Diimaha iyo dhaantada: gacalo waa tii samada gaarta!
Indhahaa ku doogsada qalbiguna ka sii daran Dumarkuna ayaantaa Aqal dadabsan oo weyn Ka dhiseen duleedkee Dabadeed caweyskii Gabdho timaha loo dabay Marsanaaya diibkii Diric kama helaan iyo Dharka diiqa geliyee Saddex-qaydi lagu diday Raggii loogu dowgalay Durbaanka u garaaceen Qaarba door ciyaareen...... ..... ....... Dhookh haddii aad leedahay Aad dabacsanaatide Degmo yaa ku geeyoo Kusoo daawadsiiya Illeen daymadaa u baahane (Cumar Dhuule 'AUN', Indhahaa ku doogsada).
Sida uu marar badan xusay Prof. Joseph Campell (1904-1987), shir looga hadlayey taariikhda diimaha adduunka oo dabshidkii 1958 lagu qabtay dalka Jabbaan, ayaa waxaa ku kulmay wadaad Jabbaan ah oo haysta diinta Shintaha iyo bulsho-baare (=sociologist) Maraykan ah. Intii labada aqoonyahan ay sheekaysanayeen baa bulsho- baarihii Maraykanka ahaa wuxuu wadaadka ku yiri: “Muddadii aan idinla joogney waxaan ka qayb-galnay xaflado badan oo aad leedihiin, waxaanna booqannay qaar ka mid ah macaabidda aad wax ku caabuddaan, laakiin weli ma aan fahmin aydiloojiyaddiinna iyo caqiidadiinna.”
Wadaadkii Jabbaanka ahaa isaga oo fekeraya ayuu xoogaa aammus ku hakaday, dabadeedna madaxa ayuu ruxay, wuxuuna yiri: “Waxaan u malaynayaa in aynaan lahayn aydiloojiyad. Ma lihin caqiido. Annagu waan dhaantaynaa /I think we don’t have ideology. We don’t have theology. We dance.”
Su'aal meesha ku jirtaana waxay tahay: Ma diinta Shintaha oo qura ayaa dhaantaysa mise diimaha oo dhan baa dhaanteeya?
Dad badani cinwaanka qoraalkaan waxay u qaadan karaan aflagaaddo aan meesha qaban, waxayna isweydiin karaan maxaa diin iyo dhaanto isu keenay? Soo diintu ma aha wax Alle loogu dhawaado, dhaantaduna ardaalnimo iyo Alle ka dheeraad? Akhristaha sharafta leh waxaan kula talinayaa in uu go’aan ka gaaridda cinwaanka dib u dhigto inta uu ka dhamaynayo akhrinta maqaalka, wixii intaa ka danbeeyana xor buu u yahay wixii uu maankiisa ka helo.
Sheekooyinka wadaadda Suufiyada ee tirada badan, waxaa ka mid ah mid tiraahda:
Wiil barbaar ahaa baa beri wuxuu istusay in uu u baahan yahay in uu helo shiikh wanaagsan oo uu xertiisa ka mid noqdo. Wadaaddo badan buu midba mar u tagay oo dersigooda dhegaystay, lana sheekaystay, laakiin marna ma uu helin mid uu si buuxa ugu qanco. Labaatan sano kaddib buu maalin la kulmay Shiikh eray kasta oo uu yiraahdo iyo fal walba oo uu sameeyaa ay soo jiiteen, wuxuuna is tusay in wadaadkaani uu yahay midkii uu muddada dheer baadigoobayey, durbadiibana wuxuu ku yiri: "Waxaad iigu muuqataa in aad tahay shiikh wanaagsan. Haddii aad sidaa tahay, baadigoobkaygii waa dhammaaday."
"Dadku sidaas waa igu sheegaan." Baa shiikhii ugu jawaabay.
Suuye: "Haddaba, waxaan kaa baryayaa in aad ii oggolaato in aan arday kuu noqdo, oo aan xertaada ka mid noqdo."
Wadaadkiina wuxuu ugu warceliyey: "Sidaa ma yeeli karo. Waa suuragal in aad muddo macallin fiican raadinaysay, laakiin macallinkuna dhankiisa arday fiican buu raadinayaa."
Shiikhu xerowga wuxuu ku leeyahay: inta aadan ku fekerin in aad macallin fiican raadiso, horta adigu arday fiican noqo. Marka arday diyaarsan la helo baa macallinku soo baxaa. Farriinta sheekadu waa inta aadan wax diidin ama aadan wax qaadan, marka hore wax fahan. Fahanka ayaa ka horreeya wax qaadashada iyo wax diididda. Abwaan Ibraahim Shiikh Saleebaan Gadhle (AUN), isaguna waa kii nagula taliyey:
Maskaxdaadu yay noqon
Maqal lagula leeyahay
Yaan toban muftaax iyo
Lagu furan masaabiir
Hor iyo horraan, erayga dhaanto af ahaan, waa nooc ciyaar dhaqameedka Soomaalida ka mid ah, laakiin qoraalkaan iyo meelo kaleba waxaan u adeegsadaa macne guud oo u dhigma macnaha erayga ‘qoob-ka-ciyaar’ ee loo adeegsado si uu u tusiyo macne la mid ah macnaha erayada qalaad ee ‘dance iyo raqsi’ iyo kuwa la macnaha ah. Ma adeegsado erayga 'qoob ka ciyaar', maxaa yeelay wuxuu iigu muuqdaa in uusan ahay eray ee uu yahay sharraxaad iyo weliba aniga oo dareemaya in uusan macnaha si buuxda u cabbirayn, oo Soomaalidu marka ay maqlaan ‘qoob ka ciyaar’ aalaaba ciyaar dhaqameed maankooda kuma soo dhacdo, balse waxaa ku soo dhaca ciyaaraha reer Galbeedka oo keli ah.
Dhaantada waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay fankii ugu horreeyey ee aadanuhu uu barto. Ummadaha oo dhan baana yaqiin, waxayna u adeegsadeen ulajeeddooyin badan oo ay ka mid yihiin kuwo bulsho, kuwo caafimaad iyo kuwo diimeed. Diimo badan oo ay ka mid yihiin kuwii arwaaxda (=Animism/األرواحية) oo tan Shintuhu ay ku jirto, Masaarida, Hindida, Giriigga, Roomanka, iyo qaar kale ayaana rumaysnaa in Alle dhaanto lagula xiriiri karo, waxayna lahayeen wax loogu yeero "Dhaantada Barakaysan" (=Sacred Dance/الرقص المقدس). Diimaha maanta jirana heerar kala duwan baa fikraddu ugu jirtaa, oo waa adagtahay in la helo diin dhaanto ka maran. Dhaantadu waxay ahayd - welina ay tahay- af aadanuhu uu Alle kula xiriiro.
Aadamigu sida uu hadalka u wadaago oo kale ayuu diinta iyo dhaantada u wadaagaa, oo waa adagtahay in dunida laga helo bulsho aan diin iyo dhaanto aqoon. Waxaana la isweydiiyaa aadanuhu afka iyo dhaantada kee buu hor bartay, oo waxaa jirta aragti oranaysa aadanuhu ka hor intii uusan baran in uu hadal ku xiriiro, ayuu wuxuu bartay in uu luqadda jirka (=body language) ku xiriiro oo uu farriimo isugu tebiyo. Qaababka aadanuhu luqadda jirka ugu xiriirana waxaa ka mid ah dhaantada. Dooddaas oo ay ka dhalanayso in aadanuhu ay dhaantada barteen ka hor inta aysan diimaha baran, maxaa yeelay waxaa la rumaysan yahay in muddo dheer uu sixirku aadanaha ugu jirey halka hadda diimuhu ugu jiraan- (waxaa jira aqoonyahanno badan oo qaba in diimuhu sixirka ka farcameen iyo kuwo kale oo qaba in diimaha iyo sixirku aysan isdhalin ee ay wada dhasheen oo midiba ay goonnideeda u taagan tahay. Guud ahaanna, aqoonyahannadu waxay ka faalloodaan xiriirka ka dhexeeya sixirka, sheekoxariiraha iyo diimaha).
Dhaantada waxaa loo ciyaaraa ulajeedooyin badan oo ay ka mid yihiin ulajeeddo bulsho sida kuwa la ciyaaro waqtiyada farxadda aroosyada, dhalashada carruurta, soo go'idda dalagyada beeraha iyo guulaha laga gaaro goobaha dagaalka. Waxaa kaloo loo ciyaaraa sababo caafimaad sida saarka oo dhulal badan daawo ahaan looga isticmaali jirey. Sidoo kale, dhaantada waxaa loo adeegsadaa cibaado ahaan, oo waxaa loogu mahadnaqaa, laguna baryaa Eebbe.
