Buug aadan abidkaa akhrin doonin
Buugag lumay, maktabado gubtay iyo codad la waayey ayaa halkan ka noqda xusuus murugo leh oo muujinaysa khasaaraha aqoonta dabar go’da.

"Akhris jacayl waa in saacadaha caajiska lagu doorsado saacado farxad leh."
~ Montesquieu
Qoraaga Arjantiini-Kanadayska ah ee Aberto Manguel wuxuu xusay in Sophocles (496- 406 Ciise Horti) oo ahaa maansoyahan iyo qoraa Giriig ahaa uu qoray dhigaallo tiradoodu ay ka badnaayeen 123, laakiin ay naga soo gaareen 7 dhigaal oo keli ahi. Dhigaallada dhumay mid ka mid ah oo cinwaankiisu uu ahaa "Jacayl" waxaa laga helay hal sadar oo oranaya: "Jacaylku waa sida baraf ay dhallaan sacabbada ku sitaan /Love is like the ice held in the hand by children."
Alberto Manguel oo ah dhigaal-dhaari ku xeeldheer taariikhda buugtu wuxuu ku dooday in saddarkaas sukada ah ee naga soo gaaray buuggaas lumay uu ku filan yahay in uu naga dhigo kuwo u murugooda inta maqan. Ugu yaraan, helidda buuggaasi waxay meesha ka saari lahayd macnaha lagu fasirayo qeexidda Sofokles uu jacaylka ka bixiyey.
Jacaylka faraha iyo indhaha ku dhalaala iyo kan wadnaha ku dhalaala midkee baa wacan? Oraahda Sofokles waxaa lagu macneeyaa in caashaqa barbaartu uu durba u dhado sida baraf ku jira sacabbada diirran ee dhallaanka. Laakiin miyuusan badnayn jacayl barbaarnimada lagu qaado ee haddana qabriga la la galo?
Buugtu weligeed waxay lahayd cadow badan oo ay ugu horreeyaan aboorka, biyaha iyo dabku. Dunidii hore ee aan madbacaduhu jirin ee buugta gacanta lagu kala guurin jireyna, tirada nuqullada ah ee buugta laga sameeyaa aad bay u yarayeen. Sidaa darteedna, dabar go'a buugtu waa sahlanaa. Taariikhda aadanahana waxaa lagu xusay dhacdooyin badan oo maktabo waaweyni ay ku halaagsameen, buugtii tiilna ay ku baaba'day. Tusaale ahaan, dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah gubiddii maktabaddii Aliksendariya, baabi'intii maktabaddii Beyt al-Xikma ee Baqdaad, dacayii maktabaddii Timbuktu iyo qaar kale oo faro badan.
Si kastaba ha ahaatee, halkaan waxaan idinkula wadaagayaa tiro buug ah oo la hubo in aadan nasiib u yeelan doonin akhrintooda.
1. Baybalkii Xaawo iyo musxafkii Faadumo:
Dadka haysta diinta Masiixigu waxay rumaysan yihiin in ay jiraan buug Bayballo ama Anaajiil ah oo dhumay. Bayballada dhumay oo la sheego in tiradoodu ay labaatan kor u dhaaftay, waxaa ka mid ah mid loogu yeero "Baybalkii Xaawo /the Gospel of Eve".
Jiritaanka iyo jiritaan la'aanta Baybalka Xaawo aad baa loogu muransan yahay. Laakiin dadka qaba in uu jirey waxay ku doodaan in qarnigii 4-aad ee miilaaddiga ay wadaaddo gubeen, waxa qura ee hadda laga hayaana ay yihiin dhowr xigasho oo buug kale lagu xusay.
Sida la qiyaasayo buuggaani wuxuu ahaa mid diinta u fasiraya si waafaqsan aragtida iyo danaha dumarka. Sidaa awgeedna, haddii la heli lahaa wuxuu saamayn ku yeelan lahaa diinta Masiixiga iyo guud ahaan afkaarta diiniga ah ee dunida ka jira. Maxaa yeelay, dhammaan kutubta diinta ee aadamigu uu maanta haysto waxaa qoray rag, waxaana fasira rag. Sidaa awgeedna, waxay ka tarjumaan aragtida, damaca iyo danaha ragga.
Xaawo ma aha magac ay leedahay hal qof oo haween ahi, balse waa magac metalaya dumarka oo dhan, oo qeexaya nuxurka dheddignimada. Xaawo waa dheddig, dheddigga oo dhammina waa Xaawo. Diimaha Ibraahiimigu -Yuhuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamku- iyaga oo ka duulaya waxa loo yaqaan 'qisada abuurka' ee sheegaysa in Xaawo laga uumay feercalaanta Aadan, isla markaana ay sabab u ahayd in iyada iyo saygeeda jannada laga cayriyo ka dib markii ay cuneen geedkii Eebbe ka mamnuucay, ayay waxay u qiil dayaan dhaqamada haweenka lagu liido ee ragga looga hoosaysiiyo.
Haweenka iyo raggu ma siman yihiin? Maxay tahay macnaha in lab ama dheddig la noqdaa? Ragga iyo haweenku ma ku kala duwan yihiin dhinacyada garaadka, akhlaaqda, caadifadda iyo ruuxda? Ma dhab baa in haweenka loo abuuray si ay ragga ugu adeegaan? Maxaa loo waayey haween nebiyo ah?
Su'aalahaan iyo qaar kaleba waa kuwo aadamigu ay kumanyaal sano ka doodayeen. Dumarkuna marar badan bay isku dayeen in ay ka bixiyaan jawaabo ka duwan kuwa raggu ay ka bixiyaan. Baybalka Xaawo oo loo badinayo in ay qoreen dad la dhacsanaa shakhsiyadda haweenaydii la oran jirey Mary Magdalene oo dadka qaarkood ay ku doodeen in nebi Ciise uu guursaday, waxaa la qiyaasayaa in uu ahaa buug diimaha -gaar ahaan diinta Masiixiyadda -ka bixinaya fasiraad ka duwan midda ragga wadaaddada ahi ay ka bixiyeen. Tusaale ahaan, qodobada la sheego in ay buuggaas ku qornaayeen waxaa ka mid ah in ay bannaan tahay isticmaalka walxaha uurka looga hortago (=contraceptives).
Docda kale, Muslimiinta Shiicadu iyaguna waxay sheegaan in uu jirey waxay ugu yeeraan "Musxafkii Faadumo /مصحف فاطمة". Waxayna ku doodaan, in markii nebigu (scw) uu geeriyooday ay gabadhiisii Faadumo aad u murugootay. Eebbana si uu murugada uga masaxo uu u soo diri jirey malag Jibriil oo maaweelin jirey, su'aalaha ay weydiisana uga jawaabi jirey. Faadumana dhankeeda waxa Jibriil uu u sheego waxay u sii sheegi jirtey saygeeda Cali bin Abii Taalib oo isagu diiwan gelin jirey. Buugga lagu aruuriyey wararka Faadumo ay Jibriil ka maqashayna waxaa loo bixiyey "Musxafkii Faadumo". Laakiin ayaandarro buuggaasi haddii uu jirey, hadda meel lagu sheego lama yaqaan.
Wadaaddo badan oo Sunno ah baa iyaga oo ka duulaya warkaan waxay ku andacoodaan in Shiicadu ay leeyihiin quraan aan ahayn midka Muslimiinta sunnadu ay haystaan. Laakiin dhab ahaantii, warkaasi waa been abuur, oo wadaaddada Shiicadu ma qabaan in uu jiro quraan aan ahayn midka Muslimiintu ay wadaagaan. Musxafka Faadumana kuma sheegaan in uu quraan ahaa ee waxay ku magacaabaan musxaf ama warqado waano iyo warar ay ku qornaayeen. Labada eray ee musxaf iyo quraanna isku macne ma aha.
Shiicada iyo sunnaduna quraanka kuma kala duwana, balse waxay ku kala duwan yihiin tafsiirka quraanka la siiyo iyo qolo kastaa inta ay axaadiista nebiga ka qaadato. Farqiga ugu weyn ee labada qolo u dhexeeyaa wuxuu ka dhashay axaadiista siyaasadaysan ee qolo kastaa ay gaarkeeda u samaysatay, nebigana carrabka ugu tirtay.
Waxaa kaloo xusid mudan, in Shiicadu ay ku andacoodaan in uu jiro buug ay ku magacaabaan "al-Jafri /كتاب الجفر" oo ay sheegaan in nebigu uu Cali bin Abii Taalib u yeeriyey, lagana helo aqoontii dadkii hore iyo kuwa imaan doona. Sida Shiicadu ay ku doodaan buuggaan hadda waxaa haysta Mahdiga la sugayo (=المهدي المنتظر) oo ah shakhsiyo khuraafi ah oo wadaaddada Sunnada iyo Shiicada labaduba ay aamminsan yihiin jiritaankiisa, laakiin ay Shiicadu si gaar ah u shinsadaan (=Ruux aabbe iyo hooyo ay iska dhaleen baa samada loo qaaday, kumanyaal sanana ku noolaanaya, waa un nooc khuraafo ah). Buuggaani waa buug cajiib ah oo aqoonta if iyo aakhiraba ay ku dhan tahay, laakiin waxaa la hubaa in aan cidna weligeed akhrinayn. Hadda waxaa la heli karaa, oo internetka lagala degi karaa buug sita magaca 'al-Jafr', laakiin waxaa la sheegaa in uusan la mid ahayn kan asalka ah ee nebigu uu Cali u meeriyey, haddana uu haysto Mahdiga la sugayaa.
2. Homer iyo Margites:
Maansoyahankii Giriigga ahaa ee Homer, wuxuu leeyahay labo buug ama labo diiwaan oo safka hore uga jira suugaanta adduunka. Labada buug ee Homer caanka ku yahay waxay kala yihiin; Ilyaada iyo Oodiisiya (=The Iliad and the Odyssey). Waa labo buug oo laga dheegto dhaqamadii, sheekoxariirihii iyo siyaasadihii Giriiiggii hore. Run ahaantii, ma jirto cid hubta in Homer uu ahaa qof dhab ahaan u jirey. Aqoonyahanno badanna waxay qabaan in Homer uusan ahayn hal qof, ama saddex qof, balse uu yahay magac wadareed u tagaan Giriiggii sebenkaas noolaa oo dhan -(=ugu yaraan, kun sano ka hor dhalashadii nebi Ciise). Homer waxa qura ee magaciisa waariyeyna waa buugta loogu abtiriyo.
