Fatwada Wadaaddada iyo Santuukhii Suldaan Saleebaan

Magaalada Istanbuul waa magaalo qaddiim ah oo tan iyo muddo fog ay ku noolaayeen dad kala dhaqaale, dhaqan, dhiig iyo diin ahi (=Muslimiin, Masiixi, Yahuud iyo diimo kale). Kala duwanaanta noocaas ahina waxay ka qayb qaadataa halabuurnimada iyo kala duwanaanta aragtiyaha, oo tusaale ahaan taajirka afku caddaaday iyo saboolka aan beerkiisa beer ka xigin isku si wax uma arki karaan.

Nolol maalmeedka qofka iyo bulshaduna waxay isugu jirtaa dhab iyo dheelaas, oo waxay u qaybsantaa saacado la shaqeeyo iyo kuwo la nasto. Dunidii hore ee farsamada casriga ahi aysan jirinna, waxyaalaha maaweelada laga helo ee lagu madadaasho waxaa kow ka ahaa sheekooyinka fiidkii golayaasha looga caweeyo. Magaalada Istanbuulna waxay caan ku ahayd dhaqan waayadii danbe ku baahay meelo badan oo gudaha Turkiga iyo dibeddiisaba ah. Waa dhaqanka ah in makhaayadaha shaah iyo sheeko lagu wadaago.

Waxaa xusid mudan, in erayga Soomaaliga ah ee makhaayad uu ka soo jeedo erayga carabiga ah ee "Maqhaa /المقهى", oo ah dukaanka bunka ama qaxwaha lagu iibiyo. Magaalada Istanbuulna waxay ka mid tahay magaalooyinka dunida kuwii ugu horreeyey ee bun lagu cabbo. Turkiduna fiiqsiga bunka iyo shaaha labadaba caan bay ku yihiin, mid walbana hab cayiman oo iyaga u gaar ah bay u sameeyaan (Dalka Turkigu wuxuu ka mid yahay waddamada caleen shaaha soosaara, laakiin bunka waa loo soo dhoofiyaa).

Magaalada Istanbuul, makhaayadaha bunka iyo shaaha lagu cabbaa si ay macaamiisha u soo jiitaan waxay ku tartami jireen in ay soo kiraystaan rag sheekoxariirro ah oo macaamiisha bunka iyo shaaha fiiqsanaya sheeko iyo shaactiro ku maaweeliya. Sheekooyinkaasi waxay isugu jireen kuwo dhab ahaan u dhacay iyo qaar male'awaal ah oo khayaalka qofka iyo bulshadu ay curiyeen. Ragga sheekotaleexinta meheradda ka dhigtayna waxay u kala magac dheeraayeen, una kala dhaqaale roonaayeen sida ay u kala khayaal badan yihiin, una kala aftahansan yihiin.

Waayadii danbe ee madbacadaha la bartayna, in badan oo sheekooyinkaas ka mid ah waxaa lagu aruuriyey dhigaallo buug ahaan loo daabacay. Sidaa awgeed, Istaanbuul waxay safka hore uga jirtaa magaalooyinka magacood lagu xuso sheekooyinka dunida, oo waa yar yihiin magaalooyinka Istaanbuul sheekada ku gaaraa -waaba haddii ay jiraane.

Sheekooyinka Istaanbuul iyo guud ahaan Turkiga looga sheekaysan jireyna waxaa ka mid ah, sheekada loo yaqaan "Santuukhii suldaan Suleymaan". Dhigaallada taariikhdu, sheekada santuukha suldaanka waxay u wariyeen sidaan soo socota:

Dabshidkii 1566, Suldaan Saleebaankii 1-aad -oo dhulalka Galbeedka looga yaqiin neynaasta "Suleymaankii Weynaa /Suleiman the Magnificent", dunida Barigana looga yaqiin "Suleymaan Sharci Dejiye /سليمان القانوني"- wuxuu hoggaamiyey duullaan lagu qaaday carriga Hangari. Laakiin, boqorku ka hor intii uusan Istaanbuul ka ambabixin wuxuu u yeeray wadaadkii xilligaas shiikhu-islaamka ama muftiga ahaa, oo lagu magacaabi jirey Shiikh Abuu Sacuud Afandi (1490-1574). Kolkii wadaadku u yimidna wuxuu u dhiibay santuukh yar, wuxuuna ku yiri: "Marka aan dhinto santuukhaan i la xabaal."