Dhaantadu sida ay aadanaha u la kowsatay bay ilmahana ula kowsataa, oo ilmo carruur ahi haddii uu maqlo muusig macaan waxay u badan tahay in uu farxad isla ruxo ama uu boodboodo. Ruuxda iyo lugaha carruurtu waxay xor ka yihiin, oo aan weli loo laqimin fikradaha ‘waa ceeb’ iyo ‘waa xaaraan’, waana arrinkaas midka u sahla in uu durba la falgalo codka iyo muusigga macaan. Ilmuhu uurka hooyadi ayuu dhaantada ku bartaa, maxaa yeelay wuxuu dhegaystaa durbaanka garaaca wadnaha hooyadiis. Gabyaagii Faarisiga ahaa ee Xaafid al-Shiiraasi (1320-1389), oo lagu tilmaamay in hortiis iyo gadaashiis midna aan la arag qof afka Faarisiga ku gabyey oo maanso ku gaara, gabayadiisa midkood wuxuu ku leeyahay:
Ilmo kastaa Alle waa yaqaan,
Ma aha Ilaaha magacyada,
Ma aha Ilaaha diiddada (=Xaaraamaynta)
Ma aha Alle weligii wax sirgaxan sameeyey
Laakiin waa Alle afar eray oo qura yaqaan.
Kuna celceliya, oo yiraahda;
Kaalay oo ila dheel, kaalay oo ila dhaantee (=Come dance with me, come dance with me).
Isla dareenkaas ilmaha yar dhaqaajiya baa ah kan kumanyaalka sano dhaqaajinayey aadanaha faraha badan ee degellada kala durugsan ku kala nool. Dhaantadu waa dhaqan aadanaha u gaar ah, oo sida la qiyaasayo noolayaasha kale lagama helo mid sida dadka oo kale jaan iyo jiib isula heli kara. Waxaana la rumaysan yahay in waxyaabaha aadanaha u fududeeya dhaantada ay ka mid yihiin afka iyo qaabdhismeedka jirkooda. Sidaa awgeed, waxaa jirta dood sheegaysa in dhaantadu horumar u samaysay si la mid ah sida noolayaashu horumarka iyo isbeddelka u sameeyeen, oo aragtida Darwin ee doorashada dabeecaddu (=natural selection) isku si bay ugu rumoobaysaa dadka iyo dhaantada ay dheelaan. Dhaantadu waxay ka qaybqaadatay is-haysashada bulshada iyo iska caabbinta duruufaha nolosha. Waayo waxay xoojisaa waxa bulsho-baarihii Emile Durkheim uu ugu yeeray “Isla falgalka iyo dareen wadareedka /collective efferscence”, oo ah dareen ka dasha marka xubnaha bulshada ama qaarkood ay isugu yimaadaan si ay u gutaan duquus la xiriirta arrin dhaqan-dhaqaale sida; ciyaar, cibaado, xaflad, shil dhacay, mudaaharaad, iqk. Kolka qofku uu munaasabadahaas oo kale uu ka qayb-qaato wuxuu dareemaa in uu ka tirsan yahay walax isaga ka weyn, wuxuuna dareemaa farxad iyo filasho wanaagsan.
Caqiidada iyo aydiloojiyaduhu aadanaha waa qaybiyaan, laakiin si taa ka duwan dhaantadu aadanaha waa midaysaa. Nacaybka iyo colaadaha dunida ka dhaca badankooda waxaa u sabab ah diimo iyo aydiloojiyado, laakiin caadi ahaan ma dhacdo in dhaanto ay dad isku dirto.
Tusaale ahaan, Soomaalida muslimiinta ahi ma jecla diimaha Jabbaanka, si taa la mid ahna Jabbaanku ma jecla diinta Islaamka. Laakiin haddii dad Jabbaan ahi ay daawadaan Soomaali dhaantaynaysa waxay u badan tahay in ay ka heli lahaayeen, oo ay sacab iyo mashxarad ku soo dhaweyn lahaayeen. Sidoo kale, haddii dad Soomaali ahi ay arkaan Jabbaan dhaantaynaya waxay u badan tahay in ay farxad iyo riyaaq ku soo dhaweyn lahaayeen.
Sida dhabta ah, waxaa dhaanteeya unug kasta oo jirka aadamiga ka mid ah. Waxaana la yiraahdaa: muusiggu waa qaafiyad, qaafiyadduna waa nolol (=Life is rhythm), oo dhaqaaq kasta oo nolol ka tarjumaa wuxuu leeyahay muusig iyo jabaq. Muusigga iyo dhaantadu caadi ahaan waa isku xiran yihiin, oo marka qofku uu muusik maqlo ciyowba wuxuu bilaabaa in uu ciyaaro ama ugu yaraan uu laabta uga riyaaqo. Shardina ma aha in aad fahmayso afka iyo fikradda ay muusikadu ka soo jeeddo, waayo muusikada iyo dhaantadu ruuxda ayay la hadlaan, aadanuhuna sida ay Eebbe u wadaagaan oo kale bay ruuxdana u wadaagaan. Qofka aan muusigga wanaagsan u riyaaqini waa qof aan qalbigiisu noolayn. Feylasuufkii Nietzsche waxaa laga hayaa in uu yiri: "Kuwa aan durbaanka maqal, kuwa dhaanteeyaa waxay ugu muuqdaan sidii in ay waalan yihiin."
Dabshidkii 2000, Masar waxaa lagu sameeyey filin lagu magacaabo “Dhaantayso iyo siyaasi" (=The dancer and the politician/الراقصة والسياسي). Filinkaan dunida carabta aad baa looga daawaday, maxaa yeelay wuxuu ku saabsan yahay dhaantada gabdhaha iyo xanta siyaasiyiinta oo labadaba la xiiseeyo. Mawduuca filinku waa qisada gabar dhaanto ciyaarta oo siyaasiyiintu marka fagaarayaasha la joogo ay muujiyaan in ay neceb yihiin, laakiin hoosta ay kala xiriiraan, ayna u kala dhuuntaan, mid walbana uu isku hawlo sidii uu qalbigeeda ku hanan lahaa.
Muuqaallada filinka midkood, waxaa sheekaysanaya Nabiila Cubeyd oo ah gabadha filinka jilaysa ee qalanjada ka ah iyo haweenay dadweynaha ka mid ah, Nabiila haweenayda waxay ku leedahay:
“Dadku way na xantaan, waxayna noo arkaan in aan liidanno, laakiin uurka waxay ka jecel yihiin in ay sideenna oo kale sameeyaan/ الناس بتتكلم علينا وبتشوفنا وحشين، لكن من جواهم عاوزين يعملوا زينا”.
Hadalkaas oo macnihiisu yahay in dumarka oo dhammi ay dhaantada jecel yihiin, laakiin gabdhaha dhaantada ciyaara ay ku sheegaan anshax xumo. Waxaana la caddeeyey in dadka ugu badan ee fiirsada gabdhaha dhaanteeyaa ay yihiin dumarka xaasaska ah- dabcan waa marka ragga laga yimaado. Sababtana waxaa lagu macneeyaa in haweenka la qabaa ay halgan ugu jiraan sidii ay ku haysan lahaayeen raggooda, taasina ay ku bixiso in ay u dhuundaloolaan fanka dhaantada iyo suuraha. Waayo dabeecadda ragga ayaa waxay tahay in ay calmadaan haweenayda edebta badan marka bannaanka la joogo, laakiin edebta daran marka gogosha la joogo (Waxaa xusid mudan, in baaritaanno badan ay caddeeyeen in wadaaddada diimaha, siiba kuwa Katooligu, ay safka hore uga jiraan dadka daawada filimaanta anshaxa xun).
Marka ruuxa ay saaqaan dareennada farxadda, gacalada iyo murugadu wuxuu gaaraa heer afku uu juuqda gabo, oo carrabku uu ku filnaan waayo in uu dareenka qofka si buuxda u cabbiro. Marka dareenka naftu uu heerkaas gaaro, jirka ayaa ka fasaaxo bata erayga, waana xaaladdaas marka baraad la’aanta la la dhaanteeyaa. Qoraagii Giriigga ahaa ee Niks Kazantzakis buuggiisa ‘Soorbihii Giriigga ahaa/Zorba the Greek’, isaga oo adeegsanaya carrabka ninka sheekadu ku socoto ee Zorba, ayuu wuxuu noo sheegayaa: “Markii inankaygii yaraa uu dhintay, qof waliba wuu ooyey, qof waliba wuu qayliyey. Ma ogtahay waxa anigu aan sameeyey? Waan dhaanteeyey. Qof waliba wuxuu u qaatay in aan waashay, laakiin haddii aanan dhaantayn lahayn baan waalan lahaa /When my little boy died, everyone cried. Everyone screamed. You know what I did? I danced. Everyone thought I had gone mad, but if I hadn’t danced I would have gone mad.”
