Igaarkii Alle Dacweeyey (Faallo filin)
Fanka noocyadiisa kala duwani waa aalado loo adeegsado in dareen iyo fikrad loogu soo bandhigo sida ugu nuxur iyo quluud badan. Fanka iyo suugaanta oo filimaantu ugu horreeyaan waxay hantaan maanka iyo khayaalka dadka, waxayna ku reebaan dareen iyo saamayn waara. Sidaa darteed, fanku wuxuu ku guulaystaa in uu farriimo waaweyn si fudud noogu sheego. Filin sameeyaha caanka ah ee Jean-Luc Godard wuxuu yiri: “Sababta keliya ee fanku noo soo jiitaa waa awoodda uu u leeyahay in uu bannaanka soo dhigo siraha ugu qarsoodiga badan ee nafteenna ku jira.” Fanku wuxuu fursad noo siiyaa in aan isku maadsanno, oo sida la yiri aan: “dhibkayaga muusig gaaban ka dhiganno.”
Arrinkaas baana keenay in la helo filimaan dhammaan laamaha nolosha ka hadla – bulsho, dhaqaale, dhaqan, diin, naf, saynis, siyaasad,…iqk. Mddaas baana keentay in ay jiraan filimaan aad u badan oo ka hadla mawduucyo diin la xiriira. Weliba taa waxaa dheer in aalaaba filimaanta diinta ka hadlaa ay dood iyo muran abuuraan, dadkuna ugu qaybsamaan qaar u khushuuca iyo qaar kale oo ka qayliya.
Si kastaba ha ahaatee, sanooyinkii la soo dhaafay, maxkamado badan oo ku kala yaal dalal kala duwan oo dunida ka mid ah, sida Maraykanka, Hindiya, Israa’iil iyo qaar kale ayaa waxay qaadeen dacwado eedaysanuhu yahay Ilaah ama Eebbe.
Guud ahaan, aadamigu marka uu nolosha culays kala kulmo, wuxuu xasuustaa tilmaamaha Alle ku sheeggan yahay ee ah inuu wax walba og yahay, wax walbana awoodo, xikmad iyo caddaalad miirran uu yahay. Dabadeed, wuxuu wax iska weydiiyaa sababta dhibka iyo dulmiga dhacay ay u dhaceen? Ma xaggiisa ayaa wax ka khaldameen mise Alle ayaa si kale wax u arkay?
Dhaqanka Alle ashtakayntu waa dhaqan fil weyn oo qiyaastii dunida ka jirey tan iyo markii aadamigu Alle bartay. Laakiin dacwadahaasi ma aysan ahayn kuwo si rasmi ah ay maxkamado u qaadaan.
Tusaale ahaan, Yahuuddu muddo dheer waxay ku andacoon jireen in ay yihiin ummad Alle doortay. Taa oo jirta, haddana marka ay dhib la kulmaan, durba waxay isweydiin jiree in Eebbe balantii uga baxay iyo in kale?
Bilmatal, waxaa la sheegaa in buugga Malakhi (=Malachi) oo ka tirsan Towreedku uu sawirayo dacwad maxkamad ka dhacaysa, dacwaduna ay u dhaxayso Alle iyo Israa’iilada. Israa’iilidu waxay Alle ku eedaynayaan in uusan jeclayn, Eebbana wuxuu ku leeyahay idinka ayaa dhaqan xun, laakiin anigu “weligay waan idin jeclaa, waana idin jeclaan doonaa.”
Si taa la mid ah, waxaa la wariyaa in markii Naasidu ay bilaabeen xasuuqa Yahuudda, ay Yahuuddu isweydiiyeen: war halkee na looga yimid? Ma Alle ayaa ballantii nooga baxay? Weydiimahaas iyo doodihii ka dhashayna mar danbe waxaa laga sameeyey filin loo bixiyey ‘Eebbe oo maxkamd saaran/ God on Trial”.
