Islaamiyiintu Goorma Ayay Islaamka Qaadanayaan
Maqaalku wuxuu dhaliilayaa Islaamka siyaasiga ah, isaga oo muujinaya farqiga u dhexeeya sheegashada diinta iyo ku dhaqanka caddaalad, run iyo xorriyad.

Cinwaanka kor ku xusan waa magaca buug caan ah oo uu qoray wadaad u dhashay dalka Jasaa’ir ama Aljeeriya oo la oran jirey Nadiir Masmuudi (1956-2015). Nadiir Masmuudi oo ka mid ahaa madaxda ururka Ikhwaanu Muslimiinka dalka Jasaa’ir oo waagii hore loo yaqiin magaca “Dhaqdhaqaaqa Bulshada Islaamka ah/ حركة المجتمع اإلسالمي”, balse goor danbe loo bixiyey magaca “Dhaqdhaqaaqa Bulshada Nabadda/حركة مجتمع السلم ”.
Buuggaan oo dhaliyey dood baahsan, qoraagu waxa uu sheegay in cinwaankiisa uu ka soo ammaahday eray ay tiri haweenay u dhalatay dalka Jarmalka oo markay diinta islaamka qaadatay kaddib guursatay wadaad asal ahaan ka soo jeeda dalka Jasaa’ir. Haweenaydu kolkii ay wadaadka guursatay kabacdi bay waxay ogaatay in uu been u sheego, isla markaana uu yaqaan wax isdaba-marin, waxyaalo badan oo habdhaqankiisa ka mid ahina aysan islaamka waafaqsanayn. Markay arrimahaas hubsatay waxay ka codsatay in uu furo, kulankoodii ugu danbeeyeyna waxay ku tiri: “Orod oo diinta islaamka mar kale qaado, dabadeedna i soo raadi mar kale ayaan ku aqbalayaaye… ka hor intii aanan ku guursan waxaan ogaaday in muslimka dhabta ahi uusan been sheegin… arrinkaas baana igu bixiyey in aan oggolaado guurkaaga.” Dhacdadaas iyo eraygaas saamaynta leh ee haweenaydu ay ka tiri madal qoraagu u joogay si uu u heshiisiiyo lammaanaha isqabtay ayaa laga qaatay magaca buugga ee ah “Islaamiyiintu Goorma Ayay Islaamka Galayaan? /متى يدخل اإلسالميون في اإلسالم؟.”
Maadaama cinwaanku uu culus yahay oo maanka akhristayaasha ay ku soo dhacayso ‘diin gelid iyo diin ka bixid,” durba qoraagu wuxuu nagu baraarujinayaa in marna ujeeddadiisu aysan ahayn in uu dad diin xumo ku tuhmo ama uu diinta ka saaro (=gaalaysiiyo), balse ujeeddadiisu ay tahay in uu runta farta ka saaro ururrada islaamiga ah oo ku fashilmay in ay islaamka si fiican u fahmaan, si wacanna ugu dhaqmaan, si wanaagsanna dadka ugu soo bandhigaan, si qumanna u difaacaan.
Qaar badan oo ka mid ah dadka ku abtirsada ururrada islaamka siyaasigu ma ay laha aqoonta iyo hufnaanta laga filayo dad sheeganaya in ay u taagan yihiin dhaqangelinta shareecada islaamka. Ma laha in badan oo ka mid ah tilmaamaha laga fisho dadka ehludiinka ah sida; ammaano, caddaalad, dulqaad, turid, run sheegga, … iyo qaar kale. Islaamiyiintu waxay u haystaan in ay diinta u adeegaan, balse marar badan diinta culaab bay ku yihiin.