Isla sheekadaan, dhowr mar baan waxaan ku arkaynaa dad dhaanto isku fahmaya, sida marka Zorba iyo nin Ruush ahi ay dhaanto ku sheekaysanayaan. Sidaa awgeed, dhaantadu ma aha dhaqdhaqaaq aan macno lahayn oo la sameeyo, balse waa fal xeel dheer oo xaaladaha qaarkood heer cibaado gaara. Waa xaaladda jidbada ee la yiri: "Qof aan dhadhamin ma uu ogaado /ومن لم يذق ال يدري".
Suufigii weynaa ee Dul-Nuun al-Masri (796-859) oo xaqiiqadaas ka warramayaana wuxuu sheegay in jabaq kasta oo dhegihiisu ay maqlaan-codka xayawaanka, ruxashada laamaha dhirta, heesta shimbiraha, shalalaqda rogmashada biyaha, neecawda laydha, hugunka onkodka- uu kala baxo kelinimada Alle. Isaga oo arrinkaas tilmaamayana wuxuu yiri: " إلهي ! ما أصغيت الى صوت حيوان ، وال الـى حفيـف شـجر ، وال خريـر مـاء ، وال تـرنم طـائر ، وال تـنعم ظـل ، وال دوي ريـح ، وال قعقعـة رعـد ، إال وجـدتها شـاهدة بوحـدانيتك ".
Cilmi-baarayaashu waxay isweydiiyaan su’aal oranaysa: dadku maxay u dhaanteeyaan ma farxad iyo raaxo raadin, mase dhaantadu intaas waa ka xeel dheer tahay oo dhaantadu kumanyaal sano bay aadanaha gacan ku siisay sidii ay dunida ugu noolaan lahaayeen?
Run ahaantii, ujeeddooyinka dhaantada loo dheelo waxaa ugu weyn in laabta lagu culo, oo laga helo farxad iyo deggenaansho, laakiin waa in aan marna laga ilduufin in ciyaaruhu ay ciyaar ka badan yihiin. Dhaantaduna waa ciyaar iyo cibaado is huwan.
Ummadihii hore badankooda, diimahoodu waxay lahaayeen dhaanto loo ciyaaro barakaysi iyo weliba caafimaad. Tusaale ahaan, beesha loo yaqaan ‘Blackfeet’, oo ka mid ah Hindidii Waqooyiga Ameerika degi jirey, waxay leeyihiin ciyaar dhaanto ah oo lagu magacaabo "Dhaantada Qorraxda ama Dhaantada Weyn ee Caafimaadka/ Sun Dance or Grand Medicine Dance’. Dhaantadaan waxay ciyaaraan marka ay baryayaan ilaahooda weyn ee qorraxda oo ay uga mahadnaqayaan nimcada iyo barwaaqada uu ku galladaystay. Waxayna aamminsan yihiin in dhaantadaas ajar iyo caafimaad labadaba laga helo. Qiso ka hadasha sida ciyaartaani ay ku bilaabatayna waxay leedahay:
Wiil geesi ahaa oo wejiga daqar ku lahaa baa wuxuu booqday ilaaha weyn ee qorraxda, si uu ugu idmo in uu guursado gabar qalanjo ahayd oo uu jeclaa. Ilaahna markuu ogaaday daacadnimada iyo geesinimada wiilka ayuu u idmay in uu gabadhaas guursado, wuxuuna ku abaalmariyey in uu ka masaxay daqarkii foosha-xumaa ee wejiga uga yiil iyo in uu ku ilhaamiyey dhaanto qurux badan oo ciddii daawataa ay la dhacdo. Wiilkii iyo gabadhii isguursaday cimri dheer oo farxad iyo caafimaad leh bay wada qaateen, oo weligood intii ay isqabeen midkoodna ciddi lagama qaban. Habeenkii danbe markii ay casheeyeen bay iyaga oo faraxsan seexdeen. Barqadii dambe ayaa warasadoodii waxay ku dheheen ‘toosa, kaca, wax cuna’, laakiin midkoodna ma toosin, oo ruuxdoodii samada ayaa loo dheelmiyey. Tan iyo waagaasna beeshu munaasabadaha cibaadada iyo kuwa farxaddaba waxay dheelaan dhaantadaas barakaysan ee Eebbe wiilkooda ugu soo dhiibey.
Ummadaha qaaradaha kala duwan deggeni waxay leeyihiin sheeko u dhiganta sheekada beesha Blackfeet, waxaa kala geddisan oo qura qaabka loo wariyo, laakiin nuxurka sheekadu waa isku mid. Ummadahii caanka ku ahaa dhaantada diiniga ahna waxaa ka mid ah Masaaridii hore. Sida ku cad sawirradda macaabidda iyo qubuuraha laga helay, Masaaridu saddex kun oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise ayay dhaantada cibaado ahaan u adeegsan jireen.
Sawirradda laga helay macaabidda iyo qubuuraha Masaarida waxaa ka mid ah dumar dhaantaynaya. Sababta dumarka oo keli ahi ay u dhaantaynayaanna waxay ka tarjumaysaa falsafaddii Masaaridu ay nolosha ka haysteen. Dhaantada Masaarida xooggeeda waxaa loo ciyaari jirey si Alle looga baryo in uu roob badan keeno, si loo helo dalag wanaagsan. Dumarkuna waxay astaan u ahaayeen barako iyo taran. Taa awgeed baana dhaantada allebariga loogu goonni yeelay. Sawirradaas waxaa lagu arkaa haweenay xuddunteeda kor ugu beegaysa sawir ilaah, falkaas oo tusinaya in haweenaydu ay ilaahaas ka baryayso in uu barakeeyo, oo ubad badan uu siiyo. Maxaa yeelay xudduntu waxay u taagan tahay hooyonimo iyo nolol bilaabatay.
Ciyaaraha qoob-ka-ciyaarka ah ee hadda laga dheelo Koonfurta Aasiya iyo Bariga Dhexe aalaaba waxaa lagu arkaa haween calooshooda ka ciyaarsiinaya, waxaana loo yaqaan "Dhaantada caloosha /Belly dance". Ciyaartaan hadda waxaa looga dan leeyahay in ragga lagu damac geliyo, laakiin sida la rumaysan yahay asalkeedii hore waxay ahayd dhaanto haweenku ku hor ciyaari jireen haweenayda foolanaysa, danta laga lahaana waxay ahayd allebari haweenayda ummulaysa loogu duceynayo in Eebbo uu foosha u fududeeyo, ubad kheyr qabana uga keeno iyo malaha maaweelin loo samaynayo si xoogaa loo illowsiiyo xanuunka foosha. Ummadaha adduunka qolo kasta marka ay dhaantaynayso xubnaha jirka mid bay xoogga saaraan. Tusaale ahaan, koonfurta iyo Bariga Aasiya waxay xoogga saaraan madaxa iyo gacmaha.
Bariga Dhexe waxaa xoogga la saaraa dhexda ama caloosha, Afrikada madow waxaa xoogga la saaraa barida iyo lugaha, Yurubna waxaa xoogga la saaraa lugaha.
Dhanka kale, qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka adduunku, meydka waxay ku gelbin jireen dhaanto. Waayo waxaa la rumaysnaa in dhulku barakaysan yahay, aadanuhuna dhulka uu ka bilowdo, dhulkana uu ku danbeeyo, geeriduna ay tahay marxalad ka mid meertada nolosha, ruuxa dhintayna uu ku biirayo arwaaxdii absaxankiisii hore. Geeridu waa tan macnaha u yeesha dhalashada.
