Eebbe jahliga uma hiilliyo

Marka aadan lahayn awood aad isaga caabbiso cadowgaaga, caqliga iyo dareenku waxay kuu sheegayaan in aad ka cararto ama aad ka dhuumato. Fayraska COV 19, ma laha daawo iyo tallaal toona, sida qura ee looga badbaadi karaana waa in laga hortago, oo looga cararo sida deeradu ay libaaxa uga cararto ama looga dhuunto sida diindiinku uu qoloftiisa isugu qariyo.

Wadaadkii Ibnu Xajar al-Casqalaani, buuggiisa "بذل الماعون في فضل الطاعون", dhacdooyinka uu ku xusay waxaa ka mi ah daacuun dabshidkii (764H/1362M) ka dillaacay magaalada Dimishiq. Wadaadku isaga oo daacuunkaas ka faalloonayana wuxuu qoray: "Dadkii waxay u baxeen lamadegaanka (=magaalada bannaankeeda), iyaga oo ay weheliyaan waxgaradkii magaaladu, way baryootameen oo kaalmo- weydiisteen, intaa ka dib daacuunkii waa xoogaystay oo batay, ducadooda ka hor intaas wuu ka fududaa / خرج الناس إلى الصحراء، ومعظم أكابر البلد، فدعوا واستغاثوا، فعظم الطاعون بعد ذلك وكثر، وكان قبل دعائهم أخف".

Ibnu Xajar faallada wuu sii watay, wuxuuna yiri: "Taas oo kale baa xilligeenna dhacday, jeerkii daacuunkii koowaad uu ka dillaacay Qaahira sannadkii 833 ee Hijrada (=oo ku beegan sannadkii 1429 ee miilaadiga), tirada dadka ku dhimanayey waa ka yaraayeen afartan, dabadeed afartii bishii Jamaadi Uulaa bay u baxeen saxaraha, ka dib markii lagu baaqay in saddex maalmood la soomo, sida roob doonta oo kale, waa la isu yimid, waana la Alle baryey, saacad baa la joogey, dabadeedna way noqdeen, bili kama soo wareegin markii tirada dadka Qaahira maalin kasta ku dhimanayay ay kun kor u dhaaftay, wixii intaa ka danbeeyeyna tiradu waa sii kordhaysay."

Ibnu Xajar sida dadkii ay isku waayaha ahaayeen, wuxuu rumaysnaa in daacuunku uu yahay jirro jinni ama duulal kale ay keenaan. Wuxuuna ku andacoodey in waagii uu daacuunku Shaam ka qarxay, labada indhood si cad loo saaray jinni fardo ku jooga, oo iyaga oo aad ayax mooddo dadka waddooyinka maraya warmo la dhacaya (= شوهد الجن عياًنًنا على خيل كالجراد تطعن المارة بالرماح في بعض أزقة الصالحين). Nebigana (scw) waxay ka wariyeen in uu yiri: "Ummaddayda waxaa baabi'inaya mudid (=toorreey ama waran ku dhufasho) iyo daacuun, waxaa la yiri: Rasuulkii Allow mudidda garannaye, daacuunku muxuu yahay? Wuxuu yiri: "Waa mudidda jinka cadowga idiin ah /وخز أعدائكم من الجن".

Taas oo jirta, haddana Ibnu Xajar wuxuu si dadban u qiray in ducadu aysan waxba ka tarin daacuunka. Sida dhabta ahna, dunidii hore ee aan bakteeriyada iyo fayraska la aqoon, aadanaha badankooda ayaa rumaysnaa in daacuunku uu yahay fal jin iyo duulal kale ay keenaan, Muslimiinta ka hor iyo ka dibna waxaa sidaa ku dooday dadka haysta diimaha Yahuudiyadda iyo Masiixiyadda.

Qoraagii reer Masar ee Mustafe Maxamuud (1921-2009), waxaa laga hayaa: "Haddii mu'min iyo gaal ay bad wada galaan, waxaa badbaada midkoodii dabaal yaqaan, maxaa yeelay Eebbe uma hiilliyo kuwa jaahiliinta ah, Muslimka jaahilka ahi waa qarqoomaa, gaalka wax bartayna waa badbaadaa."

Koronafayras gaal iyo muslin ma kala yaqaan, mucjiso iyo karaamana shaqo kuma laha. Sidaa awgeed, waa in aan la siyaasadayn dadallada looga hortagayo faafidda fayraska. Sebenka Koronaha waa in caqliga bay'olojiga laga horraysiiyaa kan siyaasadda iyo aydaloojiyadda, loona hoggaansamaa talada bahda caafimaadka iyo amarrada dowladda iyo maamullada.

Ruux walbow si aad u badbaaddo, lagaagana badbaado, fadlan minankaaga ku ekow (=ال ضرر وال ضرار). Maalmahaan duruufaha qalafsan lagu jirana, bulshada inteeda tabarta yar xil dheeri ah ha la iska saaro.

Tu san

Comments