Duullaankaas ciidankii Cusmaanidu waa ku guulaysteen, laakiin suldaanka oo xilligaas waayeel ahaa, waxaa tii Alle u timid dagaalkii oo aan weli dhammaan. Madaxdii duullaanka ku weheliyey, oo ka baqay in geerida Suldaanku ay wareer iyo niyad jab ku riddo ciidanka dagaalka ku jira, muddo labo bilood ku dhow bay qariyeen xogta ku saabsan geerida suldaanka.

Sida la sheegay, geerida Suldaanku waxay timid xilli kuleyle ah, saraakiishii duullaanka madaxda ka ahaana, waxay ka baqeen in meydka boqorku uu qurmo. Sidaa awgeed, waxay ka bixiyeen uurkujirtii oo ay ku duugeen isla teendhadii uu ku geeriyoodey gudaheeda, waxayna soo reebeen qulufadiisii oo bilo kadib ay Istaanbuul geeyeen.

Markii nacashkii boqorka Istaanbuul la keenay, ee la damcay in la xabaalo, ayaa muftigii wuxuu soo saaray santuukhii yaraa ee suldaanku uu ka dardaarmay in la la duugo. Laakiin arrinkaasi wuxuu dood ka dhex dhaliyey wadaaddadii oo isku qabtay in falkaasi uu diinta waafaqsan yahay iyo in kale?

Wadaaddada qaarkoodu waxay ku adkaysteen in falkaasi uusan bannaanayn, oo shareecada islaamku ay xarrintay in ruux dhintay walax la la aaso, ciddii sidaas yeeshaana ay noqonayso cawaan aan diin lahayn, Suldaan Saleebaan Qaanuunina aan fal cawaan loo quurin. Qaar kale oo wadaaddada ka mid ahi waxay ku doodeen in la isla duugo boqorka iyo santuukhiisa, waxayna daliishadeen xaddiis nebiga (scw) laga wariyo oo oranaya: "[Qiyaamaha] ruuxa waxaa la la soo saaraa cidda uu jecel yahay /يحشر المرء مع من يحب". Wadaaddada xadiiska adeegsaday dooddooda waxaa lagu deedifeeyey in boqorku uusan meyd caadi ah ahayn, balse uu yahay shahiid Alle darti gurigiisa uga baxay, intii jihaadka lagu jireyna ay tiisii u timid, ayna gef weyn tahay in loo quuro waxaan diinta ku bannaanayn. Koox kale oo wadaaddada ka mid ahaa waxay ku doodeen in hadalka boqorku uusan amar ahayn balse uu ahaa dardaaran, dardaaranka iyo diinta in la iswaafajiyana aysan waxba ku jabnayn.

Iyada oo dooddu ay halkaas ka batorinayso, wadaaddadaduna ay talo isku raaci la' yihiin, baa waxaa u soo galay nin ka mid ahaa dadkii ka shaqayn jirey qasriga suldaanka, oo ku dhaliyey su'aal aysan horay isu weydiin oo ahayd: "Horta santuukha maxaa ku jira?" Kadib dood dheer oo ku saabsanayd in ay bannaan tahay furidda santuukha iyo in kale, waxaa la go'aamiyey in la furo, waxaana lala cajabay wixii loogu tagay oo noqday xirmooyin waaweyn oo warqado ah, oo markii la akhriyey la ogaaday in ay yihiin dhammaan fatwooyinkii ay wadaaddadu siiyeen suldaanka tan iyo maalintii uu xukunka qabtay ee uu carshiga ku fariistay.

