Islaaminta Aqoonta: Qalad Aan Laga Qaangaarin

Gogoldhig

Maalintii taariikhdu ahayd 22kii Feebaraayo 2015, khudbo Shiikha Jaamacadda Al As- har Sheekh Axmed Addayib uu ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada Maka al- Mukarama, oo la sheegay in looga hadlayo mawduuca “La dagaalanka aragagixisada”, wuxuu ku sheegay in “Quraanka iyo sunnada sida xun loo fasiray ay sabab u yihiin xagjirnimada muslimiinta haysata”. Waddamada muslimka ahna wuxuu ugu baaqay in ay wax ka beddelaan manaahijtooda waxbarashada1.

Hadalka wadaadka oo bari iyo bogax lala kala aadey, siyaabo kala duwanna loo fasirtay, qof ahaan wuxuu isoo xasuusiyey dood kale oo ku saabsan, mashruuc dunida Islaamka muddo si xawli ah uga socdey oo loo bixiyey magaca “Islaaminta aqoonta” ama “Islaaminta cilmiga” (=Islamization of knowledge (IOK) = Aslamat al-macrifa)2.

Odayaashii islaaminta aqoonta; Maxamed Naqiib al-Caddaas (bidix), Sayid Xuseen Nasar (dhexda) iyo Ismaaciil Raji al-Faaruuqi (midig).

Muslimiintu qarniyadii ay ilbaxnimada adduunka calanka u sideen, intii u dhaxaysey qarnigii 9aad iyo kii 13aad, dunida waxay ku biiriyeen aqoon badan oo nolasha aadanaha waxtar u lahayd3. Sidoo kalena waxay ahaayeen kuwa aqoonta iyo ilbaxnimada ummadaha adduunka u kala gudbiya4.

Duniduna inkasta oo ay aqoontaas muslimiinta u aqoonsatay, haddana uma arag badeeco muslimiintu gaar u leeyihiin. Muslimiintuna aqoontaas ummadaha kale kama xigsan, balse waxaa loo arkay dhaxal aadamuhu wadaago, loona baahan yahay in isku si looga faa’iideysto, loona sii kobciyo.

Hase ahaatee, muslimiintu gadaashii danbe5 waxay galeen hurdo dheer oo ay la suuxeen, kolkii ay suuxdintii ka soo salaleenna waxay hortooda ka arkeen ummado ay gadaashooda ka eegi jireen6. Kolkaasna iyaga oo weli dheelalow ku jira, waxna aan hubsan ayay ka buskiciyeen halkii wajigoodu ku beegnaa, cudurkii fardaha ka galayna dameeraha ka gubeen, sidaana daawo iyo xal ku seegeen.

Muslimiintii khuurada ka salaley, waxay istuseen in halka looga dheereeyey ay tahay aqoontii oo laga badsaday, waxaana isku mar u muuqday baahida weyn ee ay aqoonta u qabaan iyo aqoontii oo gacanta ugu jirta duul ay u arkaan gaalo qurmoon badan, oo inay wax la wadaagaan iska daaye, aysan bannaanayn in dabkoodu isu muuqdo7.

Meeshii ay ka ahayd in si toolmoon loogu kuur galo halka wax ka soo ba’sameen, waxaa si fudud loola soo booday dhaleecayn dusha looga tuuray aqoonta casriga ah. Waxaana lagu dooday in dhammaan aqoonta maanta jirtaa ay tahay mid ku salaysan afkaarta reer Yurub. Sidaa darteedna ay tahay aqoon jaahili ah, oo gaalo sheydaannimadii afkaartooda ay ku daarteen8, aysanna bannaanayn in muslimiintu agteeda maraan jeer laga cuudiyo sheydaannimada jaahiliyadda9.

Si kasta ha ahaatee, siddeetankii sano ee la soo dhaafay dunida Islaamka waxaa ka socdey wax loogu yeeray baraarugga Islaamka (=As-Saxwa Al-Islaamiyah/ Islamic awakening). Dhab ahaantiise, waxa dhacay ma ahayn baraarug sax ah, balse wuxuu ahaa salal iyo dheelalow. Taana waxaa dheer, in eraybixinta qudheedu ay khaldan tahay, waayo cidda la rabo in ay baraarugto ma aha Islaamka ee waa muslimiinta.

Muddadaas siddeetanka sano ahna, waxaa la waday dadaal baaxad weyn oo la sheegay in ujeeddadiisu tahay in lagu Islaamiyo aqoonta, loogana hortago duullaan maskaxeedka dibedda (al-Gaswi al-Fikrii / Intellectual invation )10.

Waxaa la furay jaamacado, macaahid iyo xarrumo cilmi-baarid. Waxaa la qabtay shirar faro badan, waxaana la soo saaray joornaallo iyo buug ciiddaa ka badan. Magaca laamaha aqoonta ee kala duwanna waxaa gadaal laga raaciyey erayga “Islaam”, oo waxaa la adeegsaday eraybixinnada: Caafimaad Islaam ah, dhaqaale Islaam ah, warbaahin Islaam ah, waxbarasho Islaam ah, cilmi-bulsho Islaam ah, siyaasad Islaam ah, saynis Islaam ah, taariikh Islaam ah, falsafad islaam, fan Islaam ah, suugaan Islaam ah,……iwm. Arrinkuna waxa uu gaaray in dad la yaabay heerka waallidu marayso ay ku kaftameen in ay yiraahdeen waxaa jira jaranjaro Islaam ah iyo kalluun loo gawracay si shareecada Islaamka waafaqsan!.

1- Milicsi Sooyaal

Eray-bixinta “Islaaminta Aqoontu” waxay baxday sanooyinkii toddobaatanaadkii qarnigii tagay. Abtirsigeedana labo nin oo la kala yiraahdo; Sayid Maxamed Naqiib al-Caddaas (1931- )11 oo u dhashay dalka Malaysiya12 iyo Ismaaciil Raji al-Faaruuqi (1921- 1986) oo asalkii hore Falastiini ahaa, balse gadaal dhalashada Maraykanka qaatay13, ayaa dadka qoloba midkood siisaa. Waxaa la xusaa in labadaas nin ay ku dagaallameen lahaanshaha eraybixinta. Eraybixinta waxaa si weyn ugu caanbaxay Ismaaciil al-Faaruuqi oo madax ka ahaa machad dalka Maraykanka laga hirgeliyey, waddamo badanna laamo ku leh, kuna caanbaxay u ol’olaynta fikraddaan oo magaciisa la yiraahdo Machadka Fekerka Islaamka Ee Caalamiga (International Institute of Islamic Thought “IIIT”)14. Machadkaan waxaa siyaabo kala duwan u hoos yimaada joornaalka Cilmiga Bulshada Muslimiinta (=The Journal of Muslim Social Science) iyo Ururka Culumada Muslimiinta Ee Bulsho Baarka (= the Association of Muslim Social Scientists “AMSS”)15.

Balse, al-Caddaas oo isaguna maamule ka ahaa machad kale oo la yiraahdo “Machadka Caalamiga Ee Fekerka iyo Ilbaxnimada Islaamka/ International Institute of Islamic Thought and Civilization(ISTAC)”, oo ku yaal caasimadda Malaysiya ee Kuala Lumpur, ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ku dooday in isaga eraybixinta laga bililaqaystay16.

Marka laga yimaado labadaas nin iyo taageerayaashooda, waxaa iyana aalaaba kaalinkooda la xusaa Barafisoor Sayid Xuseen Nasar iyo koox loogu yeero “Kooxda Ijmali/ Ijmali Group”. Sayid Xuseen Nasar wuxuu ku dhashay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan, balse wuxuu muddo dheer macallin ka ahaa jaamacadaha dalka Maraykanka. Wuxuuna kaalin muuqda ka qaatay faafidda fikradda ku aaddan in loo baahan yahay in la helo cilmi Islaam ah, waxaana jirta eraybixin uu aad u adeegsado oo ah “Cilmi Muqaddas ah/ Sacred Science”. Sayid Xuseen Nasar wuxuu qabaa in ay jiraan labo nooc oo cilmi ah: cilmi muqaddas ah iyo cilmi casri ah. Labada nooc ee cilmiga ahina ay ku kala duwan yihiin asalkii hore meesha ay ka soo jeedaan iyo danta ay u adeegayaan labadaba.

Aqoonta muqaddaska ahi waa midda waxyigu sheego. Hayeeshee, aqoontii Islaamka ee waxyiga ku dhisnayd waxaa calwisay aqoonta casriga ah, oo asal ahaan ka soo jeedda aqoontii hore ee Giriigga, sidaa darteedna aqoontii Islaamku waxay dhumisay saafinimadeedii iyo barakadeedii.

Sayid Xuseen wuxuu qabaa in islaamintu aysan xal dhab ah ahayn, balse xalka dhabta ahi uu yahay in muslimiintu helaan aqoon dhalad ah (= Native knowledge). Aqoonta dhaladka ah oo gebi ahaanba ku qotonta waxyigu waa midda muslimiintu abuuraan iyaga oo aan waxba ka qaadan aqoonta ummadaha kale, balse ka duulaaya kitaabka iyo sunnada. Wuxuu aad u dhaleeceeyaa sida aqoonta casriga ahi aysan qeybiyaadka xisaabta ugu darsan iyo sida ay ugu talaxtagtay maaddinimada, isla markaana kharbudaadda ba’an ugu geysato dabeecadda. Guud ahaanna, Sayid Xuseen wuxuu qabaa in cilmiga dhabta ahi uu yahay kan waxyiga ka soo maaxda, ee uusan ahayn kan caqliga aadamiga lagu ogaado, wuxuuna isku taxalujiyaa inuu qeexo aasaaska falsafadeed ee cilmiga muqaddaska ahi uu ku qotomo17.

Dhanka kale, sanooyinkii siddeetanaadkii qarnigii la soo dhaafay (=1980s), waxaa samaysmay koox aqoonyahanno muslimiina ahaa oo la baxay magaca “Ijmali”. Kooxdaan oo uu ugu magac dheer yahay aqoonyahan u dhashay dalka Bakistaan oo la yiraahdo “Zia-uddin Sardar”, waxay sheegeen in magaca ay la baxeen ee “Ijmali” oo la macne ah “Guud ama dhan/holistic”, ay ka soo qaateen gabaygii Ibnu Rumi ee Diiwaan Ashamsi, ayna u isticmaaleen si ay u muujiyaan in qaabka ay baaritaankooda aqooneed u samaynayaani ay tahay qaab ballaaran, oo arrimo badan xisaabta ku darsanaya.

Hase ahaatee, waxaa la sheegaa in aysan jirin wax badan oo mideeya kooxdaan, oo aan ka ahayn in ay ka biyo-diideen aragtida kooxaha kale, siiba Ismaaciil al-Faaruuqi iyo inta ku aragtida ah. Waxayna u badan yihiin aqoonyahanno ku takhasusay culuumta dabeecadda (= natural science), isla markaana waxay xoogga saaraan dhanka culuumtaas. Halka kooxda Faaruuqi ay iyagu xoogga ka saaraan culuumta bulshada sida; cilmiga bulshada, cilmi-nafsiga, dhaqaalaha, maamulka, qaanuunka, taariikhda, siyaasadda, fanka, suugaanta, …iwm .

