Cabashadii Sheydaanka

Abwaankii feylasuufka ahaa ee Maxamed Iqbaal (1877-1938), buuggiisa lagu magacaabo ‘Jaawiid Naama’ oo loo tarjumo ‘Dhanbaalka Waaridda ama Heesta Waaridda’ (=Javid Nama or The Song of Eternity /جاويد نامه أو رسالة الخلود), waxa uu uga warramay Sheydaan gaboobay oo Alle ashtako ugu tagay. Waxaana isweydiin mudan, waxa sheydaanka duqoobay uu Alle uga cabanayo?

Sheydaanku wuxuu Alle uga cabanayaa itaal yarida bani’aadamka, wuxuuna leeyahay: Eebbow hawsha aad ii xilsaartay ma aha mid si caddaalad iyo goorsoor ku jiro isugu dheellitiran. Maxaa yeelay, aniga iyo bani’aadanka legdanku ka dhexeeyo ma nihin kuwo itaalkoodu isu dhigmo. Tartan kastaana wuxuu xallad iyo xiiso ku yeeshaa in cidda tartamaysaa ay awood ahaan isu qalmaan. Sheydaanku waxa uu leeyahay:

‘Dadku waa duul aad doqomo u ah, oo dabin kasta oo aan u dhigo si fudud bay ugu daataan. Sheydaan gaboobay oo aniga oo kale ahna wax xiiso ah uma laha in uu la loollamo duul sidaas dabbaalo u ah. Eebbow ugaas aniga oo kale ah uma qalmo inuu dhallaan la dheelo. Marka Eebbow waxaan kaa codsanayaa in aan la baratamo cid aniga ii dhiganta oo tartan iyo carayn dhab ah i la geli karta. Waxaan u baahnahay duul xoog leh oo aan ka welwelo inay mar uun i legdaan.’

Wadaaddada diimuhuna -siiba kuwa Saamiga ama Ibraahiimiga ah ee Yahuudiyadda, Kirishtaanka iyo Islaamku- sheydaanka ama ibliiska waxay siiyaan awood, karti iyo halabuurnimo u dhow inay sigto midda Alle. Tusaale ahaan, Ibnu Jawsi waxa uu allifay buug uu u bixiyey “Dhagarta Ibliiska /تلبيس إبليس”. Sheekhu buugga wuxuu uga faalloonayaa qaababka iyo xeeladaha Ibliisku uu dadka ku baadiyeeyo, ee uu xaqa uga leexiyo. Wadaadku marka uu ka hadlayo khiyaanada Ibliiska waxa uu xusayaa karti iyo hal-abuurnimo xad dhaaf ah, oo ibliisku uu dheeryahay uunka Alle oo dhan. Waxa uu ku andacoonayaa in marin-habaabinta Ibliisku ay ka mas’uul tahay curashada inta badan ururrada diiniga ah iyo dhaqdhaqaaqyada fekerka ee abid dunida lagu arkay. Dooddaas oo dulucdeedu noqonayso in kartida iyo hal-abuurnimada adduunka lagu arkay oo dhan uu Ibliis ka danbeeyo.

Maxamed Iqbaal isna dhankiisa wuxuu xusay in Sheydaanku uu sheegtay in isagu uu yahay midka sameeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda heer walba oo ay yihiin - heer gobol, heer waddan iyo heer caalami intaba. Taa awgeedna, uu isagu go’aamiyo istiraatiijiyadaha dagaalka, dhimashada, hoogga iyo baaba’a bani’aadamka. Sheydaanka Iqbaal waxa uu ku faanay in maadaama isagu uu yahay kan sameeyey hantigoosiga oo ilaaliya, uusan sina uga welwelayn inqilaab dhanka shuuciyiinta uga yimaada; laakiin cidda qura ee sheydaanku uu iska ilaaliyaa waa Muslimiinta kolka ay diintooda si sax ah u fahmaan, uguna dhaqmaan. Sida culumada qaarkood noo sheegeenna Sheydaanku malaa’igta ayuu macallin u ahaa, ugaas malaa’igta Alle macallin u noqdayna uma daahayo inuu bani’aadamka mufti u noqdo.