Shiikh Abuu Sacuud Afendi oo ahaa wadaadkii santuukh hayey, warqadahana rogrogayey, fatwooyinkii badnaa ee wadaaddadu ay boqorka u fatwoodeen ee uu santuukha ka soo saaray, waxaa ka mid ahaa kuwii lagu dilay wadaaddadii Shiikh Ismaaciil Macshuuqii, Shiikh Xamsa Baali, Shiikh Muxyudiin Qarmaani iyo Shiikh Munlaa Qaabid Cajam, iyo tii lagu diley wiilkii suldaanku dhalay ee Amiir Mustafe (1515-1553), iyo weliba kuwo kale oo badan oo ay ka mid tahay fatwadii Shiikh Sacuud uu ku xarrimay fariisashada makhaayadaha bunka lagu fiiqsado. Maalinkaas Shiikh Sacuud Afendi waxaa laga maqlay isaga oo leh: "Saleebaanow naftaada waad badbaadisay, laakiin annaga samadee baa na harinaysa, dhulkee baase na qaadaya haddii aan ku gefnay fatwooyinkeenna? / لقد أنقذت نفسك يا سليمان! فأي سماء تظلنا وأي أرض تقلنا إن كنا مخطئين في فتاوينا؟"

Suldaan Saleebaan waxaa loo qiray in uu safka hore uga jiro boqorradii khilaafadii Cusmaanida iyo guud ahaan madaxdii dunida soo maray. Waxaa lagu sheegay in uu ahaa nin aqoon iyo karti badan lahaa. Muddadii nus qarniga ahayd ee uu talada hayeyna dowladdii Cusmaanidu waxay gaartay guulo badan oo isugu jirey aqoon, bulsho, ciidan, dhaqaale, fan, maamul iyo siyaasad. Wuxuu jideeyey sharciyo badan oo gadaashiis saddex qarni ka badan lagu dhaqmayey. Taana wuxuu ku mutay in loo bixiyo neynaasta "Saleebaankii qawaaniinta ama sharci dejinta".

Hase ahaatee, suldaanku bani'aadam buu ahaa, mana jiro ruux bani'aadam ah oo aan lahayn iin iyo wax la qoonsado. Iimaha lagu dhaliilo Suldaan Saleebaanna waxaa ka mid ahaa in uu aad u calmaday gabar addoon ahayd, oo uu markii danbe guursaday, carruurna u dhashay. Gabadhaas waxaa la oran jirey "Roksolana", laakiin waxay ku caanbaxday magac madaxtooyada looga bixiyey oo ahaa "Hoyaam ama Khuram Suldaan".

Khuram waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd qofka qura ee suldaanka waxay doonto ka dhaadhicin kartay. Ugu danbayntiina, waxay ku guulaystay in ay ka dhaadhiciso in uu dilo wiilkiisii curadka ahaa, oo suldaanka iyo bulshada badankeedu ay rumaysnaayeen in uu yahay kan aabbihi boqortooyada ka dhaxli doona.

Doodi kama taagna in Suldaan Saleebaan uu dilay wiilkiisii Amiir Mustafe, oo waa dhacdo ay dhigaallada taariikhdu si fiican u diiwaan geliyeen, laakiin waxaa dood yari ka taagan tahay sababta uu u dilay?

Waxaa jira dad qaba in suldaanku uu si wanaagsan u xusuustay sidii isaga aabbihiis (=Suldaan Saliimkii1-aad) uu xukunka uga qaaday awowgiis (=Suldaan Muraad), una diley labo amiir oo ay walaalo ahaayen oo la kala oran jirey Axmed iyo Korkoot. Taasina ay welwel iyo cabsi ku haysay, oo uu is lahaa adiga oo nool baa wiilashaadu ku afgenbin doonaan. Cabsidaas baana ah midda ku bixisay in uu dilo wiilkiisa. Waayo wuxuu ogaa in ay adkaan lahayd in uu boqor noqdo haddii aabbihiis uusan awowgiis afgenbin, adeerradiisna dilin. Waana tii la yiri: "Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa."