Guud ahaan, dhammaan aqoonyahannadaani waxay ka siman yihiin in aqoonta maanta jirtaa ay salka ku hayso aragtida iyo falsafadda reer Galbeedka, Muslimiinta iyo guud ahaan aadanaha kalena ay baahi weyn u qabaan in la helo aqoon ka duulaysa aragtida Islaamka. Balse, waxay ku kala duwan yihiin qaabka ujeeddadaas loo dhaqan gelin karo.

Dhab ahaantiise, taariikhda fikradda Islaaminta aqoontu waa ka horraysay raggaan iyo goorta la sheego in ay eraybixinta sameeyeen. Fikraddu waxay ku qotontaa dareen muddo dheer soo taagnaa oo muujinaya in muslimiinta uu haysto dhib uga yimid xagga fahanka iyo ku-dhaqanka diintooda, aysanna wanaag iyo horumar gaarayn jeer ay uga noqdaan diintoodii saxda ahayd18. Tusaale ahaan, shiikhii reer Yaman ee Maxamed bin Ismaaciil al-Amiir al-Sancaani (1688-1762) iyo Shiikhii Hindiga ahaa ee Shaah Weliyullah Dahlawi (1703-1762) iyo culumo kale oo noolaa qarnigii 18-aad waxay ku baaqi jireen in muslimiintu u baahan yihiin inay dib u nooleeyaan diintooda, oo ay quraanka iyo sunnada ku dhaqmaan si ay ugu soo noqoto awooddii muslimiintu ay waa lahaan jireen. Culumadaas kadibna waxaa yimid kuwo kale oo ay ka mid ahaayeen Amiir Cabduqaadir (1807-1883), Jamaalu-diin al-Afgaani (1838-1897)19, Maxamed Cabduh (1849-1905), Maxamed Iqbaal (1877-1938)20 iyo Shakiib Arsalaan (1869-1946) oo siyaabo kala duwan u muujiyey, uguna hawlgalay sidii Islaamka dib-u-cusboonayn loogu samayn lahaa.

Dabadeena waxaa curtay dhaqdhaqaaqyo diini ah oo ay hoggaaminayeen Xasan al- Bannaa (1906-1949)21, Abuu Aclaa al-Mowduudi ( 1903-1979)22 iyo Ruuxullaahi Khumeyni (1902-1989)23 oo muslimiin badan ku beeray rajo ah in ay dhalanayso awood siyaasadeed oo muslimiintu yeeshaan. Run ahaantiina, raggii calanka u sidey fikradda islaaminta aqoontu waxay u badnaayeen –haddiiba aysan wada ahayn- aqoonyahanno la dhacsanaa afkaartii culumadaas, kuna qanacsanaa in diinta wax walba lagu sheegay. Salka dhibka muslimiinta haystaana uu yahay in ay ka tageen ku-dhaqanka diinta iyo ku- dayashada facyaashii hore ee suubbanaa (= Asalaf Asaalix). Sidaa darteedna, si muslimiintu uga baxaan dhibka haysta loo baahan yahay in ay u noqdaan diinta, kuna daydaan facyaashii hore ee suubbanaa24.

Dhanka kale, marka la milicsado xaaladda dhab ahaan muslimiintu ku sugnaayeen, waxaa la ogaanayaa in muslimiintu dagaalkii 2-aad ee dunida kaddib, ay si weyn u dareemeen baahida ay u qabaan cilmiga iyo farsamada casriga ah. Dareenka baahidaas waxaa sii xoojiyey dhacdooyin ay ka midka ahaayeen go’iddii dalka Bakistaan uu ka go’ay dalweynaha Hindiya (1947) iyo guuldarradii waddamada Carabtu kala kulmeen dagaalkii ay Israa’iil la galeen sannadkii 1967.

Dhacdooyinkaas iyo kuwo kaleba muslimiinta waxay ku baraarujiyeen baahida ay u qabaan aqoonta iyo farsamada casirga ah. Hayeeshee, xilligaas oo muslimiinta badankoodu ay ku hoos jireen gumeystayaashii reer Yurub, baahida xorriyadda loo qabay iyo halgankii raadinteeda loogu jirey ayaa ka saayid caleeyey dhammaan baahiyii kale oo dhan, marka lagu daro baahidii aqoonta iyo farsamada. Waxaana la iska dhaadhiciyey in xorriyadda kaddib ay waxwalba si fudud ku hagaagi doonaan, togag malab ahina soo rogman doonaan. Waxaana xusid mudan in muslimiintu waayahaas illaa heer ka fiyoobaayeen cuqdadda ah in aqoonta casriga ah loogu abtiriyo gaalada, gaar ahaan reer Galbeedka25.

Balse, muddo yar markii xorriyadda la haystey, shucuubtii islaamka iyo guud ahaan dadyowgii dunida saddexaad waxaa u muuqday in lagu hungoobey xorriyaddii wax walba loo huray, oo aan laga helin godoshii laga filayey. Dunida saddexaad oo dhanna waxaa saaqay dareen la mid ah kii Soomaalida ee uu sida cad u qeexay Allaha u naxariistee abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) markuu lahaa:

Dayaxaa la kala boobay, iyo dirirkii cawleedee,
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxa loo eegayaa, sacana waa daaqee,
Duqii samada lagu sheegay iyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye

Nin da'dii halkaas gaadhayoo daalay baan ahayee,
Ha yeeshee dirkeedu ha da'ee, doqoni waa moogee,
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maayaanee,

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaali baad dugulka mooddaayee,
Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal'e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegayey,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,
Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay,

Saluuggii iyo niyad jabkii lagala kulmay maamulladii calmaaniga (= secular)ahaa ee talada qabtay xorriyadda kaddib, muslimiin badan waxay ku bixiyeen in ay milicsadaan dhanka diinta, oo iyada miciin bidaan. Wadaaddadii oo halkaas fursad ka helayna waxay si fudud ugu dhawaaqeen halkudhegga muslimiinta badan soo jiitey ee oranaya: “Islaamkaa xal ah ama xalku islaamkuu ku jiraa/ اإل لسما هو هاحل ه”. Qayb weyn oo ka mid ah siyaabihii islaamka xalka looga raadsheyna waxay ahayd in la helo aqoon iyo farsamo

Islaam ah oo lagu gaaro horumar dhaqan-dhaqaale, loogana xoroobo galaangalka saancaddaha iyo aqoonta loogu abtiriyo.

Si kastaba ha ahaatee, fikradda islaaminta aqoontu waxay si weyn u baahdey kaddib markii dabshidkii 1977 magaalada Maka al-Mukarama lagu qabtay shirweynihii ugu horreeyey ee looga hadlo waxbarashada dunida Islaamka26. Shirkaas oo ay martigelisay jaamacadda Boqor Cabducasiis, dadkii ka soo qaybgalayna ay ka mid ahaayeen Caddaas iyo faaruuqi27 waxaa lagu falaanqeeyey nidaamyada waxbarasho ee ka jira dunida Islaamka, ka soo qaybgalayaashiina waxay qalinka iyo carrabkaba ku adkeeyeen in aqoonta ka jirta dunida Islaamku ay u qaybsanto labo nooc oo kala;

Kow: Aqoon diini ah (=al-culuum al-naqliyah/ revealed knowledge) oo ka maran culuumta casriga. Sida; tafsiir, xadiis, fiqhi, usuul al-fiqhi, caqiido ama cilmu kalaam, …iwm.

Labo: Aqoon maan-ku-garad ah (=al-culuum al-caqliya/ rational knowledge) oo ka marin diin.

Waxaana lagu baaqay in si muslimiintu u helaan waxbarasho waxtar leh oo ka duulaysa diintooda, loo baahan yahay in la isu guuriyo labadaas nidaam ee waxbarasho. Talooyinkii shirkaas laga soo jeediyeyna waxaa ugu muhiimsanaa in laga shaqeeyo sidii aqoonta loo islaamin lahaa. Waxaana hoosta laga xarriiqay in dhammaan laamaha aqoonta ee jiraa ay u baahan yihiin dib-u-eegid iyo islaamin.

2- Waa Maxay Islaaminta Aqoontu?

Dadka u ol’oleeya Islaaminta aqoontu iskuma raacin macne go’an oo la siiyo eraybixinta. Guud ahaanse, waxay isla oggol yihiin jiritaanka wax aqoonta Islaamku uga duwan tahay midda reer Galbeedka iyo ummadaha kaleba. Hadii si kale loo dhigo, waxay qabaan in aqoonta iyo cilmiga casriga ahi ay xanbaarsan yihiin aragti liddi ku ah midda Islaamka. Si dadbanna waxay hoosta uga xarriiqeen in aqoonta maanta dunida ka jirtaa ay tahay aqoon calmaani ah, oo u gaar ah dadyowga aan muslimka ahayn, gaar ahaan reer Galbeedka, aysanna ku habboonayn bulshooyinka muslimka ah28. Taa awgeedna, si aqoonta muslimiintu ka soo ammaahanayaan ummadaha kale ay u noqoto mid ay ka faa’iideysan karaan, loo baahan yahay in marka hore aqoontaas la islaamiyo, oo jeermiska gaalnimada laga dilo.

Sida muuqatana, dooddaani dhinacyo badan waxay uga eg tahay middii horay u dhexmartay wadaaddadii kaniisadda iyo aqoonyahannadii reer Yurub. Wadaaddada masiixigu waxay ku doodeen in aqoonta oo dhan la hoos keeno diinta, oo kaniisaddu noqoto midda shahaadada ansaxinta siinaysa ama u diidaysa. Halka aqoonyahannadu kaga doodeen in cilmiga iyo diintu aysan isqaadan karin, sidaa darteedna loo baahan yahay in la kala xiriir furo, oo mid waliba hawl u gaar ah uu yeesho.

Yeelkadeede, halka ay iska diidayaan aqoonta Islaamka iyo midda casriga ah ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in aqoonta Islaamku ay ku salaysan tahay waxyiga (=kitaabka iyo sunnada) oo ah meesha runta iyo xaqiiqada loogu tago, halka aqoonta casriga ahi aysan waxyiga iyo guud ahaan qeybiyaadka tixgelin badan siin. Haddaba, si aqoon Islaam ah loo helo, culumadaan waxay la tahay in loo baahan yahay in aqoonta jirta loo bandhigo Islaamka, dabadeedna la qaato wixii shaqshaqa islaamka soo gudba, wixii kalena la iska qubo.

Balse, isweydiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: aqoonta Islaamku ma wixii waxyigu sheegay oo qura ayay ku kooban tahay mise waxaa soo hoos galaya wixii aan waxyiga khilaafayn oo dhan?

