Ciidanka Eebbe malabkaa ka mid ah
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa shirqool, dilal qarsoon iyo sida magaca diinta loogu qariyo rabshad, gaar ahaan dhaqanka Ikhwaanka iyo dhaawaca uu reebo.

Ku Allahoode, buugta taariikhda Islaamku waxay wariyeen in Mucaawiye bin Abii sufyaan iyo Camar bin Caas ay ragga mucaaradka ku ah malab sumaysan siin jireen, marka ay qabriga ku hubsadaanna ay oran jireen: "Eebbe wuxuu leeyahay ciidan malab ah /إن هلل جنودًاًا من عسل". Ragga la sheego in qaabkaa loo khaarajiyey waxaa ka mid ah Maalik bin Ashtar al-Nakhaci oo ahaa hoggaamiye weyn oo Cali bin Abii Taalib uu ku dhaadan jirey iyo Xasan bin Cali bin abii Taalib iyo Cabduraxmaan bin Khaalid bin Waliid. Waxaa xusid mudan, in Mucaawiye uu ahaa ugaas carbeed, sida dhaqanka carabtii hore uu ahaana xumaynta dumarka waa laga sarriigan jirey, oo ninka qof haween ah af ama addin wax ugu geysta waxaa loo aqoonsan jirey in uu yahay gun liita oo innaba aan sharaf lagu ogayn.
Sheekada Mucaawiye iyo Camar bin Caas taariikh fog bay ahayd, oo annaga sheeko keli ah bay nagu soo gaartay, laakiin dhawaanahaan shirqoollada caynkaan ah waxaa ku caan baxay Ururka Ikhwaanu Muslimiinka Masar. Tusaale ahaan, sanooyinkii u dhexeeyey 1948-1953, dalka Masar waxaa ka jirtey xasillooni darro siyaasadeed, ururka Ikhwaanu Muslimimiinkuna dhan wuxuu ka wadey hawlgallo uu ku damacsanaa in xukuumaddii xilligaas jirtey awoodda looga tuuro, dhanka kalena ururka dhexdiisa ayaa waxaa ka jirey loollan loogu jirey awoodda iyo gacan ku haynta talada ururka. Xubno ka mid ah saraakiishii ururkuna waxay fuliyeen falal argagixiso oo lagu khaarajinayey madaxdii dowladda iyo xubno ururka ka tirsan. Falalkaas oo qaar lagu guulaystay, qaarna ay fashilmeen, waxay keeneen in indhaha xukuumadda iyo kuwa saxaafadduba ay ururka ku soo jeestaan. Xasan Bannaa oo ah ninka ururka aasaasayna wuxuu isku dayey in uu ururka ka jeediyo indhaha faraha badan ee soo eegaya. Sidaa darteed, sannadkii 1949 -wax yar ka hor intii aan la dilin- wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu ku canbaareeyey hawlgalladaas iyo raggii fuliyey. Warsaxaafadeedka Xasan oo soo baxay kaddib markii ururku uu dilay Ra'isuwasaarihii Masar ee Maxmuud Fahmi Naqraasha Baashaa, wuxuu ku caanbaxay halkudhegga: "Ikhwaan ma aha, Muslimiinna ma ah /ليسوا إخوانا وليسوا مسلمين".
Ragga ikhwaanka ah ee xilligaas ku eedaysnaa in ay dilal geysteen waxaa ka mid ahaa nin la oran jirey Xasan Cabdixaafid oo ahaa xoghaynta gaarka ah ee Xasan Bannaa, oo qirtay in isaga iyo saaxiibkiis ay dileen qaalli la oran jirey Axmed Khasandaar oo hayey dacwado ka dhan ah rag ka tirsan Ikhwaanka oo denbiyo dilal ah loo xiray. Waxaana la rumaysan yahay in dilka qaalligaas uu fatwooday Shiikh Xasan Bannaa oo la maqlay isaga oo leh: "Yaa na dhaafiya Khasandaar iyo kuwa la midka ah / ياريت حد يخلصنا من الخازندار وأمثاله".