Laakiin buugta Homer loogu abtiriyaa waa ka badan yihiin labada hadda la hayo, oo waxaa jira tobaneeyo kale oo la sheego in isla isagu uu qoray. Buugta Homer loogu abtiriyo ee aan la hayn waxaa ka mid ah mid cinwaankiisu yahay 'Margites'. Sida la sheego 'Margites', waa buug majaajillo ah oo laga qoray nin doqon ahaa, laakiin aad u nasiib badnaa oo la oran jirey 'Margites'.
Margites sida Akhyal geesi uma ahayn, sida Odeesana uma xeelad badnayn, balse wuxuu lahaa hal sifo oo aan lagu gaarin oo ah in uu ahaa dabbaal aan loogu dhibcin. Wuxuu ahaa nin doqonnimadiisu ay u geyso in uu khataro badan u bareero, laakiin hoodo badnidiisu ay badbaadiso. Waa nin la sheegay in uusan tirada shan dhaafin karin, haddana ku dooday in uu awoodo in uu tiriyo mowjadaha badda. Waa nin feylasuufkii Giriigga ee Aflaadoon uu ku tilmaamay in uu wax badan yaqiin, laakiin wax kasta uu si silloon u samayn jirey. Aristootal oo ahaa ardaygii Aflaadoonna mar uu ninkaan tilmaamay wuxuu yiri: "Ilaahyadu ma barin sida dhulka loo qodo ama wax loo beerto toona, xirfad kale oo ay bareenna la ma arko; xirfad kasta wuu ku fashilmay /the gods taught him neither to dig nor to plought, nor any other skill; he failed in ever craft ".
Aeschines oo la sheego in uu ka mid ahaa raggii ugu baaniso iyo aftahannimo badnaa magaalada Atena oo isaguna tilmaan ka bixiyey nacasnimada doqonka Atena, wuxuu yiri: "Margites... waa nin, inkasta oo uu weyn yahay, haddana aan ogayn in hooyadi ama aabbihi ay isaga dhaleen, waana ninka aan la seexan xaaskiisa, isaga oo qiil ka dhigaya in uu ka baqayo in ay sawir xun ka siiso hooyadi."
Buuggaan lama helin, laakiin waxaa la hayaa xogo ku saabsan oo dhigaallo kale lagu xusay. Aqoonyahannada reer Galbeedkuna waxay ku doodaan in Homer uu yahay macallinka aadanaha baray labada nooc ee masraxu uu u qaybsamo. Waa majaajillada iyo musiibada, ama qosolka iyo ilmada (=comedy and tragedy). Labada buug ee Ilyaada iyo Oodiisiya waa labo buug oo dhanka musiibada ka hadla, halka Mergites uu dhanka majaajillada u janjeero.
3. Dhigaalladii Jarfaka (=Charvaka or Carvaka texts):
Magaca "Jarfaka ama Jarwaka", waa magac loo bixiyey dugsi aqooneed ka curtay dhulka Hindiya toddobo boqol oo sano ka hor dhalashii nebi Ciise, oo dadka raacsani ay rumaysnaayeen halkudhegga yiraahda: "Eebbe ma jiro noloshuna waa maaddo / لا إله والحياة مادة".
Dadkaan loo bixiyey magaca "Jarfaka", waxay inkireen jiritaanka Eebbe, waxayna diideen awoodda buugga 'Vedas' oo ah buugga muqaddaska u ah dadka haysta diinta Hinduusiyadda, waxayna ku doodeen in jannada iyo naartu ay yihiin fikrado dadku ay hindiseen, diintuna ay tahay xeelad ay wadaaddadu ku xoogsadaan oo keli ah, aysanna jirin waxtar ay bulshada u leedahay. Waxay ku doodeen in aadamigu uu yahay jirkiisa, uuna jirayo inta jirkiisu uu jiro oo keli ah. Ruuxda ama naftuna xataa haddii ay jirto, uu jiritaankeedu si buuxda ugu xiran yahay jiritaanka jirka qofka. Ruuxda iyo wacyiga qofku kama horrayn karaan, kamana dambayn karaan jirka qofka, oo waxay la dhashaan lana dhintaan jirka qofka. Inta la og yahayna, Jarfaka wuxuu ka mid yahay dugsiyada allediidka ah ee dunida soo maray kuwii ugu horreeyey.
Erayga Jarfaka (=Charvaka) waa eray ka soo jeeda afkii Saaniskiritiga ee Hindidii hore. Erayga asalkiisuna waa "Char" oo macnihiisu yahay cunid ama calalin. Erayga "Jarfakana", wuxuu ka kooban yahay xarfo laga soo gaabiyey erayada "cab, cun, oo faraxsanow, waayo berri waad dhimanaysaa /Eat, drink and be merry, for tomorrow you die". Maadaama dadka dugsigaan ka tirsani ay diideen jiritaanka nolol kale oo tan adduunyada ka dambaysa, ayna ku doodeen in waxa qura ee la aqbali karaa uu yahay waxa dareemayaasha lagu ogaado, ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay yihiin maaddiyiin aan akhlaaq lahayn oo waxa keliya ee ay daneeyaan ay tahay nolosha adduunyada ee cunidda, cabidda iyo galmada ku kooban. Dhab ahaantiina, qaar badan oo ka mid ah dadka dugsigaan ka tirsan ayaa qabay in noloshu ay tahay maalmo kooban oo aysan jirin wax ka dambeeya, sidaa awgeedna loo baahan yahay in qofku uu ku raaxaysto maalmaha yar ee uu ifka joogo. Waxayna oran jireen: "Inta aad nooshahay subag ka dhereg, xataa haddii aad deyn ku qaadato." Hindidu subagga waa qaddariyaan, waxayna u arkaan astaan tanaadnimo, tan iyo maantana waxay qabtaan ciyaaro lagu tartamo cunidda subagga. Waxayna aamminsan yihiin in ragga midba kan uu ka subag cunid badan yahay uu ka awood iyo ragannimo badan yahay.
Waxaa jirta hees caan ah oo ay qaaddo gabadha heesta ee Madonna, oo ruuxa dhegaysta xasuusinaysa afkaartii dugsigaan. Waa heesta la yiraahdo "Gabar Maaddiyad Ah /Material Girl", meerisyada heestana waxaa ka mid ah kuwo macnahoodu uu yahay:
Barbaartu mac iyo hab waa i siin karaan, waa baryootami karaan waana calaacali karaan, been waa sheegi karaan, gabayo iyo heeso caashaq ahna waa tirin karaan, laakiin ugu danbaynta mudanaha guulaysanaya waa midka beesada haysta, maxaa yeelay waad ogtihiin in aan ku noolnahay duni maaddi ah, aniguna waxaan ahay gabar maaddi ah (=You know that we are living in material world, and I am a material girl).
Si dooddaan hore ku lid ah, dadka qaybtii la dhacsanayd afkaarta dugsiga Jarfakartu, waxay ku doodi jireen in afka aqoonyahannada Jarfakada aan laga maqal waxaan ahayn run malab ka macaan. Dabeecadda dadka bayna ka mid tahay in cidda qolo ay nebi u taqaan ay qolo kale dajaal u aqoonsato. Buuda raggii ka horreeyey buu khilaafay, isagana waxaa beeniyey kuwii uu la noolaa badankooda. Kirishtaanku waxay ku doodaan in Ciise uu yahay wiilka qura ee Eebbe uu abidki dhalay, Yuhuudduna waxay sheegeen in uu ahaa beenaale dhagar badan. Weligeed iyo waaqeedna sidaas baa ruux qura labo weji loogu yeelayey.
Run ahaantii, inkiridda Alle iyo rumaynta maaddadu iskuma xirna, oo waxa jira dad muuminiin iyo maaddiyiin isku ah iyo mulxidiin aan maaddiyiin ahayn. Docda kalena, mulxidnimada iyo maaddinimadu ma keenaan anshax xumo ama anshax wanaag toona. Maxaa yeelay, akhlaaqdu iimaanka iyo ilxaadka midkoodna xiriir toos ah lama wadaagto. Dugsiyada falsafadda ee faraha badan kan ku caanbaxay ilxaadka iyo rumaynta maaddadu waa dugsigii uu aasaasay feylasuufkii Giriigga ahaa ee Abikuuras ama Abiqoor (=Epicurus 341-270).
Abikuuras wuxuu ahaa feylasuuf mulxid ah oo rumaysan in noloshu ay maaddo tahay. Waxaana loogu abtiriyaa isla oraahdii dugsiga Jarfaka ee ahayd "cun, cab, oo riyaaqsanow, waayo berri waad dhimanaysaa". Sidaas oo ay tahay, Abikuuras iyo xertiisu waxay rumaysnaayeen in nuxurka akhlaaqda iyo falsafaddu ay yihiin in ay na baraan sidii aan ugu noolaan lahayn nolol fudud oo farxad leh.
Abikuuras iyo xertiisu waxay rumaysnaayeen in qof kastaa uu dunida maalin yimaado, maalinna uu ka tago, imaanshihiisa iyo tegiddiisuna aysan saamayn ku lahayn nolosha adduunyada ee sideeda u sii soconaysa. Nolosha adduunyada waxay ku mataleen sidii in ay tahay xaflad aan dhammaanayn oo dadka qofba mar yimaado iyada oo socota, isla markaana uu ka tago iyada oo weli halkeedii ka sii socota. Sidaa darteedna, loo baahan yahay in qofku uusan ka welwlin nolosha adduunyada, isla markaana uusan ka cabsan geerida. Waxaana xusid mudan, in Karl Marx uu shahaadada doktoorada ku qaatay baaritaan uu ku sameeyey falsafaddii Abikuuras. Qof kasta oo wax ka yaqaan shakhsiyadda Maarkisna waa garan karaa in uusan waqti ku dhumin qof sahlan oo maaddada caabuda. Maarkis wuxuu ahaa maaddi dhanka aqoonta ah ee ma uusan ahayn maaddi dhanka dhaqanka ah. Maxaa yeelay, aqoon ahaan wuxuu rumaysnaa in dhaqaaluhu uu saamaynta ugu weyn ku leeyahay taariikhda aadanah, laakiin shakhsi ahaantiisa wuxuu ahaa saahid aan adduunyadu ku weynayn, had iyo goorna danta guud buu ka hormarin jirey dantiisa gaarka ah.
Yeelkadeede, Abikuuras wuxuu waqti badan ku bixiyey sidii uu jawaab ugu heli lahaa weydiinta ah: Maxaa dadka ka dhiga kuwo faraxsan?