Dhaantadu waxay diinta ka fogaatay markii dhanka adduunyada ee loo arko in uusan daahirka ahayni uu ka xoog batay dhankii diinta ee muqadaska loo arkay. Dunidii hore dhaantada waxaa lagu qaban jirey xarumaha cibaadada gudahooda iyo agagaarkooda. Laakiin waagii danbe waxaa la bilaabay in lagu qabto meelo ka baxsan xarumaha cibaadada sida guryaha boqorrada iyo maalqabeenka iyo meelo si gaar iyada loogu diyaariyey. Dhaantadiina waxay bilowday in ay aayar-aayar uga fogaato diinta, uguna durugtu dhanka bulsheynta iyo balwadda. Markii dareenkaasi xoogaystayna waxaa la bilaabay in la la dhuunto oo mugdiga iyo habeenkii la la raadsado. Soomaalida oo dareenkaas ka tarjumayaana waa iyaga ku maahmaahay “Sacab haddaan wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa.” Dhaantada xalaasha ah dharaar cad baa la ciyaaraa. Maxaa yeelay, sidaan wada ognahay xalaal iftiin baa la qashaa.
Wadaaddada diimaha oo dhan dhexdooda waxaa ka jira khilaaf ku aaddan sida loo arko dhaantada, oo diimaha badankooda waxaa laga helayaa wadaaddo dhaantada xaaran ku sheega iyo kuwo aan xaaraan u arag. Waxayna u badan tahay in hal wadaad uu ku doodo in ay dhaantadu u qaybsanto labo qaybood oo midi ay wanaagsan tahay midina ay xun yahay. Laakiin, weydiinta imaanaysaa waxay tahay: Yaa kala xadaynaya dhaantada suubban iyo midda silloon?
Aalaaba wadaaddada diimuhu ma dhaanteeyaan, lagamana dhaanteeyo. Xaalkoodana waxaa ku rumoobaysa oraahdii ahayd: "Labo jir hooyadii wax uma doonto, waxna loogama doonto." Sidaas oo ay tahay, baa haddana diimaha badankoodu heerar kala duwan dhaantada u oggol yihiin. Maxaa yeelay, dhaantadu nolosha ayay ka mid tahay, diimuhuna nolosha ma diidi karaan.
1. Diinta Hinduusiyada iyo dhaantada:
Mararka qaarkood Hindida waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin "bulsho dhaantada caabuda", taana waxaa ugu wacan kaalinka heesaha iyo dhaantadu ay nolashooda ka qaataan. Meelo badan uu dunida ahna filimaantaanta Hindiya waa laga xiiseeyaa. Shakina kuma jiro in sababta ugu mudan ee xiisaha u yeeshay ay tahay heesaha iyo dhaantada ay cid ku gaartaa yar tahay.
Hindida agtooda muusigga iyo dhaantadu waxay si weyn u la xiriiraan diinta Hinduusiyadda, gaar ahaan ilaahooda ‘Shiva’ oo ah ilaaha dhaantada. Wadaaddada Hinduustu Eebbe waxay ku tilmaamaan in uu yahay ‘Dhaanteeye/The Dancer’, abuurka Allena waxay ugu yeeraan ‘Dhaantadii Alle’, waxayna yiraahdaan dhaanteeyaha la ma arko, laakiin dhaantadiisa ayaa la arko, oo ay ka wadaan 'Eebbe la ma arko ee abuurkiisa ayaa la arkaa'. Diinta iyo falsafadda Hinduusta waxaa lagu soo koobay weedha oranaysa: “Jacaylku waa Ilaah, ilaahna waa muusig /Love is God and God is Music’.
Dadka haysta diinta Hinduusiyaddu waxay rumaysan yihiin in ay jiraan ilaahyo badan, laakiin saddex ilaah oo haddana mid qura isku ah (=Trimurti) baa ilaahyada oo dhan ugu weyn. Saddexdaas ilaah mid kastaa wuxuu mas’uul ka yahay marxalad ka mid ah marxaladaha koonka iyo nooluhu ay maraan. Saddexdaas ilaah waxay kala yihiin; Brahma, Vishnu iyo Shiva.
Brahama waa ilaaha koonka abuuray, Vishnu isaguna waa ilaaha koonka ilaaliya, Shivana waa ilaaha koonta dumiya. Waxyaabaha la yaabka leh ee ay sheegaanna waxaa ka mid ah in Hindiya oo dhan aan laga soo helayn hal macbad oo loo dhisay si loogu caabudo ilaaha koonka abuuray ee Brahma. Waxaa la sheegaa in waa hal mawlac loo dhisay, laakiin hadda aysan jirin cid taqaan mawlacaas meeshii uu ku yiil iyo in weli wax lagu caabudo iyo in kale. Taasina waxay ku dhacday iyada oo aysan jirin cid danaysa ilaahaan, oo dadku dan iyo heello kama laha ilaahaan iyo waxa uu qabto. Marka loo sheego in uu yahay ilaaha koonka uumayna, waxay ku jawaabaan: Dee waa qushigiis! Abuuridda iyo dhalashadu waa go’aan uu isagu qaatay, waana hawl dhammaatay oo aan annaga na khusayn?! Dadku marxaladda dhalashada kama fekeraan, umana arkaan wax iyaga khuseeya.
Ilaaha dadku aysan isku ladin cibaadadiisa waa Shiva, ilaaha koonka dumiya, noolahana nafta ka qaada. Magaalo kasta oo Hindiya ka mid ah waxaa ku yaal kumanyaal macbad oo lagu caabudo ilaaha geerida iyo duminta. Vishnu isaguna wuxuu leeyahay macaabid lagu caabudo laakiin uma badna sida kuwa lagu caabudo Shiva. Waxaa intaa dheer in xataa dadka caabuda Vishnu marka ay dhabta gaarto ee culays la soo derso ay u cararaan Shiva. Ilaaha geeridu waa kan Hindidu ilaahyda oo dhan ugu cabsida iyo qaddarinta badan yihiin. Shiva mar waa sheydaan, marna isaga ayaa dadka sheydaanka ka difaaca, oo isku mar ayuu wuxuu metalaa kaalinka Alle iyo kan Ibliiska. Sidaa darteedna, la ma dhayalsan karo. Aadanaha oo dhammi geerida waa ka heybaystaan. "Geeriyi nimaadan garanayn iyo geeljirey ku roon tahay" bay Soomaalidu tiraahdaa.
Dhab ahaantii, Hindidu Shiva geerida iyo duminta oo keli ah kuma qaddariyaan, laakiin waxay ka haystaan sawir ah in uu yahay ilaah dadka u dabci dhow oo dhaanto iyo dheelaas badan. Dhankaas ilaa heer wuxuu uga eg yahay ilaahii Giriigga ee Appollon. Giriiggii hore sida Hindida ayay waxay rumaysnaayeen in dhaantadu ay tahay dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan ilaahyada, gaar ahaan ilaahyada Apollon oo ah ilaaha muusigga iyo fanka, iyo ilaaha Dionysos oo ah ilaaha khamrada iyo arwaaxsanaanta. Sidaa darteedna dadku marka ay dhaantaynayaan waxay samaynayaan fal ilaahyada looga dayday oo ajar iyo barako laga helayo.
Dhaqamada weli Hindiya ka jira waxaa ka mid ah in ardayda dhaantada bartaa ay cagaha ka dhunkadaan macallinka ama macallimadda dhaantada bara, arrinkaas oo tusinaya ixtiraamka ay dhaantada u hayaan iyo qaddaasaddii waagii hore dhaantada la siin jirey (guud ahaan, caadooyinka Hindida waxaa ka mid ah in qofka aadka loo qaddarinayo sida waalidka in cagaha laga dhunkado).
2. Diinta Saraadashtiga iyo dhaantada:
Ku Allahoode, waxay ku doodeen in Saraadashti ama Saraatustara uu ka mid yahay wiilasha la sheego in aabbe la'aan ay hooyo qur ahi ku dhashay. Iyo weliba in uu yahay ilmaha keliya ee abid dhashay isaga oo qoslaya, adduunyada oo dhammina ay u qososhay dhalashadiisa. Hooyadiis goor dambe un bay garatay sababta uu labadiisa gacmood mid dhagaxa ugu haystay, midda kalena iyada oo maran uu isugu haystay.
Sida la sheego, Saraadashti isaga oo 28 jir ah ayuu wuxuu galay god buur weyn dhaladeed ku yiil, oo uu muddo toban sano ah ku khalaaweynayey. Toban sano kaddib, buurtii waxaa ka qarxay dab, Saraadashtina wuxuu ka soo degtay isaga oo dadka ugu yeeraya waxyigii khalaawada ka dhashay. Laakiin Saraadashti ma uusan illoobin dabkii buurta ka qarxay ee wuxuu ka dhigtay astaan u taagan nolosha iyo Eebbaha nolosha uumay. Waa ilaaha uu u bixiyey "Ahuura Mazda". Mabda'a asaasiga ah ee Saraadashti uu dadka ugu baaqi jirey wuxuu ahaa: "Si wanaagsan u feker, wax san sheeg, wax fiicanna samee."
