Caasho iyo caafimaadka Islaamka
Dadka af Soomaaliga ka faallooda qaarkood waxay ku doodaan in dhammaan erayada Soomaaliga ah ee ka bilawda xarafka ‘Kh’, ay yihiin erayo Soomaaligu uu ka soo ammaahday afka Carabiga. Erayadaasna waxaa ka mid ah erayga ‘Khuraafaad’. Sheeko-xariiraha Carabtana waxaa ka mid ah sheeko oranaysa;
Sebenkii jaahiliyada ee Islaamka ka horreeyey, waxaa jiray nin lagu magacaabi jirey ‘Khuraafa’, oo u dhashay qabiil la yiraahdo ‘Juheyna ama Cadira’. Ninkaas sidii loo joogay baa mar qura la waayey meel uu ku dhibcay, muddo dhawr sano ahna waa la la’aa. Hayeeshee, waa danbe oo laga quustay baa galab waxaa la arkay isaga oo dhex mushaaxaya degmadii reerkoodu deggenaa. Markii la waraystay ee la weydiiyey waxa ku dhacay iyo meesha uu jireyna, wuxuu sheegay in uuman jin ahi ay dafeen, muddana uu la noolaa. Wuxuuna ka sheekayn jirey waxyaabo la yaab leh oo uu ku andacoon jirey in uu indhihiisa ku arkay, dhegihiisa ku maqlay, ayna ka mid yihiin dhaqamada iyo axwaasha jinka. Dadka dhan waxaa ku adkaa in ay rumaystaan waxyaabaha amakaagga leh ee uu sheegayo, dhanka kalena waa u bogi jireen sheekooyinkiisa oo waxay ka heli jireen madaddaalo ay waqtiga isku dhaafiyaan. Waagii danbe sheekooyinkii ninkaas iyo kuwa la midka ah ninkii baa loogu magac- daray, oo waxaa loo bixiyey ‘Khuraafa’.
Carabtuna marka ay qeexayaan macnaha erayga ‘Khuraafa’ waxay yiraahdaan: “Khuraafadu waa sheekada beenta ah teeda loo macaansado / الخرافة هي الحديث المستملح من الكذب ”. Dabcan macaansigu waa arrin shakhsi ah oo ku xiran garaadka iyo aqoonta qofka iyo bulshada, oo isku hal sheeko ayaa dadka qaar waxay u arki karaan in ay xiiso leedahay, halka kuwo kale uga arkayaan wax liita oo aan istaahilin in dad loo sheego.
Nebigana (scw) waxay ka wariyeen in uu yiri: “Sheeko tan ugu run badni waa sheekada Khuraafa /إن أصدق الحديث هو حديث خرافة”. Sababta nebigu sidaa u yirina waxaa lagu sheegay in ninkaan magaciisa lagu sheegay ‘Khuraafa’, uu dadka ku oran jirey geerida ka dib waa la soo noolaanayaa, dadka qaarkoodna ay taa ka diidi jireen, ayna ku oran jireen: War Khuraafow ma marka aan dhimanno, ee lafahayagu baaliyoobaan baa na la soo bixinayaa oo aan dib u soo noolaanaynaa. Gabyaa Carbeed oo arrinkaas tilmaamayaana wuxuu yiri: “Ma nolol iyo geeri iyo isa soo saarid, Camar hooyadiisey, taasi waa sheeko khuraafo ah!“ حياة ثم موت، ثم بعث حديث خرافة يا أم عمرو!”.
Dunida lagama helo qof iyo qolo khuraafaad ka maran, farqiga dadka iyo ummadaha u dhexeeyana ma aha in ay jiraan kuwo khuraafaad rumaysan iyo kuwo aan rumaysnayn, balse farqigu waa dhanka heerka oo keliya, oo waxaa jira bulshooyin khuraafaadku ku badan yihiin iyo kuwo ay ku yar yihiin. Waxaana la rumaysan yahay in marka bulshada aqoonteeda iyo wacyigeedu ay kobcaan ay hoos u dhacdo heerka rumaynta khuraafaadku.
Guud ahaanna, Muslimiinta khuraafaadku waa ku badan yihiin. Tusaale ahaan, weli Muslimiinta badankoodu waxay rumaysan yihiin in dhulku sugan yahay qorraxduna wareegto, in dayaxa aan la tegi karin, in ay jiraan uuman la yiraahdo jin oo dhib iyo dheefba dadka u yeelan kara, in ay jiraan dad dadka wax ugu dhimi kara arrimo ay ka mid yihiin il, sixir iyo xasad ayna jiraan wadaaddo ku takhasusay la tacaalidda dhibaatooyinka falalkaas ka dhasha.
