Buugta diimaha iyo sariirtii Borokaraasti

Sheekoxariirihii hore ee Giriigga waxaa ka mid ah mid lagu magacaabo "Sariirtii Borokaraasti (=The bed of Procrustes). Sheekadu waxay leedahay;

Waa baa waxaa jirey nin tuug ahaa oo la oran jirey Damastes, oo deggenaa kayn u dhaxaysey labada magaalo ee Athens iyo Eleusis. Ninkaasi marka uu arko qof socoto ah oo u kala safraya labada magaalo, wuxuu ku qalqaalin jirey in uu habeenkaas gurigiisa marti ugu noqdo. Ninkaasi ruuxa martida u ah wuxuu ku soori jirey raashin macaan, dabadeedna wuxuu geyn jirey qol ay taal sariir dherer go'an leh, waxaana khasab ahaa in qofka socotada ahi uu dherer le'ekaado sariirta. Maxaa yeelay ninkaani wuxuu dhibsan jirey in qofka martida ahi uu dherer le'ekaan waayo sariirta.

Sariirtu waxay ahayd lama taabtaan, oo lama oggolayn in sina wax looga beddedlo dhererkeeda iyo ballaaceeda. Mar walba oo dhererka qofka iyo sariirtu ay is le'ekaan waayaanna, waxaa khasab ahayd in dhererka qofka wax laga beddelo, oo sariirta la le'ekaysiiyo. Qofku haddii uu sariirta ka dheeraado waxaa la jari jirey xubnihiisa qaarkood -sida lugaha ama madaxa- illaa dhererkiisu uu ka le'ekaanayo kan sariirta, haddii uu ka gaabtana waa la kala jiidi jirey jeer isaga iyo sariirtu ay jinjin isku noqonayaan. Caadi ahaan, ma dhici jirin in la arko qof sariirta dherer le'ekaada. Laakiin haddiiba ay dhacdo, ninkaasi wuxuu u qaadan jirey in uu xaqiiqo run ah ogaaday. Maxaa yeelay, waxay la ahayd in dhererka saxda ah ee loo baahan yahay in dadka oo idil ay yeeshaan uu yahay dhererka sariirtiisa.

mar walba, xaqiiqadu waxay ku sargo'nayd dhererka sariirta, suurogalna ma ahayn in la waafajiyo dhererka dadka. Sidaa awgeed, dhammaan dadkii sariirtaas lagu cabbiray, jarjariddii bay u dhinteen.

Waagii dambe warka ninkaan waa faafay, waxaana loo bixiyey naynaasta 'Bareele ama kala fidiye/ Procrustes". Jeer dambe, Borokaraasti waxaa habeen u soo martiyey geesi la oran jirey 'Theseus' oo u diley qaab la mid ah sidii uu isagu dadka u dili jirey, kaddib markii sariirtiisii ay isaga qudhiisa le'ekaan weyday. Waana tii horay loo yiri: "Ruux walba wuxuu geystaa loo gudaa /الجزاء من جنس العمل "

Sida runta ah, qof kasta oo bani'aadam ahi wuxuu maanka ku sitaa waxuun ka mid ah sariirtii Borokaraasti, oo badanaa dadka waxaa u sahlan in ay tuhmaan afkaarta iyo garaadka dadka kale, halkii ay ka tuhmi lahaayeen afkaartooda iyo waxa ay iyagu rumaysan yihiin. Taas oo jirta, haddana dadka ugu badan ee sariirta Borokaraasti sitaa waa dadka aydiloojiyadaha iyo caqiidooyinka aamminsan. Dadka aydiloojiyadaha aamminsani waxay qabaan xanuun bulsho-baaraha Jay Stuart Snelson uu u bixiyey "Nidaamka iska-caabinta afkaarta/ The ideological immune system", oo ah in la diido fikrad kasta oo cusub oo liddi ku ah fikradihii horay loo haystay. Sida jirkayagu uu u leeyahay awood uu isaga difaaco xanuunnada oo kale baa maankayaguna wuxuu u leeyahay awood uu isaga caabbiyo afkaarta ku lidka ah wixii uu horay u rumaysnaa. Waana isla xanuunkii uu qabay Borokaraasti, oo u haystay in dunida hal xaqiiqo oo keli ahi ay ka jirto, dhacdo kastana si qura loo wajihi karo, iyada oo aan la tixgelin kala duwanaanta meesha iyo waqtiga.