Buuggu si gaar ah wuxuu u dhaliilayaa qaab fekerka iyo habdhaqanka ururka ikhwaanu Muslimiinka, gaar ahaan laanta ka jirta dalka Jasaa’ir oo qoraagu uu muddo dheer xubin ka ahaa. Hase ahaatee, doodda buuggu si guud waxay ugu rumoobaysaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada islaamka siyaasiga ah. Waayo ururradaani waxay wadaagaan in badan oo ka mid ah mabaadida ay ka duulaan iyo hadafka ay higsanayaan (=Ururradaani kuma ay kala duwana xagga fekerka iyo yoolka la doonayo in la gaaro, balse waxay ku kala geddisan yihiin waddada loo marayo ka dhabaynta yoolka la tiigsanayo).
Nadiir Masmuudi waxa uu sheegay in muddo dheer oo uu ka tirsanaa ururrada islaamka siyaasiga ah, oo uu ku celcelin jirey doodahooda kaddib, uu bilaabay in uu dib-u-eegid ku sameeyo afkaartiisa iyo waxa uu aamminsan yahay, uuna isweydiiyey: “Anigu kuma ayaan ahay? Ma islaami baan ahay mise xubin Ikhwaanu Muslimiin ka tirsan mise Salafi mise Suufi? Mise Shiico? Mise Dimoqoraadi? Mise calmaani? Mise xag jir? Mise bani’aadam?”
Ugu danbayntii, waxa uu ka badin waayey in uu ku gaabsado in uu yahay: “Bani’aadam muslim ah. Waxaan ahay muslim oo keliya.” Miyaan la gaarin wakhtigii Muslimiintu ay ka xoroobi lahaayeen sheekha, xisbiga iyo qabiilka, oo qofku uu si xor ah iskiis ugu fekeri lahaa? Miyaan muslimiintu weli maqal weedha nebiga loo tiiriyo ee tiraahda: “Ha noqonnina kuwo la duufsado, oo hadba dhankii la rabo loo duwo/ال تكونوا إمعة”.
Qoraagu waxa uu hoosta ka xarriiqay in erayga ‘Islaami’ uu yahay eray ay aad u wasakheeyeen waxyaabo badan oo ka mid ah habdhaqanka ururrada diiniga ahi, siiba kuwa jihaad doonka ah ee qoriga la ordaya iyo kuwa siyaasadda ku marqaamay ee ku guulaystay qabashada talada waddamooda ama ugu yaraan qaybta ka noqday.
Madaxweynihii hore ee dalka Tuunis Mudane Munsif al-Marsuuqi oo ahaa abuukaate u dooda taageerayaasha ururrada islaamka siyaasiga ayaa isaguna wuxuu qalinka ku duugay: “Hungada lagala kulmay islaamka siyaasiga ahi waxay tahay in garabkii hubaysnaa uu ku dhammaaday isaga oo meel walba falal argagixiso ka fulinaya, muslimiintana dunida ku diraya. Halka garabkii kale badankiisu uu hoos galay nidaamyada dulmiga iyo musuqmaasuqa badan ee ay sheegi jireen in ay doonayaan in ay dulmigooda ummadda ka badbaadiyaan.” Rag ku andacoon jirey in ay u taagan yihiin caddaalad iyo musuqmaasuq la dirir baa waxay hoosgaleen kuwii shacabka dulmiyey ee ka xaday xorriyadda, xuquuqda iyo timaaddada. Jihaadkiina wuxuu noqday mid lagu raadiyo maal iyo manaasib.
Masmuudi saraakiisha islaamka siyaasiga ah waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin miikaafiliyiin rumaysan in muraadku uu xalaaleeyo marinka loo marayo, dantooda gaarka ahna ay ka horraysiiyaan ama ka doorbidaan maslaxada diinta iyo mabaadida ay xanbaarsan tahay. Waa rag islaamka ku kooba xagal qura oo ah dhanka siyaasadda, diintana ka dhigta jaranjaro ay ku gaaraan danaha ururkooda iyo kuwooda shakhsiga ah, waxaana isaga khaldamay ururka iyo ummadda. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in ururka Ikhwaanu Muslimiinku uusan ku guulaysan karin in uu si wanaagsan u maamulo dowlad-qaran oo loo dhan yahay.