Culumadii hore ee Islaamka qaarkood waxay isweydiiyeen su’aal middaan la mid ahayd oo oranaysa: siyaasaddu ma wixii shareecadu sheegtay baa mise waa wixii aan shareecada khilaafayn? Jawaabtii ay bixiyeenna waxay ahayd in ay qireen in siyaasaddu tahay wixii aan khilaafayn wixii shareecadu sheegtay (=احسيالسةهماهالهيخاحفهماهنطقهبههاحشرعه وحيسهماهنطقهبههاحشرع)29.

Shaki kuma jiro in haddii aqoonta lagu koobo inta waxyigu sheegay in muslimiintu aqoon badan sayrinayaan, laakiin haddii sida kale loo dhigo- oo la yiraahdo aqoonta Islaamku waa wixii aan khilaafayn wixii diintu sheegtay- aysan wax badan isdiidayn Islaamka iyo aqoonta casriga ahi.

Sidoo kale, taageerayaasha Islaaminta aqoontu waxay ku doodaan in aqoonta iyo cilmiga maanta dunida ka jira ay dhibaato haysato, oo uu dhinacyo badan iin ku leeyihiin. Arrinkaasna xataa aqoon-yahannada reer Galbeedka qudhoodu ay qirayaan. Sidaa darteed, ay lagama maarmaan tahay in muslimiintu yeeshaan aqoon iyaga u gaar ah.

Waa dhab in culumada adduunku, siiba kuwa ku takhasusay qaybaha kala duwan ee culuumta bulshadu (= social science) ay marar badan dhaliilo u soo jeediyaan culuumta ay ku takhasuseen iyaga oo ujeeddadoodu tahay in wax la saxo, oo la helo aqoon ka wanaagsan midda hadda la hayo. Haseyeeshee, isweydiinta meesha taallaa waxay tahay in aqoonta iyo cilmiga la haystaa uu dhaliil leeyahay qiil ma u noqonaysaa in la raadiyo

8 mid muslimiinta u gaar ah? Taasi soo kama dhigna in la leeyahay aqoonta reer Galbeedka ma rabnee, aqoon reer Bari ayaan rabnaa? Halkii laga raadin lahaa aqoon aadamaha oo dhan waxtar u lehna, lagu mashquulo aqoon reer Galbeed iyo mid reer Bari?

Si kastaba ha ahaatee, dadka rumaysan fikradda Islaaminta aqoontu waxay qabaan in si loo helo aqoon islaam ah, ay lamahuraan tahay in la maro labo marxaladood oo kala ah30:

Midda koowaad: Marxaladda Islaaminta Aqoonta: marxaladdaan hore muslimiintu ma haystaan aqoon Islaam ah, mana leh karti ay mid ku curiyaan. Sidaa darteed, waxay ku khasban yihiin in ay soo ammaahdaan aqoonta ummadaha kale. Balse, ka hor inta aysan adeegsan aqoontaas waa in ay islaamiyaan, oo u bandhigaan diinta.

Marxaladdaan weli aqoontu ma aha mid dhalad ah oo muslimiintu kalsooni badan ku qabi karaan, waayo islaaminta aqoontu wax badan ma dheera tarjumidda aqoonta, waxaana suurogal ah in afkaartii iyo dhaqamadii ummadaha laga soo ammaahday ay si un wax baaqi ugu sii noqdaan.

Midda labaad: Marxaladda Curinta Aqoonta: muslimiintu markay si qumman u fahmaan aqoonta ummadaha kale, isla markaana ay islaamiyaan aqoontaas, waxay gaarayaan heer ay ku hantaan awood ay ku curiyaan aqoon iyaga u gaar ah. Marxaladdaan ayayna aqoontu noqonaysaa mid si buuxda islaamnimadeeda la isugu halayn karo.

Iyada oo koobanna , eraybixinta “Islaaminta aqoonta” waxa lagu qeexay in ay tahay: “In aqoonta laga nadiifiyo afkaarta iyo mabaadida aan Islaamka waafaqsanayn, si loo waafajiyo aragtida Islaamku ka qabo koonka, dadka iyo nolosha”. Waxaa kaloo lagu qeexay : “In aqoonta la waafajiyo caqiidada tawxiidka, oo aqoonta cilmaaniga ah ee aan Ilaah aqoon, Eebbe la baro”31. Siiba aqoonta la rumaysan yahay in ay daahirin badan u baahan tahay waa midda bulshada (= Social Science or human science) ee sida tooska ah ula dhaqanta nafta aadanaha, lana rumaysan yahay in ay si gaar ah ugu nugushahay in fikradaha iyo qiyamka lagu raro32.

3- Islaamintii aqoontu maxay miro dhashay?

Inkasta oo fikradda Islaaminta aqoontu ay muslimiin badan farxad ku abuurtay, aadna loo soo dhaweeyey, haddana marka maanta qumaati loo eego mirihii ka dhashay dadaalkii muddada dheer la waday ee ku addanaa Islaaminta aqoonta, waxaa la ogaanayaa in waxa qura ah ee la qabtay ay tahay in la diyaariyey dhigaallo badan oo lagu caynayo reer Galbeedka, laakiin aysan jirin aqoon aadamiga waxtar u leh oo la islaamiyey33. Fikradda Islaaminta aqoontana waxaa lagu tilmaamay in ay tahay nooc xagjirnimo ah34.

Tusaale ahaan, caafimaadkii Islaamku faa’iidada uu dhalay waxay noqotay faafidda curaafaysiga. Wadaaddo 99% aan weligood arag waxbarasho toos ah, iska daa mid caafimaade ayaa waxay busta ka jafeen buug la qoray kun sano ka hor, badankooduna aysan fahmi karin afka ay ku qoran yihiin, dalaasimtii ay ugu tageen dhigaalladaasna waxay caamada uga dhigeen cilmi cid hortood aragtay aysan jirin. Mid walibana wuxuu furtay mawlac mugdi ah, wuxuuna sheegtay inuu yahay dhakhtar ku takhasusay cudurrada jinka, sheeydaanka, sixirka, isha, kansarka, haybitaatiska, iyo kuwo kale oo faro badan.

Waxaa xusid mudan in dunida Islaamka waddanka keliya ee isku dayey inuu dejiyo siyaasad lagu islaaminayo saynisku uu yahay dalka Bakistaan xilligii uu talada hayey Jeneraal Diyaa-ul-Xaq oo la sheego in wadaaddadu saamayn badan ku lahaayeen. Dalkaas waxaa laga bilaabay fulinta siyaasadda ujeeddadeeda lagu sheegay in ay tahay islaaminta sayniska, waxaana lagu dhawaaqay in la islaamiyo waxbarashada sayniska laga bilaabo marxaladda dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed. Dabshidkii 1987 xukuumaddu waxay qaban-qaabisay shirar dowli ah, waxayna maalgelisay cilmibaarid lagu samaynayo mawduucyo ay ka mid ahaayeen heer-kulka cadaabta iyo kiimiko ahaan waxa cirfiidka ama jinku ka samaysan yahay35.

Run ahaantii, soddonkii nur ee la soo dhaafay, waxaa la qabtay shirar aad u badan oo la sheegay in lagu soo bandhigayo daraasado ku saabsan mucjisooyinka Cilmiga ah ee Quraanka iyo Sunnada (= Scientific Miracles of Quran and Sunnah) horay ugu soo arooray. Hase ahaatee, kolka maan fiyow loogu kuurgalo dhigaalladaas, waxaa si fudud u caddaanaya in ugu yaraan badankoodu ay ku salaysan yihiin dicaayad iyo derbi-xagasho, aayadaha quraanka, axaadiista nebiga iyo hadalladii muslimiintii hore si khasab ah loogu xanbaarayo macne aysan qaadan karin 36.

Barafisoor Pervez Hoodbhoy oo ahaa macallin maadada fiisigiska ka dhigi jirey Jaamacadda Quaid-e-Azam ee dalka Bakistaan, wuxuu tilmaamay in Bakistaan- dabcan dunida Islaamka ee kalena waa la mid- culumada saynisku aysan arrimaha cilmiga sida ay u ogyihiin aysan uga hadli karin baqdin ay ka qabaan eedaynta wadaaddada darteed. Wuxuuna tusaale u soo qaatay dhulgariirkii dalkaas ka dhacay dabshidkii 2005 ee ay ku dhinteen 90,000 ee ruux, oo uu sheegay in culumadu ku dhici waayeen in ay beeniyaan sheekadii wadaaddadu bulshada sida weyn ugu dhex faafinayeen ee ahayd in dhulgariirku yahay ciqaab Alle oo ka dhalatay denbiyada dadku galayaan37. Waxay ila tahay in xaalku yahay “Shaagle laga baqaydii” Soomaalidu horay u sheegtay.

Dhanka kale, dhawr waddan oo uu kow ka yahay dalka Sacuudigu waxaa laga furay kulliyado la sheegay in lagu baranayo cilmiga saxaafadda Islaamka. Waxaa la soo aruuriyey wadaaddo ku caanbaxay jeedinta khudbadaha sawaxanka badan ee muslimiinta masaajidda ku tukanaya lagu sarkhaamiyo. Waxaana lagu sheegay in ay yihiin aqoonyahanno ku takhasusay cilmiga saxaafadda. Nasiib wanaag iyo nasiib darro kii ay doonto ha ahaatee, muddo labaatan sano ka yar kaddib qaar kulliyadahaas ka mid ah irdahaa loo laabay, kaddib markii si cad loo rumaystay in aysan ahayn wax shaqayn kara.

Akhristow jaamacadda la yiraahdo Ummu Qura ee ku taal magaalada Maka Al- Mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sannadihii sagaashanaadkii [1990s), maalin waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey mawduuca warbaahinta Islaamka. Intii shirku socdeyna qaar ka mid ah bahda saxaafaddu waxay waraysi la yeesheen ninkii ugu caansanaa macallimiintii Kulliyada Warbaahinta Islaamka ee isla jaamacaddaas, oo magaciisa la yiraahdo Prof. Cabdifataax Al-Imaam, isla markaana ahaa qofka ugu caansan dadka takhasuskaas ku abtirsada looguna yeeri jirey neynaasta ah: “Aabbaha Saxaafadda Islaamka”. Su’aalihii weriyeyaashu ninkaas weydiiyeen waxaa ka mid ahayd mid oranaysa: Sidee u aragtaa saxaafadda Sacuudiga marka laga eego Warbaahinta Islaamka. Odaygiina isaga oo aad ugu dheeraaday jawaabta su’aashaas , wuxuu sheegay in uusan jirin farqi u dhexeeya warbaahinta Sacuudiga iyo midda Islaamka. Marka ay ka hadlayaan warbaahinta Islaamkana ay ka hadlayaan warbaahinta Sacuudiga. Run ahaantii, maalintaasi waxay ahayd maalintii iigu horreysey ee tuhunku iga galay waxa loogu yeeray Warbaahinta Islaamka.

