Carrafada Eebbe
Sida la wariyo, dabshidkii 1909, Boqorkii Masar ee Khadewi Cabbaas Xilmi 2-aad, ayaa wuxuu niyeystay in uu waajibka xajka soo guto, wuxuuna goostay in gabyaagii Axmed Showqi (1868- 1932) uu ka mid noqdo dadka xajka u raacaya. Showqi dhankiisa, in sannadkaas uu xaj aado qorshaha uguma jirin, isla jeerkaasna ma uu jeclayn in uu diido codsiga boqorka. Taa awgeed, goortii boqorka iyo dadkii raaci lahaa ay safarkii u anbabaxeen, oo waddada cagta la saaray, buu aayar luuq ka dusay, oo dib Qaahira ugu noqday.
Hayeeshee, gabyaagu wuxuu dareensanaa in boqorku uu falkaas ka xumaanayo. Si uu isaga maslaxo darteedna wuxuu tiriyey maanso uu boqorka ku ammaanay, xajka iyo ummuurihiisana uga faallooday. Gabaygaas oo lagu magacaabo "Carrafada Eebbe /إلى عرفات هللا", afartan sano kaddib waxaa aragtay fannaanaddii Ummu Kaltuum (1898-1975) oo ka heshay. Dabshidkii 1951, Ummu Kaltuum waxay qaadday gabayga qaybtii xajka ku saabsanayd oo ay hees u beddeshay. Heestaasi waxay ka mid noqotay suugaanta xajka ee Carabta kuwooda loogu jecel yahay. Muddo dheerna, idaacadaha carabtu maanta oo kale waa ku tartami jireen soo deynteeda. Waa hees ruuxa dhegaystaa uu laabta ka xajinayo. Isaga oo minankiisa jooga baa laabtiisu Carrafo istaagaysaa.
In badan oo ka mid ah heesaha ay qaaddo Ummul Kaltuum, asal ahaan waxay ahaayeen maanso ay tiriyaan abwaanno waaweyn sida Axmed Showqi, Cumar Khayaam iyo Maxamed Iqbaal. Laakiin dadweynaha faraha badan ee dhegaysta heesaha Ummu Kaltuum badankoodu raggaas midna kama yaqaanniin. Qodob kale oo xusid mudan baa wuxuu yahay, in Ummu Kaltuum gabayada raggaan aysan midna sidiisa ku qaadin ee ay wax ka beddeshay. Tusaale ahaan heestaan "Carrafo", aad bay uga dhadhan duwan tahay gabaygii Axmed Showqi uu boqorka u tiriyey. Maxaa yeelay Ummu Kaltuun erayo badan bay ka beddeshay, si heestu u noqot mid xajka oo qura khusaysa.
Hees kale oo maalmahaan oo kale dunida Carabta, gaar ahaan Masar, aad looga dhegaysto waa heesta loo yaqaan "Kuwa nebiga qaaliga ah u socdow /يا رايحين لنبى الغالى" ee ay ku luuqayso fannaanadda Leyla Muraad (1918-1995). Heestaan oo aalaba loo adeegsado sagoontinta Xujeydu, waxay ku jirtay filinka Masriga ah ee lagu magacaabo "Leyla: inanta ugaasyada /ليلى بنت األكابر". Heestaan oo malaayin dad ahi ay dhegaystaan, waxay leedahay sheekooyin badan, laakiin qof ahaan sheekooyinkeeda waxa iigula yaab badan, in la sheegay in abwaanka miraha heesta iska lihi uusan weligi xaj iyo cumro toona tegin. Abwaanka heesta tiriyey waxaa lagu magacaabi jirey Abuu Sacuud al-Abyaari (1910-1969), waxaana la sheegay in uu ahaa abwaan halabuur badan oo allifey filimaan iyo masraxiyado ciiddaa ka badan. Sidaas oo ay tahayna waxaa la tebiyaa in uusan abidkiis dalka Masar dibedda uga bixin. Xanta arrinkaas ku saabsanna waxay sheegaysaa in sababtu ay tahay isaga oo diyaaradaha iyo maraakiibta labadaba ka baqi jirey.
Istaaqfurullaahi min kulli denbi! War illeen waa maalin Carrafo oo Muslimiintu qaar xajinaya iyo qaar soomman ay u kala jabeen.
إلى عرفات هللا يا خير زائر.. عليك سالم هللا في عرفات
على كل أفق بالحجاز مالئك.. تزف تحايا هللا والبركات
لك الدين يا رب الحجيج جمعتهم.. لبيت طهور الساح والعرصات
أرى الناس أصنافا ومن كل بقعة.. إليك انتهوا من غربة وشتات
تساووا فال األنساب فيها تفاوت.. لديك وال األقدار مختلفات
ويا رب هل تغني عن العبد حجة.. وفي العمر ما فيه من الهفوات
شعوبك في شرق البالد وغربها .. كأصحاب كهف في سبات عميق
بأيمانهم نوران ذكر وسنة .. فما بالهم في حالك الظلمات
وقل ربي وفق للعزائم أمتى .. وزين لها األفعال والعزمات
Farxad ku ciida

Comments