Dhaliilaha qoraagu uu ururrada islaamka siyaasiga ah u jeedinayo way tiro badan yihiin, waxaana ka mid ah:
1. Riyada In La Sameeyo Dowlad Islaam Ah:
Hadafka ugu weyn ee dhammaan dhaqdhaqaaqyada islaamka siyaasigu ay higsadaan waa in la sameeyo dowlad islaam ah. Ururradaas oo dhammi waxay ku dhawaaqaan: “Waxaan dhisaynaa dowlad islaam ah oo sharciga Alle fulisa. Dowlad uu xugunka Ilaah leeyahay oo caddaalad iyo sinnaan dadka ka dhex abuurta.” Balse ayaandarro ururradaani sheegashadooda kuma lifaaqaan barnaamijyo iyo mashaariic caddaynaya qaabka ay doonayaan in dowladdaasi ay u shaqayso si riyadaas looga dhabeeyo. Qoraaga oo qodobkaan tilmaamayaana waxa uu yiri:
“Waxaan maskaxda ku haynay ahmiyadda dowladda islaamka ah, laakiin waxa uu ahaa fikirkeenna iyo fahankeenna midka mugdiga ugu badani uu ku jiro, haddiiba xaalku uusan ahayn sidii uu u dhigay Dr. Maxamed Siciid Ramadaan al-Buuti -Allaha u naxariistee- markii uu sheegay in dowladda islaamku ay ahayd sawir mala-awaal ah oo faafinta diinta looga mashquulay (…), fikraddayadu waxay ahayd mid maran oo aan awood u lahayn in ay qeexid cad ka bixiso dowladda islaamka ah ee aan ka hadlayney, waxaan ku kaaftoomi jirney in aan sawir khiyaali ah oo heer sare ah ka bixinno dowladdaas, iyo nidaamkeeda ku salaysan caddaaladda iyo hirgelinta shareecada Alle. Hadalkeenna ku saabsan mowduucaani wuxuu ahaa mid guud oo aan caddayn.”
Fahan la’aantaas waxaa ka markhaati kacaya in kolkii ururradaas qaarkood ay xukunka qabteen ama ay qaybta ka noqdeen ay garan waayeen sidii ay uga dhabayn lahaayeen hadafkaan ay muddada dheer higsanayeen, mararka qaarkoodna xaaladdu waxay gaartay in la kala garan waayo ururradaan iyo maamulladii ay horay mucaaradka ugu ahaayeen. Qoraaga oo arrinkaan carrabka ku adkaynayaana waxa uu yiri:
“Islaamiyiintu waxay qabteen jagooyin kala duwan oo talada dalalkood ah iyaga oo adeegsanaya siyaasadda, badankooduna waxay caddeeyeen in aysan ka duwanayn kuwa kale… Dhab ahaantii, qaarkood waxay ku lug yeesheen musuqmaasuq oo ma ay heli karaan aqoonsi siyaasadeed oo ka soocaya dadka kale iyo xumaantooda maaddiga iyo macnawiga isugu jirta.”
Wadaaddada waxaa isaga khaldan wacdiga afmaalnimadu ku dheehan tahay ee ay masaajidda iyo mowlacyada ka jeediyaan iyo hawsha loo baahan yahay si dowlad iyo ummad dhan loo maamulo. Waxay ku doodaan in xalku uu islaamka ku jiro? Balse isma weydiiyaan sida islaamku uu u xallinayo dhibaatooyinka muslimiinta la haray ee aqoon, bulsho, dhaqaale, siyaasad, iyo qaar kaleba isugu jira? Samankii muslimiinta ay xukumeen ragga magaca khaliifka iyo amiiru-mu’miniinka sitay, shareecadu ma badbaadisay nafta, maalka iyo sharafta dadka?
Wadaaddadu waxay iska dhaadhiciyaan in kolka ay kursiga madaxtooyada ku fariistaan oo ay xafiisyada dowladda ka soo jeestaan ay wax walba xallismayaan, jeerkaas ka horse si qumman isuma weydiiyaan waxa maamulka dowladdu uu u baahan yahay.