Tusaale ahaan, wadaaddada Salafiga ah ee diimuhu waxay ku doodaan in xaqiiqada kama dambaysta ah ee if iyo aakhiro lagu liibanayaa ay ku dhan tahay kitaabka diintooda muqaddaska u ah, oo aan loo baahnayn in meel kale wax laga raadiyo. Sida dhabta ah, sariirta wadaaddada Wahaabiyadu waa ka dhib badan tahay sariirtii Borokaraasti, maxaa yeelay Borokaraasti dadka adduunka oo keli ah buu ku ciqaabi jirey, laakiin iyagu ifkana waa ku ciqaabaan aakhirana cadaab bay u abdeeyaan, oo dhibbanahoodu adduun iyo aakhiro midna kaga badbaadi maayo -waa sida ay iyaga la tahaye.

Buugta iyo dadka kee baa asal ah ee loogu talogalay in uu midka kale u adeego. Ma dadka ayaa buugta u adeega mise buugta ayaa dadka u adeegta?

Wadaaddadu waxay ku doodaan in buugtu ay asal tahay, oo dadka loo uumay si ay u fuliyaan waxa buugtaas ku qoran. Iyaga oo ku marmarsiyoonaya in ay Alle difaacayaanna wadaaddadu waxay ku tuntaan xuquuqda dadka. Wadaaddadu waxay iska indho tiraan in aadanuhu uu tobannaan kun oo sano noolaa isaga oo aan buug aqoon. Waxay kaloo iska indho tiraan in uusan jirin hal buug oo baahida dadka oo dhan haqab tiri karaa.

Wadaaddada diimaha qolo kastaa waxay ku andacootaa in Eebbe uu iyaga buugga ugu saxsan siiyey, waxayna is moogaysiiyaan in Eebbe uusan buug qorin ee dadku ay yihiin kuwa buugta qora. Buugta dadka muqaddaska u ah sida; Vedas, Baybalka, Quraanka iyo Guuru Garand Saaxib midna Eebbe ma qorin, ee mid kasta rag baa qoray. Ciddii ku tiraahda Eebbaa buug qoray, been bay kuu sheegtay. Dadka badankoodu Eebbe waxay u haystaan sidii in uu yahay boqor ammaan jecel, oo ciddii ammaanta abaal mariya, ciddii aan u madiixinna ciqaaba. Eebbe muxuu ammaan ku falayaa? Ammaanta soo cid nuqsaan dareemaysaa uma ay baahato?

Sida la sheegay, wiil ka mid ahaa ardaydii Buuda ayaa maalin macallinkiisa wuxuu ku yiri: "Mudane waxyaabaha aad noo sheegto, kutubta muqaddaska ah kuma aan arag."

Buudana wuxuu ugu jawaabay: "Haddaba adigu hadda ku dar."

Xerowgii cabbaar buu aammusay, oo haddana yiri: "Macallinow adiga oo raalli ah, waxyaabaha aad noo sheegto qaarkood xataa waxay liddi ku yihiin waxa ku qoran buugta muqaddaska ah."

Markaana Buuda wuxuu yiri: "Haddaba buugtu sixid bay u baahan tahay."

Waxay kaloo soo tebiyeen, in nebi Ciise uu Qaramada Midoobey u gudbiyey soo jeedin uu ku codsaday in diimaha laga saaro wax walba oo keenaya dulqaad la'aan, xagjirnimo iyo gacan ka hadal iyo guud ahaan wax kasta oo karaamada aadanaha meel uga dhacaya. Saxaafadduna kolkii ay maqleen soo jeedinta nebi Ciise, iyaga oo yaacaya ayay waxay is hor tubeen gurigii nebigu uu deggenaa, waxayna wax ka weydiiyeen sababta uu ku saleeyey soo jeedintiisa?

