Eebbe iyo dhuumashowga dhallaanka!

Wadaad Yahuudi ahaa oo lagu magacaabi jirey ‘Rabbi Baruch’ ayaa maalin waxaa u soo galay wiil yar oo uu awoowe u ahaa oo la oran jirey ‘Yehiel’ oo booyaya.
“Yehiel, Yehiel, maxay tahay ilmadu? Maxaad la ooyaysaa?”
“Saaxiibkay baa I khayaanay, awoowe taasi caddaalad ma ah, sax ma aha in qofku uu saaxiibkiis khatalo!”
“Laakiin saaxiibkaa muxuu sameeyey?”
“Dhuumaalaysi baan dheelaynay. Si uusan ii arag darteedna si fiican baan isu qariyey; markii uu I heli waayeyna ciyaartii buu isaga baxay, iskuma uusan dhibin in uu I doondoono. Waan dhuuntay isaguna iskuma taxalujin in uu I raadiyo. Ciyaartu sidee bay xallad ku yeelanaysaa haddii aan la raadinayn qofka sida qumman isu qariya? Xaq ma uu yaqaan, saaxiibkayna ma aha!”
Wadaadkii oo indhihiisa illini ka qubanaysaana wuxuu ku gunuunacay: “Yehiel, Eebbana waa kula mid. Eebbe sidaada oo kale buu u murugoonayaa. Eebba waa dhuuntaa, dadkuna iskuma dhibaan in ay baadigoobaan. Maandhe ma fahmaysaa waxa aan ku leeyahay? Eebbe waa dhuuntaa dadkuna iskuma dhibaan raadintiisa. Sidaasi marna sax ma ah!”
Wadaadkaan iyo kuwa la midka ah baa Alle iyo aadamiga isku hayn kara. Eebbow iimaanka abootooyinka aan alifka loo dhigin (=اللهم إيمانا كإيمان العجائز).

Comments