Gari Ilaah bay taqaan!

Dilka la sheegayo in dowladda Sacuudigu ay la damacsan tahay Shiikh Salmaan Cowdah iyo asxaabta kale ee la xirani waa dil siyaasadeed oo danta laga leeyahay ay tahay cabsi gelinta mucaaradka, bulshada rayidka ah iyo kuwa xuquuqu insaanka u dooda.
Dowladda Sacuudigu wadaaddada marka ay ka dhamaysato oo danteeda ka gaarto ayay dhabarka ka toogataa. Tusaale ahaan, boqor Cabdicasiis in uu boqortooyada dhidibada u taago waxaa u suurogaliyey taageeradii aydaloojiyadda iyo ciidanka isugu jirtey ee uu ka helay wadaaddadii Wahaabiga ahaa ee loo yiqiin ‘Ikhwaanka’, laakiin markii uu xoogaystay oo dhulka wada qabsaday Ikhwaankii buu xasuuq iyo baabi’in ugu dhaqaaqay. Sidoo kale, dowladda Sacuudigu markii ay fulinaysey codsigii reer Galbeedka ee dagaalku kala dhexeeyey Midowgii Soofiyeet waagii uu socday dagaalkii qaboobaa, waxay soo saartay Usaama Binlaadin iyo kumanyaalkii dhallinyarada ahaa ee uu hoggaaminayey ee Afganistaan ka dagaallamay, kolkii reer Galbeedku dantoodii gaareenna dowladda Sacuudiga iyo wadaaddada u fatwoodaa waxay bilaabeen ka takhalusidda barbaartii ay iyagu dagaalka u direen iyaga oo ku eedaynaya in ay yihiin Khawaarij fidnowadayaal ah.
Salmaan Cowdah iyo afkaartiisu hadda cirka kama ay soo dhicin, balse ku dhawaad konton sano ayaa Sacuudigu –xukuumad iyo shacabba- ogaayeen. Afkaartii uu sagaashanaadkii faafin jirey baana wax badan ka dhib iyo khatar badnayd midda uu hadda faafiyo. Haddaba, maxaa dilka hadda keenay?
In dilku yahay mid siyaasadeed waxaa marag u ah qiilka daliilka looga dhigay ee ah in uu yahay ‘Tacsiir /تعزير”. Taa oo macneheedu yahay in dowladda Sacuudigu aysan qaanuunka iyada u deggen iyo kan dunida kale midna ka heli karin qodob cad oo ay u adeegsato dilka dadkaan.
Nin baa waxaa laga sheegay inuu yiri: Markaan arko dhurwaa dhurwaa kale ka gardaran, sanka ma ka qaniintaa baa igu soo dhacda!

Comments