Carwada caalamiga ah ee diimaha iyo waxa laga korarsan karo

Aniga iyo saaxiibkay, baa maalin waxaan ku heshiinnay in aan booqanno goob lagu qabanayey carwo ama bandhig caalami ah oo diimaha dunida ku saabsan. Markii aan gaarnay xaruntii carwadu ka socotay ayaan waxaan aragnay in carwadu aad u ballaaran tahay, oo aysan noo suurogalayn in maalin keliya aan uga wada boganno, oo aan mid mid u booqanno dhammaan qaybaha kala duwan ee carwada. Sidaa awgeed, waxaan ku ballannay in aan booqanno qaybaha lagu soo bandhigayo diimaha Galbeedka sida; Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka aanna dib u dhiganno booqashada qaybaha diimaha Bariga sida; Hinduusiyadda, Taawisimka, Buudiyadda, Shintaha, Konfooshiyada, Jaynismka iyo Siikha, .

Sida la sheegay bandhiggu ma ahayn bandhig ganacsi, sidaas oo ay tahay haddana tartanka, fallisaadda iyo xayaysiintu aad bay u darnaayeen, oo qolo kastaa waxay xusulduub ugu jirtay suuqgeynta diinteeda. Booqashada waxaan ka bilawnay qaybtii diinta Yahuudiyadda, waxaa na la siiyey dhigaallo ay ku qoran yihiin in Eebbe naxariis badan yahay, Yahuudduna ay yihiin shacabka uu Eebbe ummadaha oo dhan ka doortay, oo if iyo aakhiraba ku liibaanaya.

Qaybtii Kirishtanka ama Masiixiyadda iyadana waxaa na la siiyey qoraallo, waxaana na loo sheegay in Eebbe uu gacalo yahay, Ciise iyo Masiixiyadduna ay yihiin waddada qura ee lagu badbaadayo, ciddii meel kale wax ka jerisaana ay hoogayso, oo adduun iyo aakhiraba ay khasaarayso.

Ugu danbayntii waxaan tagnay qaybtii Islaamka, sidii oo kale baa dhigaallo na loogu dhiibay, waxaana na loo sheegay in Eebbe naxariis badan yahay iyo in nebi Muxamed uu yahay kii anbiyada Alle oo dhan ugu danbeeyey, qofkii waddadiisa raacaana uu jannada galayo, kii khilaafaana uu naar mudanayo.

Markii aan ka soo baxnay bandhiggii baan saaxiibkay waxaan weydiiyey: Horta hebelow fikrad caynkee ah baad Eebbe ka haystaa?

Wuxuu yiri: “Waa xagjir, madax adayg iyo arxan darro isku darsaday.”

Markii aan gurigayga tagay, baan aniga oo keligay ah waxaan Eebbe ku iri: “Eebbow sidee baad waxaan ugu dulqaadataa, miyaadan u jeedin in kumanyaal sano ay magacaaga qurminayaan, oo ay jahligooda iyo xinkooda adiga kuu saarinayaan?”

Eebbe wuxuu ku jawaabay: “Aniga ma aha cidda bandhigga qaban qaabisay. Run ahaantii, xataa in aan booqdo waan ka xishoodaa.”

Marka qofku si deggan oo miyirqab leh, oo ka fog jahli iyo cuqdad uu ku daawado waxa ka socda carwada diimaha, wuxuu ogaanayaa in diimuhu isku nuxur iyo ulajeeddo yihiin. Dhammaantoodna ay yihiin waddooyin kala duwan oo Eebbe loo maro.

Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Gotthold Ephraim Lessing (1729-1781) waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay dadkii kaalinka muuqda ka qaatay dhaqdhaqaaqii maanfurka iyo kobaca wacyiga reer Galbeedka. Lessing wuxuu ahaa feylasuuf aqoon durugsan u leh doodaha falsafadda, laakiin kuma uusan mashquulin doodaha akadeemiga ah ee engagan, balse wuxuu xoogga saaray dhanka fanka iyo suugaanta oo uu rumaysnaa in dadweynuhu ka danayn badan yihiin falsafadda qallalan. Wuxuuna ku guulaystay in uu si mug iyo milgo leh fikradihii falsafadda suugaanta ugu barxo, dabadeedna iyaga oo malab isku noqday uu dadweynaha dhay iyo karuur hadba kay doonaan uu ku dhansiiyo.

Lessing wuxuu leeyahay 15 masraxiyadood oo saamayn ku reebay maanka reer Yurub iyo guud ahaan aadanaha intii ay gaareen. Masraxiyadahaas midda ugu caansan, uguna saamaynta badani waa masraxiyadda lagu magacaabo “Nataan kasmoolow ama xikmadlow / Nathan the Wise/ناثان الحكيم”. Masraxiyaddaan oo la qoray dabshidkii 1779, mawduuca Lessing uga faalloonayaa waa jacayl, dulqaad iyo dood-wadaag u dhexeeya saddexda diimood ee Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka. Goobta sheekadu ka dhacaysaa waa magaalada Qudus oo saddexda diimood ay isku si u sheegtaan, waqtiga ay dhacaysaana waa markii muslimiintii Salaaxudiin uu hoggaaminayey ay magaalada dib uga qabsadeen ciidamada macatabka.