Docda kalena, waxaa jira dad isku hawla in ay eedda ka fogeeyaan Suldaan Saleebaan, oo ku dooda in sababta dilka keentay ay ahayd been abuur iyo shirqool ay maleegeen afada boqorka iyo rag arrinkaas kala shaqeeyey oo uu ugu darajo sarreeyey Rustam Baashaa (1500-1561), oo ahaa Ra'iisul Wasaare (=Sadrazam /الصدر األعظم), isla markaana boqorku uu soddog u ahaa. Khuram waxay damacsanayd in mid ka mid ah wiilasha ay iyadu dhashay oo da' ahaan iyo magac ahaanba mustafe ka yaraa ay waddada u xaarto. Arrinkaas oo ay ku guulaysatay, ka dib markii ay suldaanka ka dhaadhicisay in Mustafe uu maleegayo shirqool uu ku damacsan yahay in uu xukunka uga tuuro.

Sida dhabta ah, labada fikradood ma aha kuwo is burinaya, balse waxaa la oran karaa waa kuwo iskaabaya, oo waxaa is kaashaday cabsidii suldaanku uu ka qabay in wiilashiisu ay isaga oo nool talada kala wareegaan iyo damacii afadiisa oo ka faa'iideystay xanuunkaas xagga nafsadda ah ee suldaanka hayey. Suldaanku ma uu dilin Mustafe oo qura, balse sidoo kale wuxuu dilay wiil kale oo uu dhalay oo lagu magacaabi jirey Amiir Baayasiid iyo wiil yar oo Mustafe uu dhalay. Arrimahaas oo isu geyntoodu ay markii danbe keeneen in uu xukunka qabto Amiir Saliim oo ahaa kan ugu kartida yar wiilasha boqorka, laguna naynaasi jirey "Saliim Sarkhaansane" (=Sarhoş Selim /سليم السكران".

Guud ahaan, dhaqanka ah in walaal iyo wiil la dilo si xukunka looga dheereeyo waa mid soo jireen ah, meelo badan oo dunida ahna ka dhici jirey, welina ka dhaca. Sida la wariyey, khaliifkii dowladdii Cabbaasida ee Ma'muun oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyey walaalkiis Ammiin ayaa waxaa lagu yiri: Haddii Alle uu walaalkaa gacanta kuu soo galiyo, ha dilin oo riximka aad wadaagtaan darti ku cafi. Kolkaasna Ma'muun ninkii talada u soo jeediyey wuxuu ugu jawaabay: "Siyaasaddu rixin ma leh, raxmadna ma taqaan."

Khaliifkii Haaruun Rashiid (763-809), oo ah boqorka dhalay Amiin iyo Maamuun, qudhiisana waxaa laga wariyaa in uu mar Ma'muun ku yiri: "Wiilkaygow boqortooyadu waa ma dhalays, haddii aad adigu igu qabsatana waxaan kaa qaadayaa midka indhahaagu ay ku yaallaan [=qoortaan kaa jarayaa] / لك عقيم ولو نازعتني أنتميا بني ال على الحكم ألخذت الذي فيه عيناك".

Taas oo jirta, haddana dhaqanka wiil iyo walaal dilka waxaa si gaar ah ugu talax tegay, oo ku caanbaxay boqorradii khilaafadii Cusmaanida. Waxaana la sheegaa in amiirraddii Cusmaanida ee waalidkood iyo walaalahood ay dileen ay tiradoodu lixdan kor u dhaaftay.