Saraadashti wuxuu rumaysnaa in dunida uu ka taagan yahay loollan u dhexeeya sharka iyo kheyrka, dhulka iyo cirka, mugdiga iyo iftiinka, maaddada iyo ruuxda, geerida iyo nolosha. Waxayna la ahayd in ummuurahaas aan la kala saari karin oo samada iyo dhulku ay isku xiran yihiin, maaddada iyo ruuxduna ay aadamiga lagama-maarmaan u yihiin. Sidaa awgeed, labadiisa gacmood mid wuxuu ku haystay dhagax astaan u ah maaddada, gacanta kalena iyada oo maran buu isku haystay, wuxuuna ku doodi jirey in uu ku haysto hawo u taagan ruuxda nolosha. Soo diimaha Saamiga ah oo dhammi ma sheegaan in aadamiga laga uumay dhoobo ruux Alle lagu afuufay? Haa.
Geeridii Saraadashti ka dib, taageerayaashiisu waxyaabihii uu dadka bari jirey waxay ku aruuriyeen buug loo bixiyey "Heeso /Gāthās", oo waa dambe noqday qaybta ugu muhiimsan buugga "Avesta ama Zend-Avesta", oo ah buugga muqaddaska u ah dadka haysta diinta Saraadashtiga.
Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Friedrich Nietzsche (1844-1900) dabshidkii 1885 wuxuu ebyay qoridda buuggiisa caanka ah ee cinwaankiisu uu yahay ‘Sidaas Baa Saraatushta u Hadlay’ (=Thus Spoke Zarathustra /هكذا تكلم زرادشت), Saraadashtina wuxuu ugu yeeray naynaasta 'dhaanteeye', wuxuuna ku tilmaamay in uu ahaa: "Ilays khafiif ah oo baalashiisa wax ku tilmaama / Zarathustra the dancer, Zarathustra the light one who waves with his wings." Nietzsche buuggaan wuxuu ku xusay qiso uu sidaan hoose u tebiyey:
"Saraatustara iyo saaxiibbadiis oo il biyood kaynta ka baadigoobaya ayaa waxay ku soo baxeen gabdho isku deensaday oo keligood kayn cidlo ah dhaanto ku ciyaaraya, gabdhihii markii ay arkeen dadka ku soo socda dhaantadii waa istaajiyeen, laakiin Saraadashti inta ku soo dhawaaday buu wuxuu ku yiri: 'Gabdhayahow bilicda sami dhaantadiina wata, kan idiin yimid ma aha mid arbusha kuwa faraxsan, gabdhahana cadow uma aha. Sidee bay ku dhici kartaa in aan la colloobo xaaladda aad ku sugan tihiin ee farxadda, quruxda iyo ruuxda wanaagsan ah. Sidee bay ku dhici kartaa in aan la colloobo dhaantada cagahaan yaryar ee quruxda badan'”.
Sida la og yahayna falsafadda Nietzsche waa falsafadda aadanaha awoodda leh ee nolosha doonaya. Wuxuuna rumaysnaa in gabayga, heesaha, muusigga iyo dhaantadu ay safka hore uga jiraan waxyaabaha nolosha dhadhanka u yeela. Lama hubo in Saraadashti uu yiri erayada Nietzsche uu carabka ugu tiray, laakiin marka laga duulo xogta Saraadashti laga hayo waa kuwo laga fili karo. Tan iyo maantana, dadka haysta diinta Saraadashtigu munaasabadahooda diiniga ah, waxay ku soo bandhigaan dhaanto qurxoon oo ay gabdho keli ahi dheelaan ama gabdho iyo wiilal wada jiraa ay ciyaaraan.
Diimaha Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamku waa saddex diimood oo lagu tilmaamo in dhexdooda ay aad wax u kala ammaahdeen, isla markaana saddexduba ay Saraadashtiyada wax ka qaateen. Sidoo kale, Hinduusta ayaa wax ka ammaahday Saraadashtiga, waxaana xusid mudan in magaalada Bombay ama Mumbay ay tahay meesha ay hadda ku noolyihiin dadka ugu badan ee haysta diinta Saraadashtigu.
3. Yahuudiyadda iyo dhaantada:
Buugga Towreedka (=Old Testament) marar badan buu ka hadlay munaasabadaha dhaantada la dheelo iyo ulajeedooyinka kala duwan ee loo dheelo. Tusaale ahaan, buuggaasi wuxuu dhigayaa in nebi Daa'uud -oo Yahuuddu ay boqornimo keli u qirsan yihiin- uu dadkiisa ugu baaqi jirey in ay Eebbe ku ammaanaan durbaan iyo dhaanto. Sidoo kale, buuggaasi wuxuu sheegayaa in markii nebi Muuse iyo tolkiis ay ka baxeen Masar, ayna badbaadeen, uu Muuse tolkiis isugu yeeray si ay u qaadaan hees cusub oo Alle lagu ammaanayo, guushana loogu dabbaaldegayo. Jeerkii raggu ay heesayeen, Maryan oo Muuse walaashiis ahayd iyaduna waxay aruurisay haweenkii oo durbaanno haysta si jiibta ragga ay jaan (=dhaanto) ugu jawaabaan. Halkaan waxaan ku arkaynaa ciyaar jiib iyo jaan leh, oo ragga oo Muuse hoggaaminayaa ay jiibta ku qaybsan yihiin, dumarkuna jaanta ama durbaanka.
Sida Baybalka iyo quraankuba ay xuseen, markii nebi Muuse uu tolkiis ka tagey si uu Alle ugula kulmo buurta Siinaay, uuna ku soo daahay safarka, tolkiis waxay u qaateen in uu dhintay, Haaruunna waxay ku khasbeen in uu u sameeyo dibi dahab ah oo ay caabudaan. Markii dibigii la sameeyeyna, waxay bilaabeen in ay caabudaan. Weliba cibaadada dibiga kuma aysan ekaan, balse iyaga oo qaawan bay dhaanto iyo dheelaas ku dulqabsadeen. Muusana markii uu soo noqday, ee uu arkay waxa dhacay, dibigii dahabka ahaa ayuu burburiyey, laakiin waxyaabihii Yahuudda laga xarrimay dhaantada iyo durbaanka kuma uu darin. Dad qodobkaan ka faalloodayna waxay sheegeen, in haddii nebi Muuse uu dhaantada mamnuuci lahaa uu dad la’aan noqon lahaa. Waana tii la yiri: “Ciisaba taageerayaal ma uu heleen haddii uusan Alle casho uga qaadin (=قال عيسى ابن مريم اللهم ربنا أنزل علينا مائدة من السماء تكون لنا عيدا ألولنا وآخرنا وآية منك وارزقنا وأنت خير الرازقين)".
Yuhuuddu waxay kaloo ciyaari jireen dhaanto diini ah oo lagu gubi jirey sanam loola niyoodo in uu yahay Haamaan. Dhaantadaan aalaaba munaasabadaha diiniga ah ayaa macaabidda lagu ciyaari jirey. Waxaana la rumaysan yihiin in dhaantada caynkaan ah ay ummado badani wadaagaan, sanamka la gubana badanaa loola jeedo in uu yahay sheydaan. Waa fal u dhigma dhagaxtuurka Muslimiintu ay maalmaha xajka sheydaanka ula niyoodaan (=Sida quraanka lagu xusay muslimiintu waxay aamminsan yihiin in Haamaan uu wasiir u ahaa Fircoonkii Masar, laakiin si taa ka duwan yuhuudda iyo kirishtaanku waxay qabaan in Haamaan uu wasiir u ahaa boqor Beershiyaan ama Faarisi ahaa).
Sidoo kale, buugga Towreedku wuxuu xusay dhaqan bulshada Yahuuddu ay taqiin oo ah in marka xafladda aroosku ay socoto ay gabadha aroosadda ahi ay dhaanto dheesho iyada oo gacanta seef ku haysata. ciyaartaas oo gudbinaysa farriin gabadhu ay dadka ugu sheegayso in rag oo dhan ay barbaarkaas ka dooratay. Waa isla dardaarankii Saado Cali (AUN) ay barbaarka kula dardaarantay ee ahaa:
Marse haddaan barbaartii Baxsanow daraaddaa Uga soo bannaan baxay Cidla ha igu baylihin Ballaantaannu dhigannana Weligaa ha beenayn Barashadii kalgacalkuna Bilaash yaanay kula noqon! Dhanka kale, bulshada Yuhuuddu waxay lahaayeen dhaanto la dheelo marka haweenaydu foolanayso ilaa iyo maalinka wiilka laga gudayo. Waa dhaanto diini ah oo looga dan lahaa in ummusha iyo ilmaha dhashay ay u noqoto xirsixir looga fogaynayo dhibka arwaaxda sharka leh. Waxay kale oo ay lahaayeen dhaanto la dheelo marka geeri timaaddo ee ruux dhintay laga tacsiyeynayo. Dhaantadaan qof baa dhulka isugu tuuro sidii in ay naftu ka dhacday, kolka uu dhacana dhaanto ayaa lagu dul qabsadaa, marka dhaantadu isku dubbo dhacdana qofkaani waa uu soo naaxaa ama miyirsadaa.
