Ilmo aan xalaal ahayn mase waalid basar xun?
Filinkaan "Blossoms in the dust" oo la sameeyey dabshidkii 1941, wuxuu ka mid yahay filimaanta aan xilliga go’an lahayn ee loo yaqaan kalaasigga, ee mawduuca ay ka hadlayaani uu ka dhigo kuwo facyaal kala duwani ay sannado badan daawadaan. Filinku wuxuu ku salaysan yahay qiso dhab ah oo ku saabsan gabar la oran jirey Edna B.K. Gladney (1886-1861) oo u halgantay xuquuqda carruurta lagu tilmaamo in ay sharcidarro ku dhasheen, sababtaas awgeedna lagu dhibaateeyo.
Edna waxay isweydiisay su’aal ah: “Sidee baa ilmo ku noqon karaa sharcidarro? /How can a child be illegitimate?”. Jawaabtii ay heshayna waxay noqotay in ilmuhu uusan marna xaaraan iyo sharcdidarro toona noqon karin, balse ay jiraan waalidiin iyo bulsho basar xumi.
Markii iigu horraysay ee aan filinkaan maqlo waxay ahayd mar uu xusay qoraaga Hindi- Ingiriiska ah ee Ruskin Bond. Ruskin wuxuu yiri hadal macnihiisu ahaa:
Maalintii taariikhdu ahayd 30/1/1948, aad baan isugu buuqsanaa, sababtuna waxay ahayd dhibkii ka dhashay kala go’ii Hindiya iyo Bakistaan. Waxaan ahaa arday dhigta dugsi la seexdo (=boarding school). Maalmahaas dugsigayga waxaa laga daadgureeyey arday badan oo ay dhaleen qoysas Muslim ah oo u guuray dhanka Bakistaan. Magaaladayda iyo guud ahaan dalkana waxaa ka jirey qax iyo jaahwareer aan xad lahayn.
Dabadeed, si aan dhibaatada xoogaa isu illowsiiyo ayaan waxaan galay shaneemo uu ka socday filinka “Blossoms In The Dust’. Hase ahaatee, markii filinku wax yar socday baa la gooyey, waxaana makaroofan ku hadlay maamulihii shaneemada oo yiri: “Waa ka xunnahay, warka waxaa lagu sheegay in goor dhaweyd la toogtay Mudane Mahatma Gandhi. Lacagtiinna waa la idiin celinayaa.”
Sida la sheego, Mahatma Gandhi waxaa dilay xagjir Hinduusi ah oo ku andacooday in Gaandhi uu jeclaa in Muslimiinta loo sedburiyo, qayb weynna uu ka qaatay kala goynta dalka. Laakiin dadka Gaandhi yaqaan badankoodu eedahaas waa beeniyaan, waxayna ku doodaan in Gaandhi uu jeclaa in la helo Hindiya oo mid ah oo ay ku dhaqan yihiin muwaadiniin kala diin ahi.
Tusaale ahaan, Gaandhi qoraalladiisa midkood wuxuu ku yiri: “Dhab ahaantii, waddanku waa in uu yeesho diimo tiro le’eg tirada muwaadiniintiisa. Kuwa fahansan ruuxda qarannimadu ma faragashadaan dadka kale diimahooda … Diintu aasaas uma noqon karto qarannimada. Diintu waa arrin shakhsi ah oo u dhexeeya qofka iyo Ilaahiis. Hinduusta, Muslimiinta, Kirishtanka, Saraadashtida iyo dad diimo kale haysta ayaa dhammaan Hindiya dalkooda ugu yeera. Waa walaalo, dantooduna waxay ku jirtaa in ay mid ahaadaan. Hindiya weligeed waxay ahayd dal diimo badan.” Charlotte (Marsha Hunt) waxay ahayd gabar ka mid ah carruurta lagu sifeeyo in ay sharcidarro ku dhasheen, waxaana korsanaya waalidiinta Edna Gladney –(waxaa matalaysa Greer Garson). Labada gabdhoodna waxay noqonayaan walaalo iyo saaxiibbo is jecel. Edna iyo walaasheed Charlotte marka ay koraan waxay ku heshiinayaan in arooskoodu isku habeen dhaco. Laakiin wax yar ka hor arooska ayaa reerka wiilka Charlotte u doonantahay waxay ogaanayaan in Browning K. Gladney iyo afadiisu aysan Charlotte dhalin ee ay tahay ilmo la helay, waxayna muran ka keenayaan suuragalnimada guurka. Charlotte marka ay ogaato sida wax u jiraan, waxay jinjinteeda siinaysaa Edna, waana istooganaysaa.
Dhacdadaas iyo kuwo kale oo ka danbeeyaana Edna Gladney waxay ku bixinayaan in ay u dagaallanto sidii ilmo kastaa uu ku heli lahaa xaqa uu u leeyahay in la jeclaado. Waxayna ku doodaysaa in aysan jirin carruur aan xalaal ahayn, balse ay jiraan waalidiin aan xalaal ahayn (=There are no illegitimate babies… only illegitimate parents.”
Qisadaan dhabta ahi waxay caraynaysaa dhaqamada haraadiga ah ee lagu sinji-sooco carruur badan oo aan waxba galabsan. Farriinta kale ee filinku sidaa waa: “Waalid u noqo kuwa aan waalidka lahayn.”

Comments