Buuda iyo labo barbaar

Ku Allahoode, waxay sheegeen in Buuda uu maalin soo ag maray labo wiil oo ku murmaya: diintayada ayaa ka fiican diintiinna, iyo annaga ayaa Alle idinka badina iyo mayee annaga ayaa idinka badina. Labada wiil mid kastaa wuxuu daliishanayey in dadkiisu ay u sheegeen in Eebbe sidaas yahay, xaqiiqada dhabta ahina ay tahay sida dadkiisu ay sheegeen. Buuda markii uu xoogaa dhegaystay muranka labada wiil, ayuu midkii midigta ka xigay wuxuu weydiiyey: Maandhe adigu Eebbe ma aragtay? Wiilkii: Maya, ma aanan ararg. Buuda: Aabbahaa ma arkay? Wiilkii: maya, ma uusan arag Buuda: Awowgaa ma arkay? Wiilka: maya Buuda: Bal ka warran awowgaa awowgiis? Wiilkii: maya, isaguna ma uusan arag Buuda: Miyaan awoowayaashaa midkoodna Eebbe arag? Wiilkii: Maya, midkoodna ma arag Buuda: Macallinkaagu ma arkay? Wiilkii: maya Buuda Macallinkaaga macalinkiisii ma arkay? Wiilkii: maya Buuda: macallimiinta oo dhan cid aragtay ma ku jirtaa? Wiilkii: maya Buuda: Ka warran beeshaada, cid Eebbe aragtay ma ku jirtaa? Wiilkii: maya, ma maqal in qof caynkaasi ahi uu ku jiro. Dabadeed Buuda wuxuu ku jeensaday wiilkii kale, wuxuuna weydiiyey isla weydiimahaas, wiilkiina wuxuu bixiyey jawaabo la mid ah kuwa wiilka hore uu bixiyey, oo labada wiil waxay isku raaceen in aysan arag cid Eebbe aragtay.

Markaasna Buuda wuxuu yiri: “Hagaag, maalin maalmaha ka mid ah, baa dad tuulo ku dhaqnaa waxay arkeen wiil ka mid ahaa dadka tuulada oo ilmaynaya, kuna qaylinaya: “Waan jeclahay! Aad baan u jeclahay! Ilaah baa igu og oo aad baan u jeclahay! Waa u dhimanayaa!” Dadkii tuuladu barbaarka waxay weydiiyeen: ‘Waa tuma midda aad jeceshahay?’ ‘Ma garanayo.’ ‘Halkee bay ku nooshahay?’ ‘Ma garanayo’- laakiin aad buu u jecel yahay. ‘Sidee bay u egtahay?’ “Taana ma garanayo; waa u dhimanayaa!” ‘War qofta halkee baad ku aragtay’ “Ma garanayo. Alla wadnaha!” Intaa ka dib, Buuda barbaartii wuxuu weydiiyey: “Wiilkaas maxaad ku tilmaami lahaydeen?” Labadii wiil isku mar bay waxay yiraahdeen: “Mudane kaasi waa doqon! Waa doqon aan loogu dhibcin! Wuxuu u barooranayaa gabar uu sheegayo in uu aad u jecel yahay, haddana uusan arag, oo si ay u egtahay iyo meel laga helo midna uusan aqoon, jiritaankeeda iyo jiritaan la’aanteedana uusan kala sixi karin? Doqonnimada taas ka weyn maxay tahay? Kaas dabbaalnimadiisa cid danbe la weydiin maayo!” ‘Idinku miyeydaan barbaarkaas u ekayn? Waxaad ii sheegteen in Eebbe aydaan arag, aabbayaashiin iyo awoowayaashiinna aysan arag, oo arkid iska daaye xataa aydin maqal cid abidkeed aragtay, sidaas oo ay tahay haddana waad ku murmaysaan, waxaadna diyaar u tihiin in mid kastaa uu kan kale u dilo si uu u difaaco ilaahaas aydaan arag darti.’ Labadii wiil oo gefkooda garwaaqsaday, waxay waydiiyeen: ‘Mudane, maxay kula tahay in aan yeelno?’ ‘Waa hagaag, waxaan idin weydiinayaa: aabbayaashiin weligood ma idiin sheegeen in Alle xun yahay?’ ‘Maya, Mudane.’ ‘Aabbayaashiin abidkood ma idin bareen in Eebbe uu yahay cadow colaad iyo nacayb badan?’ ‘Maya mudane, Eebbe mar walba waa wanaag, jacayl, naxariis iyo qurux’. ‘Haddaba, haddii aad noqotaan dad wanaagsan, oo gacalo, naxariis iyo qurux ku tilmaaman miyaan Eebbe idin jeclaanayn, oo isaga oo kale aydaan noqonayn.’

Comments