Warbaahinta Sacuudigu waxay caan ku tahay been, munaafaqnimo iyo in dadweynaha laga tiro dhegaha, indhaha iyo maanka intaba. Haddaba su’aasha ay tahay in la isweydiiyaa waxay tahay haddii tusaalaha saxaafadda Islaamku ay ku dayanaysaa ay tahay middaas caqliga iyo iimaankaba la’, maxay tahay wanaagga laga sugayo warbaahinta Islaamka ee kulliyadaha iyo macaahidda loo furay?

Akhristow aan ku weydiiyee, ma kula tahay in haddii waddamada Islaamka oo dhan laga hirgeliyo warbaahin ka shidaal qaadata midda Sacuudiga ee la wada ogyahay sida ay u silloon tahay, in muslimiintu hanan karaan warbaahin tan reer Galbeedka la guran karta?

Guud ahaan, waxaa la tilmaamay in inta badan saxaafadda sidata magaca islaamku ay tahay mid u adeegta maamullada ka jira deegaannada ay ka hawlgasho. Saxaafadda islaamiga ah ee la sheego in aysan u adeegin danaha maamulladu waa midda ururrada diintu- sida Ikhwaanu Muslimiinku- ay tooska u leeyihiin, oo iyadu danaha ururka u adeegta.

Sidoo kale, waxaa la furay kulliyado la yiri waxaa lagu baranayaa suugaanta Islaamka (= al-Adab al-Islaami). Markii la isweydiiyey waxa ay tahay suugaan Islaam ahina, waxaa lagu qeexay: waa suugaanta runta ku dhisan. Bal suugaan iyo run?

Sida caamada badankeedu garan karto cilmigu wuxuu ku dararaa runta, suugaantuna waxay ku barakowdaa malo-awaalka. Cilmiga, midba kan uu runta uga dhowyahay ayuu ka qiimo iyo waxtar badan yahay, suugaanta iyo guud ahaan fankana midba midkuu ka been badan yahay ayuu ka qiimo iyo quluud badan yahay. Waxaa la yiri: caalimku caqli buu ku hadlaa, fannaankuna waalli buu ku hadlaa, balse marar badan waallidaa caqliga ka milgo iyo murti badan, waana tii la yiri al-junuunu funuun. Suugaani waa been, laakiin been caadiya ma aha, ee waa been inta beentii laga badiyey, run barax la’ loo e’kaysiiyey, dabadeedna duulka falkiyey maankii dadka sida duunyada aayar ugu dareersadeen.

Waxaana la yiraahdaa: “Gabay waxaa ugu macaan kan ugu been badan” ama “gabay waxaa ugu run badan kan ugu been badan”. Carabtuna seben aad u fog bay waxay yiraahdeen: “kuwa sheekeeya ayaa dadka ugu been badan”, fankana waxay ugu yeereen magaca “ikhtilaaq” oo la mid ah erayga reer Galbeedku adeegsadaan ee “fiction”, macnihiisuna yahay “samays aan dhab ahayn”. Waxaa kaloo la yiri: “ fanku waa been aan u baahannahay si aan xaqiiqada u garanno” ama waxaa la yiri: “ fanka waxaan ugu baahan nahay si aan runtu noo dilin.”

Mar baan waxaan akhriyey weer run ah oo uu yiri sheeko-qorihii caanka ahaa ee u dhashay Ingiriiska ee Aldous Huxley isaga oo isbarbardhigaya sheekada khayaaliga ah (=Fiction) iyo dhacdooyinka dhab ahaan dunida uga dhaca, waxayna ahayd: “Mushkiladda khayaaligu waxa weeye inuu xanbaarsan yahay macne aad u ballaaran. Halka waxa dunid dhab ahaan uga dhacaa ay u muuqdaan in aysan wax macne ah samaynayn/The trouble with fiction is that it makes too much sense. Reality never makes sense.”

Akhristow aan tijaabo samaynee, waxaad soo qaadataa gabayga, ama heesta ama sheekada aad ugu khushuucidda badan tahay, dabadeedna waxaad akhridaa ama dhegaysataa adiga oo feejigan, oo dantaadu tahay in aad kala ogaato runta iyo beenta curiyaha. Tuhun iigama jiro, in aadan si fudud u oranayn afkaaga caano lagu qabay, ee aad si fuduf ugu baraarugeyso dabinka fannaanku kuu dhigay.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Tusaale ahaan, heesta “Baladweyn” ee abwaan Hadraawi, waxay ka mid tahay heesaha Soomaalidu aadka u dhegeysato, una khushuucdo. Taana waxaa ugu wacan qiimaha xagga fanka ah ee heestu ay xanbaarsan tahay. Iyada oo ay sidaa tahay, haddii la isku dayo in loo qiimeeyo sida cilmiga dabeecadda oo kale, oo loo adeegsado caqli iyo sheybaar, arrinku waa isbeddelayaa, oo xaalladdii heestu sii jiri mayso.

Baladweyn waxay tiri:

Bi'i waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee

Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Canabkii bislaadoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow beri-samaadkii
Beled Weyne maan tegin

Dhanka bari magaalada
Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bili loo dhameeyoo

Timo boqonta joogoo
Baal gorey la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul-cad lagu xiddeeyoo
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo
Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran

Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig Beerta raaxada
Beerlula Allahayow
Ka barii wax yeellada.

Haddaba, aan isweydiinnee, I’nanta Hadraawi sidaa noogu sawiray ma mid Alle abuuray, oo dhab ahaan loo arkay baa? Mise waa mid abwaanku maankiisa ka hindisay, dabadeedna isaga oo adeegsanaya khiyaalkiisa iyo afmaalnimadiisa uu si fudud noogu qanciyey annaga oo innaba aan wax weydiin ah ku celin?

Dhammaan laamihii aqoonta ee la sheegay in la Islaaminayo, hal laan ah ayaa waxuun dhaqaaq ah ka samaysay. Laantaasi waa waxa loogu yeeray dhaqaalaha Islaamka, weliba dhaqaalaha Islaamka oo dhami dhaqaaq ma samayne, waxaa dhaqaaqa sameeyey waa qayb yar oo ka mid ah, oo ah bangiyada Islaamka. Idanka Alle mawduuca dhaqaalaha Islaamka iyo bangiyada Islaamka meel kale ayaan waqti kale uga hadli doonnaa.

Haddii la isku taxalujiyo in la raadiyo waxuun waxtar ah oo ka dhalan kara hawlgalka islaaminta aqoontana, waxa ugu mudan ee la xusi karaa waa in dhugmo loo yeesho dhanka anshaxa (= Ethical perspectives) marka cilmibaaridda la samaynayo iyo marka natiijada cilmibaaridda la adeegsanayo. Taa waxaa dheer, in maqalka eraybixintu uu muslimiinta qaarkood ku beero xoogaa qab iyo islaweyni ah, oo ay dareemaan in ay leeyihiin aqoonsi-diineed (=Religious identity) iyaga u gaar ah.

Guud ahaan, maanta, waxaa ilaa heer la isla oggol yahay in firkaddii Islaaminta aqoontu aysan mirodhal noqon. Balse, waxaa la isku khilaafsan yahay meesha wax ka khaldameen, oo waxaa jira duul qaba in fikraddu toosan tahay, balse qaabka loo wajahay ama loo maareeyey ay wax ka khaldameen. Halka dhanka kale, ay ka jiraan duul iyagu ka biyo diidey fikradda gebi ahaanteedaba.

Dadka taageera fikradda qaarkood waxay ku doodeen in fikradda la siyaasadeeyey, oo halkii ay ka ahayd in lagu koobo xarumaha waxbarashada iyo cilmibaaridda, ay duul dano siyaasadeed uga faa’iideysteen. Waxaana xusid mudan in inta badan jaamacadihii, macaahiddii iyo guud ahaan hey’adihii lagu sheegay in ay u taagan yihiin islaaminta aqoontu ay ku tiirsanaayeen maalgelinta dowladihii laga hirgeliyey, taasina ay keentay in ay si joogto ah ugu dhego-nuglaadaan danaha iyo go’aannada siyaasiyiinta.

Tusaale ahaan Mona Abaza buuggeeda “ Debates on Islam and Knowledge in Malaysia and Egypt: Shifting Worlds”, waxay ku xustay sida Ra’isuwasaarihii Malaysiya mudane Mahatir Maxamed iyo ku-xigeenkiisii hore mudane Anwar Ibraahim ay mashruuca islaaminta aqoonta ugu adeegsadeen danahoodii siyaasadeed. Waxay tilmaantay in siyaasiyiintaani kalsoonida dadweynaha ku kasbadeen iyaga oo muujiya diin jacayl. Mar walba oo hoos-u-dhac ku yimaado taageerada ay haystaanna ay miciin bidi jireen dhanka diinta oo uu ugu horreeyo mashruuca islaaminta aqoontu38. Sida la ogyahayna mudana Cabdullaahi Badawi oo ah Ra’isuwasaaraha xilka kala wareegay mudane Mahaatiir, mashruucii islaaminta aqoonta wuxuu ku beddeshay mashruuc uu u bixiyey “Islaam Ilbax ah/ Islam Hadhari”, oo uu aad ugu ol’oleeyo.

Si taa la mid ah, machadka Caalamiga Ee Fikirka Islaamka (= International Institute of Islamic Thought “IIIT”) iyo laamihiisa ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyaa in siyaasadaha dowladaha iyo ururrada diintu ay saamayn badan ku leeyihiin39.

Saamaynta siyaasaddu ku leedahay mashruuca islaaminta aqoontuna marar badan waxay keentaa in nacayb iyo colaadi ka dhex aloosanto hey’adahaas iyo dadka matala gudahooda, oo qolo kastaa la safato siyaasiyiinta iyo dowladaha maalgeliya40. Waxaa kaloo xusid mudan, in dadka ku abtirsada mashruuca Islaaminta aqoontu ay kala taageeraan firqooyinka iyo ururrada diinta ee kala duwan (sida; Ikhwaan, Salaf, Suufi,…iwm) taasina ay dhaliso in wadashaqayntoodu ay xumaato.

Waana in aan la illoobin, in guud ahaan xiriirka ka dhexeeya aqoon-yahannada Carabta iyo muslimiinta iyo kuwa haya awooddu (= siyaasiyiinta iyo maalqabeenka) uu yahay xiriir danaysi, oo aalaaba kuwa awoodda hayaa ay aqoonta iyo aqoon-yahanka u adeegsadaan in ay ka dhigtaan jaranjaro ay danahooda ku gaaraan41. Waana tii dhaqaale- yahannadu horay u sheegeen in aysan jirin qado bilaash ahi.

Sidoo kale, waxaa lagu dooday in meesha khaladku ka yimid ay tahay iyada oo la hareer maray manhajkii cilmibaaridda ee saxa ahaa. Tusaale ahaan, Maxamed Abuu Qaasim Xaaji Xamad (1942-2004) oo ka mid ahaa dadka u ol’oleeya Islaaminta aqoontu wuxuu

ku dooday in si loo helo aqoon Islaam ah loo baahan yahay in marka hore lagu guulaysto labo shardi oo kala ah42:

  1. In dadka qabanaya hawsha Islaaminta aqoontu ay aqoon-yahannada dunida ka dhaadhicin karaan in qaabka cilmi-baariddoodu ay tahay mid runnimadeeda lagu hubin karo garashada aadanaha iyo sheybaaradda ay heli karaan, ee aysan noqon mid lagu saleeyo qeybiyaad (=Metaphysics) aan isku aragti laga noqon karin.