Dagaallada macatabku waxay ahaayeen dagaallo dad iyo duunyaba ku hoobteen oo asal ahaan u dhexeeyey Kirishtanka iyo Muslimiinta, laakiin sida maahmaahda Afrikaanku ay tiraahdo: “Marka labo maroodi ay dagaallamaan, cawska ayaa dhibka ugu weyni ku dhacaa /When two elephants fight, it is the grass that suffers most”. Dagaallada macatabku inkasta oo ay si toos ah ugu dhexeeyeen Kirishtanka iyo Muslimiinta, haddana labada qolo mid kastaa waxay dhankeeda ka xasuuqaysay Yahuudda oo la mid noqday caws maroodiyaal ku dul dagaallameen. Sidaa darteed, dhibka ka dhashay dagaalladaani waxay isku si u saameeyeen dadka saddexda diimood ku kala abtirsada.

Salaaxudiin markii uu ku guulaystay in uu magaalada qabsado, wuxuu ku baraarugay in dagaalladu ay dad iyo duunyaba galaafteen, oo wax walbaa ay burbureen, khasnadda dowladduna ay haawanayso. Waxaana u muuqday in xal degdeg ah loo baahan yahay. Xalka u muuqdayna wuxuu ahaa in marka hore bulshada jawi nabadeed loo abuuro oo nacaybka diimaha la yareeyo iyo in la sameeyo mashaariic horumarineed oo kaabayaasha dhaqaalaha lagu hormarinayo, dibna loogu dhisayo. Suldaan Salaaxudiin wuxuu u baahnaa in labadaas qodob ay kala shaqeeyaan wadaaddada diimaha iyo ganacsatadu.

Dhanka kale, Naataan wuxuu ahaa ganacsade Yahuudi ah, oo dadku aad ugu wareeraan. Dadku marka ay maqlaan tilmaamaha wanaagsan ee xikmadda iyo deeqsinimadu ay ka midka yihiin ee Naataan lagu sheego way u bogi jireen, laakiin marka ay ogaadaan in uu Yahuudi yahay bay candhuufta dib u liqi jireen. Waayo? Sidee bay ku dhici kartaa in Yahuudi uu wanaag yeesho? Soo diimahooda iyo suugaanta ka curatayba uma aysan sheegin in Yahuudigu uu yahay dhabcaal damac badan oo doollarka caabuda?

Sida la sheegay, Naataan wuxuu ahaa xakiim dulqaad badan iyo deeqsi dadka iyo diimuhu u siman yihiin. Magaca diimaha ayaa aad loogu dulmiyey, oo tusaale ahaan waxaa la sheegay in wadaaddo Masiixi ahaa ay xaaskiisii iyo toddobo carruur ah oo u dhalay ay hal mar isku meel ku gawraceen, laakiin taa baddalkeeda Naataan wuxuu korsaday gabar yar oo ahay masiixiyad agoon ah, laguna magacaabo ‘Recha’, isaga oo aan marna isku dayin in uu diinteeda ka beddelo. Hase ahaatee, wadaadka kaniisadda magaalada ugu sarreeya oo lagu naynaaso ‘Partiach von Jerusalam’, ayaa marka uu maqlo in Naataan uu korsado gabar Masiixiyad ah, wuxuu amar ku bixinayaa in Nataan la gubo. Nasiib wanaag, taasi ma dhicin, oo waxaa ka hor istaagay in muslimiintu awooddii magaalada kala wareegeen masiixiyiintii.

Yeelkadeede, maalin danbe waxaa kulmay Suldaan Salaaxudiin, Naataan iyo wadaadkii masiixiga ahaa ee horay u amray in la gubo Naataan.

Salaaxudiin oo la hadlaya Naataan ayaa wuxuu yiri: “Waxaad leedahay sumcad iyo xikmad lagugu xushmeeyo, waana hubaa in aad baartay diimaha waaweyn. Marka waxaad ii sheegtaa saddexda diimood ee Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka tan ugu wanaagsan?”

Nataan wuxuu ku jawaabay: “Suldaan, anigu Yahuudi baan ahay”.

Markaana Salaaxudiin wuxuu yiri: “Aniguna Muslim baan ahay, waxaana na la jooga wadaad Masiixi ah. Laakiin saddexda diimood waa isburiyaan oo mid walbaa waxay sheeganaysaa in ay iyadu tahay midda runta ah, kulligoodna run ma wada noqon karaan, maadaama ay isburinayaan. Marka waxaad ii sheegtaa sida ay adiga kula tahay. Diintee baa ah tan ugu saxan?”

