Dabinkii Jiraalka: Diiriye-Maarkoos

Aniga oo akhrisanaya buuggaan "Dabinkii Jiraalka: Diiriye-Maarkoos", ee uu qoray Dr. Maxamed Xirsi, ayaa waxaa ii soo galay barbaar 21 jir ah oo ka mid ah dhallinyarada qurbaha ku dhashay, kuna koray. Wuxuu i weydiiyey: Muxuu yahay buugga aad akhrinaysaa? Erayo uguma jawaabin, ee galka buugga dhankiisa hore ee cinwaanku uu ku qoran yahay baan xaggiisa u jeediyey, si uu indhihiisa ugu arko. Isaga oo hikaadin iyo hubin ula jeeda ayuu labo jeer wuxuu ku dhawaaqay: Da-bin-kii Ji-raal-ka ... Dabinkii Jiraalka. Si aan u hubiyo in uu macnaha fahmay iyo in kale, ayaan waxaan weydiiyey: Ma fahmaysaa macnaha dabinkii jiraalka? Wuxuu yiri: Maya. Si aanan wax ugu laqimin ee aan erayada oo keliya ugu jilciyo darteed, baan mar kale waxaan weydiiyey: Ma taqaan dabin? Wuxuu yiri: Maya. Waxaan iri: Jiraalna? Wuxuu yiri: Maya.

Dabadeed, waxaan afsoomaali ugu sharraxay macnaha erayga 'dabin'. Isaguna wuxuu la soo booday tarjamada ingiriiska ah ee erayga oo wuxuu yiri: 'dabin' waa 'trap'. Intaa wuxuu sii raaciyey in uu mar kale akhriyey qaybta hore ee cinwaanka "Dabinkii Jiraalka", isla markiina wuxuu u rogay Ingiriis oo wuxuu yiri: Tarjamada ingiriisiga ee cinwaanku ma waxay noqonaysaa: 'The trap of Existence?' Waxaan iri: sidaas baan u badinayaa. Intaa ka dib, inta uu buuggii iga qaatay oo cabbaar cinwaanka ku dhaygagay, buu wuxuu yiri: Marna ma aan moodayn in ay jiraan soomaali hadda wax ka qoraya mawduucyo sida midkaan oo kale u culus. Aniguna waxaan u raaciyey: Ninka qoray ma aha oday sida aabbahaa dhan u batay, ee waa wiil dhallinyar oo weliba dhakhtar ah. Wuxuu yiri: "It's truly incredible! I have to read it." Inanku hadalkii buu sii watay oo yiri: "Inkasta oo soomaaligayga liita darti uu igu adkaanayo, haddana waa in aan akhriyaa. Hikaadinta erayada dhaadheer ee qoraalka soomaaliga waan ku daalaa, laakiin waa in aan akhriyaa!"

Barbaarka waa runti oo buuggaan "Dabinkii Jiraalka: Diiriye-Maarkoos" oo u qoran qaab sheeko ahi, wuxuu ka faalloonayaa mawduuc aad u mug weyn. Sida laga garan karo magaca buugga ee 'Dabinkii Jiraalka', qoraagu wuxuu isweydiinayaa su'aal ah "waa maxay macnaha jiraalka ama noloshu?" Waxaana la ogyahay in weydiinta ku saabsan 'jiraalku' (=Being/Dasein /كينونة), ay tahay midda ugu adag dhammaan weydiimaha falsafadda.

Sheekadaan male'awaalka ahi ma aha ictiraaf qofeed oo qoraagu uu samaynayo, balse waa baarid xeeldheer oo uu ku sameeyey dabinka u yaal qofka Soomaaliga ah ee lagu magacaabo jiraalka ama nolosha if iyo aakhiro. Buuggu wuxuu kuu faahfaahinyaa su'aalaha la xiriira jiraalka iyo sida soomaali ahaan -wadar iyo waaxidba- aan u noolnahay, isaga oo aan kugu daalin eraybixinno waaweyn iyo falsafado murugsan oo caajis ama cabsi kugu beera.