Falkaas oo ah astaan lagu muujinayo sida maalinta qiyaamaha uu Eebbe aadanaha u soo noolaynayo (=Waxaa xusid mudan, in Yahuuddu ay firqooyin badan u kala baxaan, waxyaabo badanna ay ku kala duwan yihiin. Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiinna waxaa ka mid ah sawirka laga haysto qiyaamaha. Waxaa taa dheer, in Yahuuddu ay qarniyo badan dunida ku kala firirsanaayeen. Sidaa darteedna dhaqamada Yahuuddu ay aad u kala geddisan yihiin).
Mar kale, Towreedku wuxuu xusay in beelaha Israa’iil ay mar ku dhaarteen in aysan gabdhahooda u guurin beesha ay walaalaha yihiin ee Binyamiin (=Benjamite). Laakiin goor dambe waxay ogaadeen in walaalahood ay dabargo’ayaan haddii aan loo guurin, arrinkaasina uu iyaga qudhooda tabartooda wiiqayo, oo marka ay walaal la’aan noqdaan uu cadowgoodu ku wiirsan doono. Waa ka shaallaayeen dhaqanka xun ee ay ku dhaarteen, waxayna raadiyeen xeelad loogu guuriyo beesha Binyaamiin iyada oo aan dhaartii la jabin. Barbaartii Binyaamiin baa waxaa lagu yiri: “Taga oo ku dhuunta beeraha canabka dhexdooda, oo isha ku haya.
Marka gabdhaha Shiloh ay soo baxaan si ay uga qaybgalaan dhaantada, ka soo yaaca beeraha canabka, midkiin kastaana middood ha ku dhego si ay afo ugu noqoto. Dhulkiinnana la aada /Go and hide in the vineyards and watch. When the young women of Shiloh come out to join in the dancing, rush from the vineyards and each of you seize one of them to be your wife. Then return to the land of Benjamin."
Sheekadaan iyo kuwo kale oo buuggaan ku soo aroorayba waxay muujinayaan in diinta Yahuuddu- iyo dabcan diimo kaleba- aysan dhib u arag xafladaha dhaanta ah ee ay ku kulmaan barbaarta guur doonka ahi. Guud ahaanna, buuggaasi wuxuu oranaya: “Boohintu waqti bay leedahay qosolkuna waqti buu leeyahay, baroortu waqti bay leedahay dhaantaduna waqti kale.”
Firqada Xasiidiyada (=Hasidic) oo ka mid ah firqooyinka diinta Yahuudiyadda, waxay abuurantay qarnigii 18-aad. Waagii ay abuurantay waxaa loo arki jirey dhaqdhaqaaq horusocod ah oo doonaya in bulshada iyo afkeerteeda diiniga ahba isbeddel lagu sameeyo. Hayeeshee, hadda waxaa loo arkaa in ay tahay firqo salafi ah oo ku dheggan dhaqamo waa hore laga guuray.
Waxayna caan ku tahay la colloobidda waxbarashada casriga ah. Taas oo jirta, haddana firqadaani tan iyo markii la aasaasay waxay caan ku tahay ciyaaridda dhaantada. Waxayna aamminsan yihiin in dikriga iyo dhaantadu ay yihiin nooc salaadda ka mid ah oo lagu gaari karo xaqiijinta kelinimada Alle. Aalaaba Xasiididu inta aysan dhaantada bilaabin waxay ka horraysiiyaan duco. Waa isla dhaqanka wadaaddada suufiyada Islaamku ay sameeyaan ee digriga loogu bilaabo alle-bariga iyo ammaanta nebiga. Waxaana jira dad qaba in digriga Xasiidida iyo kan suufiyada, siiba kan dariiqada Mowlawiyada Turkigu uu isku asal ka soo jeedo. Wadaaddada suufiyada ee diimaha oo idilna waxay ka siman yihiin in ay aamminsan yihiin in digriga iyo durbaanka Alle lagu gaari karo.
Ku Allahoode, wadaaddada Hasiidigu, waxay xusaan sheeko ay sidatan u wariyaan;
Tuulo ka tirsanayd dalka Ruushka oo ay ku noolaayeen bulsho yar oo Yahuud ah ayaa sanooyin badan waxay ahayd wadaad la'aan. Dadkii tuuladuna waxay u buseeleen in ay helaan wadaad wacdiya oo diinta bara. Waa dambe, ayaa waxaa lagu wargeliyey in taariikh hebel uu nin wadaad ahi tuulada imaan doono.
In Muddo ah baa dadkii tuuladu waxay isu diyaarinayeen wadaadka u imaan doona iyo casharka diiniga ah ee uu siin doono. Qof weliba wuxuu habeenno ku dhafray ka fekeridda samada wadaadku u dheelmi doono iyo waxa lagala kulmi doono.
Maalintii ballantu ahayd ayaa wadaadkii wuxuu yimid madashii dadku ay ku sugayeen. Wadaadkii markii uu macbadka yimid ee uu akhristay dareenka dadka, ayuu wuxuu dareemay in baahida ruuxiga ah ee dadkaan haysa uusan ku filnayn wacdi caadi ah oo uu u jeediyaa. Afkaa juuqda gabay, oo wuxuu garan waayey wacdi diini ah oo uu isyiraahdo dareenka dadkaan baa ku degaya, weydiimaha uurkooda ka guuxayana jawaab buu u noqon karaa.
Wadaadkii iyo dadkii cabbaar baa la isku dhaygagay, oo iyada oo la ammusan yahay indhaha iyo qalbiga laga sheekaystay. Abwaanka Soomaaliyeedna waa kii ku heesay:
indhaha qalbigaa ka eegmo fogoo
waxaanay arag buu ogaadaa.
Wadaadkii wacdiga laga sugayey wuxuu bilaabay in uu taaho, taahiina wuxuu ku xijiyey in uu heeso. Dadkii macbadka joogeyna iyaga oo baraad la' bay waxay bilaabeen in ay wadaadka la qaybsadaan taaha, heestana u hooriyeen. Waxyar ka dib, wadaadkii heestii wuxuu ku daray dhaanto iyo qoob-ka-ciyaar, dadkiina iyaga oo aan is ogayn bay dhaantadii u cammireen. Dhallinyaro iyo waayeelba waa la wada bururay. Kolkii muddo saacad ah ay wadaadkii iyo dadkii wada xadreeyeen, oo marqaankii jidbadu ka soo go'day, ayaa wadaadkii wuxuu dadkii kula hadlay weedhii kelida ahayd ee uu maalintaas madashaas ka yiri: "Waxaan filayaa in aan ka jawaabay su'aalihiinna."
19 Ugu danbayntii, waxaa jirta ciyaar dunida oo dhan laga dheelo, laakiin Yahuuddu ay ku caan yihiin. Waa ciyaar Yahuuddu ay ugu yeeraan "Hora", ayna sheegaan in ay tahay ciyaar ku habboon in munaasabad kasta iyo mar walba la ciyaaro. Marka aad aragto ciyaartaan oo la dheelayana, waxay u badan tahay in aad xasuusato dhallaan Soomaaliyeed oo dheeli jirey -haddiiba adiga qudhaadu aadan dheelin.
4. Masiixiyadda iyo dhaantada:
Sida wadaadda Masiixigu ay sheegaan, Baybalka 27 jeer baa erayga 'dhaanto' lagu xusay, inta badanna waxaa loo adeegsaday macne la mid ah cibaado, salaad iyo mahadnaq. Maxaa yeelay, dhaantada sida heesaha oo kale ayaa waxaa loogu adeegsadaa in Eebbe iyo awliyada lagu ammaano. Wadaaddada Masiixiguna sida wadaaddada diimaha kale ayay waxay u qaybsamaan labo kooxood oo midi ay dhaantada xaaraamayso, halka midda kale ay ka bannayso.