  2. In dhammaan dadyowga diimaha kale haysta lagu qanciyo in Muslimiinta oo keli ahi ay haystaan waxyi xaq ah, oo aan aadami sina wax uga beddeli karin.

Dhab ahaantii, labada shardi ee Xaaji Xamad sheegay waxay u muuqdaan kuwo aan laga dhabayn karin. Waxaadna mooddaa in qudhiisu arrinkaas ku qanacsanaa, waayo? Wuxuu si cad u sheegay in dhammaan dadka diimaha kala duwan haystaa ay mid waliba u haysato in diinteeda oo qur ahi ay tahay midda saxda ah.

Dhanka kale, waxaa jira duul ku doodaya in fikradda qudheedu aysan sax ahayn oo ay cuqdad iyo caaddifad isbiirsaday oo keliya ku dhisan tahay43, natiijada ka dhalanaysaana ay tahay in aadamigu aqoonta iyo cilmiga kala sheegto. Tusaale ahaanna lagu andacoodo jiritaanka kimisteri Islaam ah, mid Buudi ah, mid Hinduusi ah, Mid Siikh ah, mid mulxid ah, mid Yaduudi ah, mid Kirishtaan ah, mid Islaam ah, ……iwm.

Dr. Maxamed Cabdusalam oo ah Muslimka qura ee qaatay abaalmarinta Nobel-ka ee cilmiga Fiisigisku, wuxuu marar badan muslimiinta kula dardaarmay in ay iska illoobaan fikradda saynis Islaam ah, isaga oo sheegay in saynisku uusan gaal iyo Islaam kala lahayn, ee dunida uu ka jira hal cilmi oo saynis ahi. Tusaale ahaanna, mar buu wuxuu qoray: “ Waxaa jira hal saynis oo caalami ah, dhibaatooyinkiisa iyo moodalladiisu waa caalami, mana jiro wax la yiraahdo saynis Islaam ahi, si la mid ah sida uusan u jirin saynis Hinduu ahi, uusanna u jirin saynis Yahuudi ahi, uusanna u jirin saynis Konfuushi ahi iyo saynis Kirishtaan ahi/ There is only one universal science, its problems and modalities are international and there is no such thing as Islamic science just as there is no Hindu science, no Jewish science, no Confucian science, nor Christian science.”44

Kooxdaani waxay ku doodeen in aqoontu aysan islaamin u baahnayn, sababtuna ay tahay iyada oo marka horeba aan wax ka khaldani jirin. Runta iyo xaqiiqaduna aysan gaal iyo Islaam kala lahayn, ee runtu mar kasta run tahay45. aqoonta iyo cilmiguna aysan qabiil iyo qawmiyad lahayn46. Arrinkuna ku xiran yahay hadba sida loo adeegsado, oo aqoontu tahay seef labo af leh, oo samaan iyo xumaan labadaba loo adeegsan karo. Waxa sixidda

16 iyo ku baraarugsanaanta u baahnina uu yahay sida aqoonta loo adeegsanayo, balse aysan ahayn in aqoontu islaamin u baahan tahay47.

Dhab ahaantiina, carqaladaha waaweyn ee ka horimanaya duulka u qiiraysan islaaminta aqoonta waxa ka mid ah iyada oo aan la hayn tusaale cad oo laga ambaqaado marka la doonayo in la diyaariyo cilmi Islaam ah. Tusaale ahaan, Tabrizi oo qodobkaan ka hadlayaa wuxuu yiri: “ Cilmiga Islaamka ahi ma awoodin inuu tusiyo sida uu u egyahay fiisigiska Islaamka ahi, iyo waxa uu uga duwan yahay fiisigiska reer Galbeedka”48. Tusaale la’aantuna waxay keentay in taageerayaasha islaaminta qudhoodu aysan isku si wax u arag, una qiimayn, dabadeedna mid kastaa dareenkiisa ka duulo.

Taageerayaasha islaaminta aqoontu waxay iska indho tiraan in aqoonta iyo ilbaxnimada aadanuhu ay ku bulaalaan isdhexgalka iyo wax kala ammaahashada. Muslimiintuna taa ummadaha kale kamaga duwana, oo aqoontii iyo ilbaxnimadii Islaamku waxay hodantay markay aqoontii iyo farsamooyinkii ummadaha kale wax badan ka soo qaadatay, isla markaana ay dib wax badan ugu celisey. Tusaale ahaan, afkaartii iyo duruufihii ay ku noolaayeen muslimiintii noolaa casrigii Cabbaasidu wax badan ayay uga geddisnaayeen kuwii muslimiintii ka horreeyeeyey, taana waxaa u sabab ahaa saamayntii aqoonta iyo dhaqammada ummadaha kale ay ku lahaayeen muslimiinta.

Aqoonta iyo cilmigana waxaa marar badan lagu metalaa in ay yihiin guri ama dhisme marba qolo cusubi ay wax ku biiriso wixii dadkii ka horreeyey ay qabteen. Isxaaq Niyuuton oo xaqiiqadaas ka duulayanaan waa tuu yiri: “Ma awoodeen in aan meel fog wax ka arko haddii aanan ku taagnayn garbaha dad waaweyn.” Soomaalidii horena waa kuwii isla xaqiiqadaas noogu sheegay murtida tiraahda “Gacmo isdhaafa ayaa galladi ka dhalataa”.

Run ahaantii, xaalka nolosha aadanuhu sidaas ayay muddo dheer ahayd, timaaddadana ahaan doontaa. Waxaase la yaab leh in dunida tuulada noqotay ay duul si weyn isugu dayayaan inay caqliga iyo aqoonta aadanaha kala dhexdhigaan derbiyo aydaloojiyadeed oo dhaadheer. Waayo? Fekradda islaaminta aqoontu waxay horseedaysaa in culumada muslimiintu ka qoqobmaan (=Ghetto) culumada adduunka intooda kale. Waxayna meesha ka saaraysaa muslimiintii furfurnaa ee aqoonta meel walba geyn jirey, meel kastana u raadsan jirey iyaga oo ka duulaya xaddiiska caanka ah ee yiraahda: “ Cilmiga u raadsada Shiinaba kolay ku tahay/ أطلب اهاحعلمهوح هفيهاحصين”.

Muslimiintuna dunida inteeda kale aqoonsi uga heli maayaan in ay ku faanaan jiritaanka aqoon iyaga u gaar ah, balse waxay aqoonsi iyo qaddarin helayaan kolka dunidu indhaheeda ku aragto aqoon ay dunida ku soo kordhiyeen.

Midda kale, dadka u ol’oleeya islaaminta aqoontu nooma sheegin Islaamka ay rabaan inuu noqdo kan la cuskanayo ee loola noqonayo hawsha islaaminta aqoonta. Waayo? Sida la ogyahay, muslimiintu inkasta oo ay diinta islaamka wada haystaan, wax badanna wadaagaan, haddana taniyo taariikh aad u durugsan dhexdooda waxaa ka jirey afkaar iyo aragtiyo aad u kala geddisan. Qolo kastaana aragtideeda Islaamka ayay cuskinaysey. Waxayna isu aragtaa in iyadu tahay midda metalaysa islaamka saxda ah.

Waxaana lagu dooday in Islaamku isaga oo mid ah uu haddana kala duwan yahay, oo tusaale ahaan ay dhinacyo badan ku kala duwan yihiin Islaamka Jasiiradda Carabta, kan Eeshiyada kale iyo kan Afrikada madow49. Waxaana filayaa in laga wada dheregsan yahay isweydiimaha faraha badan ee ka dhashay muslimiinta ku batay waddamada reer Galbeedka.

Shiikhii la oran jirey al-Awsaacina waxaa laga wariyaa hadal macnihiisu ahaa: Ruuxii cabbidda khamrada kaga dayda fuqahada reer Kuufa, guurka mutcadana kaga dayda fuqahada reer Maka, heesahana kaga dayda fuqahada reer Madiina,…, diin la’aan buu noqdaa.

Dhab ahaantii, hadalka wadaadku marka dhan kale laga eego, wuxuu sawir cad ka bixinayaa kala duwanaanta aragtida muslimiinta, waayo dhammaan deeggaannada uu xusay iyo kuwa uusan xusinba, waxay ku kala duwan yihiin arrimo badan oo qolaba si u haysato iyada oo aragtideeda diinta daliil uga haysata.

Diintu iyadu iskeed isuma macnayso, balse bulshada diinta haysata ayaa macnaysa. Bulshaduna kolka ay diinta macnaynayso marar badan waxay ka duulaysaa garashadeeda oo ay si weyn u saameeyaan duruufaheeda dhaqan dhaqaale. Sidaa darteedna, nusuusta diintu waa mid u nugul in siyaabo kala duwan loo macneeyo50, waxaana ku rumoobaysa oraahdii ahayd: “ Macallimow alif wax ma leh iyo waxbuu leeyahay labadaba adigaa lagaa maqlay!”

Muslimiintana – kuwo hore iyo kuwa hadda noolba- waxaa laga helayaa qaar rumaysan in badan oo ka mid ah aragtiyaha maanta reer Galbeedka loogu abtiriyo. Waana hawl aan fududayn in si qeexan afkaarta muslimiinta loogu kala saaro qaar Islaamka waafaqsan iyo kuwo aan waafaqsanayn.

18 Dhacdooyinka caanka ah ee kala duwanaanta afkaarta muslimiinta tusaalaha loogu soo qaatana waxaa ka mid ah, dooddii dhexmartay saddexdii aqoonyahan ee kala ahaa Ibnu Siinaa, al-Gasaali iyo Ibnu Rushdi. Sida dadka badankoodu ogyihiin, Al-Gasaali wuxuu qoray buug uu cinwaan uga dhigay “Is-haysad La’aanta Falaasifada/Tahaafut al- Falaasifa/ The Incoherence of Philosophers” oo uu si weyn ugu weerar Ibnu Siinaa, oo uu ku eedeeyey in uu la yimid afkaar diinta Islaamka ka hor-imaanaysa. Laakiin muddo kaddib, waxaa soo baxay buugga uu qoray Ibnu Rushdi ee lagu magacaabo “Tahaafut al- Tahafut/ The Incoherence of the Incoherence”, oo jawaab u ah buuggii al-Gasaali, wax badan oo ka mid ah dhaliilihii Ibnu Siinaa loo soo jeediyeyna uu ku deedifeeyey.