Jawaabtii nebigu uu warbaahinta siiyeyna waxay ahayd: "Kitaabka muqaddaska ahi wuxuu la mid yahay Sabtida oo dadka ayaa iska leh, ee isagu dadka ma leh /Scripture, like the Sabbath, is for human beings, not human beings for Scripture." Doodda nebi Ciise waa in buugta, ciidaha iyo fasaxyada dadka loogu daneeyo ee aan diin loogu danayn.

Kutubta muqaddaska u ah diimaha kala duwan tiradoodu caadi ahaan waa hal-hal buug, marka ay u bataanna tiradoodu kama badato hal gacan faraheed. Haddana waxaa jira boqollaal ama kumanyaal buugag ah oo fasiraad ka bixiyaa halkaas buug. Haddaba, weydiintu waxay tahay: waa maxay sababta loogu baahday in hal buug kumanyaal buug lagu sharraxo?

Tusaale ahaan, Muslimiintu waxay leeyihiin hal buug oo muqaddas ah oo ah Quraanka kariimka, laakiin waxaa jira boqolllaal ama xataa kumanyaal buug oo siyaabo kala geddisan u fasira quraanka. Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in boqol iyo kontankii dabshid ee u danbeeyey, waddamada Carabta oo keliya lagu daabacay tiro ka badan boqol buug oo quraanka fasiraya. Haddaba, maxay tahay baahida keentay in macnaynta quraanku ay u baahato kumanyaal buug? Ma quraanka ayaa adag oo fahmiddiisu ay u baahan tahay in laga qoro buugtaas tirada badan, mise baahi kale baa jirta?

Run ahaantii, quraanku ma adka, oo aayad quraan ah baa waxay leedahay: "Quraanka waxaan u fududaynay xusuus darteed /رَوَو َل َقْدْد َيَيَّسَّس ْرَنَنا ا ْلُقُق ْرآَنَن ِللِّذِّذْكْك ِِ". Laakiin, sababta ugu mudan ee loogu baahday fasiridda buugta muqaddaska ahi waa in diinta la waafajiyo baahida iyo duruufaha dadku ay ku nool yihiin -dhaqaale, dhaqan, saynis, siyaasad, iqk. Dadka ku kala nool deegaannada kala duwan iyo waqtiyada kala geddisan baahidooda iyo garashadoodu waa kala duwan tahay, sababtaas darteed baana loogu baahday in buugta muqaddaska ah laga bixiyo fasiraado kala duwan oo midiba meel iyo waqti gaar ah uu ku habboon yahay.

Tusaale ahaan, carabtii noolayd sebenkii nebigu wax dhib ah uma aysan arkin in quraanku uu dhan Eebbe ku tilmaamo in uusan wax dhalin, isagana aan la dhalin, wax u dhigmaana aysan jirin. Dhanka kalena ay jiraan aayado kale oo sheegaya in Eebbe uu gacmo iyo indho leeyahay, waxna uu jeclaado, waxna uu necbaado. Hase ahaatee, Muslimiintii carbeed markay waayo dambe ummado kale la dhaqmeen, aqoon cusubna barteen, waxay bilaabeen in ay wax iska weydiiyaan sida arrimahaasi ay isu qabanayaan?

Danta ugu weyn ee laga leeyahay fasiraadda diintu waa in diinta loo yeelo macne cusub oo la saanqaadi kara garaadka iyo baahida dadka markaas ku dhaqan meesha uu ku noolyahay qofka diinta fasirayaa. Nebigana waxaa laga wariyaa axaadiis uu ka mid yahay mid yiraahda: quraanku "ku celcelinta badan kuma uu duugoobo, la yaabkiisuna dhammaad ma leh /ال يخلق على كثرة الرد وال تنقضي عجائبه" iyo mid kale oo oranaya: "Quraanka kariimku maalinta qiyaamaha wuxuu yimaadaa isaga oo la moodo bikro aan la taaban /القرآن الكريم يأتي يوم القيامة بكرا كأن لم يمس". Haddii si kale loo dhigo, quraanku mar kasta oo la fasiro wuxuu yeeshaa macne cusub, wuxuuna u muuqdaa sidii aan horay loo macnayn, oo uu hadda cusub yahay.

