Dabar oo talo saaro
Waxaa la sheegay in nin hal watay uu nebiga u yimid, kuna yiri: "Rasuulkii Allow, ma inta dabro ayaan Alle talosaartaa, mise inta iska daayo baan talosaartaa? Nebiguna wuxuu ku yiri: dabar oo talosaaro / يا رسول هللا، أعقلها وأتوكل، أم أتركها وأتوكل؟ فقال له النبي: اعقلها، وتوكل".
Kalsoonida xad'dhaafka ah ee Alle lagu talosaaranayo iyada oo aan asbaabta la la imaan, diintu ma farin, dadka inta garaadka lihina ma ay sameeyaan, ee doqonta iyo duuflaalka baa miciin bida. Talosaarashada waa in ficil iyo isxilqaan ay ka horreeyaan.
Maanta booskii dabridda hasha waxaa ku jira faraxalka, kala sikashada, xirashada maaskarada afka iyo sanka, iyo joogidda aqallada. Haddii si kale loo dhigo, talosaarashadu waxay ku jirtaa in loo hoggaansamo qawaaniinta dabeecadda iyo cilmiga bay'olojiga. Sebenka Koroonaha, kooxda badbaadaysaa waa muctasilada minankooda qoomaara, waxaana halaagsamaya kooxda khawaarijta ah ee waddooyinka qoodaynaya iyo ciddii iridda ka furta.
Ku Allahoode, waxay wariyeen in mar ay wada safreen wadaad suufi ah, mid salafi ah iyo odaygii Juxa ahaa. Iyagoo weli safarkii ku jira baa sahaydii ka idlaatay. Waxaa u soo haray gabal yar oo kimis ah, aad bayna u gaajaysnaayeen, ilaa heer ay ku heshiin waayeen sidii ay ka yeeli lahaayeen, maxaa yeelay nin waliba wuxuu istusay in cadkaas oo la qaybiyaa uusan cidna wax u tarayn, kumana uu jirin mid diyaar u ah in uu tanaasulo . Haddaba maxaa xal ah? Mid waliba wuxuu bilaabay in uu faano, oo naftiisa ammaan ugu dhaqaaqo, isaga oo leh "Jiritaankayga baa muhiimadda koowaad leh, sidaa darteedna waa in naftayda la badbaadiyaa."
Wadaadkii suufiga ahaa baa wuxuu yiri: "Idinkuma jiro mid iga soon iyo salaad badan, idinkuma jiro mid iga diin iyo karaamo badan. Eebbe wuxuu doonayaa in la i badbaadiyo, sidaa awgeed waa in gabalka kimista ah aniga la i siiyo."
Waxaa soo booday wadaadkii salafiga ahaa oo yiri: "Waa runtaa, oo waa ogahay in aad tahay nin soon iyo salaad badan, laakiin aniga ayaa kaa cilmi badan. Caqiido iyo fiqi, tafsiir iyo xaddiis, naxwe iyo sarf, culuumta aalada iyo culuumta qaayada mid aanan buugtiisa ka soo hor laabani kuma uu jiro, cimrigaygii oo dhan waxaan geliyey u adeegidda aqoonta. Dunidu uma baahna soonkooga iyo salaaddaada, balse waxay u baahan tahay cilmigayga. Dunida waxaa cammimay jahli iyo shirki, waxayna u baahantahay cilmigayga iyo dacwadayda. Cadka muufada ah aniga ayaa ugu xaq leh."
Juxana wuxuu yiri: "Anigu ma ahi suufi cibaado iyo camal badan, kumana doodi karo in aan denbi iga dhicin. Sidoo kale ma ahi caalim aqoon badan, ee waxaan ahay caamo aad u gafa. Waxaanse cilmi-dhegood ku maqlay in Ilaah uu naxariis iyo denbi dhaaf badan yahay, raxmaddiisana kama quusan. Kimista aniga ayaa iska leh."
Qir iyo qir baa xaal noqday, oo waa awoodi waayeen in ay wax isku raacaan. Ugu danbayntiina waxay go'aamiyeen: "Saddexdayaduba gaajo ayaan ku seexanaynaa, arrinka kimistana Eebbaan u deynaynaa, isagu go'aan ha ka gaaro. Midka Ilaah uu tuso riyada ugu wanaagsan, baa aroortii cadka kimista ah qaadanaya.
Kolkii waagii beryay baa suufigii wuxuu yiri: "Hadda ka dib midkiinna ilama uu tartami karo. Kimista aniga ayaa iska leh, waayo waxaan ku riyooday aniga oo Eebbe cagaha ka dhunkanaya. Taasi waa waxa ugu sarreeya ee makhluuq uu rajayn karo. Ma jirtaa fadli kaas ka weyni?"
Salafigii baa isaga oo qoslaya wuxuu yiri: "Taasi waxba sheegi mayso, maxaa yeelay aniga Eebbe ayaa hab i siiyey, oo labada dhaban iga dhunkaday! Adigu cagaha ayaad ka dhunkatay, laakiin aniga isaga ayaa i dhunkaday, habna i siiyey! Culumadu waa kuwa dhaxlay anbiyada (=العلماء ورثة األنبياء). Aaway muufadii? Anigaa iska leh."
Waxay eegeen dhankii Juxa, oo weydiiyeen: "Bal adna soo daa, maxaad ku riyootay?"
Wuxuu ku warceliyey: "Anigu waxaan ahay miskiin denbiile ah, riyadaydu waxay ahayd mid caadi ah, aad caadi u ah, oo xataa in la sheego aan istaahilin.
Laakiin maadaama aad ku adkaysanaysaan in aan sheego, horayna aan ugu ballanay, waan idiin sheegayaa. Aniga oo hurdo culus ku jira baa Ilaah i toosiyey, wuxuuna igu yiri 'War dabbaalyahow maxaad samaynaysaa? Ka toos hurdada oo cun kimista!' Markaana waan cunay, ma amarka Eebbe ayaan diidi karaa? Hadda wax kimis ah oo haray lama arko!"
Kaalinkeenna aan ka soo dhalaalno, Eebbana hawshiisa u deyno.
Allow ma sheegay, Eebbow marag ka noqo!

Comments