Jawaabtii uu helayna waxay ahayd in xoolaha, carruurta iyo tumashadu aysan dadka ka dhigin kuwa faraxsan, oo dadka ay ku jiraan kuwo dhaqaale badan haysta oo aan faraxsanayn iyo kuwo aan wax la sheego haysan oo haddana faraxsan. Wuxuuna ku dooday in farxaddu ay ka dhalato saddex arrin oo ka la ah; in aan leenahay saaxiibbo aan dareen iyo sheeko wadaag nahay, in aan dareenno in aan nolosha dadka kale si un wax ugu tarno, iyo in aan helno deggenaansho uu maankayagu ka xoroobo welwel iyo buuq.
Abikuuras wuxuu sameeyey beer ku tiil bannaanka magaalada Atena oo u ahayd deegaan iyo xarun waxbarasho oo wadajira, kuna caanbaxday magaca "Beertii Abikuuras". Waxaa lagu sheegaa in ay ahayd xaruntii waxbarasho ee ugu horraysay ee oggolaata in haweenka iyo dadka addoonta ahi ay waxbarashadeeda ka qaybqaataan. Abikuuras iyo saaxiibbadiis beertaas bay ku noolaayeen iyaga oo ku naalloonaya nolol fudud oo farxad leh. Sida la sheego, Abikuuras wuxuu lahaa labo qayd, wuxuuna ku noolaa gabal kimis ah, xabbado seytuun ah iyo galaas biyo ah. Xaasna ma lahayn oo wuxuu oran jirey: falsafadda ayaan guursaday.
Waxaa la yiri boqorka ayaa wuxuu maqlay sheekada beerta Abikuuras, wuxuuna jeclaystay in aan looga sheekayn ee uu indhihiisa ku arko. Maalin dambe, boqorku wuxuu booqday beertii Abikuuras, laakiin halkii uu ka filayey in uu arko beer weyn oo ay qasriyo qurux badan ku dhex yaalliin, nolol barwaaqo iyo dheelaas badanna looga noolyahay, ayuu wuxuu arkay beer yar oo ay ku nool yihiin dad aan adduunyo badan haysan, laakiin kistooda yarta ah ku faraxsan. Maalinkii waxay ka shaqeeyaan beerta, habeenkii kolkay soo hoydaanna waxay ku casheeyaan kimis aan iidaan lahayn, laakiin iyagu ay ugu raaxaystaan sidii in ay joogaan martiqaad weyn. Cashada ka dib, xoogaa bay sheekaystaan ama ciyaaraan, dabadeedna iyaga oo faraxsan bay qosol ku gam'aan.
Boqorkii oo yaabay, Abikuuras wuxuu weydiiyey: "Maxaad ula jeeddaa halkudheggaaga ah 'Cun, cab, oo faraxsanow'?"
Abikuurasna wuxuu ku jawaabay: "Waad u jeeddaa, annagu waan faraxsannahy. Farxaddu ma aha in aad wax badan haysato, mana aha in aad aakhiro wax ka sugayso. Farxaddu waa in aad ku qanacdo in noloshu sahlan tahay, wax yarna uu ku deeqo. Farxaddu waa in jirkaagu uu xanuun ka xoroobo, maankaaguna uu wareer ka marto. Farxaddu waa fudaydka."
Mar kale, boqorkii wuxuu yiri: "Waxaan jeclahay in adiga iyo saaxiibbadaa aan hadiyad idin siiyo, ee waa maxay hadiyadda aad jeceshahay in aan idiin soo diro?"
Abikuuras daqiiqad aammus ah ka dib, wuxuu yiri: "Boqor weyn oo wax badan bixin kara baad tahay, waana kaaga mahadnaqaynaa booqashada iyo deeqsinimada aad muujisay labadaba, laakiin annagu baahi aan qabnaa ma ay jirto, haddii ay lamahuraan tahay in aan la diidin deeqsinimada boqorka, waxaad noo soo dhiibtaa xoogaa cusbo ah."
falsafadda ama xaqiiqada Abikuuras uu ku qanacsanaa, ee uu doonayey in uu dadka baro, waxay ahayd in waxa ugu weyn ee aadamigu ay raadinayaan ay tahay in la helo nolol wanaagsan, nuxurka nolosha wanaagsanina uu ku jiro in la helo nolol farxad leh, farxadda iyo xooluhuna aysan isku xirnayn.
Abikuuras ma ahayn beeraale caadi ah, balse wuxuu ahaa feylasuuf weyn oo waqtigiisa geliyey waxbarashada iyo dhigaallada. Wuxuu qoray dhigaallo badan oo lumay, waxa laga hayaana ay yihiin waxyaabo dadka kale ay ka sheegeen oo qura.
Wadaadkii feylasuufka ahaa ee Ralph W. Emerson waxaa laga hayaa in uu yiri: "Ruuxa dunida ugu farxadda badani waa kan dabeecadda ka barta casharrada cibaadada." Haddii taa laga duulo, waxaa la oran karaa Abikuuras ma ahayn mulxid maaddi ah, ee wuxuu ahaa muumin rumaysan diinta dabeecadda (=Natural religion).
Si kastaba ha ahaatee, dugsigii Jarfakadu waagii dambe waa shiiqay, dhigaalladiisii oo dhanna waa la waayey. In xaalku sidaa noqdana sababo badan ayaa lagu macneeyey. Labo ka mid ah sababaha keenay in dugsigaani uu qarsoomo waxay yihiin; Kow: Jiritaanka awoodo xoog leh oo isku taxalujiyey tirtiridda afkaarta dugsigaan. Labo: curashada diimaha ama falsafadaha Buudiyada iyo Jeynisimka.
Aadamigu rooti la'aan ma uu noolaan karo, laakiin isla jeerkaas rooti darti uma uu noolaan karo. Cunidda, cabidda iyo galmadu waa qayb nolosha ka mid ah, laakiin nolosha oo dhan ma ah. Weydiimaha ugu filka weyn ee feylasuufyadu ay jawaabta u raadiyaan waxaa ka mid ah weydiinta tiraahda: "Maxaa xigi? /What then? /ماذا بعد؟". Waan dhashay, waan koray, wax baan bartay, waan shaqaystay, hanti baan tabcay, waan guursaday, carruur baan dhalay, waan dhintay, "Intaa maxaa xigi?"
Maxaa xigi? Waa su'aal cid kasta oo garaad lihi ay isweydiiso, laakiin aan weli jawaab loo hayn. Diimaha Buudiyada iyo Jeynisimka oo ahaa kacdoonno isbeddel doon ah oo ka fallaagoobey diinta Hinduusiyadda, waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin falsafado isku taxalujiya in ay jawaab u helaan baahida nafta aaduhu ay u qabto ogaanta waxa maqan. Waa diimo isku daya in ay qanciyaan ruuxda aadanaha, haddana ma aha diimo caqiido ku qotoma, ee waa falsafado hadafkooda ugu weyni uu yahay in qofku uu su'aalo isweydiiyo, naftiisa iyo dabeecaddana uu la heshiiyo. Waxaana la rumaysan yahay in qayb ahaan dadkii taageersanaa dugsiga Jarfaka ay ku biireen dadka qaatay diimaha Buudiyada iyo Jeenisimka oo loo arkay in ay yihiin kuwo u dhexeeya ruuxaaniyaddii diinta Hinduusiyadda iyo maaddinimada dugsiga Jarfaka.
10 Diinta Buudiyadda, siiba firqada loo yaqaan Senka (=Zen), waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay "Diin allediid ah /Atheistic religion". Waa diin, waana Alle diid. Waayo waxay isku dayday in ay iswaafajiso ruuxaaniyaddii Hinduusiyadda iyo ilxaadkii maaddiyiinta. Waxaana la yiraahdaa dugsiga Jarfakadu wuxuu ahaa fallaago si buuxda uga gadooday Hinduusiyadda, halka Buudiyada iyo Jeynisku ay weli hal lug kula jiraan diinta Hinduusiyadda, oo xaalkoodu uu la mid yahay goroyadii tiri: "Ciyaarta hal lug baa iigu jiraysa".
4. Khaliil iyo buugga al-Ceyn:
Khaliil bin Axmed al-Faraahiidii (718-791) wuxuu ahaa aqoonyahan carbeed oo garaad iyo aqoon lagu cawryo. Wuxuu qoray dhowr buug oo uu ka mid yahay buug uu u bixiyey "al-Ceyn /كتاب العين", oo loo aqoonsan yahay in uu yahay qaamuuskii ugu horreeyey ee afka carabiga loo sameeyo.
Waxaa la wariyey in Khaliil goortii uu buuggaan ebyey uu u dhiibey nin ay saaxiib ahaayeen oo la oran jirey Leyt bin Mudafar oo buugga aad u jeclaystay, waqti badanna ku bixin jirey daalacashadiisa. Waa danbe, Leyt wuxuu iibsaday gabar addoon ahayd oo uu aad u caashaqay. Arrinkaasina wuxuu masayr ku dhaliyey afadii u dhaxdey, waxayna go'aansatay in ay ka aargoosato. Waxay ku dhaaratay in ay dhadhansiiso xanuun la mid ah kii ay dareentay kolkii uu gabadha addoonta ah soo iibsaday. Xaajiyaddu waxay is tustay in buugga Khaliil uu yahay waxa saygeedu uu dunida ugu jecel yahay, waxayna dab ku hubsatay qaybtii dambe ee buugga. Leyt markuu ogaaday shilka dhacay aad buu u murugooday, mana jirin nuqul aan midkaas ka ahayn, Khaliilna waa geeriyoodey. Sidaa darteed, Leyt wuxuu isku dayey in isagu uu qoro buug u dhigma kii la gubay. Wuxuuna ku guulaystay in uu qoro buugga hadda la hayo. In buuggaani uu u dhigmo kii Khaliil iyo in kalena, waa mas'alo aysan jirin cid go'aan ka gaari kartaa -maadaama aan la hayn kii asalka ahaa ee la barbardhigi lahaa.
5. Ibnu Raawandi iyo Sumurud:
Axmed Yaxye Isxaaq ibnu Raawandi (827-911), oo lagu garan og yahay magaca 'Ibnu Raawandi', waa nin lagu tiriyo in uu ka mid yahay aqoonyahannadii ugu horreeyey ee diinta islaamka ka shakiya, isla markaana diimaha oo dhan dhaleeceeya.