Sidaas darteed, waxa ugu weyn ee ay ahmiyadda siiyaan waa sidii ay talada waddanka kula wareegi lahaayeen -inqilaab iyo santuukha codbixinta kay doonto ha ku timaaddee.
Masmuudi waxa uu xusay in Sheekh Muxamed al-Gasaali uu ku maagi jirey oraahda uu ka wariyo Ustaad Xasan al-Bannaa ee sheegaysa in Bannaa maalmo yar ka hor dilkiisii uu ku yiri: “Siyaasadda hoodo kuma lihin, haddii aan horay u ogaan lahaa waxa aan hadda ogahayna ma aan tallameen, ikhwaankana waxaan ku celin lahaa maalmihii mawlaca (=masaajid diin ku raacashada) / ال حظ لنا في السياسة، ولو استقبلت من أمري ما استدبرت، لعدت باإلخوان لزمن المأثورات”. Xasan Bannaa waxaa kaloo laga wariyaa in uu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa in aan helo boqol nin oo aan baro fanka diin faafinta iyo siyaasad ka fogaanta/ تمنيت لو خلص لي مأئة رجل أعلمهم فنون الدعوة ويبتعدون عن السياسة”.
Masmuudi oo arrinkaan ka faalloonayaana waxa uu yiri:
“Hadda, soddon sano kaddib, waxaan qirayaa in aan aad u aragti gaabnaa markii aan diidi jirey fikradaha iyo ra’yiga Sheekh Muxamed al-Gasaali -Eebbe ha u naxariistee- oo aan aragtidiisa mowduucaan (=dowladda islaamka ah) ku saabsan u arki jirey mid niyadjebinaysa oo caqabad ku ah riyadeenna weyn. Waxaan qirayaa in ninkaasi uu ahaa caaqil culus oo aragti toolmoon arrinka ku eegay markii uu si qotodheer u ogaaday in mas’aladu ay ka ballaaran tahay sidii aan moodnay.”
2. Reer Galbeed Ka Dhaxlidda Hoggaaminta Adduunka:
Tan iyo waa fog, ururrada islaamka siyaasiga iyo taageerayaashoodu waxay ku celceliyaan in ilbaxnimada reer galbeedku ay dhowaan burburayso, Muslimiintuna ay yihiin kuwa dhaxlaya oo timaaddada dhow dunida hoggaaminaya, goortaasna dunida caddaalad iyo raxmad ka buuxinaya.
Bulsho-baarihii Ibnu Khalduun baa waa fog nagu baraarujiyey in dowladaha iyo ilbaxnimooyinku ay leeyihiin cimri u eg midka noolaha dhasha ee kora ee dabadeed geeriyooda.
Mana jirto ilbaxnimo weligeed waarta, oo ilbaxnimooyinku waa meerto la kala dhaxlo, dunidana marba dowlado hor leh baa hoggaamiya, muslimiintuna horay dunida way u hoggaamiyeen, haddana xaq bay u leeyihiin in ay hooggaamiyaan (= وتلك األيام نداولها بين الناس).
Hayeeshee maxaa ka jira in reer Galbeedku ay burburayaan iyo in Muslimiintu ay yihiin kuwa dhowaan dhaxli doona?
Waa suurogal in ilbaxnimada reer Galbeedku ay dunto, balse waa maxay waxyaabaha wadaaddadu ay u cuskadaan in burbur degdeg ahi uu ku imaanayo ilbaxnimadaas ama madaniyaddaas?
