oo ruux aadami uu maalin ku fekeray iyo wixii uusan ku fekerin. Maktabadda noocaan ahi dhib iyo dheef kee bay aadanaha u leedahay?

Boorkhees ma jeclayn qoridda riwaayadaha ama sheekooyinka dhaadheer (=novel). Sababtana wuxuu ku sheegay in qoraaga sheekada gaabani uu si toos ah u abbaaro ulajeeddadiisa, halka sheekada dheeri ay ka tahay isla sheekadii gaabnayn oo lagu daray erayo siyaado ah sida; koob, shaah, koofiyad, gaari, gabar, xammuurad (=rooseeto) iyo kuwo kale, hadafkuna waa un sidii lagu badin lahaa warqadaha oo kaliya. In la qoro buug weyn oo shan boqol oo xaashiyood ahi waa nooc waalida ka mid ah, ayuu ku dooday.

Sannadkii 1955, Boorkhees oo dhakhaatiirtu ay u sheegeen in araggiisu uu aad u liito, dhawaanna gebi ahaanba uu aragga beeli doono, ayaa waxaa loo magacaabay maamulaha maktabadda qaranka ee dalka Arjantiin oo ay yaalleen buug sagaal boqol oo kun kor u dhaaftay. Munaasabaddaasna wuxuu ka tiriyey maanso uu ku yiri: La yaabka Eebbe waxaa ka mid ah in uu mar qura i siiyey buug iyo indhola'aan (=God, who with such splendid irony /granted me books and blindness at one touch).

Boorges oo diimaha iyo maqanta (=Alle, aakhiro, jannada iyo naarta) ka hadli jirey, dadku waxay ku murmaan mu'min iyo mulxid midka uu ahaa. Hase ahaatee, isagu wuxuu sheegay in aysan jirin diin gaar ah oo uu haysto, Eebbana uu aad isu beddelo, uusanna jeclayn in uu hal sawir Eebbe ka haysto. Wuxuu ku celcelin jirey oraah uu leeyahay Bernard Shaw oo tiraahda: ”Eebbe suubbin baa ku socda /God is in the making.” Wuxuu kaloo yiri: Eebbe haddii uu yahay dareen nagu jira oo samaha nagu bixiya, waan rumaysnahay. Haddiise loo haysto in uu yahay wax naga baxsan oo meel kale naga daawanaya, amarna naga siinayaa, markaa maya, ma rumayn karo. Waxaa kale oo uu oran jirey: "Dadka Arjantiinidu waa Katoolig muuminiin ah mase ay dareemaan, anigu mu'min ma ahi waanse dareemaa." Wuxuu xiisayn jirey diinta Buudiyada, suufiyada islaamka iyo suufiyada yahuudda ee loo yaqaan 'Kabalada'.

Borkhees wuxuu aamminsanaa in buugga baybalku uusan ahayn buug hal qof uu qoray ama xataa hal xilli la qoray. Wuxuu ku dooday in uu yahay maktab iskeed u taagan oo boqollaal sano dad kala geddisani ay ka qaybqaateen qoriddiisa. Sidaa darteed, dhib uma uusan arkayn in baybalka wax lagu daro ama wax laga beddelo. Matalan baybalku wuxuu dhigayaa in Ciise uu yiri: "Walxaha barakaysan eeyda ha siin, luulkaagana ha warin doofaarrada hortooda / Do not give that which is holy to the dogs, nor cast your pearls before the swine." Oraahdaan waxaa lagu macneeyaa in cidna aan la siin wax aysan istaahilin.

Laakiin si taa ku lid ah, Boorkhees meerisyo gabayadiisa ka mid ah wuxuu ku leeyahay: "Waxa barakaysan sii eeyda, luulkaaga ku tuur doofaarka hortiisa; muhiimmaddu waa in wax la bixiyo." Deeqsiga dhabta ahi ma daneeyo waxa uu bixinayo iyo cidda uu siinayo, waxa agtiisa qiimaha ka lihi waa bixinta qudheeda.

God is more generous than men and will measure them by a different standard.

Give what is holy to dogs, cast your pearls before swine; the important thing is to give.

Do not judge the tree by its fruits nor the man by his works; they may be worse or better.

Nothing is built on stone, everything on sand, but our duty is to build as if sand were stone…

Happy are the poor without bitterness and the rich without pride.

Happy are the brave, who accept applause or defeat in the same spirit.

Sida dhabta ah, fikradda Boorkhees ee ku aaddan baybalku ma aha mid buuggaas ku goonni ah, ee waxaa la wadaaga buugta diimaha kala duwan muqaddaska u ah badankooda. Maxaa yeelay, buugtaasi ma aha kuwo ay qoreen ragga loogu abtiriyaa, balse geeridoodii ka dib baa xusuusta laga qoray. Xusuustuna ma aha mid runnimadeeda la isku hallayn karo. Tusaale ahaan, saxaabadii nebiga la noolaa siyaabo kala geddisan bay aayadaha quraanka u akhrin jireen. Taas oo ay ugu wacnayd in ka hor intii aan Cusmaan bin Cafaan Muslimiinta halka buug ku khasbin, quraanka afka la isugu gudbin jirey.

Saxaabadii nebiga quraanka ka maqlayna xusuustoodu isku si uma ay qaban aayadaha quraanka ah, ee siyaabo kala geddisan bay u akhrin jireen. Taa waxaa weheliya, in culumadii Islaamka ee hore ay ka hadleen wax loogu yeero aayadihii quraanka ee la hilmaamay. Culumadaani waxay ka hadlaan aayado quraan ah oo nebiga iyo saxaabadu ay akhriyeen, laakiin hadda aan ku jirin musxafka quraanka ee aan haysanno iyo weliba aayado loo akhrin jirey si ka duwan sida aan annagu hadda u akhrinno. Tusaale ahaan, Jalaaludiin Siyuuti buuggiisa "al-Durr al- manthur /الد ّر المنثور", wuxuu ku xusay in musxafkii Ubaya bin Kacab ay ku jirtey aayad oranaysa: " اللهم إ ّنا نستعينك ونستغفرك، ونثني عليك الخير، وال نكفرك، ونخلع ونترك من يفجرك". Erayadaan muslimiintu hadda waxay u haystaan in ay yihiin duco keliya, laakiin uma haystaan in asal ahaan ay quraanka ka mid ahaayeen. Waxaa kaloo la wariyaa in Cumar bin Khaddaab uu saxaabigii Cabdiraxmaan bin Coof weydiiyey: War miyeynaan akhrin jirin aayad sidaas oranaysa? Cabdiraxmaanna uu ugu jawaabay: Aayaddaas "waxaa lala tuuray quraankii la tuuray /أسقطت في ما أسقط من القرآن".

Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa in uu sheegay in ay jiraan aayado quraan ah oo uu illoobey. Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in nebigu uu mar maqlay nin saxaabada ka mid ahaa oo quraan akhrinaya, kolkaasna uu yiri: "Allaha u naxariistee wuxuu i xasuusiyey aayaddii heblo ahayd oo ku jirtey suurad heblo oo la i hilmaansiiyey /هُُمَي ْرَحَح ُ ْنأ ُ ْنك ُة َل َق ْد َأْذْذَكَك َر ِني َكَكَذَذا َوَكَكَذَذا آ َي ًا لُهَّلُهَّل". Quraankuna wuxuu si cad u و َرِةِة َكَكَذَذا َوَكَكَذَذاسَها ِم ْن ُتِسي sheegay in nebigu illoobay ama la illowsiiyey wax ka mid ah waxyiga, oo bilmatal aayad quraan ah oo nebiga la hadlaysa baa waxay leedahay: "Waan kuu akhrinaynaa [=quraanka], mana aad hilmaamaysid wixii Eebbe uu doono mooyee ... / َك فالئْق ِر ُُنَس ا ْل َج ْه َر َو َما َي ْخ َفىم َي ْع َل ُهُُن؛ ِإ َّا لُهُهَّل َتَت ْن". Isku soo xooriyoo, haddii Cusmaan uusan َس ى، إال َما َشَش ا َء saxaabada ku khasbin lahayn quraan hal musxaf ah, oo boqol sano oo kale quraanka afka la isagu tebin lahaa, maanta waxaan haysan lahayn quraan si buuxa uga duwan midka aan hadda haysanno. Waayo? Nebiga oo nool baa quraanka siyaabo kala duwan loo akhriyey, ee maxaad mooddaa haddii boqol sano iyo ka badan ay ka soo wareeg lahaayeen isaga oo aan hal qaab u qornayn.

Dabshidkii 1951, koox Arjantiini ah baa Boorkhees waxay ku eedeeyeen in dhigaalladiisu aysan lahay dhadhan iyo midab Arjantiini, oo qoraalladiisa uu ka buuxiyo dhaqamada iyo taariikhda ummadaha kale. Dabadeed, Boorkhees isaga oo eedayntaas ka jawaabaya ayuu wuxuu qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay "Qoraaga Arjantiin iyo Dhaqanka /The Argentine Writer and Tradition". Maqaalkaasna wuxuu ku yiri:

"Dhowr maalmood ka hor, waxaan ogaaday arrin layaab leh oo ka marag kacaya in walxaha asalka ahi ay caadi ahaan ka maarmaan in loo yeelo midab maxalli ah (=gaar ah); Xaqiiqadaas waxaan ka ogaaday buugga Gibbon ee "Hoos-U-Dhicii iyo Burburkii Imbiraadooriyaddii Roomanka /Decline and Fall of the Roman Empire." Gibbon wuxuu ogaaday in Quraanka oo ah kan buugta carabta oo dhan ugu sita, aan geel lagu xusin; Waxaan rumaysnahay in haddii uu jiri lahaa wax shaki ah oo ku saabsan asalnimada Quraanka, ay ka marnaanta geelu ku filnaan lahayd in la caddeeyo in uu yahay buug carbeed. Waxaa qoray Maxamed, Maxamedna maadaama uu Carab yahay ma aysan jirin sabab uu ku ogaan waayo in geelu uu yahay xoolo carabta u gaar ah; Waa uu yahay, isaga arrinku wuxuu u ahaa qayb xaqiiqada ka mid ah, umana uu baahnayn in uu caddeeyo. Hayeeshee, haddii dalxiise ama been-abuure ama Carab qowmi (=waddani) ahi ay qori lahaayeen geel bay ku xusi lahaayeen, kadimmo geel ah baa bog kasta lagu qori lahaa, laakiin Maxamed maadaama uu Carab yahay taas ahmiyad ma uu siin; waayo wuxuu ku kalsoonaa in geel la'aan uu Carab ahaan karo. Waxay ila tahay in annaga Arjantiinida ahina aan Maxamed oo kale noqon karno; Waxaan aammini karnaa suurtagalnimada in aan noqonno Arjantiini annaga oo aan ka badbadin midabyada maxalliga ah."

Sida la wada ogyahay yahay, quraanka meelo badan baa geel looga xusay. Soomaaliduna gacalada iyo qaayaha geela quraanka ayay u daliishadaan, oo gabyaagii Soomaaliyeed ee Cabdi-Gahayr waa kii ku maansooday:

Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay

Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene

Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne!

Waxaana la isweydiiyaa sababta ay ku dhacday in Bookheges oo ahaa aqoonyahan xog- ogaal ahi uu ka ilduufo in quraanka geel lagu sheegay? Weydiinta siyaabo kala duwan

6 baa looga jawaabaa. Soomaali baase horay ugu maahmaahday: "Nimay habari (=hooyo) dhashay hal ma seegi waayo."

Qof ahaan, dhigaallada Khoorkhee Luwis Boorkhees waxaan ku jeclahay sawirrada layaabka leh ee uu na hor keeno, sheekoxariiraha iyo erayada kookooban ee macnaha durugsan la siin karo. Asal ahaan, Boorkhees waa gabyaa, qiimaha gabayguna wuxuu ku jiraa in hadal dheer lagu soo koobo dhowr eray oo keli ah. Hal maanso oo dhowr meeris ka kooban baa buug dhan lagu sharraxaa. Tusaale ahaan, sheeko gaaban oo Boorkhees qoray oo lagu magacaabo "Dhacdadii cadowga /Episode of the enemy", ayaa waxay leedahay sidatan:

Sanooyin badan baan baxsad ahaa, oo ka dhuumanayey, imminkana cadowgii albaabka ayuu ii taagan yahay. Daaqadda ayaan ka arkay isaga oo tafaya buur qarfe ah. Wuxuu ku tukubayey matoobbo, bakoorad ku jirta gacanta oday cutush ah, oo lalleemo lihi ma aha hub. In kasta oo aan sugayey, garaaciddiisu aad bay daciif u ahayd, si dhib leh baan ku dareemay. Furihii albaabka ayaan la raftay si ninku uu u soo galo... Waxaan ka baqayey in uu kufo, laakiin wuxuu qaaday tillaabooyin uu la dhacdhacayey ilaa uu sariirtayda isku dul halgaaday, bakooraddiina iska tuuray ... Waqtigu qiyaastii wuxuu ahaa afartii galabnimo.

Waan ku foorarsaday si uu ii maqlo, waxaana ku iri:

  • Midkeen wuxuu u qaataa in isaga oo keliya ay sannaduhu degdeg ku maraan, laakiin cid walba bay sidaas ku maraan. Waatan, oo waa annaga halkaan mar kale fool-ka- fool ugu kulannay, wixii waa hore dhacayna hadda wax macne ah ma samaynayaan.



    Intii aan la hadlayey ayuu wuxuu furay galuusyaha jaakaddiisa. Gacantana wuxuu galiyey jeebka isaga oo igu soo taagaya walax aan u qaatay bastoolad. Goortaasna erayo kulul buu wuxuu iigu yiri:

  • Si aan u soo galo gurigaaga ayaan waxaan adeegsaday beerlaxawsi, haddana waxaad ku jirtaa gacantayda, wax arxan ahna iga aad heli maysid.