Tusaale ahaan, Baybalku wuxuu xusayaa in nebi Ciise oo dad canaananayaa uu ku yiri: “Waan idiin heesnay mana aydaan dhaantayn, waan murugoonnay mana aydaan barooran.” Ciise dadka wuxuu barayaa qayb ka mid ah habdhaqanka wanaagsan ee loo baahan yahay in bulshadu ay ku dhaqanto. Is-haysiga bulshadu wuxuu xoogaystaa marka bulshadu ay dareen wadaag yeelato. Marka ruuxa faraxsan farxadda la la wadaago, kan murugaysanna murugada la la qaybsado. Sida la sheegayna, Ciise oraahdaan wuxuu adeegsaday mar uu damacsanaa in uu dadka dareensiiyo in ay ka gaabiyeen qaadashada diinta uu ugu yeerayo.
Docda kale, qaar ka mid ah xertii nebi Ciise waxay sheegeen in habeenkii ka horeeyey maalinkii la deldelay, uu Ciise xertiisa u sheegay in iyaga oo gacmaha is haysta ay isku meeraan, dabadeedna isaga oo dhexda uga jira uu bilaabay in uu heeso isaga oo dhaantayna, xertana uu ka codsaday in ay jaan iyo jiib ku biiriyaan (=Before he was arrested ... He told us to form a circle holding one another's hands, and he himself stood in the middle and said, "Answer Amen to me").
Guud ahaan, marka laga reebo firqooyin aad u yar, wadaaddada masiixiyagu maanta waa oggol yihiin dhaantada, waxayna u adeegsadaan wacdiga iyo salaadaha. Wadaaddada masiixiguna si la mid ah sida kuwa muslimku ay gabdhaha uga ugaarsadaan malcaamadaha quraanka lagu dhigto ayay iyaguna gabdhaha waxay uga ugaarsadaan munaasabadaha dhaantada leh ee kaniisadda lagu qabto. Taasina la yaab ma leh oo aalaaba lammaanayaashu waxay isku bartaan meelaha lagu kulmo sida xarumaha waxbarashada, goobaha shaqada, goobaha madadaalada, iyo xarumaha cibaadada (Haddii aad taqaan wadaad masiixi ah oo aan Kaatolig ahayn, waad weydiin kartaa sida ay xaaskiisa isku barteen).
Fannaaniinta masiixiga ah qaarkoodna iyada oo ay muuqato in ay ka shidaal- qaadanayaan diinta Hinduusiyada ayay waxay allifeen heeso ay ka dhigayaan in nebi Ciise uu tiriyey, uuna ku sheeganayo in uu yahay ''Boqorka dhaantada /Lord of the Dance."
Sheekooyinka la xiriira dhaanta iyo diimaha waxaa ka mid ah qisada ka hadasha dilkii Nebi Yaxye. Nebi Yahxe Yaxye al-Macmadaani ama John the Baptist) waxaa la sheegaa in uu noolaa waxyar ka hor soo bixiddii nebi Ciise. Sheekada ka hadasha qaabkii uu u dhintay waxay leedahay:
Sebankii Roomanka, dhulka Shaam waxaa xukumay boqor lagu magacaabi jirey Herod oo jeclaaday xaaskii walaalkiis oo iyadana lagu magacaabi jirey Herodias. Herod walaalkiis afadiisii xoog buu uga qaatay. Hiroodiya marka la dhacay waxay wadatay gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Saaluumi oo noqotay gabar qurux, cod macaan iyo dhaanto ku sheeggan. Saaluumi adeerkeed aad buu u jeclaa, waxa ay damacdana maya ma oran jirin.
Falka boqorku sameeyey ee uu walaalkiis xaaska uga qaaday bulshadu waa dhibsatay, laakiin ma jirin qof qura oo ku dhacay in uu si toos ah boqorka u canbaareeyo, oo aan ka ahayn nebi Yaxye. Nebi Yaxye magaaladuu dhexmari jirey isaga oo ku celcelinaya: xalaal kuuma aha! Xalaal kuuma aha!
Hiroodiya oo canbaaraynta Yaxye dhibsatayna waxay boqorka ka codsatay in uu Yaxye dilo, laakiin boqorku taa waa ka diiday, waayo waxay la ahayd in dilka Yaxye uu bulshada caro iyo nacayb ku sii abuurayo. Maxaa yeelay Yaxye wuxuu ahaa nin bulshada magac ku leh. Laakiin boqorku si uu u raalli geliyo boqoradda wuxuu amray in Yaxye lagu xiro meel qasriga madaxtooyaada ka mid ah.
Maalinkii danbe, Saaluumi oo madaxtooyada ku dhex lugaynaysa ayaa waxay maqashay codka Yaxye oo qolkii lagu xiray ku jira oo Alle baryaya. Inta albaabkii furtay bay qolkii ugu gashay, markay indhaha ku dhufatayna damac baa ka galay, laakiin Yaxye waa ku gacansayray. Saaluumi oo u qaadatay in la dhayalsadayna Yaxye colaad bay u qaadday.
Habeenkii dambe, iyada oo madaxtooyada ay xafladi ka socoto, dadka oo dhanna ay faraxsan yihiin, baa boqorku wuxuu arkay Saaluumi oo si u madluunsan, si uu uga farxiyo darteedna wuxuu ku yiri: Istaag oo dhaanto ciyaar.
Waxay tiro: Ma rabo.
Si uu ciyaarta ugu dhiirrigeliyo darteedna wuxuu ku yiri: Istaag oo ciyaar, wixii aad doontana caawa i weydiiso.
Waxay tiri: Ma run baa in waxa aan rabo aad ii yeelayso?
Wuxuu yiri: Haa, waa kuu yeelayaa.
Waxay tiri: Ii dhaaro!
Wuxuu yiri: Ilaahyadayada oo dhan baan ku dhaaranayaa.
Saaluumi inta istaagtay oo durba guriga gashay bay waxay soo noqotay iyada oo xiran dharkii dhaanta, waxayna dheeshay dhaanto wacdaro leh oo dadkii golaha joogey oo dhammi ay ka maqsuudeen. Markay ciyaartii ka soo jeensatayna boqorka ayay u timid, boqorkuna wuxuu ku yiri: Sheego waxa aad rabto?
Waxay tiri: Waxaan rabaa madaxa Yaxye oo saxan qalin ah ku jira.
Boqorka oo horay ilaahyadiisa oo dhan ugu dhaartayna uma ay bannaanayn waxaan ka ahayn in uu fuliyo ballanqaadkiisa. Sidaa awgeed, wuxuu amar ku bixiyay in Yaxye luqunta laga soo gooyo, saxan qalin ahna lagu soo rido. Sidaasna dhaantadii Saaluumi waxay ku galaafatay naftii nebi Yaxye.
Bulshooyinka reer Galbeedka oo sheekadaan wax badan wadaaddada Masiixiga ka maqlayna, markii qarnigii 19-aad ay arkeen dhaanta reer Bariga waxay isku xireen dilkii Yaxye iyo dhaantada reer Bariga oo ay u bixiyeen ‘Dhaantadii Saaluumi /Salome's Dance’. Waa dhaanto aalaaba lagu xuso suugaanta ka hadasha taariikhda diinta masiixiga.
5. Islaamka iyo dhaantada:
Carabtu islaamka ka hor waxay cibaadaysan jireen oo kacbada ku wareegi jireen iyaga oo dhaantaynaya oo jiib iyo jaan isku daraya. Quraanka oo falkaas tilmaamayaana wuxuu yiri: "Saladdooda guriga (=kacbada) agtiisa ahina ma aha waxaan foori iyo sacbin ka ahayn /وما كان صالتهم عند البيت إال مكاء وتصدية". Islaamku markii uu yimidna, dawaafkii kacbada wuu oggolaaday, laakiin wuxuu joojiyey dhaantadii jaahiliyada, allebarigoodiina wuxuu ku beddelay allebari kale.
Run ahaantiise, waxaa jira dad ku dooday in salaadaha hadda la tukado- marka lagu daro tan Muslimiintu ay tukadaan- aysan ka marnayn dhaanto iyo dhaqamo ka soo jeedo diimihii dadyowgii hore. Sida culumada bulshadu ay qabaanna, diimuhu si joogto ah bay wax u kala ammaahdaan, mana jirto diin meel cidlo ah ka abuuranta. Taariikh-yahankii Ciraaqi ahaa ee Jawaad Cali (1907-1987) buuggiisa lagu magacaabo "Faahfaahiya Taariikhdii Carabta ee Islaamka ka hor / المفصل في تاريخ العرب قبل اإلسالم", wuxuu ku yiri: "Ma fogaysanayo(=lama yaabayo) in socodka lagu maro Safa iyo Marwa dhexdoodu uu asalkii hore dhaanto ahaa, oo kuwa socodka samaynayaa ay dhaantayn jireen, heeso diini ahna ay qaadi jireen, arrimahaas oo Rabbiga guriga leh lagu weynaynayo, looguna dhawaanayo.