Si kastaba ha ahaatee, khuraafaadka kontonkii sano ee la soo dhaafay Muslimiinta aadka ugu faafay waxaa ka mid ah in ay jiraan aqoon iyo cilmiyo (=culuum) muslimiinta u gaar ah oo diinta laga qaato. Aqoonta iyo culuumta la sheego in ay muslimiinta u gaarka yihiin waxaa ka mid ah wax loogu yeeray ‘”Caafimaadka Islaamka /الطب اإلسالمي أو الطب النبوي”, “Dhaqaale Islaam /Islamic Economics /اإلقتصاد اإلسالمي”, “Xisaabaad Islaam ah /Islamic Accounting / المحاسبة اإلسالمية”, “Warbaahin Islaam /Islamic Media & Communication/اإلعالم اإلسالمي”, “Injineeriya Islaam ah /Islamic Engineering/الهندسة اإلسالمية” iyo qaar kale oo badan.
Dhab ahaantii, inkasta oo meelo badan oo dunida ah laga furay macaahid iyo kulliyado la sheego in lagu barto aqoontaas, haddana marka arrinka hoos loogu kuurgalo waxaa si fudud lagu ogaanayaa in aysan jirin aqoon iyo culuum noocaas ah oo Muslimiintu ay gaar u leeyihiin, waxa oo dhammina uusan dhaafsiisnay ismoodsiis ka dhashay jahli iyo damac isbiirsaday.
Yeelkadeede, Hishaam bin Curwa bin Subeyr wuxuu aabbihi ka wariyey in uu yiri: Ma aanan arag haweenay Caa’isho uga aqoon badan caafimaadka, fiqiga, afka iyo maansada Carabta. Dabadeed, habaryartay waxaan ku iri:
“Hooyo, lama aan yaabo fahmaddaada, oo waxaan uga qancaa in aad tahay xaaskii nebiga (scw) iyo inantii Abuu Bakar, sidoo kale la yaabi maayo aqoonta aad u leedahay maansada iyo taariikhda Carabta, oo waxaan ogahay in uu ku dhalay Abuu Bakar oo arrimahaas dadka ugu aqoon badnaa, laakiin waxaan la yaabaa aqoonta aad u leedahay caafimaadka iyo meesha ay ka soo jeeddo iyo sida aad ku hanatay?
Kolkaas bay garabka iga dharbaaxday, waxayna tiri: Curwahaagaan yarow, “Nebigu (scw) sanooyinkiisii danbe wuxuu ahaa bukaan-socod xanuunkiisu badan yahay, meel kastana waxaa uga imaan jirey wufuud Carbeed, waxayna u sheegi jireen walxo iyo siyaabo uu iskula tacaalo, aniguna daawooyinkaas baan u diyaarin jirey, halkaas baa َجَجع، اَلاَل َأ ْهَّم َتا ُُأَيا وِلِل ِهللا َص َّلى س َرَر ُةَجَج ُو: َزَز ْلو ُقِمِكِك، َأ ُه َف ْن ِم ْ aqoontaydu ka soo jeeddaa / اللهُللهُ ن، َوَكَكا َرٍك َأ ِبي َب ْةَن ُب ا ْلو ُقِر، َو َأ َّيا ِم ال َّناِسِس، َأ ُعش ْ َجَجع، َواَلاَل َأ ْرٍك َأ ِبي َب ْتُُنِهِه َو َس َّل َم، َو ِب ْيَع َل ْ ِمِكِك ِبالل ِع ْن ِم ْبُ:لَو؟ َقا َهَن ُي َأ ْنَو؟ َو ِم ْهَفَف ُيب َكَك ِّْ َجَجع َأ ْنَل ِم ال َّناِسِس، َو َل ِك ْع َأ ْن ِم ْوَل َم ال َّناِسِس َأ ْعَأ طِّمِكِك ِبال ِل ِع ْن ِم ْبُ و َل ِهللا َص َّلى س، " ِإ َّن َرَر ُةَر َّي ُع ُي: َأ ْتِك ِبِهِه َ و َقا َل ْن َع َلى َم ْتَفَضَض َر َب رَد آ ِخ ِن ِع ْمَقَق ُسِهِه َو َس َّل َم َكَكا َن َي ْي َع َل ْاُهللُهلل َع َرل ا ْدو ُفُوِهِه ُي َع َل ْمَد ُق َتَت ْتِر ِه، َف َكا َن ْمْع ِفي آ ِخ ِر ُوِر ِه، َأ ْمْعُ تُُنْكَعا َت، َو ُنل ْْْ ا َأَأه َل ُتُُ َعن، َف َت ْهٍجل َو ِِّْك ُنِب ِم م َث َّن، َف ِم ْهَها َل ُجَعا ِل ُأُ”.