Waxaan isku dayey in aan wax iraahdo, anigu ma ahi nin adag erayada oo qura baana i baadbaadin karay. Si dirqi ah baan ku iri: "Waa run in waa fog aan wiil gaban ah si xun u la dhaqmay, laakiin hadda adigu ma tihid wiilkii waagii, aniguna ma ahi nacaskii maalintii. Taa ka sokow, aargudashadu kama fashil iyo doqonnimo yara cafinta."

Wuxuu yiri: "Waa uun intaas. Maxaa yeelay anigu hadda ma ahi wiilkii, waana ku dilayaa. Arrinkaanna shaqo kuma leh aarsasho, ee waa caddaalad la fulinayo. Boorkheesow, dooddaadu ma dhaafsana hadaltiro iyo taatiko aad ku doonayso in aad uga badbaaddo qorshahayga. Hadda lama arko wax aad qaban karto."

"Waxaa jira hal shay oo aan samayn karo," ayaan iri.

"Oo waa maxay?" ayuu i weydiiyey.

Waxaan ku iri: "Toos."

Sidaas baana yeelay.

Erayga ugu danbeeya sheekada, ee iyada oo dhan dhextaalka u ahi waa erayga "Toos /Wake up". Waa eray toban siyaabood oo kala geddisan loo macnayn karo. Diin, falsafad, jacayl, siyaasad iyo qaar kale baa ruuxba midka uu doona la aadi karaa. Bilmatal, dadka Eebbe iyo aakhirada jecel waxay u fahmi karaan in qoraagu uu ku leeyahay: War qaflada iyo kedinta dhalaalka adduunyada ka toosa, oo Alle iyo aakhiro u tabaabushaysta. Feylasuufka jiraalka ka fekeraa wuxuu u macnayn karaa in nolosha aad taqaan oo dhammi ay tahay riyo. Shacabkuna waxay u qaadan karaan farriin u sheegaysa in ay hurdada ka kacaan oo iska qabtaan siyaasiyiinta sida gafanaha dhiigga uga jaqaya. Si intaas oo dhan ka duwan, kolka mid caashaq hayaa uu maqlo erayga 'toos', wuxuu u qaadanayaa farriin isaga loogu sheegayo in uu ka daahay la kulankii jacaylkiisa/jacaylkeeda, durbana wuxuu bilaabayaa in uu ku calaacalo erayadii Cilmi Boodhari ee ahaa:

Hadhka galay hurdadu way xuntee hohey maxay seexshey

Muusow hungoobaye maxaa Hodan i weydaarshey

Hoygii ay joogtiyo maxaa hilinkii ii diidey?!

Si kastaba ha ahaatee, halkaan waxaan idinkula wadaagayaa xoogaa yar oo ku saabsan buugga magaciisu yahay "Buugga Uumanka Male'awaalka ah /The Book of Imaginary Beings", ee uu qoray Khoorkhee Luwis Boorkhees. Buuggaan laguma tiriyo kuwo ugu wanaagsan buugta Boorkhees qoray, laakiin waa kan iigu danbeeyey ee aan akhriyo, waxaana jeclaystay in aan wax idinkala wadaago ka hor inta aanan illoobin. Buugaan Boorkhees wuxuu ku xusay sheekooyin ku saabsan noolayaal male'awaal ah, oo inkasta oo laga sheekeeyo haddana aysan jirin cid dhab ahaan u aragtay. Waa halkii soomaalidu ay ka tiri: "Carruur iyo guure raac waa loo kala sheekeeya ismase arkaan."

Boorkhees oo caadadiisu ay ahayd in uu isku si ula dhaqmo xaqiiqada iyo male'awaalka, hordhaca buugga wuxuu ku leeyahay: "Ma naqaan waxaa masduulaagu uu yahay, si la mid ah sida aynaan u aqoon waxa koonku uu yahay /We do not know what the dragon means, just as we do not know the meaning of the universe." Sidaa darteed, looma baahna in lala yaabo uumankaan male'awaalka ah.

Sida la sheegay, Boorkhees tan iyo carruurnimadiisii wuxuu xiisayn jirey xayawaanaadka iyo sheekooyinkooda. Si gaar ah wuxuu u jeclaa shabeelka oo uu wax ka qoray, waxaana laga hayaa: "Waxaan caabudi jirey shabeelka ... Shabeelku wuxuu u muuqdaa sidii in loo uumay in la jeclaado darteed." Wuxuu kaloo oran jirey: "Waa wax laga xumaado in aannan dhalan aniga oo shabeel ah ... Raggu waxay ku riyoodaan dumar, laakiin anigu caadi ahaan waxaan ku riyoodaa shabeel." Hooyadina waxay ku warrantay, in waagii uu yaraa marka ay geyso beerta xayawaanka uu shabeelka ku dhaygagi jirey ilaa ay xoog uga hor dhaqaajiso. ALberto Manguel oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeenna, sheekooyinka uu ka wariyo waxaa ka mid ah mid oranaysa:

Dhowr bilood ka hor geeridii Boorkhees, ayaa maalin nin maalqabeen ahi wuxuu ku martiqaaday guri weyn oo uu ku lahaa caasimadda Arjantiin ee Buenos Aires, wuxuuna horay ugu sii sheegay in wax uu la yaabo uu halkaas kala kulmi doono. Ninkii maalqabeenka ahaa kolkii Boorkhees u tegay ee la isi salaamay, inta odayga indhaha la'a kursi ku fariisiyey buu ka tagay. Wax yar ka dib, Boorkhees wuxuu dareemay jir culus oo isku tiiriyey iyo labo addin oo adag oo garbaha laga saaray. Ninka maalqabeenka ahi wuxuu keenay shabeelkiisii rabbaayadda ahaa si uu u salaama ninka ku riyooda. Boorkhees wax cabsi ah ma uu muujin. Sheyga qura ee uu dhibsaday wuxuu ahaa neefta kulul ee shabeelka oo ay weheliso siifadda hilibka ceerin ee ka soo kakamaysa. "Gebi ahaanba waan illoobay in shabeelku uu yahay xayawaan horor ah." Filinka talyaaniga ah ee "Shabeelka iyo Barafka" (=The Tiger and the Snow /La Tigre e la Neve), qayb ahaan wuxuu ku salaysan yahay qoraallada Jorge Borges, muuqaalka uu ku bilaabanayo ee riyada ahna waxaa lagu arkayaa sawirka Boorkhees (=Waxaa jira filimaan badan oo laga sameeyey afkaarta iyo dhigaallada Boorkhees sida filinka caanka ah ee Inception).

Waxyaabaha layaabka leh ee xusidda mudan waxaa ka mid ah in uumankaan male'awaalka ahi ay leeyihiin muuqaallo iyo xubno kala duwan sida; addimo, baalal, geeso, miciyo iyo qoobab, laakiin dhanka kale aalaaba noolayaashaani waxay leeyihiin weji dad. Arrinkaas oo dhan tusinaya in khayaalka dadku uu yahay kan noolayaashaan abuuray, dadkuna ay doonayaan in ay abuuraan noolayaal iyaga u eg - buugta diimuhuna waa kuwa ku warrama in Eebbe uu uumay aadami isaga u eg. Waxaa kale oo arrinka lagu macnayn karaa in dunida aysan ka jirin wax ka cabsi iyo foolxumo badan wajiga aadamiga.

