Diini waa jacayl!

Suufinimadu (Tasawuf= Sufism) waa qodob diimaha oo dhammi -Buudiyad, Hinduusiyad, Kirishtaaan, Islaam iyo qaar kaleba -ay wadaagaan, diintuna waxay nooshahay inta ay leedahay nuxur suufinimo, waxayna dhimataa kolka ay dhumiso suufinimada. Nuxurka Suufinimadu waa jacayl. Waxaana xusid mudan, in erayga “Ilaah” asal ahaan macnihiisu uu yahay “Jacayl”.

Waa in la jeclaado Alle iyo abuurkiisa oo dhan iyaga oo aan loo eegin af, diin, dhaqan, midab, nooc iyo wax kale toona. Macnaha jacaylkuna waa in abuurka Alle sida ay yihiin lagu aqoonsado, laguna aqbalo ( = Acceptance not tolerance).

Ayaandarro, diimaha badankoodu maanta waxay dhumiyeen suufinimadii ka tarjumaysay nuxurkooda. Diimuhu waxay ka siman yihiin in ay qabaan in dadka oo dhan uu Eebbe uumay, Eebbana ay u noqonayaan, waana arrinkaas midka keenay in diimaha oo idli ay -heerar kala duwan- la colloobaan aragtida Charles Darwin ee sheegaysa in dadku aysan janno ka imaan, balse ay ka yimaadeen noolayaal kale oo kaynta ku noolaa- qaarkoodna weli ku nool yihiin.

Haddaba, haddii diimaha oo dhammi ay qabaan in dadka oo idil uu Eebbe abuuray, weliba uu Aadan iyo Xaawo ka wada uumay, weydiinta jawaabta u baahani waxay tahay: waa maxay sababta ay diimaha iyo firqooyinka kala duwani isu colaadiyaan, oo qolo kastaa dhiigga, sharafta iyo hantida kuwa kale u bannaysato?

Sannadkii 2011kii ayaan galab meel casariye kula cabbey Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan - Allaha u naxariistee. Intii aan shaaha fiiqsanayney ayaa sheekadii waxay na la gashay wareerka iyo walaahoowga ku yimid dhaqdhaqaaqa diiniga ah ee loo bixiyey magaca "Baraarugga Islaamka/ الصحوة االسالمية". Markii aan arrinkaas xoogaa falaanqaynay ayaa doktoorku wuxuu igu yiri hadal macnihiisu ahaa: Cabdow hadda ka hor waxaan u haystey in dhallinta diin la baro, laakiin maanta waxaan ku qanacsanahay in waxa dhallinta la baro badankiisu, siiba dhanka caqiidada, uusan diin ahayn, balse uu yahay aydiloojiyad ruux diineed ka maran oo ku dhisan muran iyo rag iska celin.

Hadalkaas Shiikh Axmed yiri waxaan u haystey dareen aniga igu gaar ah, oo aysan jirin cid ila wadaagta, gaar ahaan dareenka noocaas ah kama filayn wadaad Salafi ah. Runtiina haddii Sh. Axmed uusan ahaan lahayn nin aan ku bartay xog-ogaalnimo iyo inuu dadka oo dhan la sheekaysto, dareenka bulshadana ka war hayo, waa igu adkaan lahayd in aan rumaysto erayga dhegahaygu maqleen.

Dr Axmed ka horna Shiikh Maxamed Naasirudiin Albaani (1914-1999) oo tilmaan ka bixinayey dhaqan-diimeedka wadaaddada Salafiyiina ee uu ka tirsanaa ayaa wuxuu yiri: "Waxaan isku taxallujinnay in caqiidada la barax-tiro, laakiin waxaan ka gaabinnay dhanka tarbiyada/ سعينا في التصفية وقصرنا (أهملنا) في التربية”.

Isku soo duuboo, Alle ma aha qof, mana aha sida adiga iyo tolkaa aad u haysataan oo keliya. Waa sidaas iyo siyoobo kale, ee fadlan Alle aadamiga ha ka xigsan.

Comments