Haweenka Soomaaliyeed muwaadiniin ma yihiin?
Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Hal nin gurrani dheelmay dhanna uma fiyooba”, waxaa taa ka dhigan xaaladda haweenka Soomaaliyeed. Waayo, sida wararku sheegayaan haweenka waxaa u showray wadaaddo iyo oday dhaqameedyo, inta la ogyahayna haweenka waxaa ugu liidid badan qabiilka iyo wadaaddada oo labaduba metala bulshada qaybteeda muxaafidka ah ee isbeddelka neceb.
Wadaaddada ku doodaya haweenku siyaasadda ma geli karaan ama xilalka sare ee qaranka ma qaban karaan, dooddoodu waxay si toos ah uga hor imaanaysaa fikradda “Muwaadinnimada/Citizenship” oo ah fikrad dastuuri ah, oo dhextaal u ah macnaha ay leedahay dowladnimada casriga ahi. Aragtidaydana su’aasha jawaabta u baahani ma ahi: diintu haweenka ma u oggoshahay in ay siyaasadda galaan iyo in kale, balse isweydiinta jawaabta u baahani waxay tahay: haweenka Soomaaliyeed ma yihiin muwaadiniin leh xuquuq muwaadinnimo oo buuxda?
Kolkii Banazir Bhutto ay noqotay Ra’iisu Wasaaraha Bakistaan, ka dib markii ay ku guulaystey doorashadii dalkaas ka dhacday 16 Nofeembar 1988, ayaa hal mar waxaa qaylo-dhaan ku dhuftay inta jecel in ay ku hadlaan magaca Islaamka oo uu horboodayey Mudane Nawaz Sharif oo isaga doorashadii looga adkaaday, waxayna ku calaacaleen in arrinka dhacay uu fadeexo iyo meel ka dhaca ku yahay Bakistaan, waayo: “Weligeed ma dhicin in dal Islaam ah ay bilcaani xukuntay….. 15kii qarni ee Islaamku jirey, laga bilaabo sannadkii 1-aad ee Hijrada (622CD) tan iyo maanta (1988), maamulka arrimaha dowladdu waxay ahaayeen hawl ragga u gaar ah oo aan lagu fara gelin. Abidkeed taariikhda Islaamka ma dhicin in haween taaj loo xiray! Abidkeed ma dhicin in haween dowlad ka taliyeen”.
Hase ahaatee, si ka duwan doodda kor ku xusan, taariikhda islaamku waxay na baraysaa in xilliyo kala duwan ay ku dhawaad boqol gabdhood dunida Islaamka boqorro ka noqdeen. Meelaha ay boqorrada ka noqdeenna waxaa ka mid ah Masar, Yaman iyo Hindiya. Welibana gabdhahaas qaarkood ay fariidnimo dheeraad ah muujiyeen. Oraahda tiraahda: " Ma liibaanto qolo taladooda taf dumar la geliyey/ لن يفلح قوم ولو أمرهم امرأة", waa oraah geeljire oo aan caqli iyo diin toona cuskanayn.
Diinta Islaamka iyo Muslimiintu haweenka siyaasadda uma diidin, laakiin had iyo goor dunida Islaamka waxaa ka jirey wadaaddo jecel in haweenka siyaasadda laga fogeeyo. Wadaaddadaasi waxay ku doodeen in jagada khaliifku ay leedahay dhowr shardi oo lamahuraan u ah, ayna ka mid yihiin; in khaliifku lab yahay iyo in uu Carab yahay.