Dhaqanka wiil iyo walaal dilka ee ay ku dhaqmi jireen khulafadii Cusmaanidu ma ahayn mid ay keligood go'aansadeen, balse wuxuu ku qotomay fatwo ay wadaaddadu siiyeen, oo ay ugu muujiyeen in falkaasi uusan dhib lahayn, oo uu yahay mid loogu adeegayo danta guud ee diinta iyo dowladda.

Wadaaddadu waxay ku doodaan in xasiloonida iyo jiritaanka dowladdu ay yihiin danta ugu weyn ee ay tahay in la ilaaliyo. Waxayna banneeyeen in la qaado tillaabo kasta oo looga hortagayo falalka mucaaradada iyo qulqulatooyinka ka dhalan kara. Waxayna cuskadeen in diintu ay fidnada reebtay, shareecaduna ay jideysay xad loo yaqaan "xadka xaraabada / حد الحرابة".

Dabadeed, Suldaan Maxamed Faatix (1432-1481) oo ahaa suldaankii Cusmaanida ee xilligiisii ay Muslimiintu qabsadeen magaaladii loo yaqiin Konistantinoobal, laakiin goor danbe loo bixiyey Istanbuul, ayaa wuxuu soo saaray xeer loo bixiyey "Xadka Xadgudubka /حد البغي", oo oranaya:

"Mid kasta oo ka mid ah wiilashayda oo Eebbe uu u hibeeyo in uu xukunka qabto, waxaa u bannaan in uu ka takhaluso walaalihiis si loo ilaaliyo danta dowladda, arrinkaanna waa mid ay banneeyeen culumada badankoodu, sidaa darteedna waa in lagu camalfalaa / ن ألي من أبنائي، الذي سيهبه هللا السلطنة، أن يتخلص من إخوته ألجلكم ِ مصلحة الدولة، وقد أجاز هذا أغلبية العلماء، فيجب العمل به".

Xeerkaan fatwada salka ku hayaa, suldaanka cusub ee xilka u harraadaan, wuxuu u oggolaanayey in uu dilo walaalihiis iyo wiilashooda, iyadoo qiil laga dhigayo in laga hortagayo tartan loo galo qabashada jagada suldaannimada.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah amiirrada la dilay, ma ahayn kuwo ku lug lahaa ama xataa looga shakiyey mucaarado iyo in ay ammaanka iyo xasiloonida wax u dhimayeen. In badan oo ka mid ah amiirrada la dilay waxaa la dilay iyaga oo carruur ah, oo qaarkood xataa aysan hadal baran. Eedda qura ee ay eersadeenna waa in ay ka dhasheen qoyska boqortooyada, ayna dhici karto in ay maalin ku hammiyaan qabashada xukunka. Tusaale ahaan, boqorradii Cusmaanida midkood oo la oran jirey Suldaan Maxamedkii 3-aad, habeen qura ayuu wuxuu dilay 19 amiir, oo isugu jirey walaalihiis iyo wiilal ay dhaleen. Sida la seegayna, amiirrada habeenkaas la dilay waxaa ku jirey 8 ilmood oo 3 ay weli naaska hooyadood nuugayeen.

Amiirrada la dilayo xarig xariir ka soohan baa lagu ceejin jirey. Amiirradii Cusmaanida ee qaabkaas loo dilayna tiradooda waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan lixdan amiir. Sababta loo doortay adeegsiga xarigga xariirta ahna waxaa lagu sheegay in uusan dhiig ka keenayn, oo waxaa la diiddanaa in dhiigga amiirradu uu dhulka ku daato.

Dhaqanka amiir diliddu wuxuu ahaa mid qoyska reer boqor iyo bulshada labadaba culays iyo murugo ku haya. Sidaa darteed, marar badan baa laga fekeray in la helo wax xal noqon kara oo lagu beddelo. Siyaabo dhowr ah oo loo arkay in ay xal noqon karaanna waxaa ka mid ahaa qaab loo bixiyey "nidaamka qafas ku haynta".

