Iqbaal iyo ruuxda

Ku allahoode, waxay yiraahdeen: haddii faylasuuf iyo suufi samada loo dheelmi lahaa, feylasuufku wuxuu dhulka ugu soo noqon lahaa sidii nebi Muxamed (scw) u soo noqday dheelmintiisii ka dib, laakiin suufigu uu diidi lahaa firkadda soo noqoshada!

Iqbaal iyo ruuxda

Maxamed Iqbaal (1877-1938) oo ku caan ahaa naynaasta “Buuni Iqbaal /Callaama Iqbal”, wuxuu ahaa gabyaa, feylasuuf, qareen, macallin iyo siyaasi u dhashay dalka Hindiya. Waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid ahaa aabbayaashii lahaa fikraddii dal weynihii Hindiya loogu kala qaybiyey labada qaybood ee Hindiya iyo Bakistaan.

Ku allahoode, waxay yiraahdeen: haddii faylasuuf iyo suufi samada loo dheelmi lahaa, feylasuufku wuxuu dhulka ugu soo noqon lahaa sidii nebi Muxamed (scw) u soo noqday dheelmintiisii ka dib, laakiin suufigu uu diidi lahaa firkadda soo noqoshada!

Sababtana waxay ku sheegeen in suufigu dhihi lahaa: war hadda ayaan joogaa halkii noloshayda adduunyada oo dhan aan darteed u huri lahaa, ee hala idiin duceeye shiddada iga daaya! Laakiin si taa ka duwan feylasuufku uu garan lahaa in weli dunida hawli ugu harsan tahay, oo laga sugayo farriin la gudbiyo iyo duni la cammiro.

Iqbaal wuxuu ahaa suufi, laakiin ma ahayn suufi keliya, balse waxaa u dheeraa in uu ahaa faylasuuf iyo gabyaa. Iqbaal inkasta oo laamo badan oo nolosha ah uu kaalin firfircoon ka qaatay, haddana waxaa si gaar ah loogu xusuustaa dhinacyada gabayga iyo falsafadda. Waxaana laga hayaa in uu yiri: “Runtu marka aysan gubanayn waa falsafad, laakiin kolka ay qalbiga ka gubato, waxay noqotaa gabay!”

Iqbaal wuxuu ku taami jirey sidii muslimiintu isula heli lahaayeen aqoonta reer Galbeedka iyo hanuunka Islaamka. Wuxuuna aamminsanaa in horumarka nolosha adduunyada aan caqli looga maarmayn, tan aakhirana aan qalbi looga maarmayn. Haddii si kale loo dhigo, fahanka iyo ka miro dhalinta nolosha adduunyadu caqli iyo aqoon bay u baahan tahay, fahanka ummuuraha aakhirase qalbi iyo taqwo ayay u baahan yihiin (ama sida mararka qaarkood loo yiraahdo: adduunyadu caqliga Einstein bay u baahan tahay, aakhiraduna iimaanka habraha, waana tii horay loogu Alle baryey: “Ilaahow waxaan kaa barinnay iimaan la mid ah iimaanka habraha/ اللهم إيمانا كإيمان العجائز”.

Sidaa darteed, Iqbaal wuxuu ku baaqi jirey in muslimiintu ay dib-u-eegid ku sameeyaan fahankooda diinta iyo in diinta laga xoreeyo afkaarta haraadiga ah ee wadaaddadu ay ku barxeen. Fikradaha uu sida gaarka ah u xusayna waxaa ka mid ah fikradda “Qadaha iyo Qadarta/القضاء والقدر”. Dhigaalladiisa badanna waxaa ugu caansan buugga cinwaankiisu yahay “Dib-u-qaabaynta Afkaarta Diinta Islaamka” (=The Reconstruction Of Religious Thought In Islam/تجديد الفكر الديني في اإلسالم), oo ka kooban toddobo muxaadaro oo sannadkii 1928kii uu magaalooyin dhowr ah ka kala jeediyey.

Dhab ahaantii, Iqbaal inkasta oo uu qabay dareen ah in Muslimiinta wax ka khaldan yihiin, haddana afkaar iyo talooyin xal noqon kara, oo lagu hawl geli karo ma uusan keenin. Aqoonyahannada qaarkoodna waxayba ku eedeeyaan in uu xagal-daaciyey afkaartii toolmoonayd ee aqoonyahannadii isaga ka horreeyey. Aqoonyahannadaasna waxaa tusaale loogu soo qaataa wadaadkii la oran jirey Sayid Axmed Khan (1817- 1898).

