Heshiiskii Juxa iyo afadiisa

Ku Allahoode, waxay wariyeen in maalin maalmaha ka mid ah nin magaalo qaalli ka ahaa uu u tagay ugaaskii Juxa ahaa, uuna ku yiri: "Waxaad iiga warrantaa xaalka adiga iyo afadaada? Weligay ma maqal wax khilaaf ah oo idin dhex maray."

Juxa: "Waa runtaa oo weligayo wax iskuma qaban. Maxaa yeelay habeenkii koowaad ee arooskayaga ayaan xeer meel dhigannay. Ilaa iyo haddana, xeerkaas baan ku dhaqannaa. Xiriirkayaguna aad buu u wacan yahay."

Qaalligii: "Fadlan, waxaad ii sheegtaa xeerkaas dahabiga ah ee aad ku liibaanteen, waayo maalin walba waxaan galaa khilaaf qoysas u dhexeeya, sidoo kalena waxaa ii yimaado kuwo talo i weydiinaya."

Juxa: "Waa xeer aad u fudud, waxaan ku heshiinnay in go'aan ka gaaridda ummuuraha yar-yarka ah ay iyadu yeelato, aniguna aan yeesho go'aanka ummuuraha waaweyn."

Qaalligii: "Si wanaagsan baad yeesheen, laakiin tusaale ma iga siin kartaa ummuuraha yaryarka ah iyo kuwa waaweyn?"

Juxa: "Tusaale ahaan, nooca raashinka la cunayo, nooca dharka la xiranayo, guriga aan degayno, gaariga aan iibsanayo, waxbarashada carruurta, filinka iyo riwaayadda lagu madadaalanayo, meelaha dalxiiska loo tagayo, sida asxaabta iyo qaraabada loola dhaqmayo,,, waxaas oo idil waa ummuuro yaryar, go'aankoodana iyada ayaa iska leh."

Qaalligii: "Haddaba, maxay yihiin ummuuraha waaweyni?"

Juxa: "Falanqaynta diinta, falsafadda iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, in Eebbe uu jiro iyo in kale waa arrin weyn, go'aankiisana aniga la iiguma tago!"

Juxa waa runti, oo haweenku nolosha ayay ku mashquulaan, ka fekeridda wax maqanna kasho uma helaan. Diimaha iyo falsafaddu weligood waxay ahaayeen ummuuro raggu ay ku murmaan. Buugta muqaddaska ah ee diimaha kala duwanna kuma jiro hal buug oo haweenay loogu abtiriyo. Si taa la mid ah, diimaha towxiidiga ah -Yahuudiyaadda, Masiixiyadda iyo Islaamka- oo dhammi waxay qabaan in nebiyadii Alle soo diray oo idil ay rag wada ahaayeen, oo Eebbe uusan abidki soo dirin haweenay nebiyad ah. Tusaale ahaan, wadaaddada Muslimiintu waxay sheegaan in Eebbe uu soo diray anbiyo tiradoodu ay ka badan tahay 124,000 oo nebi, nebiyadaas oo dhanna aysan hal dumar ahi ku jirin.

Comments