Nidaamka qafas ku hayntu waa in boqorku wiilashiisa midka uu doonayo in uu boqornimada ka dhaxlo oo keli ah uu u diro dugsiyo waxbarashada iyo goobaha shaqada, si uu aqoon iyo khibrad uga helo. Amiirrada kalena mid kasta waxaa la geyn jirey guri lagu hayo, oo ay joogaan gabdho jaariyado ah oo u adeega, la mana oggolayn in gurigaas xabsiga ah ay dhan u dhaafaan jeer ay ka dhintaan. Aqoon, shaqo iyo in ay ubad dhalaan midna looma oggolayn. Waxay dhiman jireen iyaga oo aan dunida waxba kala socon, caqligooduna uu la mid yahay kan dhallaanka dhawaan dhashay.

Ayaandarro, mararka qaakood waxaa dhacday in amiirkii dhaxal sugaha ahaa uu dhintay, ama ay la soo gudboonaadeen duruufo kale oo u diidaya in uu xukunka qabto. Marka xaaladdaasi ay timaaddana waxaa lagu khasbanaa in la boqro mid ka mid ah wiilashii qafiska lagu hayey. Maxbuuskaas caqli carruurka ah ee boqorka noqdayna ma uu lahayn aqoon iyo khibrad uu ku hoggaamin karo dowlad imbiraadooriyad ah oo u weyn sida khilaafadii Cusmaanida, oo saddex qaaradood ka talin jirtey. Taasina waa sabab ka mid ah sababihii keenay in imbiraadooriyaddii Cusmaanidu ay noqoto "ninka jirran ee reer Yurub" (=the sick man of Europe /رجل أوروبا المريض), ugu danbayntii ay burburto.

Cusmaan Ertugurul Gasi (dhintay 1281), oo ah boqorka loo aqoonsan yahay in uu yahay kan aasaasay Khilaafadii Cusmaanida, waxaa laga wariyaa sheekooyin badan oo middood ay oranayso:

Cusmaan Gaasi oo barbaar ah baa maalin wuxuu booqday shiikh ku sheegnaa cilmi iyo taqwo oo lagu magacaabi jirey Shiikh Edebali . Cusmaan intii uu shiikha la joogay, waxaa indhihiisu qabteen inan qalanjo ahayd oo Shiikhu uu dhalay, isla qacdii horena waran jacayl baa asiibay:

Qod baad tahay meel qabow ka baxoo

Qajeel ubaxii dhammaan qariyoo

Qacdii aan ku arkaan is qoonsadayoo

Bal qabsoo waabaan kuu qandhaysnahayee

*** *** ***

Daruur qorraxdiyo, dabooshay cirkoo

Dabeed onkod iyo hillaac ku dartoo

Da'aysoo i doojisaad tahayee (Magool; Raaxeeye).

Cusmaan durbadiiba shiikhii ayuu weydiistay in uu gabadha u guuriyo. Hayeeshee, shiikhii waa ku gacan sayray in uu u guuriyo. Cusmaanna isaga oo murugaysan ayuu ayaar meeshii uga luuday.

Dakharkii cishqigaa i dooganayoo

Dareemayoo waan damaqanayaayee

*** *** ***

Adigoo i daweeya mooyaanee

Daa'in baan qorin inaan dabiib helo e

Dabadeed, Cusmaan habeen habeennada ka mid ah ayuu wuxuu ku riyooday bil dayax oo ka soo baxday dhabarka Shiikhii gabadha dhalay, dabadeedna markii ay buuxsantay oo ay afar iyo tobnaad noqotay ku soo dhacday Cusmaan iyo gurigiisa, ka dibna dhabarka Cusmaan waxaa ka baxay geed yar oo si aayar-aayar ah u faalalay jeer harkiisu uu dunida oo dhan gaaray. Laamaha geedkaasi iyaga oo seef la moodo ayay wada tilmaamayeen dhanka magaalada Istaanbuul, oo waagaas loo yaqiin Konistantinoobal, caasimadna u ahayd Imbiraadooriyaddii Roomanka Bari ama Biisantida.

