Ilbaxnimo Waa Islaamnimo 2
1. IIMAAN:
Raadka uu aadmigu ku leeyahay socodka taariikhdu waxay ku xiran tahay doonistiisu intay le'egtahay, mar kasta oo doonista qofka iyo bulshadu korodhana waxaa kordha awoodda ay u leeyihiin sameynta taariikhda, haddii aan soo amaahanno oraah uu leeyahay Cali Cizat Bigofetji waxaan leennahay: "Qofku hadduu is arko isaga oo libaaxyo ku dhex jira, waxaa dhici kara inuu geeriyoodo, qaanuunkaasise qaban maayo ruuxa libaaxyada tababara".
Ruug caddaayada tabaha dagaalkuna waxay isku raacsan yihiin in ciidanku uusan guul soo hoyin karin si kasta oo u heysto hub iyo tababar wanaagsan haddii uusan xagga nafsadda ka dhisneyn. Dhinaca kale iimaanku wuxuu sameeyaa rag, ragguna waxay sameeyaan ilbaxnimo.
Iimaanku waa kan sameeyey Muusaa bin Cimraan nabad iyo naxariista Alle korkiisa ha ahaatee oo waqti rag wadnuhu afka joogo, saaxiibadiina ku yiraahdeen Muusow waa nala hayaa, "Wuxuu (Muuse) yiri: Ma jirto! Waxaa ila jira Rabbigay, wuu i tilmaami doonaa". (Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 62.).
Hadalkaas Muuse oo u eg miduu yiri Nebi Muxammed (Salallaahu caleyhi wasallam) isagoo god ku jira, gaaladii baadigoobeysayna godka qarkiisa taagan yihiin, saaxiibkiis Abuu Bakarna r.c. ku yiri: Allaah baan ku dhaartaye hadduu midkood fiirsho goddomihiisa hoostooda waa na arki lahaa".
Wuxuu Nebiga (Salallaahu caleyhi wasallam) yiri: Maxay kula tahay Abuu Bakarow labo ilaah saddexeeyo, ha walbahaarin Allaah baa nala jiree!.
Alle ha ka raali noqdee Cumar bin Al-Khadaab tusaale dhaxal gal noqdey ayuu noogu cadeeyey in iimaanku yahay kan ragga sameeya, ragguna yihiin kuwa ilbaxnimada sameeya. Guryaha Madiina midkood iyada oo la joogo, Cumarna saxiibadi la fadhiyo ayuu ku yiri: Wax ku taama?
Saaxiibbadi midkood baa yiri: Waxaan ku taamayaa gurigan oo dahab ka buuxo oo aan Allaah dartiis u bixiyo. Cumarna isla su'aashii ayuu ku soo celiyey, nin kalena wuxuu yiri waxaan ku taamayaa gurigaan oo luul ah iyo dheeman ah oo aan Allaah dartiis u bixiyo, sadaqeystana.
Cumarna su'aashii ayuu mar kale ku celiyey, waxay yiraahdeen: Taliyihii mu'miniintow waxaan niraahhno garan mayno. Cumarna wuxuu ku jawaabay: Waxaan ku taamayaa rag la mid ah Abii Cubayda bin Jaraax, Mucaad bin Jabal, Saalim kay Abuu Xudeyfa jaalka ahaayeen oo aan u kaalmaysto kor u qaadidda Magaca Alle. Halkanna kumanyaal dhacdo oo noo caddaynaya sida ilbaxnimada Islaamku ay iimaan ugu qotonto ayaan mid keliya kaga xusaynaa, dhacdadaasna waa dooddii dhex martay hoggaamiyihii Beershiyanka ee Rustum iyo ergeygii Muslimiinta Ribciy bin Caamir. Rustum waxay la noqotay in Muslimiinta waxa jasiiradda ka soo saaray oo ay duullaanka ugu jiraan habeen iyo maalin ay tahay gaajo ku heshay jasiiradda oo ay yihiin xoolo doon.
Ribciy bin Caamirse wuxuu ugu jawaabay: “Allaah wuxuu noo soo saaray si aan addoomaha uga bixinno addoomo caabudidda oo aan ugu saarno Allaah keligi caabudidda, si aan uga saarno gaboodfalka diimaha oo aan ugu saarno caddaaladda Islaamka, si aan ugu saarno ciriiriga adduunka oo aan ugu saarno ballaarka adduun iyo aakhiro”.
Waxaana wax soo saar leh ilbaxnimana sameyn kara shacab maalintiisa ku soo dhoweeyo weeso, salaad, naf wanaagsan, firfircoonaan, akhlaaq wanaagsan, xoogsi iyo risiq xalaal ah doonasho, baryada iyo mas'alada iskala weyn oo aan dadka sidoodaba wax weydiisan.

Comments