Inbu Raawandi wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii qarnigii 3-aad ee Hijrada ku noolaa magaalada Baqdaad. Wuxuu ahaa nin ku sheeggan aqoon iyo dhiirranaan waxa uu qabo oo dhan uu ku sheego. Wuxuu inkiray waxyiga iyo nebinimada oo uu ku sheegay wax aan loo baahnayn, wuxuu dhaliilay quraanka oo uu ku dooday in carabtu haddii ay damcaan ay allifi karaan wax ka qurux iyo quluud badan, wuxuu diiday faraa'isha [sida salaadda, soonka iyo xajka], wuxuu liiday mucjisaadka diimaha, ugu dambayntiina wuxuu diiday jiritaanka Eebbe wuxuuna ku dooday in caqligu uu ka qiimo badan yahay kutubta diinta.
Aqoonyahannadii ay isku xilliga ahaayeen oo dhammi waxay si buuxda isugu raaceen in uu ahaa nin kulansaday aqoon iyo garaad. Dhanka kalena waxay sigeen in ay isku raacaan in qaybtii dambe ee noloshiisa uu diinta Islaamka ka baxay, isla markaana diimaha oo dhan uu isku si uu dhaliili jirey, buug badanna ka qoray.
Waxaa xusid mudan, in marka laga reebo wadaaddada aqoontoodu ay diinta ku koobnayd, uusan dunida islaamka soo marin aqoonyahan magac leh oo gaalnimo ama ugu yaraan diin xumo aan qolo ku tuhmin. Sidoo kale, aqoonyahanno uu ka mid yahay gabyaaga Suuriga ah ee Adooniis, waxay ku doodaan in dhammaan maansoyahannadii magaca lahaa ee dunida Islaamka ka soo baxay diin xumo iyo gaalnimo lagu tuhmay (Dunida islaamka ee laga hadlayaa waa Bariga Dhexe, Jasiiradda carabta, Waqooyiga Afrika. Haddii cid kale soo raacdo, waa haddii lagu daro qaarad u egta Hindiya).
Hase ahaatee, gaalnimada lagu sheegay Ibnu Raawandi waxay kaga duwan tahay gaalnimada ragga kale lagu sheegay in isaga tiisa aad la isugu raacay, isla jeerkaasna uusan jirin hal aqoonyahan oo u bareeray in uu si toos ah u difaaco. Ragga kale ee gaalnimada lagu eedeeyey waxay heleen cid isku dayday in ay deedifayso eedda loo soo jeediyey.
Wadaadkii 'Ibnu Jawsi', waxaa laga hayaa in uu yiri: "Sanaadiqada (=mulxidiinta) islaamku waa saddex: Ibnu Raawandi, Abuu Xayaan al-Towxiidi iyo Abuu Calaa al- Macarri. Saddexdoodana islaamka waxaa ugu dhib badan Abuu Xayaan, waayo iyagu waa caddaysteen, isaguse ma caddaysan ee waa hunni-hunni yiri / :زنادقة اإلسالم ثالثة ابن الراوندي، وأبو حيان التوحيدي، وأبو العالء المعري. وأشدهم على اإلسالم أبو حيان، ألنهما صرحا وهو مجمجم ولم يصرح".
Saddexdaan nin, inkasta oo isku si gaalnimo loogu tuhmay, haddana midka qura ee la fogeeyey, qoraalladiisiina la gubay waa Ibnu Raawandi. Arrinkaasina qayb ahaan wuxuu u noqonayaa in hadalka Ibnu Raawandi uu aad uga qeexan yahay hadalka labada aqoonyahan ee kale. Taa waxaa dheer, in Ibnu Raawandi uu ahaa nin doodihiisu aysan ku koobnayn aqoonyahannada dhexdooda, balse ay gaareen dadweynaha caadiga ah. Wuxuu adeegsan jirey luqad fudud, oo kaftan iyo jeesjees ku dheehan yahay, dadweynuhuna ay ku sheekaystaan. Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in uu dadka ku oran jirey: quraanka waxaa ku qoran in "Dhagarta sheydaanku ay yar tahay /إن كيد الشيطان كان ضعيفا", war ma ninka Aadan jannada ka soo saaray baa dhagar yar?
Sidoo kale, marka uu arko wadaad dad wacdinaya oo daliishanaya aayadda quraanka ah ee tiraahda: "Ha su'aalina walxo haddii la idiin muujiyo idin dhibaya / ال تسألوا عن أشياء إن تبد لكم تسؤكم". Wuxuu oran jirey: "Su'aasha waxaa dhibsada midka badeecadiisu ay liidato /إنما يكره السؤال رديء السلعة". Sheekooyinka kale ee laga wariyana waxaa ka mid ah; in uu maalin arkay carruur tuuryaynaya ey masaajid galay, markaana uu carruurta ku yiri: "War iska daaya waa xayawaan aan caqli lahayne, haddii uu sidayda caqli u leeyahay masaajidka ma uu galeene."
Wadaaddada qaarkood waxay ku andacoodeen, in sababta Ibnu Raawandi uu la gaaloobay ay ahayd sabab dhaqaale la xiriirta. Waxayna yiraahdeen, wuxuu ahaa nin aqoon iyo caqli badan, isla markaana aad sabool u ah. Wuxuuna arkay dad aan aqoon iyo caqli toona lagu ogayn oo haddana hanti meel ay kala dhigaan garan la', kolkaasna wuxuu isweydiiyey: Haddii uu jiro Ilaah xikmad lihi ma uu qadiyeen kuwa garaadka leh, mana uu dherjiyeeyn doqommada. Waxayna wariyeen sheekooyin dhowr ah oo ay ku xoojiyaan doodda sheegaysa in faqrigu uu sabab u yahay gaalnimada Ibnu Raawandi. Tusaale ahaan, waxay yiraahdeen:
Maalin maalmaha ka mid ah, Ibnu Raawandi oo sita kimis yaabis ah, oo raadinaya wixii uu ku iidaaman lahaa, ayaa wuxuu soo ag maray dukaammo uu lahaa nin la oran jirey 'Ibnu Jasaas' oo lagu tilmaamay in uu ahaa ganacsadaha magaalada Baqdaad ugu xoolaha badan, isla markaan doqonnimo lagu xaman jirey. Markaana Ibnu Raawandi wuxuu tiriyey gabay ay ka mid yihiin meerisyo macnahoodu uu yahay: Badanaa caaqil caqli badan oo nolosha ku rafaadsan iyo jaahil tafaha loo buuxshay. Waa arrinkaas midka wareerka keenay ee kan dadka ugu cilmiga badani uu la gaaloobo. مـــرزوقاهلقا ُت َل جاه ٍٍله وجاه ٍٍب مذاه ُت أعي ْْل عاق ٍٍلاق ٍٍع َمك زنديقارحري َنّ ال ِمَلا ِعَلر ا ْيَّص و َة حائر ًمهذا الذي ترك األوها
Waxay kaloo wariyeen, in uu maalin goob joog u ahaa meel nin ladani uu ku daadiyey miro uu cunay qoloftoodii. Ninka ladani markii uu miraha ka dhargay Alle kuma uusan mahadin ee inta qoloftii iska qubay buu iska dhaqaaqay. Dabadeed, waxaa yimid nin sabool ahaa oo gurtay qashirkii la qubay. Saboolkii markii uu qashinkii leefleefay buu wuxuu bilaabay in uu Alle uga mahadnaqo. Dadkii meesha joogayna waxay ka war heleen Ibnu Raawandi oo dharbaaxo uga soo gooyey miskiinkii qashinka gurtay, oo ku leh: "Eebbe adiga iyo kuw kula midka ah dartood buu masaakiintayada ugu dow galay, oo goortii uu arkay in aad qolofta uga mahadnaqaysaan buu na qadiyey / ما تجرأ هللا علينا معاشر المساكين إال منك ومن أمثالك إذ علم منكم الشكر على أكل القشور".
Sida la dareemi karo, dhacdooyinkaani ma aha kuwo sida loo dhigay dhab ahaan ugu dhacay, ee waa sheekooyin loo falkiyey si wax loogu tusaaleeyo, Ibnu Raawandina uu noqday cidda loo arko in aan lagu danbaabeyn haddii loo saariyo. Maxaa loogu danbaabayaa, sow ma aha gaal Alle iyo nebi ka furtay.
Sidoo kale, waxaa jira qaar ku dooday in Ibnu Raawandi uu asal ahaan ka soo jeedo qoys Yuhuud ahaa, aabbihiisna uu ahaa wadaad Yahuudi ah oo soo islaamay. Dadkaani waxay allifeen sheeko ay sidaan u dhigeen;
Wadaaddo Yuhuud ahaa baa waxay u yimaadeen niman Muslimiin ah, waxayna ku yiraahdeen: "Ka digtoonaada inanka Raawandi dhalay, hadii aydaan sidaa yeelin, diintiinna ayuu idiinka fasahaadinayaa sida aabbihiis uu diintayada u fasahaadiyey /احذروا من ابن الراوندي فإنه سوف يخرب علكيم دينكم كما أفسد أبوه ديننا". Waxaana lagu dooday in aabbihiis oo aqoon fiican u lahaa buugga Towreedka, uuna qoray buug uu ku soo bandhigay ceebaha buugga Towreedka. Laakiin waxaa loo badinayaa in abtirsigaan yahuudiga ahi uu yahay mid loo allifay si sumcadda looga dilo oo keliya. Arrinkaasina waa xeelad wadaaddada diimuhu ay aad u adeegsadaan.
Sida dhabta ah, Ibnu Raawandi ma ahayn aqoonyahan mulxidnimada iskeed u calmaday, balse wuxuu ahaa nin leh caqli iyo qalbi xaqiiqada u oomman. Wuxuu ahaa nin jecel in uu runta ka gun gaaro. Sidaa awgeed, waxaa la sheegaa in uu baaray dhammaan diimihii iyo madaahibtii casrigiisa dunida Islaamka ka jirtey, badankoodana uu ka mid noqday, mid walbana uu ka qoray labo buug. Waxaa la yiri firqada uu ku biiro wuxuu ka qori jirey buug uu ku difaaco, afkaarteedana ku soo bandhigo, kolka uu ka baxana wuxuu ka qori jirey buug uu ku dhaliilo.
Waxaana xusid mudan, in ilxaadka Ibnu Raawandi lagu sheegay uusan lahayn macne la mid ah kan maanta dunida laga yaqaan. Maxaa yeelay, Ibnu Raawandi marna si toos ah uma uu diidin suurogalnimada jiritaanka Eebbe. Waxa uu diiday waa fikradda diimaha iyo waxyiga nebiyadu ay sheegteen.