Goortii waagu baryey, Cusmaan wuxuu u tagay Shiikh Edebali, wuxuuna u sheegay riyadii xalay la tusay. Shiikhu riyada waa u bogay, oo wuxuu ku fasiray saadaal kheyr, isla fadhigiina gabadhii ayuu ku meheriyey. Gabadhaas waxaa la oran jirey Bala Haatuun ama Khaatuun, waxayna noqotay afadii boqorkii ugu horreeyey ee salaadiintii Cusmaanida. Sida la ogyahayna, boqortooyada Cusmaanidu waxay jirtey lix boqol oo sano, waxayna ka arriminaysay dhul ballaaran, oo ku baahsan saddexda qaaradood ee Aasiya, Afrika iyo Yurub.

Ayaandarro, riyadii boqor Cusmaan inkasta oo ay muddo dheer jirtey, miro baddanna ay dhashay, haddana ugu danbayntii waxay eersatay damac siyaasi iyo damiir xumo wadaad oo is biirsaday.

Fatwada wadaaddada iyo diinta oo siyaasad iyo dhaqaale loo adeegsadaa, waa aafada ugu weyn ee keentay burburka, jahliga iyo jowrka qarniyada badan aafeeyey Muslimiinta. Tusaale ahaan, markii bartamihii qarnigii 15-aad uu Johannes Gutenberg ikhtiraacay madbacadda, Yurub waxay heshay aalad u sahashay faafinta aqoonta iyo cilmiga, waxayna sameeyeen horumar lixaad leh.

Laakiin si taa ku lid ah, muslimiintii ay dowladdii Cusmaanidu garwadeenka u ahayd ma ay garan ahmiyadda ikhtiraacaan uu leeyahay, sannadkii 1515 waxaa la soo saaray qaanuun lagu mamnuucayo adeegsiga madbacadda, dhigayana in ciddii lagu qabto iyada oo madbacadda adeegsanaysa la dilayo.

Sida la sheego, qaanuunkaani wuxuu ku salaysanaa fatwo ay wadaaddo soo saareen oo oranaysay: "Iyadu [=madbacaddu] waa shar, haddii la oggolaado adeegsigeedu wuxuu irdaha u furayaa faafidda denbiyada waaweyn iyo xumaan oo idil, sida in sawirro la daabaco iyo in la beddelo xuruufta quraanka / أنها مفسدة من شأن السماح باستخدامها فتح الباب على مصراعيه إلنتشار الكبائر والموبقات مثل طباعة الرسوم وتغيير حروف القرآن".

Muddo saddex boqol oo sano ka badanna, meel kala duwan oo dunida Muslimka ka mid ah, wadaaddadu waxay ka soo saarayeen fatwooyin lagu xarrimayo adeegsiga madbacadaha, laguna gaalaysiinayo dadka isku daya in ay buug daabacaan- gaar ahaan buugta diiniga ah ee farta carabiga ku qoran oo quraanka kariimku uu kow ka yahay (=Dadka carabiga wax ku qora waxaa u badnaa wadaaddada. Wadaaddaduna si fudud kuma aysan oggolaan karin in xirfaddooda loogu yimaado). Madbacadihii ugu horreeyey ee dunida Muslimka laga hirgaliyana waxaa iska lahaa dad aan muslimiin ahayn, sida Yahuudda iyo Masiixida.

Hadal iyo dhammaanti, fatwada wadaaddada ee ummuuraha adduunyada ku saabsan, dhib mooyee dheef lagama kororsado. Maxaa yeelay, wadaaddadu waxay diidaan wax walba oo cusub, waxayna banneeyaan wax kasta oo siyaasiga iyo maalqabeenku ay dantooda ka arkaan. Noloshu diinta waa ka badan tahay, marka la damco in la isku jaangooyana diinta iyo nolosha labaduba waa qurmaan.

Comments