Labaatan sano ka hor baan akhriyey buugga "Cajaa'ibta uumanka iyo layaabka jirayaalka /عجائب المخلوقات وغرائب الموجودات" ee uu qoray wadaadkii muslimka ahaa ee Sakariyaa al-Qaswini. Runtiina marka aan isbarbardhigo saamaynta buuggaas iyo kan Boorkhees, waxaan dareemayaa in kan Qaswini uu ka sarreeyey.

Sababtuna malaha waxay u noqonaysaa in Qaswini uu ahaa wadaad rumaysan in uumanka uu ka hadlayaa ay yihiin kuwo dhab ahaan jira, beenintoodana lagu danbaabayo. Sidaa awgeedna saamaynta hadalkiisu ay u badatay. Waayo iyada la yiraahdo: Hadalka laabta ka soo go'aa laab kale buu galaa, midka bushimaha ka soo baxaana dheg buu galaa mid kalena wuu ka baxaa.

Inta aad buuggaan ama kan Qaswiini ee ka horreeyey iyo kuwa la midka ah aad akhrinayso, waxaad la mid noqonaysaa sida ilmo carruur ah oo la keenay beer (=zoo) ay ka buuxaan noolayaal uusan waxba ka aqoon, oo hadba mid ashqaraaraya. Carruurtu marka ay noolayaashaas kala duwan arkaan ma dhibsadaan, balse xiiso iyo faduuli bay ka qaadaan. Nasiib wanaag iyo nasiib xumo midkii ay noqotabana noolayaasha male'awaalka ee maanka dadku uu abuuraa aad bay uga tiro yar yihiin kuwa dabeecadda aan ku aragno.

Qoraagu wuxuu nagu baraarujinayaan in buuggaani uusan ahayn buugta hal mar la akhriyo, balse uu ku wanaagsan yahay in sariirta agteeda la dhigto, oo hadba markii kasho loo helo hal ama labo sheeko laga akhriyo. Buugga, daabacadaha dambe waxaa ku qoran 120 sheekoxariir oo laga soo qaatay ummado iyo buug kala geddisan.

Sadarrada soo socda waxaan idinkula wadaagayaa dhowr ka mid ah sheekooyinka buugga lagu xusay. Waxaana xusid mudan, in guud ahaan sheekoxariiruhu aysan meel cidlo ah ka abuurmin, balse danta laga leeyahay ay tahay in wax lagu macneeyo ama in lagu madadaasho oo qosol iyo farxad laga helo. Waxa la macnaynayaana wuxuu noqon karaa arrin la xiriira dabeecadda sida; abuurka koonka, dhalashada, dhimashada, roobka, dhulgariirka, onkodka, duufanaha, habeenka, maalinta iyo qaar kale, ama in lagu macneeyo wax ku saabsan dhaqamada iyo caadooyinka dadka iyo duunyada. Sheekoxariiruhuna waa is dhalan rogaan mar walba oo waqtiga, duruufaha iyo aqoonta bulshadu ay isbeddelaan.

A Boo A Ku (=A Bao A Qu):

Muuqaalka dunida ugu quruxda badan waxaa arka oo keliya qofka gaara fiinta ugu sarraysa ee Taallada Guusha Ee Shitor (=The Tower of Victory in Chitor, India), laakiin halkaa waxaa gaari kara oo keliya ruuxa aan rumayn sheekada A Boo A Ku. Sheekad A Boo A Ku waxay leedahay sidatan:

Jaranjarada ama sallaanka loo raaco koridda Taallada Guusha Ee Shitor hoosteeda waxaa hurda noole la yiraahdo 'A Boo A Ku', oo sugaya qofka geesiga ah ee doonaya in uu taallada fuulo. Noolahaan ishu ma qabato, maxaa wacay midab, muuqaal iyo jir loo jeedo midna ma uu laha. Marka qofka socotada ahi uu saanta koowaad jaranjarada saaro ayuu toosaa, wuxuuna bilaabaa in uu dabo galo qofka jaranjarada koraya, tillaabo kasta oo qofku uu qaadana noolahaan wuxuu yeeshaa xoog, waxaana soo muuqda midabkiisa cagaaran. Kolka qofku uu gaaro fiinta sare ee taalladana noolahaani wuu dhammaystirmaa, waxaana si cad u muuqdaa midabkiisa iyo muuqaalkiisa.

Hayeeshee, taasi hal mar bay dhacday, waayo ma jiro qof leh geesinnimo buuxda oo uu ku gaaro figta sare ee taallada. Dadka midiba meel buu ku joojiyaa tafidda taallada, goortaasna waxaa suuxa, oo ruuxda laga siibaa noolahaan, wuxuuna bilaabaa in uu jaranjarada hoos ugu soo dilindillooda jeer uu ka soo gaarayo jaranjarada ugu hoosaysa. Halkaas oo uu isaga oo miyir la' ku sugo qofka xiga ee isku dayi doona in uu jaranjarada fuulo. Noolahaan inta uu hoos u dilindilloonayo, wuu oo'yaa, isaga oo samaynaya cod khafiif ah oo la moodo dhawaqa burburka xariir daxalaysatay.

Khoorkhee Boorkhees sheekoxariirtaan wuxuu u tiiriyey dhulka Hindiya, laakiin waxaa la rumaysan yahay in ay tahay sheekoxariir ay leeyihiin bulshada Malaayga ee ku dhaqan dalka Malaysiya. Malaysidu waxay leeyihiin sheeko lagu magacaabo "Abang Aku" oo macnaheedu uu yahay "Walaalka weyn". Sheekadu waxay leedahay:

Taalladaani waxay ahayd guri ay ku shireen ilaahyada oo uu ka mid ah A Boo A Ku. Ilaahyadii markii ay baxeen ayaa A Boo A Ku waxaa ku xirmay albaabkii, maxaa yeelay wuxuu ka helay dabeecadda aadanaha iyo dhaqankooda. Ilaahyadii kalena waxay ku ciqaabeen in uu xoroobi doono ka dib marka la arko aadane baraaruga oo ceeb iyo gef yeelan waayo, gaarana marxaladda dadka haysta diinta Buudiyadu ay ugu yeeraan "Nirfanaha". Sidaa darteed, noolahaan noloshiisa iyo in uu dib ugu biiro ilaahyadu waxay ku jirtaa gacanta aadanaha iyo geesinimadooda. Goorma ayaa la arkayaa aadane aan gefin oo ceeb ka saliim ah?

Cabto iyo Canat (Abtu and Anet):

Sida dadka Masaaridu ay ka warqabaan, Cabto iyo Canat waxay ahaayeen labo kalluun oo isu eg, oo barakaysan. Waxay ku hor dabaalan jireen markabka Rac- ilaaha qorraxda- si ay uga ilaaliyaan khataraha soo wajihi kara oo dhan. Markabku maalintii wuxuu ku socon jirtey samada isaga oo socodka ka bilaabaya bariga, kuna dhammaanaya galbeedka. Habeenkiina wuxuu ku socon jirtey dhulka hoostiisa, isaga oo qaadaya jiho ku lid ah tii hore, oo socodka ka bilaabaya galbeedka kuna dhammaanaya bariga. Taasina waa sababta loo arko qorraxdii shalay galbeedka aadday oo saaka mar kale bariga ka timid.