Midda kale, doodda sheegaysa in aqoonta loo celiyo kitaabka iyo sunnada iyo sidii facyaashii suubbanaa ay u fahmeen, waxay xanbaarsan tahay nuxur ah in aqoontu tahay intii horay loo ogaa, waxa keliya ee loo baahan yahayna ay tahay in lagu baraarugo aqoontaas dhaxalka ku timid. Dooddaas oo la mid ah weedha caanka ah ee hilowga beenta ah muujisa ee tiraahda: “Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yiri”, waa mid khatarteeda leh, oo garaadka muslimiinta iyo horumarka aqoonta isbaaro u dhiganaysa, oo waxaa ka dhalanaya in lagu khasbanaado in mar walba dib la eego, oo aragtidii dad boqollaal sano ka hor noolaa aqoonta iyo horumarka lagu jaangooyo. Waana isla fikraddii ay qarniyadii dhexe ku doodi jireen wadaaddada kirishtaanku ee sheegaysey in “Diintu tahay boqorrada cilmiga/ Theology is the queen of science”51.

Aqoonta iyo cilmiga aadamigu ma aha wax go’an oo aan isbeddelin, balse si joogto ah ayay isu beddelaan, horumarna u sameeyaan. Isbeddelkaas iyo horumarkaas waxaa xooggiisu ka dhashaa dhaleecayn iyo dib-u-eegid lagu sameeyo aqoontii dadkii hore laga dhaxlay iyada oo la adeegsanyo farsamo casri ah oo aan dadkii hore heli karin ama la adeegsanayo manhaj cilmi-baarineed oo aan horay loo adeegsan, ama mawduuca laga eegayo dhan aan horay looga eegin.

Cilmiga iyo diinta oo la isku jajuubaa waxay keeni karaan labo arrimood oo mid kastaa dhibkiisa leeyahay. Labadaas arrimood waxay kala yihiin: in lagu khasbanaado in cilmiga la cabburiyo si uusan diinta uga hor imaan ama in diinta la beddelo si ay cilmiga u okobbanaato. Taa awgeedna, waxaa jira aqoonyahanno muujiyey welwel ah in fikradda islaaminta aqoontu ay horseedi karto in muslimiintu diin iyo cilmi labadaba seegaan.

Aqoon-yahannadaani waxay xusaan in si cilmigu horumar u sameeyo ay lamahuraan tahay in la yareeyo galaangalka ay ku leeyihiin siyaasadda, dhaqanka iyo diimuhu. Muslimiintuna halka ay kaga mashquuleen carada iyo cayda reer Galbeedka,ay ahayd in ay ku mashquulaan jawaab u helidda weydiimaha ku aaddan sababta keentay jirrada iyo dib-u-dhaca ku habsaday iyo sida looga bogsoon karo, oo aqoon iyo horumar lagu samayn karo.

Run ahaantii, waxaad mooddaa in Shakiib Arsalaan horay isugu dayey inuu dood noocaas ah bilaabo kaddib markii uu qoray buuggga uu ugu magacdaray “Maxay Muslimiintu La Dib-dhaceen Halka Qayrkood ka Hormareen?/ Limaadaa Ta’akhara al- Muslimuun wa Taqadama Gayruhum?/ Why Are the Muslims Backward While Others Are Advanced?”. Balse, ayaandarro waxaa muuqata in muslimiintu aysan weydiintaas siin culayskii iyo muhiimaddii ay mudnayd.

Xaqiiqada biyo kama dhibcaan ahina waxay tahay in horumarka ay sameeyeen dadyowga aan muslimka ahayn iyo dib-udhaca haysta muslimiintu in aysan xiriir la lahayn diin kuwo hore ka tageen, ama diin kuwa danbe ku dheggen yihiin, balse arrinku mar walba ku xiran yahay sida cid kastaa adduunka u fahanto, uguna shaqaysato.

Taageeraayaasha mashruuca islaaminta aqoontu, waxay marar badan ku doodaan in aan weli la gaarin waqtigii si dhab ah loo arki lahaa waxsoosaarka mashruuca, oo muddada qiyaastii kontonka dabshid ah ee uu jirey, aysan ahayn waqti ku filan in looga miro- dhaliyo mashruuc baaxaddaas leh.

Waxaan leeyahay Allow run ka dhig dooddaas! Balse, markaan ka duulo xog-ogaalnimo soddon sano gaaraysa oo aan mawduucaan u leeyahay, waxaan si kalsooni ku jirto ugu doodi karaa in waxa qura ee muslimiintu ka macaashayaan sii socoshada mashruucaani ay tahay in aqoonta loo dulleeyo wacdiga wadaaddada, jaamacadaha iyo xarumaha cilmi- baaridda dunida muslimka ee markoodii horeba luudayeyna ay isu rogaan mawlacyo xeri ku xadrayso.

4- Gunaanad:

Iyada oo kooban, waxqabadka taageerayaasha fikradda Islaaminta aqoonta waxaa ku rumoobaysa oraahda culumadii hore ee Islaamku ay adeegsadeen ee tiraahda: “ Waxay qaateen nuxurkii falsafadda, markaasay qolof Islaam u geliyeen/ أخذواهمخهاحفلسفة،هفلبَس ههحلاءه اإللسما”, oo waxaa muuqda in illaa iyo hadda aan lahayn wax muuqda oo la islaamiyey. Sideedabana, waxaa isweydiin u baahan waxtarka iyo waxdhinka fikradda qudheedu u leedahay Islaamka iyo muslimiiinta.

Aqoon-yahannadu waa kala midab iyo dhalasho duwanaan karaan, balse si taa ka duwan aqoontu midab iyo qabiil toona ma yeelan karto, oo aqooni waa aqoon bari iyo galbeed kay doonto ha ka timaaddee!. Waxaana habboon in aan madaxa la isugu dhufan nusuusta waxyiga iyo aqoonta caqliga iyo sheybaarka lagu ogaado52.

Mudane Galileo waxaa laga hayaa inuu yiri: “ Baybalku wuxuu na baraa sidii aan jannada ku tegi lahayn, balse nama baro sida jannadu u socoto/ The Bible teaches us how to go to heaven, not how the heavens go”. Si taa la mid ahna, muslimiintu waa in ay ogaadaan in quraanku yahay buug hanuun ee uusan ahayn buug fiisigis iyo kimisteri, shaqadiisuna tahay inuu noo sheego sidii aan jannada ku geli lahayn, balse aysan ahayn inuu noo sheego waxa jannadu ka samaysan tahay. Waana in la ogaadaa in culumadii aqoonta aadamiga wax ku kordhiyey badankoodu ay shaqadooda qabsadeen iyaga oo aan Baybal iyo Musxaf toona kilkilaha ku sidan.

Bulsho baarihii Ibnu Khalduunna (1332-1406) waxaa laga wariyaa inuu ku dooday in aysan khasab ahayn in cilmiga adduunyadu (= cilmu al-cimraan) uu waxyi u baahan yahay, buuggiisa caanka ah ee al-Muqaddimah na uu ku yiri: “ووذا يبينهحكهغلطهمهفيه حاجةهعلمه احعمرانهحل حي”.

Muslimiintu dal-dal iyo wadar ahaanba waa u baahan yihiin in ay helaan aqoon dhab ah oo u suurogelisa horumar, isla markaana ay isaga caabiyaan daandaansiga ummadaha kale. Hayeeshee uma baahna, kamana bixi karaan indho-sarcaad iyo abdo been ah oo qarni kale lagu marqaamiyo.

Guntii iyo gabagabadii, waa hubaal in la gaari doono, maalin duulka u jidbeysan islaaminta aqoontu ay riyo-maalmeedka ka baraarugaan, kuna qancaan in fekraddaani aysan shaqayn karin, jaanta iyo jiibtana ku biiriyaan igaarkii ku luuqeeyey: “ Cibaadeysaan cindiga ku hayee, daniba waygu celin ciyaaraha!”.

  1. Halkaan ka eeg qayb ka mid ah khudbadii wadaadka

  2. Waxaa xusid mudan in dadka u ol’oleeya fikradda qaarkood ay ka biyo-diideen eraybixinta “Aslamat al-Macrifa” taa beddelkeedna ay la yimaadeen eraybixinno kale sida “ Takaamul al-Macrifa iyo Waxdat al-Macrifa”. Eraybixinnaduna waa kuwo loogu duurxulayo si loo muujiyo in aqoonta reer Galbeedku ay ka maran tahay dhanka akhlaaqda iyo ruuxda.

  3. Waxgaradka dunida badankoodu waxay qirsan yihiin in muddadii u dhaxaysey 9oo- 1200 C.D ay muslimiintu ahaayeen kuwa laamaha kala duwan ee aqoonta dunida uga mas’uul ahaa. Magaalooyinka Baqdaad, Dimishiq, Qaahira iyo Qurduba iyo magaalooyinka kale ee dunida Islaamkuna ay ahaayeen xarumaha cilmi baaridda dunida, aysanna jirin cid kale oo waayadaas aqoonta aadanaha ku kordhisay wax la taaban karo oo aan muslimiinta iyo Shiinaha ka ahayn. Dhanka Yurub muddadaasi waa waqtiga loogu yeero Qarniyadii Dhexe, weliba waa qaybtii hore ee qarniyadii dhexe oo Yurub mugdiga ugu badan ay ku jirtey. Waxaana xusid mudan in muslimiintu seexdeen isla markii yurub baraarugtey.

    Sababta seexashada keentayna dad baa si fudud waxay ugu celiyaan diinta Islaamka. Balse culumada taariikhda cilmiga badankoodu ma oggola tafsiirka noocaas ah, waxayna rumaysan yihiin in sababo badan oo kale arrinku u noqonayo.

  4. Tusaale ahaan tirada hadda loo yaqaan tiro carbeedda (Arabic numerals= 0,1,2,3,4,5,6,7,8,9), asal ahaan Hindi baa la hayd, balse muslimiinta ayaa gaarsiiyey Yurub, sidaa darteed baana reer Yurub waxay ugu abtiriyeen carabta. Sidoo kale, Shiinaha ayaa hindisay farsamada xaashiyaha, laakiin waxaa dunida- siiba Yurub- ku faafiyey muslimiinta oo waayahaas ganacsiga adduunka maamuli jirey. Waxaa intaa dheer tarjamadii muslimiinta aqoontii ummadaha kale ku sameeyeen, oo dunidu si weyn ugu ayday.

  5. Waxaa loo badan yahay in taariikhda muslimiintu khuurada galeen laga bilaabo qarnigii 13-aad, balse waxaa jira dad tiro yar oo taariikhda khuurada ka bilaaba qarnigii 16-aad.