23 Sidii macaabidda kaleba lagu samayn jirey / ال أستبعد أن يكون السعي بين الصفا والمروة في األصل، فكان الساعون يرقصون ويغنون أغاني دينية، في تمجيد رب البيت والتقرباكان رقص إليه. كما كانوا يرقصون في المعابد األخرى".
Si kastaba ha ahaatee, in Islaamku uu joojiyey dhaantadii carabtii jaahiliyada, macneheedu ma aha in islaamku uu dhaanto oo idil mamnuucay. Waayo dadku sida ay diinta ugu baahan yihiin oo kale bay dhaantadana ugu baahan yihiin. Sidaa darteed, Muslimiintu sida ummadaha kale, weligood waxay lahaayeen ciyaar dhaqameedyo ay dheelaan. Tusaale ahaan, dhigaallada taariikhda Muslimiintu waxay sheegaan in carabtu ay taqiin dhaanto lagu magacaabi jirey "Darqala ama Darkala" oo ay dheeli jireen Afrikaan madow oo carabtu ay ugu yeeri jireen magaca "Xabashi". Nebiguna uu mar arkay dadkaas Afrikaanka ah oo ciyaaraya, uuna ku yiri: "Ubadkii Arfadow dadaala (=si wanaagsan u dheela) si Yahuudda iyo Nasaaradu ay u ogaadaan in diintayada uu boos uga bannaan yahay (ciyaaraha) / وا يا بني أرفدة حتى يعلم اليهود والنصارى أن فيدج ديننا فسحة".
Sida la sheegana, carabtii ku dhaqnaa dhulkii loo yaqiin Xijaas, waxay jeclaayeen ciyaar dhaqameedka dadka madoobi ay dheelaan, waxayna caado u lahaayeen in marka ay qabaan munaasabadaha sida; aroosyada, gudniinka wiilasha iyo qaar kaleba ay dalbadaan Xabashi munaasabadda ka ciyaarta.
Meelaha la sheegay in ay ku ciyaareenna waxaa ka mid ah masjidka nebiga, oo waa tan la soo wariyey in afadii nebiga ee Caa'isho ay gurigeeda dhexdiisa ka daawatay Xabashi masaajidka dhaanto ku haystay.
Dhab ahaantiina, Carabtu -siiba kuwa Khaliijku- tan iyo hadda waa jecel yihiin ciyaaraha dadka madow, xafladahoodana aalaba dad madow baa ka dheela. Waxaa xusid mudan, in koonfurta dalka Ciraaq, siiba magaalada Basra laga dheelo ciyaar dhaqameed loo yaqaan "al-Heywa /الهيوة". Ciyaartaani waxay ka mid tahay ciyaaraha ragga iyo dumarku ay wada jirka u dheelaan, waxaana dheela dadka madow oo qayb ka mid ahi ay asal ahaan Bariga Afrika ka soo jeedaan. Weliba madowgii dheeli jirey waxaa ka mid ahaa kuwii geela dhiqi jirey. Qof ahaanna, marka aan intaa ogaaday, isla markaana daawaday sida ragga iyo dumarku ay u ciyaaraan, waxaan isweydiiyey suuragalnimada in ciyaartaani ay xiriir la leedahay dhaantada Soomaalida?
Yeelkadeede, ka hor intii aan la arag saamaynta batroolka Khaliijka, bulshooyinka Muslimka ah waxaa saamayn badan ku lahaa dariiqooyinka suufiyada. Dariiqooyinka suufiyaduna, inkasta oo ay ku kala duwan yihiin qaababka, haddana badankoodu waxay wadaagaan digriga. Sida la ogyahana digrigu waa dhaanto diini ah, oo allebari iyo nebi ammaan ku salaysan.
Dariiqooyinka suufiyadu -siiba kuwa Sunnadu- waxay wadaagaan waxa loo yaqaan "Xadrada/الحضرة". Xadradu waa digri ay dad badani ka qayb-qaataan. Erayga 'xadro' waxaa laga soo qaatay erayga "xuduur' oo macnihiisu yahay 'Joogid'.Sababta magacaan loogu bixiyeyna waa in la tilmaamo in qalbiga qofka xadrayna/digrinaya uu Alle la joogo. Jirkiisu dadka ayuu la joogaa, laakiin laabtiisu duni kale bay joogtaa. Xadrada ama digriga waxaa la qabtaa munaasabado faro badan sida; habeenka khamiista salaadda cishaha kaddib ama salaadda jimcaha kaddib, habeennada bisha Ramadaan, xuska dhalashada nebiga, xuska dheelmintii nebiga iyo munaasabado kale.
Dariiqooyinka suufiyada ee dhaantada caanka ku ah waxaa ka mid ah dariiqada 'Mawlawiyada' ee loogu abtiriyo wadaadkii Jalaaludiin Ruumi (1207-1273), xarunteeduna ay tahay magaalada Konya ama Qunya ee dalka Turkiga.
Dariiqadaani waayadii hore waxay ka jiri jirtey dhulalka Bariga Dhexe, Balkanka iyo Hindiya, laakiin hadda dunida oo dhan bay ku faaftay, oo waxay gaartay Maraykanka, Yurub iyo meelo badan oo kale.
Jalaaludiin Ruumu waxaa laga hayaa in uu yiri: "Eebbe kuma dhammaado ruux aan aqoon awoodda dhaantada /ال يفنى في هللا َم ْن ال يعرف قوة الرقص". Dikriga ama dhaantada Mawlawiyada oo loo yaqaan 'Samaac', wadaaddada suufiyada ama daraawiishtu waxay sameeyaan iyaga oo xiran maryo waasac ah oo cad-cad oo ah astaan u taagan marada kafanta. Dikrigu wuxuu ku bilowdaa aayado quraan ah oo uu akhriyo shiikha ugu weyn dadka madasha jooga, waxaana lagu xijiyaa heeso allebari iyo nebi ammaan isugu jira.
Inta digrigu socdo, daraawiishu waxay wareegaan iyaga oo gacanta midig cirka u taagaya, tan bidixna dhulka. Meesha lagu wareegayaa waxay u taagan tahay xuddunta koonka, gacanta midigna waxay tilmaamaysaa kheyrka Eebbe oo la baryayo, tan bidixna kheyrka Alle oo abuurkiisa loogu deeqayo. Dadka dikrinayaa waxay isku xirayaan Alle iyo abuurkiisa.
Isku soo duuboo, waa adag tahay in la helo diin ka maran dhaanto, hees iyo muusig. Diimuhu dadka ayay la hadlaan, dadkuna sida ay diinta ugu baahan yihiin oo kale bay dhaantada, heesaha iyo muusigga ugu baahan yihiin. Waxaana xusid mudan, in ururrada salafiga ee xagjirka ah sida al-Shabaab, al-Qaacida, Daacish iyo qaar kaleba ay heesaha, muusigga iyo dhaanta xaaraan ku sheegaan. Taas oo jirta, haddana barnaamijta dicaayadda ah ee ay dadweynaha u soo gudbiyaan waxay ku laraan muusig xoog iyo qurux badan. taasina kuma imaan ogaan la’aan, laakiin waa arrin si fiican looga fiirsaday, maxaa yeelay waxay ogyihiin in muusiggu gacan ka geysanayo in dadweynuhu farriintooda dhegaystaan, qaarkoodna ayba qaataan.
Iyaga iyo ku Allahoode, waxay wariyeen in beri beryaha ka mid ah, Shiikh Jalaaludiin Ruumi oo xadraynaya uu u yimid wadaad faqiih ahaa oo dhaleeceeyey falka Ruumi uu sameeyo. Ruumina wuxuu ku yiri: "Dhawaaqa kabanku waa dhawaaq ka yeeraya albaabka jannada oo aan maqlayno."
Suuye: "Annaguba waa maqalnaa codka kabanka, laakiin sidiinna oo kale ma samayno."
Jeerkaasna Ruumi wuxuu ku jawaabay: "Waxa annagu aan maqlaynaa waa jiiqda albaabka jannada oo la furayo, adiguse waxaad maqlaysaa jiiqda albaabkii oo la xirayo."
Eebbow nagu dar inta maqasha furidda irdaha jannada!!!
فرقة الفرح المولوية

Comments