Bahamuut (=Bahamut /بهموت):

Noolahaan la yiraahdo 'Bahamuut', waa mid warkiisu faafay oo meelo badan oo dunida ah laga yaqaan, Muslimiinta oo ka mid ah ummadaha ka warramayna waxay yiraahdaan:

Eebbe wuxuu uumay dhulka, laakiin dhulku ma lahayn sal ama aasaas uu ku istaago, sidaa darteed Eebbe wuxuu diray malag labadiisa gacmood dhulka ku haya. Laakiin malagguna ma uu haysan wax celiya oo uu ku istaago, markaana labadiisa lugood hoostooda ayaa lagu abuuray buur luul ah. Buurtuna ma lahayn aasaas celiya, waxaana hoosteeda la dhigay dibi leh afar kun oo indhood, iyo intoo kale oo san, dhego, af, carrab iyo qanjaafulo ah.

Hayeeshee, dibiga qudhiisu ma haysan wax uu ku istaago, markaasna dibiga hoostiisa waxaa lagu abuuray kalluun lagu magacaabo 'Bahamuut', kalluunkana waxaa ka hooseeya biyo iyo mugdi, cilmiga aadamiguna halkaas ma uu dhaafi karo, oo ma naqaan biyaha iyo mugdiga waxa ka hooseeya.

Sheekadaan waxaa ka sheekeeya Hindida, waxayna ku soo aroortay buugga towreedka, Muslimiintuna aad bay uga xalladeeyaan. Tusaale ahaan, wadaaddado Muslim ah oo ka warramay noolahaani, waxay yiraahdee:

" لما خلق هللا تعالى األرض بعث إليها ملكا من تحت العرش فدخل من تحت األرضين السبع وأخرج احدى يديه من المشرق واألخرى من المغرب وقبض على أطراف األرض فلم يكن لقدميه قرار فأهبط هللا تعالى ثورا من الجنة اسمه نون له أربعون ألف قرن وأربعون ألف قائمة، من القرن إلى القرن خمسمائة عام، فاستقر قدم ذلك الثور على الياقوتة الخضراء، ثم خلق هللا تعالى الصخرة التي قال لقمان البنه "انها إن تك مثقال حبة فتكن في صخرة"اآلية، واسم الصخرة صيخور وروي أن في هذه الصخرة تسعة آالف ثقب في كل ثقب منها بحر ال يعلمه إال هللا، فاستقرت تلك الياقوتة الخضراء عليها. ولما لم يكن للصخرة قرار أهبط هللا تعالى إليها حوتا عظيما من البحر السابع الذي تحت العرش ويقال اسم الحوت بهموت وقيل بلهوت فاستقرت تلك الصخرة على ظهر الحوت وقيل ال يقدر أحد أن ينظر إلى ذلك الحوت من بريق عينيه، ولو وضعت بحار الدنيا كلها في إحدى منخريه لكانت كالخردلة في أرض الفالة فاستقر الحوت على الماء وصار واقفا مكانه ال يتحرك، فقال اللهم لك الحمد بك قويت وبحولك استطعت ولوال ذلك لما كان لي قوة على حمل ما استحملتني إياه فائذن لي يا رب بالسجود شكرا لك على ذلك، فأذن هللا له أن يسجد فأدخل رأسه في الماء ثم غاب ثم أخرجه من الماء فهو يسجد في كل يوم إلى يوم القيامة، ثم جعل هللا تعالى تحت الماء الهواء وتحت الهواء الظلمة ومن هناك ينقطع علم الخالئق، ويروى في بعض األخبار أن هللا تعالى وكل بذلك الحوت مالئكة يأتونه بغذائه في كل يوم وعلى قدر شبعه فيأتونه من البحر المسجور بألف حوت كل حوت طوله مسيرة يوم وليلة، (أما) الثور فوكل هللا تعالى مالئكة بغذائه في كل يوم بألف شجرة من بساتين القدرة طول كل شجرة مسيرة يوم وليلة فسبحان القادر على كل شيء".

Fikradda dhagaxa dibiga dul saaran, iyo dibiga Bahamuut dul saaran, iyo Bahamuut oo walax kale sii dulsaarani, waxay u muuqataa in ay tahay mid looga danleeyahay in lagu caddeeyo jiritaanka Alle. Waa caddayn ku doodaysa in walax kasta oo jirtaa ay u baahan tahay cid jirsiisa. Si looga maarmo in dooddu iska socotana waxaa la hindisey jire isagu walxaha oo dhan jirsiiya oo ah jirsiiyaha koowaad ama Eebbe(=first cause /العلة األولى) .

Ku Allahoode, waxay sheegeen in magaca noolahaan ee "Bahamuut ama Buheymuut", uu yahay kan laga qaatay erayga carabiga iyo cibriga ah ee "Bahiimo iyo bahaa'im" ee loogu yeero duunyada mayeeraanka ah.

Hooshigaan (=Hochigan):

Sida sheekoxariirta Bushmaanku ay ku warramayso, dunidoo hore xayawaanaadka oo idil sida dadka oo kale bay u hadli jireen. Hayeeshee, waxaa jirey noole xayawaanka necbaa oo la oran jirey 'Hooshigaan'. Sidii loo joogay baa maalin waxaa baxsaday noolahaan oo xaday afkii qiimaha badnaa ee xayawaanaadka. Tan iyo waagaasna dadka oo qura ayaa noqday noolaha hadla.

Feylasuufkii Faransiiska ahaa ee Descartes-na wuxuu ku warramay in daanyeerradu ay hadli karaan haddii ay doonaan, balse aysan doonayn in ay hadlaan iyaga oo diidaya in dadku ay ku shaqaystaan. Dabshidkii 1907, qoraa Arjantiini ahaa oo lagu magacaabi jirey Lugones ayaa wuxuu baahiyey sheeko ku saabsan daanyeer nooca jimbaansiga ah oo la baray sida loo hadlo, laakiin ugu danbayntii daanyeerku wuxuu u geeriyooday daalkii uu kala kulmay hawshaas.

Daanyeerka anqaasta (=The Monkey of the Inkpot):

Sida ay sheegaan dadka Shiinayska ahi, waxaa jira nooc ka mid ah daanyeerka oo fannaaniinta siiya fahmo iyo ilhaam ay ku godladaan. Ilhaamka uu bixiyo daanyeerku wuxuu ku doorsadaa haraaga anqaasta qoraalka ka haraysa, oo uu jecel yahay cabiddeeda.

sida la sheego, daanyeerkaani wuxuu ku noolyahay waqooyiga dhulka Shiinaha, wuxuuna leeyahay indho la moodo luul gaduudan iyo dhogor xariir ah. Daanyeerkaan oo ka hela anqaastu, marka uu arko qof wax qoraya, inta fariiso ayuu gacmaha iyo lugaha isdhaafsadaa. Sidaas buu ahaadaa jeer ruuxa wax qorayaa uu qoraalka ka ebyayo, kolkaas oo uu fuuqsado anqaastii soo hartay. Goorta uu anqaasta ka laacana inta uu dhacdiid isu tuuro, buu farxad lugaha cirka u la taagaa (=Sidaa awgeed, fannaaniinta isku dila sigaarka, daroogada iyo khamrada raqiiska ah, waxaa lagula talinayaa in ay la saaxiibaan daanyeerrada).

