Ganbadii madoobayd

Ganbadii madoobayd

Waxaa jira halkudheg caan ah oo xayeysiinta loo adeegsado oo yiraahda “Quruxi waa madow ama madowgu waa qurux /Black is beautiful”. Waa halkudheg waa fog baxay, lakiin wuxuu aad u baahay lixdamaadkii qarnigii tagay, xilligaas oo dadka madow ee Maraykanku ay ku jireen halgankoodii xuquuq iyo xorriyad doonka ahaa.

Giriiggii hore waxay la ahayd in caddaanka iyo madowgu ay yihiin labada midabyada ugu asal san, midabyada kale oo dhammina ay yihiin isku qas ka dhasha caddaan iyo madow heerar kala duwan la isugu barxay. Hase ahaatee, baaritaannadii Mudane Isaaq Newton ayaa waxay caddeeyeen in ay jiraan toddobada midab ee loo yaqaan midabyada qaanso-roobaadka. Waxaana la ogaaday in caddaanka iyo madowga midkoodna uusan ku jirin midabyada asalka ah ama xataa aysanba midab ahayn.

Guud ahaan, midabyadu waxay leeyihiin taariikh iyo saamayn ballaaran, laakiin midabbada oo dhan kan loogu muranka badan yahay waa madowga. Midabka madow waxaa la la xiriiriyaa arrimo badan oo mararka qaarkood lid isku ah. Dhan waxaa la la xiriiriyaa geerida, asayda, sixirka, sheydaanka iyo wixii xun oo idil, laakiin dhanka kale waa astaan u taagan awood, barwaaqo, xarrago, iqk.

Waxaana la rumaysan yahay in saddexda diimood ee Ibraahimiga ama Samaawiga ahi – siiba Yahuudiyadda oo iyadu labada kale asal u ah- ay qayb lixaad leh ka qaateen sawirka foosha xun ee dad badani ay ka haystaan midabka madow. Diimahaani waxay sheegaan in midabka madoobi uu yahay kan sheydaanka, gaalada, cudurrada, geerida iyo kan ehlu-naarka. Taasina waxay keentay in aalaaba dadka diimahaas haystaa ay isku xiraan madowga iyo xumaanta.

Siday ahaataba, halkaan uga hadli mayno mawduucaas aadka u ballaaran, laakiin waxaan jecelnahay in aan xusno hal dhacdo oo xiriir la leh midabka madow, oo ah sidatan;

Abbaaraha waa hadda laga joogo 1350 sano, ayaa ganacsade Ciraaqi ahaa magaalada Madiina al-Munawara wuxuu geeyey dhar uu beec ku doonayey. Dharkii oo dhan waa laga iibsaday marka laga reebo garbasaaro iyo ganbooyin midabkoodu madoobaa oo aan iyaga kam laga oran. Ganacsadihii oo yaabban, kana welwelsan in maryahaas ku baaray ay ganacsigiisa iyo dhaqaalihiisa dhaawacaan, ayay maalintii danbe waxay is arkeen gabayaa asal ahaan reer Ciraaq ahaa, laakiin markaas deggenaa magaalada Madiina oo masjidka rasuulka (scw) isaga cibaadaysan jirey. Markii la iswaraystay wuxuu uga sheekeeyay sababta uu magaalada u yimid iyo badeecadda ku baartay.

Gabyaaga oo magaciisa la oran jirey Rabiica bin Caamir, dadka badankooduse u yaqaan naynaasta ‘Miskiin al-Daarmi’ (dhintay dabshidkii 89H/ 708M), wuxuu ahaa nin dhallinyaranimadiisii caan ku ahaa ciyaaraha iyo tirinta maansada lagu madadaasho, gaar ahaan midda dumarka loo tiriyo ee Carabtu u taqaan ‘Qasalka/الغزل’, laakiin maalinta ay ganacsadaha is arkayaan wuxuu ahaa oday dhan u batay oo tusbaxa laasimay, oo lagu yaqaan cibaado iyo suhdi. Gabyaaga oo ka danqaday walaaca ganacsadaha ka muuqda, wuxuu warqad ku qoray gabay dhawr meeris ka kooban, ganacsadihiina wuxuu u sheegay in inta uu suuqa tago uu kuu luuqeeyo tixdaas.