Yeelkadeede, xaaladaha dacwooyinka Eebbe ka dhanka ahi waxay kordheen ka dib markii sannadkii 2001 uu soo baxay filinka Ostereeliyaanka ah ee lagu magacaabo "Ninkii Alle dacweeyey / The Man Who Sued God". Qisada filinka oo koobanna waa sidaan;
Steve Myers (Billy Connolly) oo nacay basarxumada abuukaatayaashu xirfaddii uu ku shaqaysan jirey ee abuukatenimada wuxuu ka doorbiday in uu ku kalluumaysto doon yar oo guri iyo meheradba u noqotay. Waa sabool carmal ah oo xaaskii ay ka raacday nin kale ka dib markay u adkaysan weyday habdhaqankiisa loofarnimada ku dhisan, dunida oo dhanna wuxuu saaxiib kala yahay inantiisa yar ee Rebecca iyo eygiisa Arthur. Myers marka ay biriqi burburiso doontiisii yarayd ee uu ku kalluumaysan jirey wuxuu naftiisa u sheegayaa in aan dhib jirin maadaama doontiisu ay caymis buuxa (=fully comprehensive) ku jirtey, wuxuuna u tagayaa shirkaddii doontiisu ay ka caynsanayd, laakiin shirkaddu waxay u sheegaysaa in aysan wax magdhow ah u hayn, sababtuna ay tahay in shilka dhacay uu yahay "Qaddar Alle / An act of God", maqaadiirta Eebbana aysan ku jirin khataraha shirkadaha caymisku magdhawga ka bixiyaan.
Maqaadiirta Alle (=Act of God) waa erayo kooban oo far yaryar lagu qoro oo shirkadaha caymiska fursad u siiya in aysan magdhaw siin qayb lixaad leh oo ka mid ah macaamiishooda.
Denbiilayaal badanna eedsiinta fal-denbiyeedkooda waxay uga fakadaan in ay marmarsiinyo ka dhigtaan qaddarta Alle. Soomaalina waa tii horay u tiri: “Doqon qaddar taqaan lagama qiil helo!”
Myers oo yaabban oo garan la’ meel uu wax ka qabto ayaa wuxuu soo hor marayaa kaniisadda xaafaddiisa, indhihiisuna waxay qabanayaan erayo laga soo xigtay buugga Beybalka oo ku qoran derbiga hore ee kaniisadda oo oranaya: "Yaa dhegaysanaya kuwa Eebbe ka dacwoonaya /Who Will Listen To Thy Complaint Against God". Erayadaasna wuxuu kala baxayaa fikrad ah in halkii uu ka dacweyn lahaa shirkadda caymiska uu ka dacweeyo Alle oo ay metalayaan wadaaddada diimaha ee sheegta in ay Alle wakiil ka yihiin. Inta uusan dacwada si buuxda u bilaabin wuxuu si lama filaan ah makhaayad ugu baranayaa gabar wariye ah (Judy Davis oo filinka ku jilaysa magaca Anna Redmond) oo aano gaar ah u qabta shirkadaha caymiska oo fursad u siinaysa in indhaha saxaafaddu ay dacwada ku soo jeestaan, oo si weyn u tebiyaan.
Aalaaba maxkamaduhu ma qaadaan dacwooyinka Ilaah qaybta ka yahay, sababtana waxay ku sheegaan in Ilaah uusan lahayn cinwaan loogu hagaago, taasina ay keenayso in dacwadu adkaato ama xataa ay socon weydo. Hayeeshee filinkaani wuxuu furay irrid cusub oo ah in Alle beddelkiisa la dacweeyo wadaadda diimaha ee sheegta in ay Alle wakiil u yihiin, afkiisana dadka kale ka badiyaan. Sida wadaaddada diimuhu sheegaan Alle meel kasta -marka lagu daro maxkamadaha gudahooda- ayuu joogaa, sidaa darteedna looma baahna in cinwaan gaar ah uu yeesho, haddii laga badin waayana cinwaankiisu wuxuu noqonayaa xarumaha cibaadada ee diimaha kala duwan, sida Kaniisadaha, Macaabidda, Masaajidda, iwm.