Hadalka Caa’isho (RC) waxaa ku cad in caafimaadka nebiga loogu abtiriyaa uu ahaa aqoon la bartay ee uusan ahayn waxyi samada ka yimid. Waa qayb ka mid ah aqoontii bulshada carbeed ay caafimaadka u lahaayeen sebenkii nebiga.
Weligeed lama arag ummad meel ku dhaqan oo aan daawo dhaqameed lahayn. Afrikaanku daawo dhaqameed bay lahaayeen, Carabtu daawo dhaqameed bay lahayd, Hindida iyo Shiinuhu daawo dhaqameed bay lahaayeen, Yurub daawo dhaqameed bay lahayd, Soomaalidu daawo dhaqameed bay lahayd. Waayo? Aadamigu goor walba iyo meel kasta oo uu joogo wuu xanuunsan jirey, wuxuuna u baahnaa walxo iyo siyaabo uu iskula tacaalo. Dunidii hore ee kala xirnayd, aqoontuna yarayd dadku walxaha dhulkooda laga helo bay isku daaweyn jireen, iyaga oo waayo aragnimadooda la kaashanaya. Sheybaarro waaweyn ma aysan jirin, laakiin waxaa jiray khibrad iyo waayo aragnimo dadku nolosha ka helaan. Waana halkaa meesha ay ka soo jeeddo oraahda caanka ah ee tiraahda: “Dhakhtar ha weydiin ee kan tijaabiyey weydii / اسأل مجرب و اال تسأل طبيب”. Tan iyo maantana, qaybo lixaad leh oo ka mid ah bulshooyinka adduunku- siiba kuwa ku dhaqan miyiga iyo tuulooyinku- weli daawo dhaqameedkaas bay ku tiirsan yihiin.
Malabka, toobinka, tufta iyo xabatu-sawduhu ma aha caafimaad nebiga laga bartay ee waxay ka mid yihiin walxaha aadka u faraha badan ee aadanuhu muddada dheer nebiga ka hor iyo kaddiba ay isku daaweeyaan. Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in Aashuuridii, Baabiliyiintii, Faraacinadii Masar , Giriiggii, Carabtii iyo ummado kaleba ay xabatu-sawdada daawo ahaan u isticmaali jireen.
In nebigu yiri: “Miraha madoobi cudurrada oo dhan bay daawo u tahay / الحبة السوداء شفاء من كل داء”, macnaheedu ma aha in nebiga waxyi lagu ogaysiiyey waxtar caafimaad oo geedkaani uu leeyahay oo aan dadka kale ogayn. Hadalka nebigu wuxuu la mid yahay in oday Soomaaliyeed uu noo sheego in geedka dacartu uu waxtar caafimaad leedahay. Odayga Soomaaliyeed ee sidaa sheegana waxyi kuma uusan soo degin, laakiin wuxuu na la wadaagay wax ka mid ah aqoontii iyo dhaqankii dadkii uu la noolaa.
Si taa la mid ah, tufta iyo tahaliishu ma aha wax Islaamku la yimid, balse waa wax dadyow daafaha dunida ku kala nooli ay muddo dheer yaqaanneen. Tusaale ahaan, xilligii jaahiliyadda ee Islaamka ka horreeyey Carabtu jinka iyo sheydaanka waa ka xirsixiran jireen, qofka halaqu qaniina tuf iyo tahliil bay kula tacaali jireen.
Waxaana la wariyey in haweenay la oran jirey Shifaa bint Cabdullaahi ay wax ku akhrin jirtey dadka dabaqalooca iyo masasku qaniinaa, markii islaamku yimidna uu nebigu ka codsaday in ay tuftaas barto afadiisii Xafsa bint Cumar (RC). Sida la sheegayna Shifaa Islaamka ka hor iyo kaddibba isku wax bay akhrin jirtey.
Nebigu marna ma sheegin in uu samada cilmi caafimaad ka keenay. Wadaaddada ku andacooda in ay caafimaad nebi wax ku daaweeyaanna waxaa la gudboon in aysan naftooda iyo bulshadaba been u sheegin, ee ay si toos ah u qirtaan in ay haystaan xoogaa yar oo ka mid ah waxyaabihii la sheegay in ay isku daaweyn jireen dadkii Jasiirada carabta ku noolaa qarnigii 7-aad ee miilaadiga.
Tolow, Soomaalidu qarnigii 7-aad maxay isku daaweyn jireen? Astaaqfurulaahi Cadiim! War illeen waagaas Soomaaliba ma aysan jirin, oo goor danbe ayay badaha ka soo tallaabeen?!
F. G. Curwa bin Subeyr waxaa dhashay Asmaa bint Abuu Bakar oo ay Caa’isho walaalo ahaayeen.

Comments