Miraha gabayga waxaa ka mid ahaa:

د لل َمليَحَحِةِة في الِخِخماِرِر األسوِدِد — ماذا َفَف َعلِتِت ِبِبزاِهِه ٍد ُمُمَتَتعِّبِّب ِِلُقُق

دَرَر للصـــالِةِة إزا َرُهُه — َحَحتى وقفت َله ِبِبباِبِب ال َمسج ِِمَقد كان َشَش

دِِمُر ِِّدي َعَع َلي ِه َصالَتَت ُه وصـــيا َم ُه — ال َتَتق ُتلي ِه ِبِبَحَحـــِّقِّق ِدِديــِنِن ُمُمَحَحــ

Tarjamadu suugaanta nuxurka bay ka qaaddaa, oo nas kastaa wuxuu muunad ku leeyahay in afkiisii asalka ahaa lagu akhriyo ama lagu maqlo. Hayeeshee tarjamada macnuhu Soomaali ahaan waa sidatan;

Quruxleyda ganbada madow waxaad weydiisaa, Waxay ku samaysay saahidkii cibaadada badnaa Xilli uu salaad guntiga u dhuuqsaday Baad masaajidka illinkiisa u istaagtay Waxaadna kala tagtay saladdii iyo soonkii Waxaad kala tagtay diintiii iyo iimaankiii Waxaadna ka tagtay isaga oo wareeray oo aan hanuun lagu ogayn Diinta Muxamed baa lagugu dhaariyey ee ha dilin In aan lagu cadaabin u celi iimaankiisii iyo yaqiintiisii In aan lagu cadaabin u celi salaaddiisii iyo soonkiisii Axmed iyo Ciisaa lagugu dhaariyey ee u celi iimaankiisii

Markii gabaygu soo baxay durba waa la isla dhexmaray oo la isu tebiyey, haweenkii magaaladana mid kastaa waxay is tiri aad noqotid ilwaad-quruxda gabyaagu sheegay, ganbadii iyo garbasaarihiina mid iyo ka badanba way ka iibsatay. Maalmo yar gudahoodna maryihii madoobaa waa lagu leefay, oo danbayso ma gaarin. Halkaana waxaa ka bilaabatay moodo ah in dumarka Madiino iyo guud ahaan dumarka Carabtu ay jeclaystaan xirashada ganbada iyo garbasaaraha madow.

Runtii, moodadaani aad uma xoogaysan, waayo? Sida la ogyahay, Khaliijku waa dhul kulul, midabka madoobina qorraxda ayuu soo jiitaa, dadkiisuna batrolka ka hor waxay ahaayeen sabool aan qaboojiyeyaal heli karin, dhanka kalena aan ka maarmin shaqada haweenku ka qabtaan guryaha dibeddooda. Sidaa darteed, dumarka Khaliijku ma aqoon jilbaabka weyn ee hadda loo bixiyey xijaabka iyo maryaha madow toona. Waxaana la rumaysan yahay in xirashada cabbaayadda madow Sacuudiga laga bartay siddeetankii sano ee u danbeeyey, ayna ka soo gashay dhanka Ciraaq iyo Shaam, oo iyaguna ka soo qaatay Turkiga iyo Iiraan. Faafidda cabbaayadda madowna waxaa ka qaybqaatay dhaqaalaha khaliijiyiintu heleen batroolka ka dib.

Gabaygaan iyo suugaanta kale ee la midka ahina waxay marag u yihiin saamaynta fanka iyo suugaantu ay ku leeyihiin laamaha kala duwan ee nolosha –bulsho, dhaqaale, dhaqan, diin, siyaasad, iqk.

Gabaygaan oo hees ahaan loogu luuqeeyo tan iyo maanta wuxuu ka mid yahay heesaha Carabtu ugu jecel yihiin, waddamada Carabta badankooduna waxay waafajiyeen ciyaar dhaqameedkooda, oo waxa jira nuqul Ciraaqi ah, mid Masri ah, mid Muritaani ah, mid Shaami ah, mid Suudaani ah, …iqk. Malaha ummadaha Carabta sheegta oo dhanna Soomaali oo qura ayaan ku madiixin gabay-heeseedkaan. Taa oo marag u ah in Soomaalidu aysan Carabta la wadaagin wax dhaafsiisan diinta Islaamka iyo dhaqashada geela. Heestu waxay kaloo leedahay nuqullo dhallintu ku dhaanteeyaan iyo nuqullo waayeelku ku wardiyaan.

Waxaa xusid mudan, in xilliga gabaygaani uu soo baxay oo ah sabankii dowladdii Ummawida ay magaalada Madiina - si la mid ah sidii Hargeysa mar u ahayd hooyada fanka Soomaalida - ahayd hooyada fanka Muslimiinta.

Ugu danbayntii, midabka madow waxaa si gaar ah u jecel dadka wax qora, maxaa yeelay? Dadka wax qora badankoodu waxay ka baqaan xaashida cad ee maran. Waxayna ku ducaystaan in mar bilig loo siiyo erayo xaashida cad cabsideeda xoogaa ka yareeya.

Comments