Bani’aadamku si ay sheydaanka ugu babac dhigi karaan waa inay awood yeeshaan, laakiin awoodda aan iimaanka lahayni waa midda sheydaanka oo kale. Sidaas darteed, Iqbaal waxa uu sheegay inay muhiim tahay in awoodda akhlaaq iyo diin lagu dabro, oo diinta iyo awooddu ay dhan u wada socdaan. Waayo, awoodda akhlaaqda iyo diinta ka maran waxay noqotaa sheydaan inuu wax dumiyo mooyee aan waxba dhisin. Laakiin marka akhlaaqda iyo awooddu ay wada jiraan waxay dhisi karaan dunida ugu wacan.

Iqbaal waxa uu ku dooday in kolka dadka akhlaaqda iyo diinta lihi ay sheydaanka ka guulaystaan, uu sheydaanku Rabbigi u toobad keenayo, oo sujuuddii uu beri hore diiday uu mar kale dib u oggolaanayo. Maxaa yeelay, sida suufigii Xallaaj ahaa uu ku dooday, Ibliis Rabbigi kuma uu caasin ee wuu caashaqay. Ibliis wuxuu diiday shirkiga iyo in muxubada iyo weynaynta Eebbe uu cid kale wax ka siiyo (= جبين سجد لألحد ال يذل في الوجود ألحد).

Iqbaal maansada ‘Jibriil iyo Ibliis’, wuxuu ku sheegay in Jibriil uu su’aal toos ah sheydaanka weydiiyey, oo uu ku yiri: “Marar badan baan samada kaaga sheekaysannaa, miyaan la gaarin markii la heshiin lahaa? Sheydaankuna wuxuu ugu jawaabayaa: “Aniga mar danbe iima suuroobayso in aan ku noolaado dunidaada aammusan, ee cod iyo ficil toona aan lahayn.” Kolkaasna Jibriil wuxuu oranayaa: “Markaad diidday sujuudda, annaga oo dhan baad Alle agtiisa nagu ihaanaysay”.

Mar kale, Iqbaal gabay uu Alle kula hadlay waxa uu ku yiri: Eebbow “annaga denbigayagu waa in aan miro cunnay, denbiga sheydaankuna waa inuu diiday inuu annaga noo sujuudo. Eebbow isaga iyo annaga midkayana heshiis lama tihid.” (Waxaa xusid mudan, in Iqbaal meelo badan oo gabayadiisa iyo qoraalladiisa kale ka mid ah uu uga hadlay sheydaanka. Sheydaankuna qayb lixaad leh buu ka yahay doodaha iyo falsafadda Iqbaal. Mid ka mid ah gabayadaas caanka ahna waxaa lagu magacaabo ‘Ibliis iyo Golihiisa Wadatashiga /Iblees Ki Majlis-e-Shura’).

Waxa ugu weyn ee dadku ay raadiyaan waa in nolosha macne loo yeelo. Sheydaankuna waxa uu sheegtay in isagu uu yahay midka nolosha macnaha iyo midabbada u yeela. Marka bani’aadku uu ka guulaysto sheydaankana, xilka macne u samaynta noloshu iyaga ayuu ku wareegayaa, oo iyaga ayaa noqonaya kuwa nolosha macnaha u yeelaya. Waayo aadamigu aabbahood Aadan wax qumman ka ma baran; laakiin macallinkooda dhabta ah ee indhaha u furay waa Ibliis, oo wejiyada nolosha iyo gedgeddoonkeeda marba dacal ka tusa. Garaadka iyo fekerka dadka waxaa shiila doodaha iyo loollanka ay sheydaanka kula jiraan, ama sida Iqbaal u dhigay: “Caqliga waxaan ka raacnay Ibliiska, jacaylkana Aadan /That reason is from the Devil, while love is from Adam.”