Qoraagu mawduucyo tiro badan, oo isugu jira cilmi, dhaqaale, dhaqan, diin, siyaasad, taariikh ayuu si toos ah iyo si dadban labadaba uga hadlayaa. Isaga oo ka duulaya in jiraalka ay ka buuxaan ummuuro isdiiddan, ayuu wuxuu falanqaynayaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin; ruuxda iyo jirka, miyi iyo magaalo, gudo iyo dibed, diin iyo dowlad, qaran iyo qabiil, if iyo aakhiro, wadaad iyo waranle, lab iyo dheddig, farxad iyo murugo, jacayl iyo nacayb, gumeysi iyo xorriyad, hantiwadaag iyo hantigoosi, tukasho iyo tumasho, ..., iqk. Qaar ka mid ah mawduucyada uu taabanayaa waxay ku xusan yihiin galka sare ee buugga. Waxyaabaha la yaabka leh ee buugga xiisaha gaarka ah u yeelayana, waxaa ka mid ah in mawduuc kastaa meesha looga hadlayo uu aad ugu habboon yahay, oo aadan ku arkayn fikrad dheeraad ah oo meel aysan lahayn lagu kakabiyey. Fikrad walba waxaa la dhigay meel looga baahan yahay, oo haddii laga tegi lahaa nuqsaan la dareemi lahaa.

Buug wuxuu u qoran yahay qaab isugu dhafan sheekotaleexin iyo maqaal qorid. Si haloosi ah oo akhristuhu uusan dareemayn ayaa qoraagu taleexinta sheekada wuxuu ugu beddelayaa sida maqaal uu ummuuraha Soomaaliya iyo Soomalida uu ku lafaguryo, haddana adiga oo aan dereemin buu dib kuugu celinayaa sheekadii oo halkeedii hore kaaga soconaysa.

Marka loo yimaado afka iyo curinta loo adeegsanayo gudbinta farriimaha, waa af hodon ah iyo qoraal hufan oo la haadiyey, oo innaba aan lagu ogayn wax laaxin ah. Qof ahaan, eraybixinnada i soo jiitay ee aan qoraaga ka bartay waxaa ka mid ah; dhaqan-tolid oo uu ku beddelay erayga dhaqan-celin oo ah mid aan xaqiiqo ka tarjumayn. Dhallinta soomaaliya lagu celiyo dhaqan ay horay u lahaayeen oo ka dhumay ma uu jiro, balse waxaa lagu tolayaa dhaqan waalidkood uu lahaa oo ka jira dhul aan ahayn meesha ay iyagu ku garaadsadeen. Sidoo kale, erayada aan ka bartay waxaa ka mid ah erayga 'xarafraac' oo u dhigma erayada qalaad ee "Literally iyo الحرفي". Runtiina waa eraybixin aan marar badan u baahday, laakiin qoraagu uu meel dhaw ka soo dhuftay. Waxaana isku canaantay sidee baad uga ilduuftay eraygaas soomaaliga ah ee sida sahlan lagu ogaan karo?!

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan wax gorfayn ah ku samaynayn buuggaan, waayo dhan kuma arag wax xusid mudan oo aan saluugo, dhanka kalena waxaan hubaa in si kasta oo aan u dadaalo aanan helayn erayo aan buugga xaqiisa ku siin karo, mana doonayo in aan akhristaha ka dhabqiyo ku raaxaysiga akhrinta buugga. Sideedabana, sheekooyinka iyo guud ahaan suugaantu waxay la mid tahay oonta aan quudanno, waxayna ku nacfi badan tahay in ruux kastaa uu goonnidiisa u ruugo, oo aayarkiisa wixii murti iyo raandhiis ah uu kala baxo, sida ay la noqotana uu u macnaysto.

Waxaan kalsooni ku qabaa in buuggaani uu ku biirayo dhigaallada tirada yar ee Soomaalidu ay sheekofaneedda ka qoreen sida; Maanafaay, Ayaan Daran, Aanadii Nageeye iyo Tukasho iyo Tumasho.

Waxba yaanan hadal idinku daaline, sheekadu aad bay u qurxoontahay, qof ahaanna si weyn baan ugu raaxaystay. Maxamed Xirsi wuxuu nagu dalxiisinayaa fan iyo falsafad si cuddoon la isugu qooshay, waxayna istaahishaa in la akhriyo dhawr jeer, oo mar iyo labo toona loogama bogan karo. Waana hubaa in akhristuhu uusan ka qoomamaynayn saacadaha kooban iyo sunuudda yar ee akhrinta buuggaan kaga baxaya.

Cinwaanka buugga: Dabinka Jiraalka: Diiriye Maarkoos Qoraaga: Dr. Maxamed Xirsi Madbacadda: Hiil Press Taariikhda daabacaadda: 2019 Tirada xaashiyaha: 187 bog ISBN: 978-91-984420-4-5

Comments