Yeelkadeede, dadkii ka hadlay taariikhda Ibnu Raawandi waxay sheegeen in uu qoray buug tiradoodu ay boqol kor u dhaaftay, oo u badan dhaleecaynta diimaha, siiba diinta islaamka. Tusaale ahaan, mawduucyada diinta la xiriira ee uu buugta ka qoray waxaa ka mid inkiridda fikradda nebinimada, dhaliilidda quraanka, dhaliilidda siirada nebiga iyo qaar kale oo badan. Buugtaas mid qura lagama hayo oo dhammaan waa la gubay. Waxa keliya ee la hayaa waa wixii ay ka soo xigteen buugtii faraha badnaa ee lagu raddiyey. Buugtii loo qoray si afkaartiisa loogu baabi'iyo ayaa qayb ahaan afkaartiisii ilaalisay. Haddana, waxaa jira aqoonyahanno isku duway qaybo ka mid ah hadallada isaga loogu abtiriyo ee buugta kale lagu xusay, kana soo saaray buug la daabacay.
Buugta faraha badan ee uu qoray kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah mid uu u bixiyey "Lama Beeniyaan /الدامغ" oo uu ku sheegay in uu yahay buug uu ku baabi'iyey doodaha quraanka, aysanna jirin cid beenin karta waxa ku qoran.
Siday ahaataba, buugtiisa oo dhan waxaa ugu caansan mid cinwaankiisu uu yahay "Sumurud/الزمرد". Sumurudku waa macdan qaali ah oo aad u dhalaal badan. Qoraaga oo ka faalloodey sababta uu buugga magacan ugu bixiyeyna wuxuu yiri: "Tilmaamaha sumurudka waxaa ka mid ah in abeesada iyo masasku haddii ay eegaan ay ku indho beelaan, buuggaanna waa sidaas oo kale oo kuwa diiddan waxa ku qoran haddii ay eegaan waa indho beelayaan." Dabcan, indhabeelka uu tilmaamayaa ma aha mid jir ah ee waa mid macnahi ah, oo uu ka wado in aysan waxba ka fahmayn, ama aysan lahayn karti aqooneed oo ay ku beeniyaan waxa ku qoran.
Buuggaan 'Sumurud', wuxuu ku saabsan yahay diididda shareecada iyo inkiridda nebinimada. Wuxuuna si weyn ugu difaacay fikradda ah in caqligu uu ka sarreeyo naqliga ama shareecada. Wuxuuna yiri: Haddii shareecadu ay la timid wax caqliga lagu ogaan karo, ma jirayso baahi loo qabo oo caqliga ayaa looga kaaftoomayaa. Haddii ay la timid waxaan caqliga lagu ogaan karinna, lama qaadan karo waayo caqligu waa kan samaha iyo xumaha lagu kala garto. Sidaa darteedna, anbiyada iyo diimuhu marna waxtar uma laha aadamiga.
Ibnu Raawandi, dadka wuxuu weydiiyey su'aal ah: Haddii sida diimuhu sheegaan ay run tahay, oo Eebbe uu dadka abuuray, caqligana uu siiyey, sidee bay ku dhici kartaa in Eebbe uu soo dejiyo diimo waxa ku qoran uu caqligu diidayo, ama in Eebbe uu yiraahdo caqligii aan idin siiyey ha adeegsannina. Eebbe muxuu caqliga noo siiyey haddiiba uu xakamaynayo sida aan u adeegsanayno? Buuraha Safa iyo Marwo maxay uga duwan yihiin buuraha kale ee dunida ku yaal?!
Wadaaddada diimuhu aad bay u dhibsan jireen doodaha Ibnu Raawandi, waxayna ku taami jireen in la helo cid rubadda ku dhufata, oo dhibkiisa dhaafisa. Wadaad la oran jirey Ibnu Caqiil oo ka xumaaday in Ibnu Raawandi aan la dilinna, wuxuu qoray: "Yaabaye, sidee baan loo dilin, isaga oo qoray burburiyaha uu quraanka ku burburiyey, iyo Sumurudka uu nebinimada ku ceebeeyey / عجبي كيف لم يقتل ! وقد صنف الدامغ يدمغ به القرآن ، والزمردة يزري فيه على النبوات".
Ugu dambayntii, waa la isku khilaafay meesha Ibnu Raawandi uu ku danbeeyey, oo dadka qaar baa waxay sheegeen in nin Yuhuudi ahaa uu ku qariyey guri ka mid ah guryihii Yuhuuddu ay Baqdaad ku lahaayeen, halkaasna uu markii danbe ku geeriyoodey. Kuwo kalena, waxay yiraahdeen isaga oo baxsad ah buu wuxuu tagay magaalada Riqa ee Suuriya, halkaas oo lagu qabtay, laguna diley. Hase ahaatee, waxaa loo badinayaa in sanooyinkii danbe ee noloshiisa uu ku qaatay meel ka baxsan magaalada Baqdaad, sanooyinkaasna uusan samayn wax qoraal ah, jawigii baqdinta lahaa ee uu ku jirey darteed.
6. Abuu Xayaan Tawxiidi iyo caqli ka xajinta:
Cali Maxamed Cabbaas, oo lagu naynaaso Abuu Xayaan al-Tawxiidi (922-1023), wuxuu ahaa aqoonyahan lagu tilmaamay in uu yahay "Feylauufka suugaan-yahannada iyo suugaanyahanka feylasuufyada /فيلسوف األدباء وأديب الفالسفة". Waa nin loogu tago falsafad suugaamaysan iyo suugaan falsafadaysan. Waa nin hibo loo siiyey in uu afkaar qiimo leh uu ku gudbiyo asluub xallad iyo xiiso badan.
Marka suugaanta carabta tix iyo tiraab loo qaybiyo, waxaa la sheegaa in qaybta tiraabta ah ay calanka u sidaan labada aqoonyahan ee Jaaxid iyo Abuu Xayaan Tawxiidi oo ahaa macallin iyo ardaygi. Tusaale ahaan, Mustashriqii Adam Mez buuggiisa "Ilbaxnimadii Islaamka ee qarnigii 4-aad ee hijrada / الحضارة اإلسالمية في القرن الرابع الهجري" wuxuu ku xusay in Tawxiidi uu yahay kan u sita dadka afka carabiga wax ku qoray.
Weeraha caanka ah ee Tawxiidi laga soo xigto waxaa ka mid ah weer oranaysa: "Aadamigii baa aadamigu mugdi ka galay /االنسان قد أشكل عليه االنسان". Maxamed Arkoon (1928-2010) oo baaritaanno akadeemi ah ku sameeyey afkaartii iyo taariikhdii Tawxiidina, wuxuu ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka ka gudbay seeraha beelaysiga, ee bani'aadamnimada wax kasta ka horraysiiya (=Humanism).
Sidaan horay u soo xusnay, Tawxiidi wuxuu ku jiraa saddexda nin ee Ibnu Jawsi uu ku sheegay in ay yihiin saddexda nin ee dadka muslimiintu ay dhaleen ugu gaalsan. Weliba Ibnu Jowsi wuxuu ku dooday in saddexdooda uu Tawxiidi ugu gaalsan yahay.
Hayeeshee, dadka wax ka qoray taariikhda Tawxiidi badankoodu tuhmadaas waa ka fogeeyaan, waxayna qabaan in uu ahaa muumin Alle iyo anbiyada oggol. Wuxuu ahaa suufi labo buug ka qoray mawduuca tasawufka iyo wararka suufiyadda. Sababaha la sheego in ay ugu baxday naynaasta uu ku caanbaxay ee 'Tawxiidina' waxaa ka mid ah in buuggiisa "اإلشارات اإللهية" uu aad uga buuxiyey xuska iyo mahadinta Eebbe. Waxaana la rumaysan yahay in ragga Ibnu Jawsi uu ka midka yahay ee gaalnimada iyo diin xumaanta ku sheegay ay ahaayeen rag xinif hoose ay ka dhexaysay oo ku colaadinayey arrimo suufinimadu ay ka mid tahay.
Tawxiidi waxaa lagu sifeeyey in uu ahaa aqoonyahan runta jecel, naftiisa ku kalsoon, ra'yigiisana erayo aan afgobaadsi lahayn ku cabbira. Arrinkaasina wuxuu keenay in ay isi seegaan madaxdii, maalqabeenkii iyo in badan oo ka mid ah aqoonyahannadii ay isku xilliga ahaayeen. Taasina markeeda waxay keentay in noloshiisii oo dhan uu ku dhammaystay faqri gaarsiiyey in uu caws cuno, isaga oo u jeeday israafkii iyo mubadirnimadii ay ku aqdaamanayeen kuwo badan oo ka aqoon iyo karti yaraa.
Abuu Xayaan Tawxiidi buug badan buu qoray. Buugtaasina waxay isugu jiraan qaar badan oo la hayo iyo kuwo badan oo la waayey. Waxaana la wariyaa in Tawxiidi qudhiisu uu waagii dambe buugtiisa gubay. Sababtuna ay ahayd caro uu u qaaday dadkii ay isku waayaha ahaayeen, oo uu ku eedeeyey in cilmiga iyo culumada toona aysan qaddarin. Wuxuu yiri: ma doonayo in buugtayda aan uga tago cid aan mudnayn, aanna fahmayn, aysanna khusayn. Buugtiisa na soo gaartayna waa nuqulladii laga guuriyey ka hor intii uusan buugtiisa gubin, ee dadka kale ay haysteen.
Buugta Abuu Xayaan ee na soo gaartay, ee tan iyo maanta ay akhristaan dadka daneeya afka, falsafadda iyo suugaanta carabta waxaa ka mid ah; "Raaxada iyo weheshiga /اإلمتاع والمؤانسة", "Aragtiyaha iyo kunuusta /البصائر والذخائر", "Saaxiibtinimada iyo saaxiibka /الصداقة والصديق", "Ilays isweydaarsi /المقابسات", "Calaamadaha ilaahnimada /اإلشارات اإللهية" iyo qaar kale oo badan.