Waxa ugu weyn ee wadaaddadu ay u daliishadaan burburka reer Galbeedka waa in ay ku talaxtageen maaddada, akhlaaqxumo ay ku eedeeyaan iyo dhigaallo uu ugu caansan yahay buugga uu qoray Faylasuufkii Jarmalka ahaa ee Oswlad Spengler ee “Hoos u Dhaca Galbeedka /The Decline of West.” Buuggaani wuxuu soo baxay sannadkii 1918, oo ku beegan dagaalkii koowaad ee adduunka kaddib, xilli Yurub uu dagaalku si ba’an u halakeeyey, dadkeeduna ay aad u niyad-jabsanaayeen, waxgaradkuna ay ka digayeen in ummuuruhu ay ka sii dari karaan haddii aan degdeg wax looga qaban. Taariikhda buuggu soo baxay, ee qaylodhaantaan la maqlay waxaa laga joogaa boqol sano ka badan. Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: Yurub ma duntay mise way ka soo kabatay burburkii dagaalladu ay u geysteen?
Weydiin kale oo iyaduna meesha taalli waxay tahay: Haddii laga soo qaado in reer Galbeedku ay burburayaan, Muslimiintu ma yihiin kuwa ugu mudan ee u muuqda in ay yihiin kuwa dhaxlaya Galbeedka mise waxaa jira ummado kale oo u sharraxan in ay reer Galbeedka kala wareegaan hoggaanka adduunyada? Muslimiintu maxay uga sugan yihiin dhinacyada cilmiga, ciidamada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo ummuuraha kale ee lamahuraanka u ah hoggaaminta adduunyada? Muslimiinta iyo Shiinaha kee baa tartan kula jira reer galbeedka ee ay dhici kartaa in ay hoggaanka dunida kala wareegaan?
Qoraagu waxa uu xusay dhacdo uu goobjoog u ahaa oo layaab iyo u qaadanwaa ku ridday, wuxuuna yiri: “Anoo jooga mid ka mid ah caasimadaha Yurub, ayaan maalin waxaan maqlay wadaad dad u khudbaynaya oo si xammaasadi ku idishahay ugu sheegaya in dhowaan reer Galbeedku ay baabi’i doonaan. Waan naxay kolkii aan ogaaday in wadaadkaasi uu magangelyo ku joogo dalkaas kaddib markii uu ka soo cararay dalkiisii oo uu cabsi darteed ugu noolaan waayey. Markii uu yiri: Ummadda islaamku hadda waxay diyaar u tahay in ay hoggaanka dunida la wareegto kaddib goorta Galbeedu uu burburo, waxaan isweydiiyey: Waa ummaddee midda doqonkaani uu ka hadlayo? Waa maxay mu’ahilaadka -ama shahaadooyinka- ummaddaan dibudhacu haysto u sahlaya in ay adduunyada hoggaamiso?”
Waxyaalaha aadamigu uu noolayaasha kale uga duwan yahay waxaa ka mid ah in uu mustaqbalka ka fekero -mid dhow iyo mid dheerba. Muslimiintana waajib bay ku tahay in ay timaadda ka fekeraan, laakiin waa waalli iyo nacasnimo in cood iyo meekhaan aan la shaqaysan si sahlan loo saadsado (=وما نيل المطالب بالتمني).
3. Islaamiyiinta iyo Mucaaradnimada:
Ururrada islaamka siyaasigu maamullada ka jira waddamadooda waxay ku eedeeyaan kelitalisnimo iyo qallafsanaan, dadkana waxay ku shukaansadaan in ay ka shaqaynayaan sidii looga takhalusi lahaa nidaamyadaas kelitaliska ah, looguna beddeli lahaa dowlad islaam ah oo caddaalad iyo shuuro hirgelisa. Waxayna turuurixiyaan weero qurux badan oo ay nebiga iyo saxaabada -siiba Cumar bin Khaddaab ay ka soo xigtaan. Sida weedha cumar uu ku yiri: “Goorma ayaad dadka addoonsateen iyaga oo hooyooyinkood ay dhaleen iyaga oo xor ah? / متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمهاتهم أحرار؟” iyo midda kale ee isla Cumar loo tiiriyo ee tiraahda: “Haweenaydu waa asiibtay, Cumarna waa gefay/أصابت امرأة وأخطأ عمر”.