200 oo sano ka hor dhalashadii Sayid Axmed Khan ayaa wadaaddo uu ka mid ahaa Shiikh Axmed Sirhindi waxay soo saareen fatwo ay ku mamnuuceen barashada xisaabta iyo sayniska, ayna ku baaqeen in waxbarashada Muslimiinta lagu koobo barashada diinta oo keliya. Sayid Axmed na si taa ka duwan, sababta dib-u-dhaca Muslimiinta- gaar ahaan muslimiintii uu la noolaa ee Hindiya- wuxuu ku macneeyey in ay ka dhalatay rumaynta khuraafaadka iyo dafiraadda caqligalka (=reason). Wuxuuna ugu baaqay in ay sayniska bartaan, fasiraadda ifafaalayaasha dabeecaddana physical phenomena) ay sayniska u la noqdaan, halkii ay sheekoxariiraha iyo khuraafaadka u la noqon lahaayeen. Wuxuuna aad u dhiirigeliyey in dib loo soo nooleeyo afkaartii dugsigii Muctasilada.

Si kastaba ha ahaatee, Mudane Iqbaal wuxuu dadaal badan geliyey falsafadda fahanka nafta ama fahanka sirta nafta (=Asrar-e-Khudi/ the secrets of the self), gabayadiisa faraha badan midka ugu caansan ee loogu hadal-haynta badan yahay waa gabayga loo yaqaan “Hadalka ruuxda/ حديث الروح”.

Waa gabay suugaan ahaan aad u sarreeya, laakiin caqli ahaan ceebo badan leh. Waana tii la yiri: “Gabay waxaa ugu macaan kan ugu been badan” ama “Gabay waxaa ugu run badan kan ugu been badan”.

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay wariyeen in Cumar bin Khaddaab (RC) uu nin gabyaa ahaa oo la oran jirey Nucmaan bin Fadlah uu madax uga dhigay degmo lagu magacaabi jirey Meysaan oo ka tirsanayd Basra. Sida la filayo, ninkaasi markii uu cagta dhigay meeshii madaxda looga dhigay, wuxuu iska xaadiriyey gole ah nooca afafka qalaad lagu yiraahdo “Night club/"علب الليل. Markuu samada tagey ka dibna, wuxuu labo dhanbaal u kala diray xaaskiisii iyo Cumar bin Khaddaab. Labada dhanbaal waxaa ku qornayd farriin isku mid ah, oo ahayd sidatan:

فمن مبلغ الحسناء أن حليلها **** بميسان يسقى في زجاج وحنتم

إذا شئت غنتني دهاقين قرية**** وصناجة تجذو على كل منسم

إذا كنت ندمانى فباألكبر اسقني**** وال تسقني باألصغر المتثلم

لعل أمير المؤمنين يسـوءه **** تنادمنا في الجوسـق المتهدم

Dhigaallada taariikhda ee dhacda soo tebiyey, nooma aysan sheegin jawaabtii ay bixisay duco qabtadii gabyaaga u dhaxdey -haddiiba ay wax jawaab ah bixisay, laakiin waxay soo tebiyeen jawaabtii Cumar bixiyey oo ay ku sheegeen in uu ninkaas shaqadii ka cayriyey. Waxay intaa ku dareen, in Cumar uusan ninkaas wax xad ah (=ciqaab ah) ku fulin, daalac kalena u raacan, sababtuna ay ahayd inuu ugu cudurdaaray macnaha ay xanbaarsan yihiin aayadaha 224-226 ee Suuradda Ashucaraa ee oranaya:

“Gabayaagana waxaa raaca kuwa baadida ah. Miyaadan arag in ay tog kasta ku dhex wareersan yihiin. Ayna sheegi wax aysan falayn/ يف ِمْهُنَّأ َرَت َمْلَأ* َنو َوا ُغَل ا ْمُهُعُبِتَّياء َرَعَ الوَ نو َلُعَفْي َلا اا َم َنو َلو ُقُي َمْهُنَّأَو* َنو َمي ُهِي َدا ٍو َلِّكُ”.

Shiikh Maxamed Amiin Ashanqiidii (AUN) wuxuu yiri: “Culumadu waa isku khilaafeen haddii gabyaagu gabaygiisa ku qirto arrin xad keeni kara, oo waxaa jira labo fikradood: qolada koowaad waxy yiraahdeen: xad baa lagu fulinayaa waayo wuu qirtay, qirashadana xadku waa ku sugnaadaa. Qolada labaadse waxay yiraahdeen: qirashadiisa darteed xad loogu fulin maayo, waayo in gabyaagu gabaygiisa been ku sheego waa arrin la ogyahay, oo caadi ah, muranna uusan ka taagnayn”.

Haddaba akhristow, adiga oo aan waxba su’aalo badan maskaxda isaga daalin, aayarkaaga igula jimcayso gabaygii Iqbaal oo Ummu-Kaltuum (AUN) ay ku luuqaynayso:

Comments