Fasiraadaha kala duwani waxay ka dhashaan kala geddisnaanta maanka iyo aragtida dadka. Waxaana jira arrimo badan oo dadka maanta nool -iyo kuwa imaan doonaa- ay fahmayaan, laakiin facyaashii hore aysan fahmayn, taas oo ay ugu wacan tahay horumarka aqoontu ay samaynayso. Waxaa kaloo jira arrimo dadkii hore ay sax u arkayeen, laakiin dadka hadda joogaa aysan qaadan karin. Tusaale ahaan, ummadihii hore addoonsiga dadka wax dhib ah uma aysan arki jirin, diimaha badankooda iyo ummadaha oo dhan baana yaqiin. Laakiin curfiga iyo qawaaniinta aadanaha maanta joogaa ma aqbali karaan in dad la addoonsado. Si taa la mid ah, mawduuca 'jisyada/الجزية' ee quraanka lagu xusay, ayaa culumo badani waxay u arkaan in uu yahay arrin taariikhi ah oo aan dunida casriga ah ka shaqayn karin. Culumada Islaamka ee sidaas ku doodayna waxaa ka mid ah Shiikh Maxamed Sayid Tantawi iyo Shiikh Axmed Tayib oo labaduba dalka Masar mufti ka noqday.

Kolka baahida dadka iyo fasiraadda diintu ay is diidaan, dadku nolosha kama tanaasulaan ee waxaa laga tagaa diinta. Afkaarta iyo diimaha waxaa ku rumooba isla qaanuunkii Darwin ee "doorashada dabeecadda/natural selection", oo diinta casriga la socon kartaa waa bullaashaa, middii la socon weydaana waa bakhtidaa.

Dadka badankoodu waxay doonayaan in adduun iyo aakhiro ay labadaba ku liibaanaan. Kolka diinta iyo nolosha adduunyadu ay is diidaanna waxay dareemaan dayac iyo wareer, oo waxay la kulmaan xaalad ay ku khasban yihiin in ay kala doortaan labo walxaad oo aysan midna ka tanaasuli karin. Suufigii Shamsudiin Tabriisi waxaa laga wariyaa in uu yiri: "Quraanku waa dhanbaal caashaq oo Alle aadanaha u soo diray."

Dadkuna kimista iyo caashaqa midna kama maarmaan -dabcan dadka diimaha kale haysta dhanbaalkooda caashaqu waa buugta diimahooda.

Buugta diimaha muqaddaska u ah, mid kastaa wuxuu yimid waqti go'an, wuxuuna leeyahay duruufihiisa gaarka ah, oo waxaa saamayn ku leh afka lagu qoray, afkaartii iyo duruufihii ka jirey meesha uu ka curtay. Haddii aan la fahmin aqoontii iyo duruufihii waqtigaas deegaankaas iyo dunidaba ka jireyna, waxaa adkaanaya ama xataa mustaxiil noqonaya in wax laga fahmo buuggaas. Bilmatal, Shiikh Jalaaludiin Siyuudi (1445-1505) wuxuu sheegay in qaababka la filayo in nebiga quraanka loogu waxyoon jirey ay ka mid tahay in Jibriil farriimo ama fikrado uu maankiisa ku rido, dabadeedna nebigu uu fikradahaas erayo uu isagu leeyahay uu ku cabbiro (= أن جبريل إنما نزل بالمعاني خاصة وأنه صلى هللا عليه وسلم علم تلك المعاني وعبر عنها بلغة العرب). Hadalkaas oo macnihiisu yahay in farriimaha quraanku ay xag Alle ka yimaadeen, laakiin luqadda lagu cabbiray ay tahay carabigii nebiga iyo tolkiis ay ku hadli jireen. Waana hubaal in fikradda iyo afka lagu cabbirayaa ay isi saameeyaan, sidaa darteedna aysan suurogal noqonayn in la kala saaro waxyiga iyo taariikhda.

