Ilbaxnimo Waa Islaamnimo 1
Sidaan horay u xusay, akhristayaasha sharafta leh halkaan waxaan kula wadaagayaa maqaalkii “Ilbaxnimo Waa Islaamnimo”. Maqaalkaan waxaa la qoray sannadkii 1994, wuxuuna lahaa waqtigiisa iyo duruufihiisa, oo waxaa si fudud uga muuqanaya xamaasadda iyo isla qummanaanta dhallinyarada lagu yaqaan. Waxaana hubaa in haddii aan maanta qalinka u qaadan lahaa in aan qori lahaa mid dhinacyada badan kan uga geddesan. Waayo, qoraagu dhagax ma aha ee waa ruux nool, oo waayo badani ay u baryeen, waana iyada la yiraahdo: waagii baryaba warkiisa iyo wax ku qaadashadiisa ayuu wataa. Dabcan, waa haddii ruuxu uusan ahayn bartiyaqaankii la sheegay in aan bari u kordhin.
Ugu danbayntii, waxaan ka cududaaranayaa in maqaalka ay ku jiraan khaladaad badan oo xagga qoraalka ah, mana doonayo in aan ka beddelo qaabkiisii hore- marka laga reebo dhawr eray oo aan xagga hikaadda ka saxay. Waxba yaan hadalku ila tegine aan idiin kala dhexbaxo idinka iyo dooddii shalay ee akhris wacan:
Kadib markii ay baaba’day awooddii Midowgii Soofiyeetiga, baa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo cadow ay u dhan yihiin reer Galbeedku, oo u beddela waraabihiihii Midowga Soofiyeet.
Markii kaynta loogu dhaqaaqay baarid, si loo soo helo waraabe ay reer Galbeedku si wada jir ah uga soo hor jeestaan, laguna xoojiyo midnimadooda, baa waraabihii reer galbeedku soo helay wuxuu noqday Islaamka. Sidaas darteed in badan oo ka mid ah qalabka warbaahinta iyo siyaasiyiinta reer Galbeedku waxay isku howleen inay Islaamka iyo Muslimiinta ka bixiyaan sawir leh: Islaamku waa diin seefta oo keliya aaminsan, Muslimiintuna waa cawaandi asal raac ah oo mayal adag "Fundmentalism", oo haddaan inta ay goori goor tahay laga takhallusin ay ilbaxnimada reer galbeedka duminayaan. Sidaas darteed, qof kasta oo Muslim ah gaar ahaan wax garadka waxaa la gudboon inay isku howlaan siday ilbaxnimada Islaamka adduunyada ugu soo bandhigi lahaayeen, iyaga oo aan wax ku darin waxna ka jarin.
Sanadkii 570 C.D. iyada oo aadamigu ku jiro gudcur roobabow ah, qaanuunka kala hagaana yahay midka duur joogta, boobka iyo dhacuna yihiin shaqo aan la yaab laheyn, xoogguna akhlaaqda iyo qaanuunka hoggaamiyo, ayaa buuraha Maka iftiinkii Islaamku ka dillaacay, dunida oo idilna ku faafay, wuxuuna Rabbigiis oofsaday door roone Nebigeennii suubanaa (Salallaahu caleyhi wasallam) sannadkii 632, (Maalin Isniin ah Bisha Rabiicul awal (Mawliid) Sanadkii 11-aad ee hijriyada), kadib markii uu dhambaalkiisii sidii ugu habboonayd u gutey.
Sanadkii 729 C.D. muslimiintu waxay galeen Shiinaha, waxayna masjid ilaa iyo maanta jira ka dhiseen gobolka Kantoon, boqol sano kadib geeridii Nebiga (Salallaahu caleyhi wasallam).
Sanadkii 732 C.D. ilbaxnimada Islaamku waxay gaartay irdaha Paris, qofka Muslimka ahina wuxuu awood u yeeshay inuu isaga goosho Indoniisiya ilaa iyo Morooko isaga oo aan dhaafiye (Passport) u baahan, meeshuu tagana u arka inay tahay boqortooyo uu leeyahay.
Guud ahaan Islaamku wuxuu aduunyada xukumey shan boqol oo sano (700-1200), taasna waxaa u suura galiyey ilbaxnimo wanaaggiisa iyo isaga oo furtey dadka laabtooda ka hor inta uusana carrada furan. Ilbaxnimo wanaagga Islaamkuna waxay ka muuqataa dhamaan dhulkii iftiinkiisu gaaray
Tusaalena waxaa nooga filan Spain oo Islaamku ka talinayey in ka badan 700 oo sano iyo Hindiya oo taariikhyahanka H.G. Wels uu ku tilmaamay wakhtigii Islaamku xukumay inuu ahaa wakhtigii ugu qiimiga badnaa taariikhda Hindiya. Ilbaxnimada Islaamku waa mid isku dheeli tiran, waxayna isku xirtay ruuxa iyo maaddada, masjidka, jaamacadda iyo warshadda, kitaabka iyo seefta, caqliga iyo waxyiga, adduun iyo aakhiro, waxayna isku howshey inay sameyso aadami wanaagsan, waxayna miisaanka dadka lagu miisaamo ka dhigtay qofka wuxuu ku wanaagsan yahay ama sida aan maantay u niraahno qofku wuxuu u carbisan yahay. Sidaas darteed Islaamku waa habnololeed dhammeystiran, taasna wuu uga duwan yahay diimaha kale.
Xeeldheerayaasha shareecada Islaamkuna wey kala duwaan labada eray bixineed ee "Islaam" iyo "Diin", maxaa yeelay diintu Islaamka ayey soo hoos galeysaa, fuqahada iyo culumada usuulu fiqiguna waxay diinta ka dhigaan mid ka mid ah 5ta ama 6da la dhowro: kuwaas oo kala ah "Diinta, Nafta, Caqliga, Taranka, Hantida iyo Sharafta", Islaamkuna marna ma aqbali karo in macnaha maantay diin loo yaqaan la siiyo.
Dhinaca kale raadka ilbaxnimada Islaamku ku leedahay aadamiga gaar ahaan reer galbeedku ma aha mid qarsoomi kara oo waxay ka muuqataa dhammaan laamaha nolosha. Ilbaxnimada Islaamku waxay ku taagan tahay dhowr udub dhexaad oo ay ka mid yihiin:

Comments