Dacwaddu waxay u bilaamanaysaa wadaaddada diimaha oo laga xusay kuwa kaniisadda Roomanka, kuwa Anjelikaanka iyo kuwa Yahuudda oo haysta taageerada shirkadaha caymiska. Wadaaddadana waxaa horyaal in ay kala doortaan labo arrin oo mid walbaa uu kharaar yahay, waxayna kala yihiin in ay qiraan in dhibku yahay mid Alle geystay markaana ay diyaar u noqdaan in ay magdhaw bixiyaan iyo in ay inkiraan in Ebbe shilka mas'uul ka yahay markaana dhan wadaaddadu waxay noqonayaan kuwo dafirsan jiritaanka Alle, dhanka kalena shirkadaha caymisku waxay waayayaan qiil ay macaamiisha ku duudsiyaan.
Steve Myers wuxuu oranayaa: Haddii Alle jiro waa in Kaniisaduhu mas’uuliyadda qaadaan.
Anna Redmond-na waxay ugu jawaabaysaa: Sida keliya ee Kaniisaduhu dacwadaan ugu guulaysan karaan waa in ay qiraan in aan Alle jirin. Ma yeeli karaan sidaas?
Dhanka kale, sannadkii 2012kii Bollywood-ka Hindiya wuxuu soo saaray filin lagu tilmaamay in uu ahaa filinka loogu daawashada badnaa, lacagta ugu badanna ay ka soo xarootay taariikhda filimaanta Bollywood-ka. Filinkaas waxaa lagu magacaabaa "Allahayow! OMG: Oh my God!", Wuxuuna ku mawduuc yahay filinkaan ‘Ninkii Alle dacweeyey’, wuxuuna ka hadlayaa nin Alle dacweynaya ka dib marka dukaankiisii yaraa dab qabsado, shirkadda caymiskuna diiddo in ay magdhaw siiso iyada oo qiil ka dhiganaysa in shilku ku dhacay ‘Qaddar Alle’. Eebbana dacwada waxaa wakiil uga ah wadaaddada diimaha Buudiyada, Hinduusiyadda, Islaamka iyo Kirishtaanka.
Labada filimba waxay si dadban isu weydiinayaan in wadaaddada diimuhu ay dhab ahaan u rumaysan yihiin wax ay dadka ku wacdiyaan iyo in kale? Iyo sida ay uga falceliyaan marka caqliga iyo qaanuunku ay careeyaan caqiidada ay faafiyaan? Ma jiraa farqi u dhexeeya habdhaqanka wadaaddada diimaha iyo wiilasha suuqgeynta u qaabilsan shirkadaha caymiska?
Filimaanta ‘Ninkii Alle Dacweeyey’ iyo ‘Allow!’ waa filimaan mawduuc culus oo falsafi ah ku soo bandhigay qaab fudud oo fan ah, farriintooduna ma aha ilxaad iyo Alle- diidnimo, balse waxay si cad u diidayaan sida xun ee diimaha loogu danaysto, waxayna farta ku fiiqayaan ganacsatada iyo shirkadaha ganacsigooda diinta u adeegsada. Sidaa darteedna waxaan arkaynaa filinka ‘OMG: Oh my God’ oo xoogga saaraya in Eebbe meel kasta joogo loona baahan yahay in Eebbe la jeclaado ee aan laga baqan. Sidoo kale waxaan arkaynaa filinka ‘The Man Who Sued God’ oo ku dhammaanayaa ninka Alle dacweynaya oo oranaya: "Sidee baan u dacweyn karaa Ilaaha igu beegay haweenaydaan, ma dacweyn karo jacayl / How can I sue the God who led me to this woman, I can't sue a love!". Hadalkaas oo nuxurkiisu yahay in aan la diiddanayn wanaagga diimuhu sheegaan, laakiin danaysiga aan la aqbali karin. Farriintu waa in Alle la jeclaado, laakiin aan laga cabsan la iskuna xuuxin.
Dacwaddu waxay u dhaxaysa hey’adaha diinta oo ay weheliyaan shirkadaha waaweyn ee caymiska iyo hal nin oo sabool ah, laguuna sheegi maayo cidda guushu raacayso ee dhegahaaga iyo indhahaaga uga bogo:
sidoo kale halkaan ka daawo qayb ka mid ah filinka Hindiga ah ee “OMG: Oh my God”:

Comments