Oraahda Siyuudi waxaa ka dhalanaysa in quraanka lagu qeexi karo in uu yahay "Fikrado Eebbe uu nebiga u waxyoodey, nebiguna uu erayadiisa ku cabbiray". Marka quraanka sidaa loo qeexana, waxaa imaanaysa su'aal ah: Haddaba waa maxay farqiga u dhexeeya quraanka iyo xadiiska? Runtii waa weydiin meesha ku jirta, waxayna xoojinaysaa doodda dadka qaba in quraanka iyo xadiisku ay yihiin mataano aan kala maarmin, haddii labadooda uu midi kan kale ka maarmana, xadiiska ayaa quraanka ka maarmaya.

Siday ahaataba, duruufta Muslimiintu ay maanta ku noolyihiin si buuxda bay uga duwan tahay middii nebiga, saxaabada iyo facyaashii ka danbeeyey ay ku noolaayeen. Taa awgeedna, waa waalli cad haddii loo qaato in dadka maanta nool iyo facyaalka imaan doonaa ay quraanka u fahmayaan, uguna dhaqmayaan si la mid sidii ummadihii hore ay u fahmayeen, uguna dhaqmeen. Suurogal ma ah in fahanka diintu uu ka horyimaado duruufaha lagu noolyahay. Buugta muqaddaska ahi waa buug waa la qoray, laakiin aadanuhu waa noole si joogto ah ay waayihiisu isu rogrogaan. Si dadka iyo diintu ay isula socdaanna, waa in fahanka diinta si joogto ah loo cusboonaysiiyo.

Waxaana xusid mudan, in Muslimiintu tan iyo bartamihii qarnigii 9-aad ee miilaadiga, aysan si dhab ah u falanqayn quraanka. Sida la ogyahay, qarnigii 9-aad dunida Islaamka waxaa ka curatay doodda loo yaqaan "Dhibka abuurka quraanka/ محنة خلق القرآن", ee u dhaxaysay wadaaddadii Muctasilada iyo kuwii Xanaabilada. Dooddaan waa la siyaasadeeyey oo markii hore boqorkii Ma'muun (786-833) ayaa wuxuu la saftay Muctasilada oo Xanaabilada wuxuu ku dirqiyey in ay qaataan fikradda ah in quraanku uu yahay walax cusub oo goor dambe la abuuray. Laakiin muddo yar kaddib, boqorkii Mutawakal (822-861) ayaa isaguna markiisa wuxuu la saftay Xanaabilada, oo Muctasilada wuxuu ku khasbay in ay qaataan fikradda Xanaabilada ee ah in quraanku uu yahay soo jireen asali ah. Tan iyo waagaasna quraanka waxaa loola dhaqmaa sidii Xanaabiladu ay rabeen, oo waagaas kaddib quraanka iyo guud ahaan nusuusta diinta Muslimiintu si xor ah ugama doodaan, ee doonista boqorrada iyo fatwada wadaaddada ayaa lagu hagaa.

Yeelkadeede, marka la leeyahay diinta ha la cusboonaysiiyo, macnaheedu ma ah in la leeyahay erayada diinta kuwo cusub oo dadku fahmayaan ha lagu macneeyo -sida aalaaba loo qaato. Balse, macnuhu waa in afkaartii iyo fahankii dadkii hore lagu beddelo fahan cusub oo nolosha casriga ah la socon kara. Eray mid la mid ah lagu macneeyaa waxba soo kordhin uu maayo, laakiin waa in fikrado hore oo duugoobay, kuwo cusub lagu beddelaa. Cusboonaysiinta loo baahan yahay waa middaan dambe.