Shirqoollada caanka ah ee wadaaddada ikhwaanku ay dhexdooda isaga dhigeen waxaa ka mid ah shirqool lagu khaarajiyey sarkaal ka tirsanaa ururka oo la oran jirey Sayid Faayis Cabdimutalib (1919-1953). Sida rag badan oo ururka ka tirsani ay dhigaalladooda ku caddeeyeen, Sayid Faayis waxay is qabteen nin kale oo madaxda ururka ka mid ahaa oo la oran jirey Cabdiraxmaan Sandi oo markii hore ay xulufo dhaw ahaayeen, kana wada tirsanaayeen ururka garabka u qaabilsan hawlgallada ee lagu magacaabo "Nidaamka gaarka ah ama hey'adda sirta ah/ النطام الخاص أو الجهاز السري", oo u dhigma waxa ururka Alshabaab ay hadda ugu yeeraan qaybta 'Amniyaatka'. Qofka xubinta ka noqonaya garabkaan ka tirsan ururka waxaa lagu dhaarin jirey kitaabka quraanka iyo bastoolad, wuxuuna ku khasbanaa in wax kasta oo dhaca uusan marna ururka ka bixi karin. Xubnahaan waxaa horay loogu sii sheegi jirey in hadal la'aan lagu khaarajinayo qofkii ururka ka baxa iyada oo aan sabab la isweydiin.
Sannadkii 1953, waxaa si weyn isugu dhacay Xasan Hudeybi oo ahaa hoggaamiyaha ururka iyo Cabdiraxmaan Sanadi oo ahaa madaxa qaybta hawlgallada ee ururka. Khilaafkaas oo ka dhashay tartan labada nin ay ugu jireen awoodda ururka, Sayid Faayis oo ahaa ku xigeenka Cabdiraxmaan Sanadi wuxuu la saftay Xasan Hudeybi. Arrinkaasina Sanadi wuxuu ku bixiyey in uu go'aansado ka takhalusidda Sayid Faayis. Maalintii taariikhdu ahayd 19kii Nofeembar 1953, oo ahayd maalin loo dabbaaldegayey xuska dhalashada nebiga, Sanadi nin buu wuxuu u dhiibay baakad loo ekaysiiyey in doolshaha iyo macmacaannada ciiduhu ay ku jiraan, laakiin dhab ahaantii ahayd baakad miino lagu xiray. Ninkii wuxuu tagay guriga Sayid Faayis, albaabkana waxaa ka furtay gabar Saydi Faayis ay walaalo ahaayeen oo u sheegtay in uu maqan yahay.
Ninkii gabadhii ayuu baakaddii u dhiibay, wuxuuna ku yiri: Baakaddaan waxaa iska leh Faayis, waana in qof aan isaga ahayni uusan furin. Gabadhii sidii bay yeeshay oo markii walaalkeed soo noqday waxay u dhiibtay baakaddii, waxayna u sheegtay dardaarankii ninkii baakadda keenay. Markii Faayis damcay in uu baakadda furana waa ay qaraxday, waxaana ku dhintay isaga, wiil sagaal jir ahaa oo ay walaalo ahaayeen iyo gabar yar oo gurigooda hoostiisa maraysay, dhowr qof oo kale oo walaashiis ku jirtana waa ku dhaawacmeen. Sidaas baana xuskii dhalashada nebigu waxay isugu rogtay tacsi iyo baroordiiq. Baakadda macmacaanka ahina waa isla malabkii ciidanka Eebbe ka tirsanaa.