Dameerka saddexda lugood leh (=The three legged ass/ donkey):

Qoraagii Roomanka ahaa ee Biliniyoos (Gaius Plinius Secundus, oo loo yaqaan Bilinigii weynaa, noolaana 23-79 miilaadiga ka dib), wuxuu sheegay in Saraadashti oo ah ninka loogu abtiriyo diinta ay haystaan Baarisida ama Majuusita ku dhaqan magaalada Bombay ee dalka Hindiya, uu tiriyey labo malyan oo meeris oo gabayo ah; Taariikhyahnkii Muslimka ahaa ee al-Tabarina wuxuu ku dooday in dhigaallada Saraadashti ee ay kaydiyeen kuwa wax qora ee Alle ka cabsiga ku sheeggani, ay tiradoodu gaaraysay labo iyo toban kun oo maqaar lo'aad ah. Waxaana laga warqabaa in Aliksandarkii weynaa uu dhigaalladaas ku gubay magaalada Persepolis. Laakiin nasiib wanaag, qayb ka mid ah dhigaalladaas waxaa kaydisay xusuusta wanaagsan ee wadaaddada. Markii la soo gaaray qarnigii sagaalaadna xusuustii wadaaddada waxaa lagu kaydiyey buugga weyn ee "Bundahishn", oo xogta soo socota laga soo xigtay:

"Waxaa la sheegay in dameer saddex lugood lihi uu badweynta dhex taagan yahay. Dameerku waxaa kale oo uu leeyahay saddex qanjaafulood, lix indhood, sagaal af, labo dhegood iyo hal gees. Dhogortiisu waa caddahay, oontiisu waa ruuxi, jiritaankiisa oo dhammina waa saxsan yahay. Labo ka mid ah lixdiisa indhood waxay ku yaallaan meesha caadi ahaan ay indhuhu ku yaallaan, labana waxay ku yaalliin dhakada sare ee madaxa, labana wejiga hortiisa; dareenka lixdaas indhood buu u adeegsadaa guusha iyo duminta.

Sagalkiisa af, saddex waxay uga yaallaan wejiga, saddexna foolka hore, saddexna cawrada gudaheeda (=inta u dhaxaysa xuddunta iyo xubinta taranka) ... Qoob kasta oo uu dhulka dhigaa, wuxuu daboolaa meel kun ido ahi ay fariisan lahaayeen, ama kun fardooley ahi ay ku ciyaari lahaayeen. Marka loo yimaado dhegaha, waxay daboolaan gobolka waqooyi ee Beershiya ee Mazanderan. Geesku wuxuu u egyahay dahab, gudahana wuu ka maran yahay, waxaana ka farcama kun laamood. Geeskaas buuna ku dumiyaa, kuna baabi'iyaa dhagarta iyo xumaha kuwa sharka leh oo idil."

Canbarku waa saalada dameerkaan saddexda lugood leh. Sida ay qabto sheekoxariirta dadka haysta diinta Saraadashtigu, noolahaan la yaabka iyo waxtarka badan lihi wuxuu ka mid yahay kuwa Ahura Mazda gacanta ku siiyey in mabaadida Nolosha, Iftiinka iyo Runtu ay guulaystaan (=Ahura Mazda waa ilaaha abuurka iyo kheyrka ee diinta Saraadashtiga. Diintaani waxay qabtaa in dunida uu ka jiro loollan adag oo u dhexeeya kheyrka iyo sharka, xumaha iyo samaha, iftiinka iyo mugdiga. Magacaan 'Ahura Mazda' waa meesha uu ka soo jeedo magaca "Mazda' ee shirkadda Jabbaanka ahi ay baabuurteeda u bixisay. Shirkaddu magaca oo keliya ma aysan qaadan ee sidoo kale gaarigeeda waxay siisay summadda diintaas. Waxaana la rumaysan yahay in ninka shirkaddaan aasaasay uu la dhacsanaa diintaan).

Shimbirka roobka (=The Rain Bird):

Marka laga yimaado in shiinaysku ay rumaysan yihiin jiritaanka masduulaaga (=noolaha afafka qalaad lagu yiraahdo daraagan ama taniin), sidoo kale waxay leeyihiin shimbir roobka ku qaybsan oo lagu magacaabo "Shang yang". Shimbirkaani wuxuu leeyahay hal lug oo keliya. Tan iyo aammanuudii, goorta roob loo baahdo, carruurtu iyaga oo lug qura ku boodaya, wejigana kaduudaya bay waxay ku heesaan "Waa onkod, roob baa da'aya, maxaa yeelay shang-yang ayaa halkaan mar kale lug ku boodaya!" Sida dadku ay qabaan, shinbirkaani webiyada ayuu biyo ka cabbaa, dabadeedna biyahaas buu ku rusheeyaa dhulka abaarta ah.

Waa waayaha ka mid ah, nin sixirroole ahaa baa ku guulaystay in uu rabbeeyo shimbirkaan, oo uu danihiisa u adeegsado. Taariikhyahannaduna waxay sheegaan, in shimbirkaan oo baalasha lalminayaa uu maalin soo dulmaray qasriga Amiir Chi. Amiirka oo xaaladda shimbirku ay walaac ku beertayna wasiirkiisii koowaad buu wuxuu u diray si uu talo u weydiiyo Konfushiyoos. Weliguna wuxuu saadaaliyey in shang-yang uu soo daynayo duufaan harqin doonta gobolka iyo gebi ahaan degmooyinka deriska la ah, haddii inta goori goortahay aan laga tabaabushaysan, oo aan la dhisin kannaalo iyo biyo xireenno daadka looga gaashaanto. Amiirkuna wuxuu fuliyey taladaas, sidaas baana looga badbaaday aafadii dhici lahayd.

Al-Buraaq:

Uumanka muslimiintu ay yaqaannaan ee buuggu uu xusayo waxaa ka mid ah malaa'igta, jinka, cirfiidka, shinbiraha Rakha iyo Simurg, abeesada badda, buraaqadii nebiga lagu dheelmiyey iyo qaar kale. Noolaha la yiraahdo bureeqada oo aan ku garaadsaday soomaalida oo sawirkiisa aqallada ku sharraxda, isla markaana aan islahaa wax badan baad ka akhriday, wax aan badnayn waad ka qortay, sheekooyinka buuggaani uu ka sheegayo waxaa ka mid ah in markii nebigu fuulay ee ay Maka kala duulaysay, ay qoobka ku dhufatay digsi biyo ku jireen, laakiin ka dib markii ay ka soo noqotay safarkii dheeraa ee ay ku gaalaa bixisay Mako iyo Qudus iyo Qudus iyo toddobada cir, mid walbana ay kulamo iyo wadahaddalo ku qaadatay, ay ka soo gaartay biyihii digsiga ka daatay oo aan weli dhulka gaarin, weelkoodiina dib loogu celiyey.