Dhanka kale, dhigaallada Tawxiidi ee dhumay waxaa ka mid ah buug uu cinwaan uga dhigay "Xajka maanka ah haddii uu ciriiriyoobo xajka sharciga ahi /الحج العقلي إذا ضاق الفضاء عن الحج الشرعي". Maaddaama buuggu uu lumay, oo aan nuqulna laga hayn, ma jirto cid xog dhab ah ka haysa danta qoraagu uu ka lahaa iyo mawduuca uu ka hadlayo toona. Laakiin waxaa loo badinayaa in Tawxiidi ay la ahayd in qofka Muslimka ahi haddii ay ku adkaato in uu Maka xaj u tago, uu xajin karo isaga oo minankiisa jooga. Taasina waxay ku suuroobaysaa in uu maanka iyo ruuxda ka xajiyo. Haddii si kale loo dhigo, Tawxiidi wuxuu qabaa in ruuxu uu Maka u xajin karo isaga oo gurigiisa jooga oo aan wax safar ah galin, waxaa ku filin in uu niyeysto in uu xajka joogo, uuna ka fekero ummuuraha xajka.
Fikradda caqli ka xajintu waxay la mid tahay fikradda dheelminta nebiga (= اإلسراء والمعراج). Maxaa yeelay, wadaaddada islaamka qaarkood baa waxay qabaan in dheelminta nebigu ay ahayd riyo ruuxi ah oo nebigu uu ku riyooday, laakiin aan jir ahaan loo dheelmin. Waxaana jirta dood oranaysa: cibaadaadka ma duquusta iyo shacaa'irta - rukuucda, sujuudda, dawaafka, ka soomidda cuntada iyo cabitaanka- ayaa asal ah mase niyadda iyo macnaha? Tusaale ahaan, salaadda, soonka, sakada iyo xajka ma falka la samaynayo ayaa muhiim ah mase nuxurka iyo hadafka maangalka ah ee laga leeyahay cibaadooyinkaas?
Sida la qiyaasayo Tawxiidi buuggaan wuxuu qoray goor danbe oo uu noqday suufi waayeel ah, uuna jeclaa cibaadaadka uu xajku ka midka yahay, laakiin duruufihiisa dhaqaale aysan u saamaxayn in uu xajiyo. Isla jeerkaasna wuxuu dareensanaa in ay jiraan Muslimiin badan oo ku sugan duruufo kuwiisa la mid ah ama ka sii liita.
Waxaana la malaynayaa in sababta buuggaan loo waayey ay qayb ahaan u noqonayso dagaalkii iyo gaalaysiintii ay wadaaddadu kula kaceen Abuu Xayaan Tawxiidi. Waxaana loo badinayaa in buuggaani uu kaalin weyn ka qaatay gaalaysiintaas.
Run ahaantiise, Abuu Xayaan fikraddaan uguma uu horrayn, ee isaga ka hor iyo ka gadaalba waxaa jiray Muslimiin rumaysnaa. Tusaale ahaan, taariikhyahannada ay ka midka yihiin Ibnu Atiir iyo Khadiib al-Baqdaadi marka ay ka warramayaan dilkii foosha xumaa ee loo geystay suufigii Mansuur al-Xalaaj (858-922), waxa ay qoreen in Xalaaj uu yiri: "Ruuxii doona in uu xajiyo, ee ay u fududaan weydo, gurigiisa dhexdiisa ha ka dhiso dhismo aan wax najaaso ah lagu darin, cidna yuusan u suurogalin in ay gasho, marka la gaaro maalmaha xajka saddex maalmood ha soomo, dhismahaanna ha ugu dawaafo sida kacbada loo dawaafo oo kale, gurigiisa dhexdiisana ha ku sameeyo waxa xujeydu ay Maka ku sameeyaan, dabadeed raashin la mid ah kan uu isagu quuto ha ku quudiyo soddon miskiin, isaguna ha u adeego, intaa ka dibna mid kasta maro iyo toddob dirham -ama wuxuu yiri saddex dirham- ha siiyo. Haddii uu sidaa yeelo, waxay u galaysaa booskii xajka / منء ال يناله شي ٌا في داره بيت ًنِبر له، فلي ْسّ من أراد الحج، ولم يتي طافيف به كما ُطم ثالثة أيام، ولي ُص من دخوله، فإذا كان في أيام الحج فلي ُان أحد ًكالنجاسة، وال يم ّ طعمهم مني ف ُابالكعبة، ثم يفعل في داره ما يفعله الحجيج في مكة، ثم يستدعي ثالثين يتيم منهم سبعة دراهمد، ويعطي كل واح ٍا قميص ًاطعامه ويتولى خدمتهم بنفسه، ثم يكسوهم قميص ـ أو قال ثالثة دراهم ـ فإذا فعل ذلك، قام له مقام الحج".
Buuggaani, inkasta oo uu lumay abbaaraha kun sano ka hor, rajo weynna aan laga qabin in la helo, haddana mustaxiil ma aha in mar un la helo. Waxaana xusid mudan, in hadal haynta buuggaani ay korortay kadib markii sanooyinkaan danbe ay bateen doodaha ku suubsan arrimaha xajka, kuwaas oo ka dhashay khilaafaadka siyaasiga ah ee u dhaxeeya waddamada islaamka, siiba Sacuudiga iyo Iiraan, iyo weliba kor u kaca ku yimid dhaqaalaha lagu xajiyo, kaddib markii ay xoogaysteen shirkadaha dalxiiska ee sida waalan xajka uga macaasha. Xaalkuna wuxuu gaaray in Muslimiin badan oo shakhsiyaad iyo hey'ado isugu jiraa ay ku baaqeen in la qaaddaco xajka jeer xal laga gaarayo duruufaha ku gadaaman xajka.
7. Buugtii Meeksiko:
Halhays caan ah baa wuxuu yiraahdaa "Kan guulaysta baa taariikhda qora." Qaniimada guulaha dagaalka laga helana waxaa ka mid ah in fursad loo helo in la beddelo bulsho dhan taariikhdeeda iyo ilbaxnimadeeda. Ilbaxnimooyinkii Astika iyo Mayanka dalka Meeksiko, inkasta oo laga hayo walxo badan oo taariikh ah, haddana dhigaalladoodii wax qumman lagama helin. Sababtuna waa duulkii dagaalka ku guulaystay oo duugay dhigaalladaas.
Dhigaalladii fargurida ahaa ee Astiga iyo Mayanka oo wadajirkooda loo yaqaan fargurdii Meksiko, waxay ahaayeen qoraallo iyo sawirro ku saabsan dhaqamadii, diimihii iyo taariikhdii dadkaas. Sida la sheegana, farguridaas waxaa ka haray 30 keli ah, waana kuwa gacanta ka gaystay fahmidda afkii, dhaqankii iyo taariikhii dadkaas.
Dhigaalladaas badankooda waxaa burburiyey imbiradoor la oran jirey 'Itzcoat', oo dabshidkii 1426 xukunka inqilaab kula wareegay. Itzcoatl, markii uu talada la wareegay wuxuu amar ku bixiyey in la baabi'iyo xogigihii horay looga diyaariyey taariikhda iyo dhaqanka bulshadaas. Maxaa yeelay, wuxuu aamminsanaa in falkaasi uu fursad u siinayo in sida uu doono uu dib ugu qoro taariikhda ummaddaas.
Boqol dabshid ka dib, dhulkaan waxaa qabsaday gumeystayaashii Isbaanishka, oo iyaguna kalkooda cagta mariyey wax walba oo ay arkeen. Tusaale ahaan, dabshidkii 1562, wadaad Isbaanish ahaa oo lagu magacaabi jirey 'Diego de Land', ayaa wuxuu ku dooday in uu doonayo in uu dadka Mayanka ka xoreeyo diintooda iyo dhaqamadoodii hore, wuxuuna amar ku bixiyey in laga takhaluso kumanyaal walxaad oo ahaa dokumiintiyo lagu kaydiyey diinta iyo taariikhda dadka Maayaha. Walxaha la burburiyey waxaa ku jirey 27 qoraal oo farguri ahaa. waxaana la yaab leh, in xogta yar ee laga hayo taariikhdii iyo diintii Mayanka badankeeda laga helay buug Landa qudhiisu uu u qoray si uu nolol uga raadsado, ka dib markii dib loogu celiyey Isbeyn iyada oo lagu ciqaabay falal sharci darro ah oo la sheegay in uu ku kacay isaga oo aan oggolaansho ugu haysan madaxdii ka sarraysay.
7. Mawsuucadii Yong:
Shiinaha waxaa loo qirsan yahay in ay yihiin ummaddii ugu horraysay ee hindistay samaynta xaashiyaha wax lagu qoro, isla markaana samaysay madbacaddii ugu horraysay ee dunida laga adeegsado. Tusaale ahaan, Shiinaha oo 700 oo sano madbacadda isticmaalaya ayaa Gutenberg hindisay madbacaddii ugu horraysay ee dunida Shiinaha ka baxsan laga isticmaalo.
Hase ahaatee, Shiinaha waxaa soo maray dhowr boqor oo mid kastaa uu isku dayey in uu tirtiro aqoontii iyo taariikhdii isaga ka horraysay. Dabshidkii 1403 boqorkii Shiinaha ee 'Yongle', wuxuu amray in la diyaariyo mawsuuco (=Encyclopedia) lagu aruuriyo dhammaan aqoonta la heli karo. Waxaa la isu keenay aqoonyahanno tiradoodu ay 2000 ka badan tahay, laamo aqooneed oo kala duwanna ku kala abtirsada. Aqoonyahannadaasi dhowr sano oo cilmibaarid ah ka dib waxay diyaariyeen dhigaallo tiradooda lagu qiyaasay 23,ooo oo cinwaan ama qoraal, oo isugeyntoodu ay noqotay 11,085 mujallad, looguna magac daray boqorkii amray diyaarintooda, oo loo bixiyey "Mawsuucada Yongle".
Laakiin nasiib darro, mawsuucadaas maanta waxaa laga hayaa wax aad u yar oo aan dhammayn 4% qoraalkii asalka ahaa. Taana waxaa loo aaneeyaa boqorradii dhulkaas ku dagaallamay iyo weliba burburkii ka dhashay dagaalkii daroogada ee Ingiriiska iyo Faransiisku ay Shiinaha ku qaadeen.
8. Joseph Smith iyo buuggii nebi Ibraahim:
Dabshidkii 1835, nin la oran jirey Josef Ismit oo ah ninka aasaasay diinta loo yaqaan 'Moormanka', ayaa wuxuu ku andacooday in uu nin iibiya alaabo laga dhaxlay Faraacinadii Masar uu ka iibsaday qoraallo uu ku sheegay in ay yihiin buugtii Eebbe uu nebi Ibraahim iyo nebi Yuusuf uu u waxyoodey, oo cimrigoodu uu afar kun oo sano gaarayo. Joosef oo ku dooday in qaab waxyi ah ay malaa'igi ku bartay luqaddii Heroqaliifiga ee Masaaridii hore, toddobo sano ka dib wuxuu soo saaray buug uu ku sheegay in uu yahay tarjamada buuggii Eebbe u waxyoodey nebi Ibraahim, uuna u bixiyey "Buugga Ibraahim /The book of Abraham", oo noqday buugga muqaddaska u ah dadka haysta diinta ama mad-habta Moormanka.