Dhaqanka shirqoolku waa dhaqan soo jireen ah, dunida oo dhanna ka dhaca. Laakiin shirqoollada waxaa ugu xanuun badan kuwa magaca diinta lagu geysto. Diinta waxaa loo arkaa shey muqaddas ah oo damac iyo danaysi ka sarreeya, shirqoolka iyo xumaha magaceeda lagu geystaana wuxuu leeyahay xanuun nafsadeed oo la mid ah kii uu dareemay Julius Caesar markii uu yiri oraahdiisa caanka noqotay ee "Xataa ma adiga, Burutusow! /Even you, Brutus".
Hoggaamiyihii Roomanka ahaa ee Juliyoos Sisar (100-44 CH) dadka Roomanku waxay u arki jireen hoggaamiye weyn, laakiin markii dambe waxaa shirqool ku diley saraakiil doonayey in ay xukunka kala wareegaan. Raggaas waxaa ku jirey nin la oran jirey Burutos oo Sisar ama Qeysar uu u dhaqaalaysan jirey sidii in uu yahay wiil uu isaga dhalay (riwaayadaha qaarkood waxay sheegaan in Sisar uu saaxiib la ahaa Burutos hooyadi, uuna ogaa in isagu uu yahay aabbaha dhabta ah ee Burutos dhalay). Sisar markii uu arkay in Burutos uu ku jiro ragga dilkiisa billaawaha u sita ayuu wuxuu ku qayliyey: "Xataa ma adiga, Burutusow!" Sisar ragga kale dhagar waa ka filan karay, laakiin Burutos oo wiilkiisa ahaa sina ugama uu filan in uu dilkiisa ka qayb qaadanayo. Oraahda Sisar waa mid Soomaaligu uu ku xasuusanayo meerisyadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (AUN) uu ku lahaa:
Salaaddiinta nimankaan qoree, sare u qaadaayay,
Raggii sidigta geela hayayoo, suuska beeganayay,
Nimankaan siday doonayaan, sahal u yeelaayay,
Nimakaan sariira u dhisee, soohdinta u jeexay,
Surradda iyo dadabtii raggaan, saari ugu gooday,
Gabdho wada saruurada raggaan, sowjad uga yeelay,
Nimankaan salaaxanahayee, saxar ka eegaayay,
Nimankaan siraayada col iyo, saha ka dhowraayay,
Nimankaan saqiir iyo kabiir, sama u miiraayay,
Nimankaan salaaddiyo u dhigay, subacyadii diinta,
Sallallaahu Nebigii raggaan, saamax uga doonay,
Saxariiraday igu faleen, waa sahwiyayaaye,
Nimanyahow si daran baa, qalbigu ii saddamayaaye,
Sokeeyiyo xigaalaanan sugin, saaca maantaaye,
*Soomaaliyoo idili way, sun iyo daybaaqe *
(Meerisyadu sidaan isuguma xigaan, oo soo gaabinta darteed baa qaybo looga tagay).
Sida la sheegay Burutos qayladii Sisar wuxuu uga jawaabay in uu yiri: "Sisar waa ku jeclahay, laakiin Rooma ayaan kaa sii jeclahay." Kolkaasna Sisar wuxuu yiri: "Haddaba waa in Sisar uu dhintaa." Laakiin si taa ka duwan, weli na ma soo gaarin wax jawaab ah oo ay bixiyeen dadka Sayidku uu maansadiisa ku xusay. Sidii horey loo yirina, taariikhda waxaa qora kuwa guulaysta, Ilaahna wuxuu la saftaa kuwa madfacoodu uu xoog bato.
Ururka Ikhwaanu Muslimiinka waxaa lagu tiriyaa in uu yahay ururkii ugu horreeyey ee casrigaan dunida islaamka isaga oo diin adeegsanaya isku daya in uu xoog iyo gacan ka hadal wax ku muquuniyo, oo magaca diinta dad Muslimiin ah ku laayey. Dad u kuurgalay habdhaqanka ururka Ikhwaanka iyo kurayda hadda dunida qasaya ee Alshabaab, Daacish iyo Qaacidana, waxay yiraahdeen: "Qofkii Ikhwaan la suxuurtaa, Daacish buu la afuraa."

Comments