Haddii soomaalidu ay tiri: "caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa!" Halkaan sheekadu waa: caano daatay kulligood baa la qabtaa!

Serberas (=Cerberus):

Jahannamadu haddii ay tahay guri, guriga Hades (=Sida diimihii iyo sheekoxariirihii hore ee Giriiggu ay sheegeen, Hades waa ilaaha geerida iyo boqorka dunida hoose) waa in ay yeelataa eey waardiyeeya, eeygaasina waa in uu dilaa noqdaa. Sida Hesiod uu ku xusay buuggiisa "Abtirsiga ilaahyada /Theogony", eygaani wuxuu leeyahay konton madax; laakiin farsamo ahaan si loo fududeeyo arrinka, tirada waa la yareeyey, saddexda madax ee Serberasna waa xog la wada ogyahay. Virgil wuxuu ka hadlay saddexdiisa hunguri; Ovidna wuxuu xusay cidiisa saddex xagalka ah; Butlerna wuxuu isbarbardhigay taajka saddex geesoodka ah ee Boob-ka albaabka jannada ilaaliya iyo saddexda madax ee eeygaan cadaabta waardiyeeya. Daanti isagu wuxuu siiyey dabci la mid ah kuwa dadka oo sii xoojiyey dabcigiisa sharlownimo: wuxuu leeyahay gar madow oo wasakh badan, iyo ciddiyo fiiqfiiqan oo roobka oo da'aya dooxa ruuxda kuwa nacaladdu ku dhacday. Wuu qaniinaa, oo qayliyaa, oo miciyo listaa. Hawshii ugu danbaysay ee Hiraqal (=Hercules) uu qabtayna waxay ahayd in uu Serberas iftiinka maalinta u soo saaray. Qoraa Ingiriis ahaa oo la oran jirey Zachary Grey oo qarnigii siddeed iyo tobnaad dhacdadaan ka faallooday, wuxuu u sawiray sidatan:

Eeygaan saddexda madax lihi wuxuu summad u yahay tagtada, taaganta iyo timaaddada; waa madaxyo ku dhega, oo sida la sheegay wax walba dhunjiya. In Hiraqal ka raayeyna waa mid xusuusta facyaasha lagu waariyey, waana arrin muujinaya in had iyo goor guushu ay raacdo halyeyga.

sida dhigaalladii hore ay sheegeen, Serberas sayntiisa afka abeesada leh buu ku salaamaa kuwa naarta galaya, labo cadna wuxuu u kala jaraa kuwa doonaya in ay ka baxaan. Wararka gadaal dambe laga sheegay midkood wuxuu ku andacoonayaa in uu qaniino dadka cusub ee yimaada, si loo raalligeliyana keeg malab leh baa waxaa loogu ridaa naxashka kuwa tagay.

Sheekooyinka Iskandaneefida waxaa lagu xusaa eey dhiigga daadiya, oo lagu magacaabo 'Garmr', wuxuu ilaaliyaa guryaha kuwa dhintay, wuxuuna la dagaallami doonaa ilaahyada kolka yeeyda cadaabtu ay liqayso dayaxa iyo qorraxda. Qaarkood eeygaan waxay siiyaan afar indhood; Eeyaha Yama oo ah ilaaha geerida ee diinta Hinduusiyadda, ayaa isaguna leh afar indhood.

Hinduusiyadda iyo Buudiyada labaduba waxay sawiraan cadaab ay ka buuxaan eey, sida Serbaraska Daante ruuxda u ciqaaba.

Diiqa cirka (=The Heavenly Cock):

Sida Shiinuhu ay qabaan, diiqa samadu waa shimbir baalal dahab ah leh oo maalinkii saddex jeer ciya. Aroortii marka qorraxdu ay badda bari ku mayranayso, iyo duhurkii marka ay bartamaha cirka ka muuqato iyo ugu danbaynta marka ay galbeedka u galbato. Qaylada hore waxay gilgishaa cirka waxayna toosisaa dadka. Maxaa yeelay, duriyadda diiqa cirka waxaa ka mid ah 'yang', oo ah mabda'a lab ee koonka. Wuxuu leeyahay saddex lugood, buulkiisana wuxuu ka dul dhistaa geedka 'fu-sang' oo ka baxa dhulka qorrax ka soo bax, dhererkiisana lagu hilaadiyo kumanyaal mitir. Codka diiqa cirku waa dheeryahay, bilicdiisuna waa sarraysaa. Wuxuu dhalaa ukumo isu rogo diiqyo leh dhoor cas oo qurxoon oo subax walba jiibtiisa jiib kale ugu jawaaba. Dhammaan diiqyada dhulka joogaa waa duriyadda diiqa cirka ee lagu magacaabo "Shinbirka waaberiga".

Qaylada ugu dheer ee diiqa waxaa la maqlaa aroortii, ka hor inta aan qorraxdu bariga ka imaan, markaas oo dunida ay farxadi saaqdo, awoodaha sharka leh ee mugdiga ku qaraabtaana ay dhufeysyadooda ku dhuuntaan. Dadku dhankooda mar kale bay waxay dareemaan farxad iyo sarrayn, waxayna qaadaan heeso ay Alle ku ammaanayaan, kuwo ay ku shaqaysanayaan iyo kuwo ay isku shukaansanayaa.

Diiqu waa isku xiraha Alle iyo aadahana. Diiqa waa la qashaa, wuuna dhintaa, laakiin dhawaaqiisu marna ma dhinto ee sidii nebi Ciise samada loogu qaaday baa isagana codkiisa samada loo geeyaa, oo looga maqlaa.

Alikaanto (=The Alicanto):

Alikaanto waa shimbir habeenkii qaraabta oo ku nool xididdada dahabka iyo qalinka. Alikaantaha nooca dahabku uu oonta u yahaya, waxaa lagu gartaa iftiinka dahabka la moodo ee baxa baalashiisa marka uu ordayo, sida la qiyaasi karana Alikaandaha qalinka cuna waxaa lagu gartaa midabkiisa qalinka u eg.

Alikaanduhu ma haado, sababtuna ma aha in baalashiisu aysan itaal lahayn, balse waxaa ugu wacan macdanta badan ee uu caloosha ka buuxsado oo aad u cuslaysa.

Marka uu baahan yahay wuu dheereeyaa, laakiin kolka uu dhergo xataa waxaa ku adkaata xamaarashada.

Dadka macdanta baaraa waxay rumaysan yihiin in ay tanaadayaan haddii hoodadooda wanaagsani ay la kulmiso Alikaando ku haga ceel dahab ama qalin uu afka ka hayo. Hayeeshee, taasi waa arrin dhif iyo naadir u dhaca, maxaa yeelay shinbirkaani aad buu u dhiifoon yahay, oo dhakhso ayuu wax u dareemaa, marka uu ka shakiyo in ay cidi dabo socotana wuxuu demiyaa iftiinka baalashiisa, wuxuuna ku dhuuntaa mugdiga. Waxaana dhacda in uu waddada beddesho, oo dadka ku raadjooga uu jiho khaldan u leexiyo.