  6. Bernard Lewis mar uu qalinka ku adkaynayey sida muslimiintu u hurdeen xilliyadii Yurub halgamaysey, wuxuu yiri: “The Renaissance, Reformation, even the Scientific Revolution and the Enlightenment, passed unnoticed in the Muslim World.” Eeg: Islam and West (New York: Oxford University Press, 1993), B. 183

  7. Muslimiintu Yurub waxay u arkayeen dhul ay deggen yihiin gaalo cawaan ah, oo aqoon iyo ilbaxnimo ka dheer yihiin. Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in markii ugu horreeysey ee muslimiintu arkaan buug caafimaad ku saabsan ee Yurub lagu qoray ee afafka muslimiintu ku hadlaan loo rogo ay ahayd dabshidkii 1655. Buuggaas oo loo keenay suldaan Maxamedkii 4-aad, wuxuu ahaa buug yar oo ka hadlaya cudurka waraabowga (syphilis) oo muslimiintu ugu yeeri jireen “Cudurka gaalada/ Frankish dease”. Taana waxaa loo aaneeyey in muslimiintu maadaama ay cudurka gaalada ugu abtirin jireen ay ku qanceen in daawadiisana iyaga laga raadiyo (Eeg; Bernard Lewis. What Went Wrong: Western Impact and Middle Eastern Response. New York: Oxford University Press, 2002)

  8. Muran kama taagna in reer Galbeedku galaangal badan ku leeyihiin aqoonta maanta dunida ka jirta. Sidoo kalena muran kama taagna in dadyowga reer Galbeedka badankoodu aysan nusuusta waxyiga u aqoonsanayn meesha aqoonta laga qaato. Waxaana xusid mudan in wadaaddadii hore ee Kirishtanku isku hawleen in ay aqoontii ummadaha kale, siiba Giriigga ay waafajiyaan diinta masiixiga. Balse si taa ka duwan wadaaddada masiixigu hadda waxay ku qanceen in diintu shanta kala baxdo arrimaha la xiriira aqoonta adduunyada, oo kaniisaddu shaqada sheybaarka ammaan siiso.

  9. Tusaale ahaan eeg buugga Sayid Qudbi ee “Macaalim fii al-Tariiq”. Sayed Qudbi oo afkaartiisii diiniga ahayd loo diley darteed, waxaa loogu yeeraa magaca “Ashahiid”. Taasoo jirta, haddana waxaa la wariyaa in qaar ka mid ah wadaaddada salafiyiinta Sacuudigu ay gaalaysiiyeen.

  10. Muslimiintu muddo ayay hadal hayeen duullaan maskaxeedka reer Galbeedka, laakiin reer Galbeedkuna dhankooda qarniyadii dhexe waxay aad uga welweli jireen duullaan maskaxeedka dhanka muslimiinta uga imanaya, sanooyinkaan danbana waxay aad uga hadlaan wax loogu yeero “Islamphopia”, waxayna bilaabeen inay qotaan dhufeysyo ay ka galaan duullaanka muslimiinta.

  11. Al-Caddaas wuxuu leeyahay xer u badan ardaydii uu jaamacadda u dhigi jirey, isla markaana wuxuu qoray dhigaallo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin; Islam and the Philosophy of Science (1989), Islam and Secularism (1993), Prolegomena, to the Metaphysics of Islam: An Exposition of the Fundamental Elements of the Worldview of Islam (1995).

  12. Waxaa habboon in Maxamed Naqiib al-Caddaas aan lagu khaldin walaalkiis ka weynaa oo la oran jirey Xuseen alCaddaas (1928-2007), xagga afkaartana ay aad ugu kala duwanaayeen. Xuseen al-Caddaas wuxuu ahaa macalin, iyo qoraa meelo badan oo dunida ah- siiba qaaradda Aasiya laga yaqiin. Wuxuu u ol’oleyn jirey in la helo bulsho siman iyo in diinta iyo siyaasadda la kala saaro, si xukuumaddu u noqoto mid shacabku u siman yahay. Bulshada Malaysiya ee kala diinta iyo dhaqamada ahi in ay xasillooni kuwada noolaatana dad badani qayb ahaan waxay u celiyaan afkraatiisii. Buugtiisana waxaa ka mid ah; The Democracy of Islam, Mental Revolution, Sociology of Corruption, The Myth of the Lazy Native, iyo kuwo kale oo badan. Barafisoor Edward Said oo buuggiisa “Orientalism/ al-Istishraaq” lagu tiriyo inuu saldhig u yahay dhigaalladii ka danbeeyey ee Barigu gumeystaha ka qoraan, wuxuu sheegay in Sayid Xuseen al-Caddaas iyo dhaleecaynta buuggiisa “The Myth of the Lazy Native” ay u soo jeediyeen gumeystayaashu ay saamayn badan ku lahaayeen inuu si quman ugu sii kuurgalo siyaabaha reer Galbeedku reer Bariga u darsaan una arkaan.

  13. Ismaaciil al-Faaruuqii iyo xaaskiisiiba waxaa gurigoodii dhexdiisa lagu dilay markii taariikhdu ahayd 27kii May 1986. Sababta dilka keentayna si cad looma ogaan.

  14. Ismaaciil al-Faaruuqi dabshidkii 1981 ayuu daabacay buug uu cinwaan uga dhigay “Islaaminta aqoonta”. Machadkuna wuxuu daabacay buug tiradoodu ka badan tahay boqol. Arrinka in la isweydiiyo u baahanna wuxuu yahay buugtaasi kaalin noocee ah ayay ka qaateen Islaaminta aqoonta?

  15. Sanooyinkii 1970-aadkii ayaa urur ay lahaayeen ardaydii Muslimiinta ahaa ee jaamacadaha ka dhigan jirey Waqooyiga Ameerica (=Maraykanka iyo Kanada) wuxuu go’aan ku gaarey in ay sameeyaan urur hoosaadyo ay ku midaysan yihiin hadba ardayda intii isku takhasus ahi. Sidaa awgeedna waxay sameeyeen saddex urur hoosaad oo kala ahaa; Islamic Medical Association, Association of Muslim Social Scientists, iyo Association of Muslim Scientists and Engineers.

  16. Dadka mawduucaan wax ka qoray qaarkood ayaa xusay in al-Caddaas bilaabay adeegsiga eraybixinta sannadkii 1973.

  17. Sayed Xuseen Naasir wuxuu leeyahay dhigaallo badan oo isugu jira kuwo ku qoran Ingiriis iyo qaar ku qoran Faarisi. Tusaale ahaanna, kuwa Ingiriiska ku qoran waxaa ka mid ah: Science and Civilization in Islam (1968); Islam and the Plight of Modern Man (1975); Islamic Science: An Illustrated Study (1976); Ideals and Realities of Islam (1979); Knowledge and Sacred (1989); The Need for a Sacred Science (1993) iyo kuwo kale oo badan.

  18. Dhab ahaantii, fikradda sheegaysa in muslimiintu ka tageen diintoodii iyo dhaqankoodii waxay bilaabatay taariikh aad u durugsan, oo loo celin karo markii saxaabadii rasuulka (SCW) iyo ubadkoodii ay bannaanka uga baxeen jasiiraddii carabta oo ay tageen deegaanno laga haysto dhaqamo ka duwan kuwii ay ku yaqaanneen dhulkooda, isla markaana nolosha cusub iyo dhaqamadeedu ay saamayn ku yeesheen.

  19. Mar walba oo la soo hadalqaado Islaamka iyo aqoonta, waxaa la xusaa doodda sannadkii 1883 Baariis ku dhexmartay taariikh-yahankii feylasuufka ahaa ee Ernest Renan iyo Jamaalu-diin Afgaani. Dooddaas oo cinwaankeedu ahaa “Islaamka iyo cilmiga”.

  20. Maxamed Iqbaal wuxuu sannadkii 1934 daabacay buug uu cinwaan uga dhigay “Cusboonaynta ama Dib-uqaabaynta Fikirka Diiniga Ah Ee Islaamka/ The Reconstruction of Religious Thought in Islaamka/ في الدينى التفكير تجديد اإلسالم“, oo judha ugu horraysaba cinwaankiisa laga garanayo in doodda Iqbaal ay isla saacadda maanta ah taagantahay. Waxaana xusid mudan in Maxamed Iqbaal iyo odayaasha kale ee uu ka mid yahay Maxamed Cabdo aysan cuqdad ka qabin aqoonta iyo farsamada reer Galbeedka, balse ay diiddanaayeen gumeysiga reer Galbeedka, isla markaana ay doonayeen in la helo muslimiin xor ah oo midooba.

  21. Xasan al-Bannaa wuxuu ururka Ikhwaanu Muslimiinka aasaasay dabshidkii 1928, xilligaas oo dunida islaamku uu ka jirey dareen ah in loo baahan yahay in dib loo soo nooleeye khilaafadii islaamka ee dhacday, meesha ugu habboon ee khilaafadaas laga hirgelin karaana ay tahay ciidda Masar.

  22. Mawduudi waxaa lagu sheegay inuu markii hore ka mid ahaa muslimiintii rumaysnaa in aan loo baahnayn in la kala jaro dalweynaha Hindiya, hase ahaatee kolkii Bakistaan goonnida isu taagtey, wuxuu u soo wareegay dhanka Bakistaan, xisbigii al-Jamaaca al-Islaamiya ee uu sameeyey sannadkii 1941, wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray siyaasadda Bakistaan. Inkasta, oo uusan marna ku guulaysan inuu si toos ah talada waddanka u qabto. Mawduudi wuxuu si weyn u dhaliilay afkaarta reer Galbeedka, oo ugu muuqatay mid jaahili ah oo diinta ka hor imaanaysa.

  23. Aayatullaahi Khumeyni marka laga yimaado kacdoonkii uu talada dalka Iiraan kula wareegay, wuxuu saamayn badan ku lahaa fikirka muslimiinta Shiicada ee ku aaddan arrimaha siyaasadda. Shiicadu waxay horay u rumaysnaayeen in siyaasadda iyo xukunka laga gaabsado jeer uu ka imaanayo mahdiga la sugayo (al-Mahdi alMuntadar) oo dunida sinnaan iyo caddaalad ka buuxin doona. Si taa ka duwan, Khumeyni wuxuu fiqiga shiicada ku kordhiyey fikradda “Talinta Faqiiha/ Wilaayat al-Faqiih”, taasoo ah kacdoon dhab ah oo ku yimid fikirka shiicada, madaxiisiina majo u rogay, siyaasaddana ka dhigay meherad si gaar ah wadaaddadu u leeyihiin.

  24. Oraahda “facyaashii suubbanaa ama asalaf asaalix” waa oraah muddadaan dambe aad u faaftay, laakiin dhab ahaantii aan lahayn macne qeexan, oo cid waliba sida ay doonto ay u leexsato. Dadka hilowga badan u muujiya in loo noolaado sidii qarniyo ka hor loo noolaana waa kuwo iska indhotiraya in aadamigu jecel yahay in berridiisu dhaanto shalaydiisii, oo caadi ahaan ubadku aysan ku qancin noloshii awoowe iyo ayeeyo ay ku noolaayeen. Taasina ay tahay midda keentay horumarka aadamigu sameeyey.

  25. Tusaale ahaan, waxaa la xusay in buugga Charles Darwin ee “The Origin of Spacies”, oo la daabacay sannadkii 1859, in joornaallada Carabtu ay af Carabi u rogeen sannadkii 1876, buug ahaanna loo daabacay 1918. Muddadaasna aysan jirin qaylo buuggaas ku saabsan oo dhanka muslimiinta ka timid. Caadi ahaanna ay cabashadu ka imaan jirtey dadyowga diimaha kale haysta. Sidoo kale, waxaa jirey culumo uu ka mid ahaa mudane Axmed Khaan oo rumaysnaa in aqoonta casriga ahi aysan ka hor imaanayn diinta Islaamka.