Nathan su’aasha suldaanka si toos ah ugama uusan jawaabin, laakiin suldaanka iyo saaxiibadiis wuxuu uga sheekay sheekoxariir caan ah oo lagu magacaabo ‘Saddexdii faraanti ama faraantigii falka ahaa’, oo loo tebiyo sidatan;

“Beri baa waxaa jirey nin lahaa faraanti sixir ah, oo ruuxa haysta Alle iyo aadamiguba ay jeclaadaan, wuxuu damcana hela. Ninku wuxuu dhalay saddex wiil oo uu isku si u jeclaa. Ninkii waa gaboobay, wuxuuna yaqiinsaday in ajashiisii ay soo dhawaatay.

Wuxuu muddo ka fakaray saddexda wiil kan ugu fariidsan ee ay tahay in uu faraantiga ka dhaxlo, laakiin damiirku waa siin waayey in uu wiilashiisa kala jeclaado. Docda kalena, wuxuu ka walaacsanaa in geeridiisa kaddib ay wiilashu faraantiga ku diriraan. Ugu danbayntii wuxuu go’aan ku gaaray in uu sameeyo labo faraanti oo dahab ah oo u eg midka sixirka ah, saddexdii wiilna wuxuu u qaybiyey saddexdii faraanti, mid kastana wuxuu goonni ugu sheegay in uu isaga siiyey faraantigiisii cajiibka ahaa, wuxuuna kula dardaarmay in uu faraantiga ilaashado oo sina uusan gacantiisa uga bixin.

Geeridii aabbahood ka dib, wiilashii waxay isku qabteen midka isagu haysta faraantigii asalka ah ee aabbahood, mid kastaana wuxuu ku andacooday in kiisu yahay kan asalka ah ee qofka haystaa uu liibaanayo. Saddexdii wiil waxay u tageen qaalligii magaalada si uu u kala saaro, laakiin qaalligii iyo dahablihii magaalada labaduba waa awoodi waayeen in ay gartaan faraantiga asalka ah, maxaa yeelay waxay ahaayeen saddex faraanti oo isku dahab iyo isku naqshad ka samaysan. Markaana qaalligii wiilashii wuxuu ku yri: midka faraantigiisu asalka yahay waxaa lagu ogaanayaa habdhaqankiisa, oo wuxuu yeelanayaa akhlaaq iyo habdhaqan wanaagsan oo ay hagaan run, dulqaad, naxariis iyo deeqsinimo.” Waana halka Soomaalidu ay ka tiraahdo: Loogow looba jooge!

Sheekadaan aabbaha wax jecel wuxuu u taagan yahay Eebbe, saddexda faraanti ee aan la kala aqoonna waxay matalayaan saddexda diimood ee Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka, wiilashuna waxay kala matalayaan dadka kala haysta saddexdaas diimood. Farriinta sheekadu xanbaarsan tahayna waa in diimuhu isku nuxur yihiin oo kulligood ay ku baaqaan kheyr, wanaag, jacayl iyo in Eebbe loogu dhawaado akhlaaq wanaag iyo samafal.

Lessing wuxuu noo sheegayaa in waxa dadku ku kala wanaagsan yihiin aysan ahayn waxa ay ku andacoodaan in ay yihiin, balse ay tahay qofnimadooda iyo waxa ay dhab ahaan yihiin, oo laga ogaado akhlaaqda, habdhaqanka, dulqaadka iyo waxtarka qofku uu u leeyahay noolaha kale.

Lessing wuxuu yiri: “Qofka waxa qiimaha u yeelaa ma aha xaqiiqada(=runta, diinta) uu haysto ama ay la tahay in uu haysto, laakiin waa dadaalka uu ku bixiyo in uu xaqiiqada ogaado.” Lessing waxaa kaloo laga hayaa in uu yiri:

“Haddii Eebbe gacantiisa midig ku qabto “Runta oo dhan”, gacantiisa bidixna uu ku qabto “in Runta si joogto ah loo raadsho”, uuna I kala doorransiiyo in aan middood qaato, si xushmo iyo qaddarini ku jirto baan waxaan ku qaadan lahaa waxa gacanta bidix ku jira, waxaana ku oran lahaa: Eebbow tan baan qaadanaya, Xaqiiqada buuxda adiga oo qura bay kuu sugnaatay oo istaahila.” Ilaahna wuxuu noo sheegay in dadku weligood iyo waaqood af, dhaqan, diin iyo midabba ay ku kala duwanaan doonaan ( ولو شاء ربك لجعل الناس أمة واحدة وال يزلون مختلفين).

Marka naftaada ha dhibin, uunka Allena nabadgeli, oo mar waddadii ku qancisa, dadka kalena u oggolow in ay qaadaan waddada ay ku qancaan in ay tahay tan Eebbahood gaarsiinaysa. Waxaadna ogaataa in Eebbe iyo aadanuhu ay adiga iyo tolkaa ka ballaaran yihiin.

Comments