Sidaa darteedna, waxaa la sheegaa in dumarka tirada badan ee dunida Islaamka madaxda ka noqday aysan ku jirin mid qura oo qaadatay naynaasta “khaliif”, laakiin waxay qaadan jireen naanayso kale oo aan kan khaliifka ka dhicin oo ay ka mid yihiin; Boqorad, Suldaanad, Khaatuun, Xurra,,,, iqk ((Akhristo faahfaahinta qodobkaan ku saabsan haweenka hoggaamiyeyaasha ka noqday dunida Islaamka waxaad ka eegtaa qoraallada sida gaar ka ah uga hadla, oo uu ka midka yahay buugga ay qortay Fatima Mernissi ee cinwaankiisu yahay “Suldaannada La Illoobey Ee Islaamka/ The Forgotten Queens of Islam”, oo labo nuqul oo Carabi iyo English ka la ah aan halkaan kuugu soo lifaaqay).
Fikradda muwaadinnimada oo beddeshay dhammaan waxyaabihii ay dunidii hore dadku isku bahaysan jireen, waa fikrad dunida ku cusub oo dunida laga baratay wixii ka danbeeyey intii la bartay fikradda “dowlad-qaran/nation- state”, waxayna kulmisaa bulsho waddan wadaagta, iyada oo aan loo eegayn af, dhaqan, diin, midab, afkaarta ay rumaysan yihiin iyo lab iyo dheddig midka ay yihiin.
Dowladdu waa shirkad ay wadaagaan dhammaan dadka haysta dhalashada waddanka, oo lahaanshaha dhulka ayaa laga kasbadaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinnimo. Tusaale ahaan, haddii tirada dadka Soomaaliyeed lagu qiyaaso in ay yihiin 20 malyan oo ruux, baaxadda dhulka Soomaaliyeedna lagu qiyaaso xxxx,xxx Km2, 20 malyan ee Soomaalida ahi waxay u siman yihiin dhib iyo dheef wixii ka jira dhulka baaxaddiisu intaas le’eg tahay. Shuruudda muwaadinnimadana kama mid ah in la wadaago dhalasho, dhaqan, diin iyo midab toona. Iyada oo arrimahaas iyo kuwo kaleba lagu kala duwan yahay ayaa waddan qura lagu wada abtirsan karaa.
Muwaadinnimadana waxaa ka dhalanaya in xubnaha bulshada oo dhammi ay yeeshaan xuquuq iyo waajibaad is le’eg, oo uusan jirin muwaadin mid kale ka sarreeya ama ka hooseeya iyo xilal si gaar ah loogu qoondeeyo qayb go’an oo bulshada ka mid ah.
Fikradda muwaadinnimadu waa fikrad qaanuun iyo siyaasad ahaanba la yaqaan, mana aha fikrad diin shaqo ku leh, oo u baahan in aayado quraan ah iyo axaadiis loo raadiyo. Sideedabana waxaa habboon in lagu baraarugsanaado in diimuhu- marka lagu daro diinta Islaamku- aysan aqoon fikradda muwaaddinimada. Waayo, diimuhu waa caqiido ama aydiloojiyad ay tahay in la rumeeyo ama la beeniyo ee ma aha dhalasho. Tusaale ahaan, diinta Islaamka lagama helo fikradda muwaadinnimada, balse waxaa jirta fikrad waa hore muddo la yaqiin oo ah waxa loogu yeero “Raciyad” Fikradda raciyadu waa fikrad hore oo aan qaadan karin macnaha uu maanta leeyahay erayga “Muwaadin”, sidaa darteedna ma ah firkad dunida casriga ah ka shaqayn karta, oo bulsho lagu dhiqi karo.
Isku soo xooriyoo, marka laga hadlyo xuquuqda haweenka waa in laga hadlaa xaqooda muwaadinnimo, marka si cad loo aqoonsado xaqooda muwaaddinimo ka dib ayaa la aqoonsanayaa xaqooda siyaasadeed iyo kooda dhaqan-dhaqaale. Inta laga qirayo xaqa muwaaddinnimada ka hor, lagama yaabo in ay helaan xuquuq, doodduna waxay ku wareegi doontaa meel cidlo ah. Waxaana fadeexo ah in bulshada barkeed la curyaamiyo iyada oo qiil laga dhiganayo in shaqada suuqu aysan ku habboonayn abuurkooda iyo akhlaaqdooda.

Comments