  26. Waxaa xusid mudan in dabshidkii 1976 isla magaalada Maka al-Mukara lagu qabtay shirweynihii koowaad ee Dhaqaalaha islaamka. Shirweynaha waxbarashaduse wuxuu uga duwanaa kan dhaqaalaha in ay ka soo qaybgaleen aqoonyahanno ku kala abtirsada laamaha aqoonta ee kala duwan, ujeeddadiisuna ahayd in guud ahaan aqoonta la islaamiyo

  27. Shirkaas Caddaas wuxuu ka jeediyey warqad ku saabsanayd waxbarashada Islaamka, halka Faaruuqi uu ka jeediyey warqad ka hadleysay Islaaminta aqoonta.

  28. Tusaale ahaan, eeg qoraallada ay ka midka yihiin: Ismaaciil al-Faaruuqii, Siyaaqat al-Culuum al-Ijtimaaciya siyaaqa Islaamiya. Louay Safi, The Foundation of Knowledge: A Comparative Study in Islamic and Western Methods of Inquiry.

  29. Eeg: Ibnu Qayim al-Jawsiyah, Aclaam al-Muwaqiciin 4/283. Aduruq al-Xukmiyah, B.12

  30. Doodda noocaan ah waxaan marar badan ka maqlay odayaasha u ol’oleeya fikradda Islaaminta aqoonta. Tusaale ahaan, waxaa sidaa marar badan u dhiga doodda Dr. Cabdixamiid Abuu Suleymaan, oo ahaa guddoomiyihii jaamacadda Islaamiga Caalamiga ah ee Malaysiya, isaga iyo walaalkiis Dr. Cabdiwahaab Abuu Suleymaanna ay safka hore uga jiraan dadka firkadda aadka ugu halgamey. Cabdixamiid wuxuu sheegaa in hawsha marxaladdaan muslimiinta u taal ay tahay in ay islaamiyaan aqoonta ay ummadaha kale ka soo ammaahanaya. Balse la gaari doono marxalad danbe oo muslimiintu aqoon iyaga u gaar ah ay curin doonaan (tusaale ahaan daawo: https://www.youtube.com/watch?v=U8NuQdiEICQ ).

  31. Waxaa la sheegay in aqoontu darsayso dabeecadda, oo dhab ahaan astaan ama aayad u ah abuurihii markii hore uumay, dabadeedna ilaaliyey. Haddii si kale loo dhigo dabeecaddu waxay ka tarjumaysa xiriirka ka dhexeeya Alle iyo uunka. Midnimada Allena waxay muujinaysa midnimada aqoonta dhabta ah, oo ah midda ka timaadda xagga Eebbe. Sidaa darteed, waa in aqoonta oo dhan la mariyaa shaqshaqa towxiidka. Waxaana xusid mudan in Dr. alFaaruuqii uu leeyahay buug cinwaankiisu yahay “Towxiidka: Raadka uu ku leeyahay Fikirka iyo Nolosha/AlTawheed: Its Implication for Though and Life”.

  32. Dood marar badan ay adeegsadaan dadka u ol’oleeya islaaminta aqoontu, ilaa heerna la isla oggol yahay in wax ka jiraan ayaa sheegaysa in aqoontu aysan qiyam ka marnayn (= knowledge is not value-free but value laden).

  33. Waxaa jira qaar ku dooda in waxa muslimiintu u baahan yihiin uu yahay in diinta la caqliyeeyo, ee aysan u baahnayn in cilmiga iyo aqoonta la diimeeyo.

  34. Tusaale ahaan eeg: Bassam Tibi, Worldview of Sunni Arab fundamentalists (1993). In Fundamentalisms and the state: Remaking Polities, Militance, and Economies, M.E. Marty & R.S. Appleby (Eds.). The University of Chicago Press. Sidoo kale eeg: Sholahudin Muhsin Ali; The difficulties of Islamization of knowledge.

  35. Eeg: Pervez Hoodbhoy, Islam and Science: Religious Orthodoxy and the Battle for Rationality (London, Zed book, 1991) BB. 140-154. Sidoo kale eeg: Pervez Hoodbhoy; Science and Islamic World: The Quest for Rapproachment (Physics Today, August 2007).

  36. Wadaaddada diimaha oo dhami waa ka siman yihiin dhaqanka ah in ay diintooda mucjisaad badan ugu abtiriyaan. Tusaale ahaan, bishii Siteembar ee sannadkii 2005, bulshooyinka Hinduusiga ahi waxay aad u faafiyeen in sanamka madaxa maroodiga leh ee ay caabudaani uu ruux yeeshay ama nafi gashay, oo uu bilaabay inuu caano cabbo. Dhanka kale, buugta muslimiintu aadka u akhristaan, afafka badanna loo rogey ee ka hadla mucjisooyinka cilmiga ah ee diinta Islaamka lagu xusay waxaa ka mid ah; Maurice Bucaille; The Bible, the Quran and Science iyo kan uu qoray Wahiduddin Khan; God Arises: Evidence of God in Nature and in Science.

  37. Pervez Hoodbhoy; Science and Islamic World: The Quest for Rapproachment. Waxaana xusid mudan in saxaafadda Bakistaan ay sannadkii 2013 sheegtay in Hoodbhoy laga cayriyey jaamacaddii uu 36 sano macallinka ka ahaa, sababtana waxaa loo aaneeyey in ay tahay dhaleecayntii uu u jeedinayey nidaamka waxbarashada ee dalka iyo guud ahaan dunida Islaamka. Mar uu ka hadlayey jaamacadda uu macalinka ka ahaa oo lagu qiimeeyey in ay kaalinka labaad uga jirto jaamacada ugu wanaagsan dunida Islaamka, wuxuu yiri: “ Jaamacaddaydu waxay leedahay saddex masjid iyo midkii afkraad oo hadda la dhisayo, laakiin hal maktabad oo qura ma leh.” Eeg maqaalkiisa: Science and Islamic World: The Quest for Rapproachment.

  38. Mona Abaza, Debates on Islam and Knowledge in Malaysia and Egypt: Shifting Worlds” (London: Routledge, 2002) BB. 89-105. Waxaa xusid mudan in Abaza aysan iyadu ka mid ahayn dadka la dhacsan fikradda islaaminta aqoonta.

  39. Eeg: Mona Abaza iyo qoraallada kale ee uu ka midka yahay: Barbara Kay; The Dumbing-Down of Due Diligence at Canada's Huron College (Campus Watch May 11, 2011). Halkaan ka Eeg: http://www.campus-watch.org/article/id/11284

  40. usaale ahaan eeg buugga Mona Abaza.

  41. Dhigaallo badan ayaa qodobkaan laga sameeyey. Dhigaallada caanka ahna waxaa ka mid ah maqaalka Edward W. Siciid ee cinwaankiisu yahay: “Identity, Authority and Freedom: The Potentate and Traveler”. Maqaalkaas Siciid wuxuu ku muujiyey in jaamacadaha waddamada Carabtu ay qabtaan shaqadii hey’adaha nabad-sugidda.

  42. Eeg buuggiisa “Abistimooloojiyah al-Macrifa al-Kooniya: Islaamiyat al-Macrifa Wal-manhaj” BB.47-50

  43. Waxaa jira aqoonyahanno badan oo muslim ah oo siyaabo kala duwan u dhaliilay fikradda islaaminta aqoonta. Aqoon-yahannadaasna waxaa ka mid ah; Fadlu Raxmaan, Muxsin Mahdi, Maxamed Cabdusalam, Cabdukariim Soroosh, Bassam Tibi iyo kuwo kale.

  44. Eeg hordhaca uu u sameeyey buugga: Pervez Hoodbhoy; Islam and Science: Religious Orthodoxy and the Battle for Rationality (Zed Books Limited, London and New Jersy, 1991) B. ix.

  45. Eeg: Abdul Karim Sorush, “The Possibility of Islamization of Knowledge.”

  46. Marar badan qoraallada taageerayaasha fekredda Islaaminta aqoonta waxaad ku arkaysaa iyaga oo muujinaysa in aqoonta ay rabaan in la helo ay tahay aqoon u gaar ah muslimiinta Carbeed. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa iyaga oo leh: Waa in la helaa cilmi Ijtimaac Carabii Islaamii), falsafah Carabiyah Islaamiyah, Taqaafah Carabiyah Islaamiyah, Adab Carabii Islaamii,….iwm. Arrinkaas oo isaguna timaaddada keeni kara in la arko duul u ololaynaya in la helo aqoon ay leeyihiin muslimiinta madoobi, mid ay leeyihiin muslimiinta Aasiyada fog, muslimiinta Barbarku, muslimiinta Kurdidu, muslimiinta Yurub, … iwm.

  47. Fazlur Rahman, Islamization of Knowledge: A Response (The American Journal of Islamic Social Science 5, No.1, 1988) B.4-5, Halkaan ka eeg: http://www.i-epistemology.net/v1/attachments/316_V5N1%20September%2088%20-%20F%20Rahman%20- %20Islamization%20of%20Knowledge%20-%20A%20Response.pdf Fazlur Rahman maqalkiisaan wuxuu ku xusay labo talo oo muslimiinta muhiim ah, waxayna kala yihiin: Kow: in la isku dayo in Islaamka qumaati loo fahmo, si ay suurogal u noqoto in sawir la wadaago loo helo. Halkii ruux waliba dhan ka eegi lahaa. Weliba arrinka muslimiinta daraasadda badan uga baahni waa dhaqanka, oo ay tahay in aan kala oggaanno wixii sax ah iyo waxaan ahayn, ka hor inta aan la beegsan wax ka sheegga dhaqamada ummadaha kale. Labo: in muslimiintu dadaal ku bixiyaan sidii ay ku heli lahaayeen aqoonyahanno muslimiin ah, halkii la isku mashquulin lahaa islaaminta aqoonta. Waxayna la tahay in tani ka waxtar badan tahay isku dayga islaaminta aqoonta.

  48. Mehrooz Ghamari Tabrizi, Is Islamic Science possible? (Social Epistemology, No. 3-4,pp. 317-330, fall (1996)) B.325 .

  49. Waxaa xusid mudan in la soo saaray buug cinwaan looga dhigay: Islaamka madow, Islaamka Aasiya, ……iwm.

  50. Arrinkaasi ma aha mid Islaamka ku gaar ah, balse waxaa la wadaaga diimaha badankooda

  51. Waxaa la sheegaa inuu oraahda lahaa wadaadkii Thomas Aquinas.

  52. Waxyigu waa muqadas lama taabtaan ah, laakiin si taa ka duwan aqoonta aadanuhu waa mid u baahan in si joogto ah dib-u-akhrin loogu sameeyo, oo wax-ku-dar iyo wax-ka-jarid labadaba lagu sameeyo.

Comments