Dhiig dhuuqayaal (=The Lamias):

Giriiggii iyo Roomankii hore waxay la ahayd, in ay jiraan noole Afrika ku nool oo qaybta sare ee xuddunta ka korraysa uga eg haweenay ilwaad qurxoon, qaybta hoosana abeeso laga argagaxo. Dadka qaarkood waxay ku tilmaameen in ay sixirroolayaal yihiin, halka kuwo kale ay ku sheegeen in ay yihiin dumar la nasakhay oo shar badan. Ma hadli karaan, laakiin waxay leeyihiin foori muusig kasta ka macaan. Waxay gaafwareegaan dhulka dadku ku yar yihiin si ay u ugaarsadaan dadka -siiba ragga- keli-kelida u socda. Ilaahyada ayay dhalasho la wadaagaan, maxaa yeelay waxay ka soo jeedaan jacaylkii habeennada badan uu Suus la wadaagay dumarka (=Zeus waa ilaaha ilaahyadii Giriiggii hore).

Robert Burton buuggiisa "Antomy of Melancholy" qaybta uu uga hadlayo awoodda caashaqa, wuxuu ku xusay sheekada mid ka mid ah kuwaan dhiigga dhuuqa oo inta isu yeeshay muuqaal haweenay qurux badan duufsatay barbaar feylasuuf ahaa oo aan ka dhicin. Waxay la aadday aqalkeeda oo ku yiil daafaha magaalada Korinti (=Corinth). Hayeeshee markii guriga la tegay ee ay diyaar garowday, baa barbaarkii feylasuufka ahaa oo karti u lahaa in uu xakameeyo damaciisu wuxuu shardi ka dhigay in ay waajib tahay in la isu xalaaleeyo ka hor inta aysan dheesha bilaabin. Dadka xafladda arooska lagu martiqaaday waxaa ka mid ahaa feylasuufkii Abooliyanoos [=Apollonius of Tyana], oo durba ku baraarugay in aroosaddu ay tahay noolayaasha dhiigga jaqa, goortaas oo uu xaqiiqadeeda kashifay, iyaduna ilbiriqsi bay ku libirtay oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Waa dhacdo dhab ah oo kumanyaal dad ahi ay goobjoog u ahaayeen, waayo waxay ka dhacday bartamaha Giriirgga.

Wax yar ka hor geeridiisii, gabyaagii ingiriiska ahaa ee John Keats (1795-1821) wuxuu tiriyey maanso uu u bixiyey "Lamia", oo ka shidaalqaadanaysa qisadaan Robert Burton uu wariyey.

Maroodigii saadaaliyay dhalashada Buuda:

Shan qarni ka hor dhalashadii Ciise, boqoraddii Maya ee Niibaal waxay ku riyootay in maroodi cad oo ka yimid "Buurta Dahabku" uu galay caloosheeda. Noolaha ay ku riyootay wuxuu lahaa lix fool. Faaliyeyaashii boqorkuna waxay saadaaliyeen in boqoraddu ay dhali doonto wiil labo midkood noqon doona, imbiradoor dunida oo dhan ka taliya ama mid aadanaha oo dhan badbaadiya. Sida la wada ogyahayna, saadaasha dambe ayaa dhabowday.

Hindiya maroodigu waa xayawaan dab-joog ah oo la rabbaysto. Midabka caddi waa summad u taagan isla weyni la'aan, tirada lixduna waa muqaddas u taagan lixda cabbir ee kor, hoos, horay, gadaal, bidix iyo midig.

Baarriyaasha la dhayalsado (=The Lamed Wufniks /األبرار المستضعفون):

Sheekoxariirtaan Yahuudiga ahi waxay ku salaysan tahay ballanqaad la sheego in Eebbe uu nebi Ibraahim u sameeyey oo oranaya: Dabadeed Eebbe wuxuu yiri: "Haddii magaaladaan Saduum aan ku arko konton nin oo saalixiin ah, meesha oo dhan iyaga dartood baan u cafinayaa /If I find in Sodom fifty righteous within the city, then I will spare all the place for their sakes."

Sheekaduna waxay leedahay: Dhulka waxaa ka jira, weligoodna ka jirey, lix iyo soddon nin oo saalixiin ah oo hawshoodu ay tahay in ay dunida Eebbe uga shafeeco qaadaan, waana "Wunfika ama awliyada" la dhayalsado. Midkood kan kale ma yaqaan, waana sabool aan beerkooda beer ka xigin. Haddii ay dhacdo in midkood uu ogaado in uu yahay "Wunfika la yaraysto", isla markii buu dhintaa, waxaana beddela qof kale oo ka soo baxa meel kale oo koonka ka mid ah. Iyagu waa tiirarka koonku uu ku taagan yahay, haddii aysan jiri lahaynna Eebbe waa fog buu dunida geddin lahaa, aadamigana baabi'in lahaa. Waa kuwa na badbaadiya, laakiin war uma hayaan.

Sheekada sidaan waxaa u dhiga Yahuudda, laakiin Muslimiintuna waxay leeyihiin kuwo u dhigma oo waa iyaga ka xalladeeyaa awliyada tiirarka u ah dunida ee ay ugu yeeraan "Qutub iyo aqtaab /القطب واألقطاب".

Haddaan halkaa ku joojiyo sheekooyinka buugga Boorkhees ee "Buugga uumanka male'awaalka ah." Waa hubaal in akhristaha la qabsaday qoraallada ka soo maaxda khayaalka dihin ee Boorkhees uu ilaa xad buuggaan ku hungoobayo. Maxaa yeelay, waxaa muuqata in halkaan hawsha Boorkhees ay u badan tahay ururin iyo faallo aad u yar.

Boorkhees muddo toddobaatan dabshid ka badan buu buug iyo dhigaal ku dhex jirey. Dhul badan buu maray. In kasta oo aan la siin abaalmarinta Nobalka ee suugaanta, haddana waxaa la siiyey ku dhawaad konton abaalmarinood oo laga guddoonsiiyey daafaha dunida. Sidaas oo ay tahay, haddana wuxuu sameeyey qiraal oranaya: "Waxaan galay gefka ugu weyn ee ruux galo... ma aan faraxsanay /I have committed the worst of sins one can commit... I have not been happy." Haddaba, aan isweydiinnee: Waa maxay farxaddu? Sidee baase lagu hantaa?

Gunaanadkii, halkaan ka eeg tarjamada buugga ee ingiriiska ah oo uu sameeyey Norman Thomas di Giovanni. Waxaana jirta daabacad kale oo buugga ah oo lagu daray sawirro male'awaal ah oo lagu muujinayo sida ay noolayaashaani u ekaan karaan. Shakina kuma jiro in soosaaridda sawirrada lihi ay ka xiiso badan tahay kuwa aan sawirrada lahayn. Dadka inta jecel in ay Carabi wax ku akhriyaanna waxay heli karaan qaybo buugga ah oo carabi loo rogay, tarjamadaha carabiga ahna waxaa ugu fiican midda uu sameeyey Basaam Xajaar ee "من كتاب المخلوقات الوهمية".

https://theteacherscrate.files.wordpress.com/.../borges...

Comments