Midda kale, marka la leeyahay buugta ha la beddelo, macneheedu ma aha in la leeyahay buugta waxa ku qoran wax ha laga beddelo, oo erayada iyo weeraha buugta wax ha lagu daro ama wax ha laga jaro. Beddelidda la sheegayaa marna sidaas ma aha, weligeedna buug sidaas looma beddelin. Buugta muqaddaska ah sidooda ayaa lagu ilaalinayaa, maxaa yeelay waa taariikh iyo dhaxal aadanuhu leeyahay oo ay tahay in loo ilaaliyo.

Marar badan, wadaadda islaamku waxay ka hadlaan in Baybalka la taxriifiyey, iyaga oo Muslimiinta ugu sawiraya sidii in wadaaddada Yahuuda iyo kuwa Kirishtaanku ay inta meel ku shireen ay baybalka qalin cas u qaateen, oo ku heshiiyeen in ay erayo ama aayado ku daraan ama ay ka tirtiraan.

Run ahaantii, taxriif ama wax ka beddel caynkaas ah oo Baybalka ama buug kale oo muqaddas ah lagula kacay taariikhda laguma sheegin. Falka noocaas ahina wax ka beddel ma aha ee waa kharribaad -waa haddii uu dhacee. Buugta waxaa loo beddelaa in la siiyo tafsiir iyo ta’wiil cusub oo ka duwan kuwii horay loo siiyey.

Ku Allihiise, wadaadkii Hindiga ahaa ee Swami Vivekananda wuxuu yiri: Waa fog, baan maalin waxaan booqday wadaad weli ahaa oo aan isku magaalo ahayn. Waxaan ka sheekaysannay kutubta muqaddaska ah ee diimaha sida Vedaha, Baybalka, Quraanka iyo qaar kale. Markaan cabbaar buugtaas falanqaynay, ayaa wadaadkii wuxuu igu yiri: Buugta miiskaas dul saaran mid ka soo qabo. Sidii baan yeelay, oo waxaan soo qabtay buug ka mid ahaa buugtii miiska saarnayd. Wuxuu ahaa buug ka hadlaya roobka, sida oddoroska roobabka la filayo in ay sannadka da'aan.

Wadaadkii wuxuu igu yiri: "Akhri waxa ku qoran buugga"

Waxaan cod dheer ku akhriyey oddoros ku saabsanaa tirada roobka la filayo in uu da'o.

Suu ye: "Hadda buugga majuuji."

Sidaas baan yeelay, oo buuggii baan maroojiyey. Kolkaasna macallinkii wuxuu yiri: "Wiilkaygow, maxaa dhacay oo dhibic biyo ahi ay uga soo dhici weyday. Ilaa iyo inta ay biyo ka imaanayaan, dhammaantood waa buug, waa buug keliya. Sidaa awgeed, ilaa inta diintaadu ay kaa dhigayso in aad Alle garato, waa wax aan waxtar lahayn. Qofka isku daya in uu buugta oo keli ah uu Alle ka barto, wuxuu la mid noqdaa dameerkii la sheegay in sonkor lagu rari jirey, laakiin isagu aan abidki macaankeeda dhadhamin."

Isku soo duuboo, aadanuhu baahi joogto ah buu diinta u qabaa, oo waa adagtahay in dadka badankoodu ay diimaha ka maarmaan. Laakiin dhanka kale, nooca baahida ee diinta loo qabaa waa isbeddeshaa. Taasina waxay lamahuraan ka dhigaysaa in macnaha nusuusta diinta la siinayaa uu isaguna dhankiisa isbeddelo. Marka duruufuhu isbeddelaan, dadka lama beddelo ee buugta iyo qaanuunka ayaa la beddelaa. Sidaa darteed, waa in buugta muqaddiska ahi aysan noqon sariirtii Borokaraasti, oo aan laga dhigan aalad lagu xakameeyo afkaarta iyo garaadka dadka. Wadaadow Eebbe samada ha ka raadin ee quluubta dadka ka raadi.

Comments