Waagaas qaaradda Ameerika lagama heli karin cid aqoon u leh afka Hirooqaliifiga. Taa darteedna, dad badan baa rumaystay nebinimada ninkaas. Haddana dunida waxaa ku nool 15 malyan oo ruux oo haysta diinta Moormanka.
Hase ahaatee, muddo ka dib waxaa soo baxay aqoonyahanno aqoon u leh afka Hiroqaliifiga oo Maraykan iyo ajanebi isugu jira oo kulligood ay caddeeyaan in sheegashada Joosef aan waxba ka jirin. Aqoonyahannadu waxay caddeeyeen in qoraalka Josef helay iyo buugga uu qoray aysan wax shaqo ah isku lahay. Qoraalka uu ninka ka iibsaday wuxuu xiriir la leeyahay diintii Masaaridii hore, lagumana xusin wax ku saabsan nebi Ibraahim iyo diintiisii.
Horay Joosef wuxuu ugu andacooday in Eebbe uu buug hor keeno, isla marka uu buugtaas arkana uu dusha ka qabto. Haddana waxaa jira dad Moorman ah oo ku dooda in ay suurogal tahay in buugga nebi Ibraahim ee Josef uu tarjumay uu yahay mid isaga la tusay oo aan hadda la hayn
Sida la sheegay, diinta Moormanka sannad kasta waxaa ku biira toban kun oo qof, waxaana ka baxa toban kun oo kale. Sababta ugu weyn ee dadku ay diintaan uga baxaan waa marka ay ogaadaan been abuurka uu sameeyey Josef ee uu ku sheegtay in uu helay buugtii nebi Ibraahim iyo nebi Yuusuf. Dadka badankoodu kolka ay ogaadaan been abuurka uu ninkaani sameeyey ee diintoodu ay ku dhisan tahay, waxa ku dhaca niyad jab weyn oo gayeysiiya in ay diin oo dhan nacaan, ayna mulxidiin noqdaan.
Dhanka kale, diinta ama mad-habta Moormanku waxay ka mid tahay diimaha xadka riddadu uu ku xoog badan yahay oo dadka ka baxa la ciqaabo. Waxaana la rumaysan yahay in dad tiro badan oo Moorman ahi ay diintaas ugu jiraan cabsi darteed.
Josef wuxuu sheegay in buugta Eebbe tuso isla marka uu arko, ee dantiisa uu ka gaar dib loogu celiyo jannada. Mana jirto cid daalacan karta buug jannada taal oo aan ka ahayn anbiyada loo waxyooda iyo awliyada ishaarada la tuso. Waayo ma jirto cid inta jannada tagta, haddana adduunyada dib ugu soo noqota. Waddada jannada tagta hal dhan baa loo raacaa.
9. Gogol iyo arwaaxda dhimatay:
Oraah caan ah baa waxay tiraahdaa: "Ujeeddada suugaantu waa in dhiigga loo rogo anqaas." Halabuurka ay oraahdaani ku rumoobayso waxaa ka mid ah qoraagii Ruushka ahaa ee Nikolai Gogol (1809-1852). Gabyaagii Pushkin oo ay Gogol wadey ahaayeenna waxaa laga hayaa in uu yiri: "Qosolkiisa gadaashiisa waxaad ka dareemaysaa illin aan muuqan /behind his laughter you feel the unseen tears".
Gogol, warqad isaga oo arday ah uu u diray hooyadiis wuxuu ku yiri: "Dadka oo idil waxay igu sheegaan in aan ahay halxiraale aan cidina furi karin... adiguna sida aad doonto baad ii qaadan kartaa, waxa keliya ee aan rabo in aad ogaato waa in dareen wanaagsani uu iga buuxo, weligeyna aan la safnaa samaha." Ulajeeddada Gogol uu hooyadiis warqadda ugu qoray waxay ahayd in uu u sheego in uu doonayo in timaaddada uu noqdo shaqaale dowladda u shaqeeya, siiba in uu ka shaqeeyo hey'adaha garsoorka. Gogol hooyadiis wuxuu u sharraxay sababta uu u danaynayo in uu ka hawlgalo hey'adaha garsoorka, wuxuuna ku yiri: "Waxaa ii muuqda in ka shaqaynta laantaani ay ugu waxtar badan tahay, waayo dulmiga ka dhaca hey'adaha garsoorka ayaa ah hoogga ugu weyn adduunyada, dulmigaas baa qalbigayga u jarjara si ka weyn wax kasta oo kale."
Gogol goortii uu waxbarasha ka qalan jebiyey, durba wuxuu shaqo ka bilaabay laan ka mid ah hey'adihii garsoorka, laakiin muddo gaaban gudaheed wuxuu ku ogaaday in shaqadiisu aysan waxba ka beddeli karin dulmiga bulshadu la il daran tahay. Wuxuuna ku qancay in halabuurka iyo waxbarashadu ay yihiin meelaha bulshada isbeddelka looga samayn karo. Wuxuu noqday macallin waqtigiisu u qaybsan yahay gelin uu arday cashar siiyo iyo gelin uu wax qoro.
Xilligaan Gogol wuxuu dardar geliyey halabuurkiisii iyo qoraalladii uu tan iyo carruurnimadiisii danayn jirey, wuxuuna qoray buug badan oo isugu jiro masraxiyado, sheekooyin gaagaaban iyo kuwo dhaadheer. Sheekooyinka uu xilligaan qoray waxaa ka mid ah; "Xusuus Qorka Ninka Waalan", "Kormeeraha Dowladda", "Jubbadda Sare", "Sanka" iyo "Jubbadda Sare /The Overcoat" oo lagu tilmaamay in ay tahay tan u sidata sheekooyinka gaagaaban ee abid la qoray.
Muddo ka dib, Gogol dhan wuxuu dareemay daal, dhanka kalena wuxuu ku qancay fikradda tiraahda "Nebiga gurigiisa laguma sharfo", wuxuuna go'aansaday in uu carrada maro, oo uu u kuurgalo ummadaha iyo dhaqamada kale. Wuxuu safar ku maray dhowr dal oo Yurub ah, ugu dambayntiina wuxuu ku xasilay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga.
Gogol dabshidkii 1842, wuxuu soo saaray qaybtii koowaad ee sheekada uu u bixiyey "Arwaaxda Dhimatay /Dead Souls", oo uu sheegay in ay saddex qaybood ka koobnaan doonto.
Sheekada durba waxaa jeclaystay akhristayaasha, Gogol-na waxaa loo aqoonsaday in uu yahay aabbaha sheekada casriga ah ee Ruushka iyo weliba halabuur ka mid ah ugaasyada waaweyn ee suugaanta dunida. Waa sheeko saamayn ku yeelatay facyaal dhan oo ah qoraayaasha Ruushka laga bilaabo Fyodor Dostoyevsky ilaa Mikhail bulgakov.
Gogol sheekada wuxuu diiradda ku saarayaa dhaqammadii fooshaxumaa ee waagaas Ruushka ka jirey, si gaar ahna wuxuu ugu qaawinayaa saraakiisha dowladda iyo dabaqadda dhulgoosata ah ee beeraha iska leh. Bulshada wuxuu ka dhigay in qof kastaa uu u suxul duubayo qaabkii uu hanti badan ku tabci lahaa. Waa bulsho ay diloodeen cabsi, damac, dulmi, kibir, munaafaqo, musuq, muudalnimo, xan, xasad, xatooyo iyo dhammaan inta laga diqoodo.
Boqortooyadii Ruushka, jeerka Gogol uu sheekadaan qorayey, weli waxaa ka jirey nidaamkii dhul goosiga, dabaqadda dhulgoosataduna waxay xaq u lahaayeen in dadka addoon-dhuleedka ah ay u kala iibsadaan si la mid ah sida ay dhulka iyo xoolaha u kala gataan. Dowladduna dhulgoostaha waxay ka qaadi jirtey canshuur u dhiganta tirada addoonta ah ee uu leeyahay, oo waxay ahayd in addoon kasta uu canshuur ka bixiyo. Xataa haddii addoon-dhuleedku uu dhinto, dhulgoostuhu wuxuu ku khasbanaa bixinta canshuurta addoonka dhintay ilaa laga gaarayo waqtiga laga samaynayo tirakoobka dadka ee ugu sarraysa, kolkaas oo uu xaq u yeelanayo in addoonka dhintay laga reebo hantida magaciisa ku diiwaan gashan. Gogol duruufaha beeraleyda aad buu u la socday, maxaa yeelay wuxuu ka dhashay qoys lahaa 400 oo addood dhuleed ah.
Sheekadaan "Arwaaxda Dhimatay", waxay ku saabsan tahay sarkaal ka mid ah shaqaalaha dowladda oo ka fekeraya ganacsi uu dhaqaale kasamayn karo, isla markaana bilaabaya in uu ka ganacsado dadka addoonta ah ee dhinta. Ninkaan oo lagu magacaabo "Chichikov", wuxuu bilaabayaa in uu ku wareegayo tuulooyinka oo uu "arwaaxda dhimatay" ka iibsado kuwa iska leh.
Marka hore, dad badan baa la yaabaya fikradda Chichikov ee ku aaddan ka ganacsiga dadka geeriyoodey, waxayna isweydiinayaan: Sidee bay ku dhici kartaa in meyd laga ganacsado? Laakiin Chichikov si dhib yar buu uga dhaadhicinayaa in ganacsigiigu uu xalaasha uga dhow yahay dhammaan meheradaha iyo xirfadaha lagu shaqaysto. Wuxuuna isweydiinayaa: Haddii naf nool la iibsan karo, maxaa diidaya in mid dhimatay la iibsado?
Gogol isaga oo magaca Chichikov adeegsanayaa ayuu bulshada wuxuu u sheegayaa in xaqiiqada shaqada waddanka ka socota oo dhammi ay tahay dad nool oo la kala iibsanayo.
Buugga "Arwaaxda Dhimatay", hadda maktabadaha adduunka oo idil buu yaal, laakiin waxa maktabadaha yaal ma aha buuggii oo dhan ee waa qaybtii 1-aad oo keli ah.