Hase ahaatee, qoraagaani waxa uu isweydiiyey: Ururrada islaamka siyaasigu ma ka dhaqan duwan yihiin xukuumadaha ay dhaleeceeyaan, oo haddii ay xukunka qabtaan in la mucaarado ma oggolaanayaan mise mucaaradka way cadaadinayaan? Ururradaani dhaqan dimoqoraadi ah ma leeyihiin?
Jawaabta u soo baxdayna waxay tahay in xisbiyada islaamiga ahi aysan dimoqoraadiyadda ka jeclayn xukuumadaha dunida islaamka ka jira ee ay mucaaradaan. Sababta uu sidaas ugu qancayna waa aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay ururradaan iyo ragga hoggaamiya. Maxaa yeelay, rag ururradooda kelitalisnimo ku maamula, oo fikrad tan madaxda ka duwan aan oggolayn, lagama filayo in marka awooddoodu korodho ay kelitalisnimada ka tanaasulaan, oo ay dimoqoraadiyadda iyo xuquuqda dadka xeeriyaan.
Wadaaddadu marka ay mucaaradka yihiin dimoqoraadiyadda waa jecel yihiin, balse waxay nacaan jeerka ay talada gacanta ku dhigaan. Jeerkaas oo cid kasta oo ka aragti duwan ay ku eedeeyaan in ay ijmaaca iyo jamaacada khilaafeen, ayna waajib tahay in ummadda laga qabto. Waxaana jirta oraah caan ah oo loo tiiriyo Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Tayib Erdogan -waagii uu ahaa duqa magaalada Istanbuul- oo oranaysa: “Dimoqoraadiyaddu waa sida Taraamka (=streetcar) oo kale, waxaa la fuushanaadaa ilaa aad ka gaarayso meesha aad u socotay, dabadeedna waa laga degaa.”
4. Ka Baqidda Indheergaradka Xorta Ah:
Dhaliilaha Nadiir Masmuudi uu ururrada islaamiga ah u jeedinayo waxaa ka mid ah in ay neceb yihiin naqdinta (=dhaliilidda), siiba midda ururka gudihiisa ka timaadda ee isdhaliilidda ah. In badan oo ka mid ah madaxda ururradaani isdhaliilidda waxay u arkaan fal ibliis iyo fidno xaaraan ah oo wax dumisa. Xubnaha ururkana waxaa lagu carbiyaa in ay noqdaan hebed dhegannugul, oo inay amarrada la siiyo fuliyaan mooyee aan iyagu waxba isweydiin, madaxda ururkana had iyo goor wax walba ku addeeca. Waa ururro ku dhisan in dadka la maamulo iyaga oo aan lala tashan. Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in ururka Ikhwaanu Muslimiinka oo hadda ay boqol sano u buuxsamayso, aan weli la hayn hal qoraal oo si run ah oo cilmiyeysan wax uga qoray dhaliilaha ururka oo ay qortay cid ka tirsan ururka. Had iyo jeer dhaliilaha dhabta ah ee ururrada islaamka siyaasiga ah waxaa qora cid aan ururkaas ka tirsanayn.