Shaydaanka ama ibliiska- dhabta ahina waa nafta iyo dhaqanka dadka. Sheydaanku waa marka ruuxa bani’aadamka ahi uu la yimaado dhaqan isaga ama bulshadu ay u arkaan inuu khilaafsan yahay samaha iyo anshaxa suubban. Danaynta akhlaaqduna waa qodobka ugu muhiimsan -ama ugu yaraan waa mid ka mid ah qodobbada ugu mudan- ee bani’aadamku uu uga soocan yahay uunka Alle ee kale oo idil. Malaa’igta, sheydaanka iyo xayawaanaadka dadka ka soo haray midkoodna akhlaaq ma daneeyo, waxqabadkoodana raad kuma yeelato.

Iqbaal sida rag badan oo ka horreeyey oo ay ka mid ahaayeen Jalaaludiin Ruumi iyo Goote, waxa uu qabay in sharku lamahuraan u yahay horumarka bani’aadmku ay samaynayaan. Haddii aan shar jiri lahayn, loollan, halgan iyo dadaal toona ma jireen. Sharka iyo kheyrku had iyo jeer way wada jiraan, wadajirkoodana waxaa ka dhasha guulaha nolosha laga gaaro. Iqbaal gabayadiisa midkood waxa uu kuu leeyahy:

Sidee baan u sifayn karaa sharka iyo kheyrka?

Mushkiladdu way adagtahay, carrabkuna wuu shigshigayaa,

Laanta korkeeda waxaa ku wada yaal ubax iyo qodax,

Gudaheeda ubax iyo qodox midna kuma yaal.

Sidaa darteed, sharka iyo sheydaanku kaalin mug leh bay ka qaataan qurxinta iyo qiimo u yeelidda nolosha, iyo horumarka dadku ay samaynayaan. Iqbal meerisyo gabay ah waxa uu ku leeyahay:

Noloshaada ha ku dhumin duni aan dooq lahaynd

Duni Alle jiro, laakiin Ibliis ka maqan yahay.

Marka hawsha la qabanayaa ay hal-abuurnimo wadato,

Waa wanaag, xitaa haddii ay denbi miiran tahay!

Ku Allahoode, waxay ku warrameen in maalin maalmaha ka mid ah uu wadaad wacdiyey rag Soomaali ah. Wadaadku wuxuu ku dheeraaday faallo ku saabsan waxybaaha faraha badan, ee la yaabka leh ee jannada laga helo. Waa janno laga helo “waxaan horay il abidkeed u arag, dhegna u maqal, laab bani’aadamna aan ku soo dhicin /ما ال عين رأت، وال أذن سمعت، وال خطر على قلب بشر”. Waa janno qabow oo togag caano, malab iyo khamro isugu jira ay meel kasta qulqulayaan, gabdho xuuru-ciin ahina dhan walba laafyaha ruxayaan, wixii maankaaga ku soo dhacaana ay dhib la’aan hortaada imaanayaan.

Kolkii wadaadkii wacdiga dhammeeyey, baa oday ragga ka mid ahaa gacanta taagtay, oo wadaadka weydiiyey su’aal ahayd: Sheekhow jannadu tubaako ma leedahay? Sheekha oo tubaakada camal sheydaan u yaqaannay, durbana illoobay in jannada wax walba laga helo, waxa uu ku jawaabay: Maya, jannada wax wanaagsan oo udgoon baa laga helaa.

Jeerkaasna odaygii waxa uu yiri: Sheekhow jannadaasi aniga waa iga bes, maxaa wacay neef baan qabaa, meel qabow oo aan tubaako lahaynna kuma noolaan karo!