Sida la sheego, Gogol muddo toban sano ah ayuu qorayey qaybtii 2-aad ee buuggaan, sidaas oo ay tahayn qoraalkaas marna iftiinka ma uusan arag. Waxaana la sheegay in ugu yaraan Gogol uu labo jeer farguridii buuggaan uu gubay. Arrinkaasna waxaa loo macneeyey dhowr siyaabood oo kala geddisan.
Siyaabaha la sheego in ay Gogol ku bixiyeen in uu qoraalkiisa gubo waxaa ka mid ah in uusan ku qancin tayada qoraalkiisa, uuna is tusay in buuggiisu uusan daawo u noqon karin cudurrada faraha badan ee ummaddiisu ay la liidato. Tusaale ahaan, waxaa la wariyaa in Gogol mar uu mawduuca buuggiisa ka faallooday uu yiri: "Waxaa jira waqtiyo aysan kuu suuroobayn in bulshada ama fac ka mid ah aad ku dhiirigeliso ummuuraha wanaagsan ee quruxda badan, jeer aad hoos ugu daadegto gunta hoose ee gunnimadooda", wuxuuna muujiyey in qaybta 2-aad ee qoraalka heerkiisu uusan gaarsiisnayn hankaas uu ku hamminayo ee ah in uu tusiyo xumaanta gunta u fadhida, sidaa darteedna uu u gubay.
Xaaladda quusta ah ee Gogol uu muujinayaa waa mid na xasuusinaysa tuducyadii Cabdullaahi Suldaan Timacadde (AUN) uu ku lahaa:
Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane,
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede,
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane,
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane,
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray,
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye.
Sabab kale oo la sheego in ay tahay midda Gogol ku bixisay in uu buugga gubo waxay tiraahdaa: Gogol wuxuu rumaysnaa in qoraalladiisu ay dadka Ruushka iyo guud ahaan aadamiga ay badbaadinayaan, wanaag iyo kheyrna u horseedayaan, laakiin markii buugga qaybtiisa koowaad ay soo baxday, dad badan baa dhaliil u soo jeediyey, waxyaabihii lagu eedeeyeyna waxaa ka mid ahaa in ajanebiga buuggaan akhriyaa ay Ruushka sawir foolxun ka qaadanayaan. Falcelintaasi Gogol niyad jab bay ku ridday, wuxuuna dareemay in uu fashilmay.
Intaa waxaa weheliyey, in Gogol ay xilliyadaas is barteen wadaad xagjir ahaa oo lagu magacaabi jirey Matvei Konstantinovsky. Konstantinovsky wuxuu aad u dhaleeceeyey dhigaallada Gogol, oo uu sheegay in ay ka buuxaan waxyaabo denbi ah oo Alle iyo aadamiguba ay ka caroonayaan, cadaabna uu ku mudanayo. Doodda wadaadku Gogol waxay ku bixisay in uu isweydiiyo: Maxaan macaashayaa haddii aan naftayda khasaaro?
Akhistow, adigu maxaad yeeli lahayd haddii laguu sheegi lahaa in hawshii aad u qabatay in aad dunida ku badbaadiso ay keenayso adiga hooggaaga, iyo in naarta jahannamo ay hooy kuu noqoto?
Shaki la'aan, waxaad gubi lahayd wixii aad qortay. Taasina waa sida Gogol uu yeelay. Bishii Feebaraayo 1852, wuxuu gubay qaybtii 2-aad ee buugga, dabadeedna wuu seexday, wuxuuna joojiyey in uu wax oon ah cuno. Sagaal beri ka dibna wuxuu u dhintay gaajo iyo harraad.
Gogol wuxuu noolaa nolol gaaban oo murugo leh, laakiin wuxuu nooga tagay dhigaal dhaxalgal noqday, oo qof kasta oo akhriyaa uu jeclaysto in uu heli lahaa qaybo kale oo isla gacantaasi ay qortay.
10. Ernest Hemingway iyo Sheekadii Dagaalkii 1-aad Ee Adduunka:
Carabtu waxay ku maahmaahdaa: "Kan digtoon waxaa looga yimaadaa meel uusan filayn /يؤتى الحذر من مأمنه". Macnaha murtidu waa in dhibka iyo khatartu ay qofka uga imaan karaan meel uusan ka filayn.
Bishii Diseembar ee dabshidkii 1922, qaraagii Maraykanka ahaa ee Ernest Hemingway (1899-1961) waxaa ka dhuntay boorso noloshiisii beddeshay. Xilligaas Hemingway wuxuu ku sugnaa magaalada Lausanne ee dalka Iswizrland oo uu wararka shirkii Lausanne uga tebin jirey wargeys la oran jirey 'Toronto Daily Star'. Hemingway oo 23 jir ah, sannad ka horna guursaday, wuxuu u xiisay xaaskiisii Elizabeth Hadley Richardsaon oo markaas iyadu Baariis ku sugnayd. Wuxuu ka codsaday in ay Loosaan ugu timaaddo.
Elisabet dhammaan qoraalladdii aan la daabicin ee Hemingway bay hal boorso ka buuxisay. Qoraalladaas waxaa ku jirey buug uu xilligaas ka qoray waayo aragnimadii uu kala kulmay dagaalkii 1-aad ee adduunka, oo goortaas gebogebo u marayey. Lama yaqaan in uu isagu ka codsaday in ay u keento iyo in ay iyadu iskeed u maagtay, laakiin waxaa la hubaa in arrinku dadaal ka ahaa. Maxaa yeelay xilligaas xiriirkoodu waa uu wanaagsanaa, qoraalladana way ku dhiirigelin jirtey, dhaqaalana waa ku bixin jirtey.
Elisabet kolkii ay taraynka kortay, bay waxay istustay in ay qaaruurad biyo ah dukaanka ka soo iibsato. Iyada oo aan is shiddeyn, alaabtiina cid ku dhaafin bay biyihii doonatay, laakiin goortii ay soo noqotay boorsooyinkeedii waa maqnaayeen. Iyada oo qarracan ah bay waxay gashay sodcaal siddeed saacadood qaatay. Hemingway oo xarunta tareennada ku sugayey kolkii uu arkay gacaladiisa oo booyaysa, wuxuu bilaabay in uu aammusiyo, niyaddana wuxuu ugu qaboojiyey in uu helayo nuqulladii koobbiga ahaa, oo wax badan oo ka dhumayaa aysan jirin. Elisabet dhowr saac oo kale bay ku qaadatay in ay u sheegto in xataa nuqulladii koobbiga ahaa ay boorsada ku jireen.
Dhacdadaasi Hemingway waxay ku reebtay saamayn weyn. Sida la sheegana waxay beddeshay sidii uu u fekeri jirey iyo xataa qaab qoraalkiisii. Waxayna sabab u noqotay -ama ugu yaraan ay ka qaybqaadatay- in isaga iyo xaaskiisii ay kala tagaan. Waayo waxaa la sheegay, in dhacdadaasi ay ka mid ahayd waxyaabaha uu soo xasuusto marka uu saddex koob ku dhufto, ee uu yara sarkhaamo.
Shilkaasi jeerka uu dhacay Hemingway ma ahayn qoraa la yaqaan, laakiin afar sano ka dib waxaa la daabacay sheekada "Sidoo kale qorraxdu waa soo baxdaa/ The sun also rises", oo durba noqotay sheeko caan ah oo aad loo akhriyey. Wixii intaa ka danbeeyey buugag badan baa iska soo daba dhacay. Himingwayna wuxuu ka mid noqday dadka qoraalladooda dunida loogu jecel yahay. Hemingway iyo Hadley waxay kala tageen dabshidkii 1927, waxyaabihii ay ku heshiiyeenna waxaa ka mid ahaa in wixii dhaqaale ah ee ka soo baxa buuggaan "Sidoo kale qorraxdu waa soo baxdaa", ay Hadley qaadato, maadaama ay ahayd hooyo ilmo haysa. Ku Allahoode, waxay sheegeen in Hemingway uu necbaa in uu ku seexdo sariir aan gabari ku wehelin. Arrinkaasina uu isaga iyo xaasaskiisa iska hor keeni jirey.
Siday ahaataba, dabshidkii 1957, Hemingway oo gaboobay baa wuxuu helay boorso uu waa fog hotel uga tagay. Boorsadaas wuxuu ka dhex helay faallooyin iyo feegaarro uu sameeyey habeennadii uu ku guda jirey qoridda buugga dhumay. Markii uu feegaarradaas naaxin iyo naashnaash ku sameeyeyna waxaa soo baxay buug uu u bixiyey "The Moveable feast", oo dad badani ay xiiseeyaan akhrintiisa. Waa buug xusuus qor ah oo Hemingway uu uga sheekaynayo noloshii labaatanaadkii qarnigii tagay isaga iyo facii la midka ahaa ay ku qaateen magaalada Baaris. Waa nolol dhanka maaddada iyo wax haynta sabool ka ah, laakiin dhanka nafsadda iyo halabuurka hodan ka ah.
Buuggaani wuxuu ka mid yahay qoraallada Hemingway uu dadka wax qora talooyinka ku siiyey. Tusaale ahaan, wuxuu noo sheegay xeelad fudud oo uu u adeegsan jirey si uu uga gudbo waxa loo yaqaan "Qoraal xiranka /Writer's block". Isaga oo xeeladdaas noo sharraxayana wuxuu yiri:
"Mararka qaarkood kolka aan garan waayo si aan u sii wado sheeko cusub oo aan bilaabay, waxaan fariistaa dabshidka hortiisa, waxaana fiiqdaa xabbad liin ah, qolofta liintana waxaan ku tuujiyaa qarka olalka, waxaana daawadaa dhibcaha buluugga ah ee ay sameeyaan. Inta istaago baan waxaan fiiro ugu dhaqaaqaa saqafyada Baariis, waxaana ku fekeraa 'Ha welwelin. Had iyo goor wax baad qori jirtey, haddana waad qori doontaa. Waxa keliya ee ay tahay in aad samaysaa waa in aad qorto hal jumo oo run ah. Qor jumlada ugu saxsan ee aad taqaan.' Sidaa darteed, ugu danbaynta waxaan qoraa hal jumlo oo run ah, halkaas baana ka sii wadaa. Marka arrinku waa sahlan yahay, maxaa yeelay had iyo jeer waxaa jirta hal jumo oo run ah oo aan ogahay, ama aan arkay ama aan cid ka maqlay."
Casharka ugu weyn ee lagala baxayo dhacdada Hemingway iyo kuwa tirada badan ee la midka ahina waa in qoraagu uu ka taxaddaro in buugtiisa ay cidi la maamusho.

Comments