Deyn Maamulka iyo Dakhli Abuurka Dunida La Sabooliyey
Dhaqaalaha qofka, qoyska iyo qaranku badiba isku qaab bay u shaqeeyaan. Kulligoodna waxaa looga baahan yahay in ay isu dheelitiraan dakhliga soo gala iyo kharashka ka baxa, ama ugu yaraan in waxa soo galaa ay ka bataan waxa ka baxa. Maxaa yeelay, in waxa kaa baxaa ay ka bataan dakhliga ku soo gala macnaheedu waxa weeye in aad qaamaysan tahay oo deyn lagugu leeyahay. Deyntuna waa shar laga cuudu bileysto, waayo deyntu waxay keentaa dullinimo dharaartii ah iyo murugo habeenkii ah, oo cidda deynta qabtaa habeenkii hurdada ma leddo, oo waxaa u diida welwelka ay ka qabto bixinta deynta.
Waddamada waa u bannaan tahay inay xoolo ammaahdaan. Laakiin ka hor inta aysan ammaahda qaadan waxaa lamahuraan ah in la hubiyo in xoolaha la deynsanayo lagu maalgelinayo mashaariic waxsoosaar oo mirodhal ah, kuwaas oo faa’iidada ka soo xarootaa ay berri deynta iyo dulsaarkeedaba gudi karto. Waxaa reebban in dowladdu deyn u qaadato si loogu adeegsado ol’olaha doorashada madaxda ama in si kale loo musuqmaasuqo.
“Magac sheegi maayo, laakiin waxaa jira dal lacag uu ammaahday ku kharashgareeyey si loo dhiso wax lagu qoslo; xaalku waxa uu gaaray in lagu maadsado/ shaactiraysto. Waa wax laga yaxyaxo in lacag malaayiin ah loo ammaahdo si loogu isticmaalo wax aan waxtar lahayn, sababta oo ah waxaa nagu soo fool leh xilli doorasho.” Sidaas waxaa yiri dhaqaaleyahan ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Afrika mar bishii hore magaalada Addis Ababa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaalaha adduunka.
Isaga ka horna, Ken Oferi-Atta oo ah Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta dalka Gaana baa ka digay dhibaatada deynta, siiba midda laga qaato Sanduuqa Lacagta Adduunka (=IMF) iyo hey’adaha kale ee ammaahda bixiya. Wasiir Oferi-Atta deynta hey’adahaan laga qaato waxa uu ku metalay sida qof xor ah oo oggolaaday in la addoonsado.
Isaga oo tilmaan ka bixinaya sida xaaladda dalka Gaana uu ku sugnaa marxalad lagu gudo jiray fulinta barnaamijyada Sanduuqa Lacagta Adduunka ee shuruudaha adag wata, waxa uu yiri:
“Muddadii aan ku gudo jirnay fulinta barnaamijka IMF-ta, awood uma aynaan lahayn in aan bixinno mushaarka macallimiinta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka. Ma awoodin in shaqaale dheeri ah aan qoranno, maxaa yeelay taa lama oggolayn. Dhab ahaantii, xaalku waxa uu la mid ahaa in lagu fekero in Masar (=addoonsi) mar kale dib loogu noqdo (Halkaan wasiirku waxa uu xiganayaa sheekoxariir u muuqata in Yahuuddu ay allifeen, diimaha towxiidiguna ay faafiyeen oo sheegaysa inay jireen dad Israa’iili ah oo Masar lagu addoonsan jirey, kuwaas oo nebi Muuse [CS] uu xoreeyey kadib markii uu ku amray in ay Masar ka guuraan oo ay dhulka Falastiin u guuraan. Hayeeshee, aqoonyahannada laamaha aqoonta ee kala duwan ku kala takhasusay ma aysan helin wax markhaati ah oo dhacdadaas iyo in dad Israa'iili ahi ay afartan sano saxaraha Siinay iska daba meeraysanayeen loo cuskan karo, walow aqoonyahannada Israa’iilidu ay dhulkaas si baahsan u baareen).”
Qof ahaan, 28 sano ka hor baan buug ka qoray sababaha dowladaha Muslimka ah iyo guud ahaan kuwa dunida saddexaad ay ammaahda u qaataan iyo waxyeellooyinka ba'an ee arrinkaas laga dhaxlo. Tan iyo waagaasna, buugyarahaani dalalka carabta waxa uu ka mid noqday qoraallada la tixraaco marka mowduucaan laga hadlayo.
Waa maan gurracan iyo garasho jaan Laangaruusar gado soo bari galleey Gacal iyo toloow ma guddoonsateen Baahida gudbane gurigeenna taal Innagoon ka guban, ka guban Gaari raaxaliyo laangaruusar gado Guuxiisa mood, mood,mood Gob inaad ku tahay gees Afriko! Laangaruusar gado, gurigoo mugdiya Biyuhuna go’een, gabannadu jasheen Waa maan gurracan iyo garasho jaan!! (Heesta Laangaruusar. Miraha Cabdi Muxumud Ammiin iyo luuqda Saado Cali Warsame labadaba Ilaah ha u naxariisto).

Comments