Odayga waa garti oo qabow aan kulayl lahayn, maalin aan habeen ka danbayn, dhereg aan gaajo xigin, caafimaad aan cudur laga baqayn, farxad aan murugo wehelin, qurux aan foolxumo la aqoon, jacayl caro iyo nacayb ka maran, galmo aan qatooyo jirin, nolol aan geeri laga welwelayn, iyo janno aan cadaab laga cabsanayn midkoodna waxtar iyo dhadhan loogu xisho ma laha. Nolosha waxa macaanka iyo qiimaha u yeelaa waa is-dhalanrogga joogtada ah iyo hubanti la’aanta (=يزيد في الخلق ما يشاء، إن هللا على كل شيء قدير).

Suufigii Jalaaludiin Ruumi waxa uu sheegay in Eebbe uusan ku khasaarin abuuridda nebi Aadan. Eebbe isaga ayaa ugu talo galay in bani’aadamku ay ku jiraan xaalad isbeddel iyo kobac joogto ah. Bani’aadamku malaayiin iyo malaayin sano ayuu isbeddel samaynayey, oo waxa uu soo maray marxalado uu ahaa dhir, mar uu noqday cayayaan, iyo mar uu u gudbay xayawaan, ilaa uu ka noqday aadami garaad leh. Isbeddelka iyo kobaca aadamigu uu samaynayaana waxa uu dhaxalsiin karaa inuu baro-dheeraysto malaa’igta Alle dahiray. Iqbaal oo ka duulaya aragtida sheekhiisuna wuxuu markiisa ku dooday in aadmigu haddii ay qofnimadooda dhisaan (=Khudi /Ego), oo ay horumarin kula tacaalaan ay gaari karaan heer ay Alle la-taliye u noqdaan, oo go’aammada koonka lagu dhaqayo ay aragti iyo talo ku yeeshaan. Taana waxaa la gaaraa goorta bani’aadamku uu u dallaco inuu gaaro derajada ‘Insaan dhamaystiran /اإلنسان الكامل’.

Iqbaal waxa uu ku dooday in dhacdada Aadan jannada uga soo baxay aysan ku imaan gef iyo duufsi sheydaan, balse ay ku timid qorshe iyo doonidda Alle. Aadan wuxuu cunay geedka aqoonta iyo maanfurka. Xikmadda arrinkaas ku jirtaana waa in bani’aadamku ay noqdaan qaangaar leh wacyi, karti, iyo xorriyad ay wax ku diidi karaan, waxna ku aqbali karaan. Lahaanshaha istikhyaarka iyo xorriyadda doorashaduna waa shardiga aasaaska u ah abaalmarinta. Aadmigu waa in ay gaaraan marxalad ay ka maarmaan ku tiirsanaanta anbiyo iyo kutub Eebbe uu si joogto ah uga dabo wado. Dadku ku tiirsanaanta waxyiga waa inay uga koraan sida ubadku ay uga koraan gacan ku haynta waaridkood.

Iqbaal buuggaan ‘Jaawiid Naama’, oo ah safar qoraagu uu meerayaasha sare isaga gooshayo isaga oo baadigoobaya sirta nolosha, meerisyada ugu danbeeya wiilkiisa Jaawiid oo ah midka buuggu uu sida tooska ah ula hadlayo iyo guud ahaan dhallinta Musliinta ah, wuxuu ugu sheegayaa in haatuf kheyr qabaa uu samada uga dhawaaqay, oo uu ku taabtay sir uu si weyn u jeclaa inuu ogaado. Sirta Iqbaal samada looga keenay waxay leedahay:

Yoolka qura ee noloshu waa in sare loo kaco oo la duulo.

Buulku ma aha meel lagu nagaado oo la iska dangiigsado!

Noloshu ma taqaan joogsi iyo meel la istaago. Maxaa yeelay, istaagiddu waa geeri. Noloshu waa in la cayrsado hadaf ama yool si joogto ah isu dhalan rogaya, oo saacad kasta weji cusub la soo baxaya.

Aan ku soo gunaanado dardaarankii Iqbaal ee ahaa: “Hadalkayga dhallinta gaarsiiya, una fududeeya fahankiisa.”

Comments