Dhaqanka dhaliil nacaybku waxa uu keenaa in ururka laga fogeeyo dadka loo arko in ay wax isweydiiyaan, waxna diidi karaan. Maxaa yeelay, dadka noocaas ah waxaa loo aqoonsadaa inay yihiin kuwo su’aalahoodu ay halis ku yihiin midnimada ururka, oo ay ururka dhexdiisa ka abuurayaan khilaaf iyo fadqalallo aan loo baahnayn.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in indheergaradka maskaxda furani aysan ku biirin xisbiyada islaamka siyaasiga ah, haddii ay dhacdo in ay ku biiraanna ay durba ka gadoodaan, oo ay ka baxaan. Wuxuuna xusayaa magcaanta ikhyaar uu sheegayo in ay ka gadoodeen xubinnimada ururka Ikhwaanu Muslimiinka Masar. Dadka uu tusaale ahaanta u xusayana waxaa ka mid ah: Sayid Saabiq, Maxamed al-Gasaali, Axmed Kamaal Abuu Majdi, Saliim Cawaa iyo Maxamed Cammaara. Qoraagu isaga oo qodobkaan ka hadlaya waxa uu yiri:
“Waxaan muddo dheer ku noolaa dalka Kuweyt, waxaana xog-ogaal u ahay sida mufakirka reer Kuweyt ee Cabdullaahi al-Nafiisi, oo ku soo barbaaray dhabta Ikhwaanu Muslimiinka, uu ugu noolaa go’doon dhab ah oo ay geliyeen Ikhwaanu Muslimiinka Kuweyt, sababtuna waxay ahayd mowqifkiisa adag ee dhaliilaha la xiriira iyo qoridda buugaag iyo maqaallo dhankaan u janjeera.”
Nafiisi oo qudhiisu qodobkaan ka hadlayna waxa uu yiri: “Laga bilaabo 1962 ilaa hadda, waxaan la kulmay boqollaal aqoonyahanno islaamiyiin ah oo dhaqdhaqaaqu uu u dulqaadan waayey rabitaankooda iyo niyadda ay u hayaan doodaha iyo isdhaliilidda, taa awgeedna ururku uu cunaqabateeyey jeer ay ka quusteen, waxayna ku danbeeyeen in aan laga faa’iideysan, oo ay ka baxeen moorada ururka.” Nafiisi wuxuu ku dooday in uu jiro arrin yaab leh oo ah: ‘In ururka Ikhwaanu Muslimiinku uu ku baaqo in bulshadu ay hesho xorriyad siyaasadeed, balse ururka gudihiisa xorriyadda lala diriro.”
Arrinkaas waxaa ugu wacan in ururrada islaamka siyaasigu ay isku sidkaan diinta iyo ururkooda, taas oo keenta in madaxda ururka iyo go’aammadooda loo arko wax muqaddas ah, halka bulshada loo arko in ay faddaraysan tahay (= فالحزب مقدس وأما المجتمع األوسع فمدنس).
Ururrada islaamka siyaasigu waa in ay ogaadaan in diintu ay ka duwan tahay ururradooda iyo wadaaddadooda. Waxa muqaddaska ahina uu yahay diinta ee aysan ahayn wadaaddada iyo ururrada ay ka tirsan yihiin.
Waxaana xusid mudan, in Cabdullaahi Nafiisi uu buuggiisa caanka ah ee “Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah: Goldaloolooyinka Dhabbada / الحركة اإلسالمية: ثغرات في الطريق”, uu u hibeeyey ururka Ikhwaanu Muslimiinka isaga oo adeegsaday erayo hibayn ah oo oranaya: “Kuwa aan jecelnahay, balse aan ka aragti duwannahay / إلى الذين نحبهم ولكن نختلف معهم”. Taageerayaasha islaamka siyaasiga ah lama necba balse fekerkooda ayaa la qawadsan yahay.
Sida dhabta ah, eedda ku saabsan dhaliil nacaybku ma aha arrin si gaar ah ugu rumoobaya ururrada islaamka siyaasiga ah, balse waxaa la wadaaga ururrada ka jira dunida saddexaad badankooda -aydaloojiyad kasta oo ay ku abtirsadaan. Arrinkaasina wuxuu horseedaa in aqoonyahannada xorta ah iyo guud ahaan dadka maanka furani aysan ku biirin ururradaas, haddii ay ku biiraanna aysan muddo dheer ku sii raagin.
Hadal iyo dhammaanti, waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya waxa ururrada islaamka siyaasigu ay afka ka sheegaan iyo xaqiiqada habdhaqankooda. Muslimiintu uma baahna dowlad diini ah, balse waxay u baahan yihiin dimoqoraadiyad iyo xorriyad ay madaxdooda kula xisaabtamaan.

Comments