Islaamka waxyiga iyo Islaamka Taariikhda

Maqaalku wuxuu ka hadlayaa khatarta ka dhalata marka waxyiga iyo taariikhda la isku khaldo, taariikhdana laga dhigo wax muqaddas ah.

Islaamka waxyiga iyo Islaamka Taariikhda

Meelaha muslimiinta dhibka badani ka qabsaday waxaa ka mid ah markii ay isaga khaldameen waxyigii Alle soo dejiyey iyo taariikhdii iyo dhaqankii muslimiintu sameeyeen, oo ay inta waxyigii iyo taariikhdii isku barxeen, ay taariikhdii caqiido ka dhigeen.

Waxyigu waa diin xag Alle ka timid oo loo baahan yahay in iin iyo nuqsaan laga ilaaliyo, laakiin si taa ka duwan taariikhda iyo dhaqanka Islaamka waxaa sameeyey muslimiinta, waxayna ka tarjumaan danihii iyo damacii dadkii sameeyey. Tusaale ahaan, quraanka kariimka iyo sunnada saxiixa ahi waa waxyi khalad ka nasahan, laakiin wixii muslimiintu sameeyeen -feker iyo falba- laga bilaabo saacaddii nebigu Allaystay, waa taariikh same iyo xumaan labadaba leh.

Hase ahaatee, in badan oo muslimiinta ka mid ahi, waxay u qaateen in taariikhda muslimiintu ay waxyi tahay, arrinkaas oo ka dhigan in la simo quraanka iyo tafsiirka ama Nebiga iyo muslimiinta ay saxaabadii nebigu ugu horreeyaan.

Nebigu (SCW) wuxuu ahaa rasuul Alle oo macsuum ah, laakiin si taa ka duwan muuminiintu si kasta oo iimaankoodu u sarreeyo, haddana mar walba waa bani’aadam khalad iyo gef ka dhaco.

Waxyiga iyo taariikhda oo la isku khaldo waxaa ka dhalanaya labo arrimood oo mid waliba khatartiisa leeyahay, waxayna kala yihiin;

Kow: in waxyiga loola dhaqmo sidii taariikhda, oo markaa waxyigu lumiyo xurmada ay muuminiintu u hayaan (in waxyiga sida taariikhda loola dhaqmo caadi ahaan waxaa sameeya dadka aan waxyiga rumaysnayn).

Labo: in taariikhda loo arko sidii in ay waxyi tahay, sidaana taariikhdii dadku sameeyeen ay ku noqoto mid muqaddas ah, oo mudan in la barakaysto, halkii ay ka ahayd in laga barto casharro aadanaha waxtar u leh.

Khilaafaadkii siyaasadeed ee saxaabada dhexmaray waxay bilowdeen maalintii nebigu dhintay, xooggooduna wuxuu ku salaysnaayeen dano iyo masaalix la kala matalayey. Dhigaallo aad u badan ayaana laga qoray, laakiin waxaa si weyn loogu andacoodaa in loo baahan yahay in laga aamuso wixii khilaaf iyo dhib ahaa ee dhexmaray saxaabadii rasuulka (SCW), iyada oo marmarsiinyo laga dhiganayo ixtiraamka saxaabadii nebiga, arrinkana loo sawirayo inuu yahay mid caqiido ku salaysan. Arrinkaas oo ah mid aan sina ku suuroobayn, waayo taariikhdaas oo laga aamusaa waxay ka dhigan tahay in muslimiintu ay noqdaan ummad aan lahayn taariikh ay casharro ka bartaan.

Khilaafaadkii dhexmaray saxaabada (RC) iyo muslimiintii ka danbeeyey waxay saamayn weyn ku yeeshay taariikhda iyo ilbaxnimada muslimiinta, muslimiintuna ka bixi maayaan wareerka maanta haysta jeer ay qummaati u fahmaan jirridda dhibaatada haysata. Markay taariikhda dhibaatada fahmaan oo keliya ayay xal heli karaan.

Tusaale ahaan, dagaalladii sokeeye ee muslimiinta dhexmaray ee al-Jamal (sannadkii 36 hijrada) iyo kii Safeyn (37H), muslimiinta lagu diley tiradooda waxaa lagu sheegaa in ay ka badan tahay dadkii ku dhintay dagaalladii muslimiintu galeen muddadii nebigu (SCW) uu noolaa oo dhan. Haddaba, dagaalladaas iyo kuwii ka danbeeyey ma diin iyo caqiido ayay ku salaysnaayeen, mise siyaasad iyo dano adduunyo? Sidee bayse tahay in muslimiintu u’la dhaqmaan?

Dagaalladaasi waa kuwa sababay in ay abuurmaan kooxaha iyo firqooyinka diinta Islaamka ku abtirsada ee tiradoodu boqollaalka gaarayso, ee tan iyo maanta seefaha iska aslaya. Isweydiintuna waxay tahay sidee bay suurogal ku tahay in laga aamuso dhacdooyinka saamayntoodu heerkaas gaarsiisan tahay.

Siyaasadaynta diintu waxay bilaabatay taariikh aad u fog, oo ugu yaraan ka bilaamanaysa saacaddii ciidankii Mucaawiye ee dagaalkii Safeyn ka qayb-galay ay kitaabka quraanka warmaha surteen. Siyaasadayntii diintana waxaa ku soo dugaaley is-gaalayn. Taniyo maantana dagaallada muslimiinta dhexdooda ka socdaa Ciraaq, Suuriya, Yaman, ……iwm.) waxay xiriir la leeyihiin dagaalkii Safeyn, waxayna taariikhdoodu u noqonaysaa 14 qarni ka hor.

Waxa qura ee isbeddelay waa in masaaxiftii ay hadda suran yihiin diyaarado iyo dabbaabado, halkii ay shalay ka surnaayeen warmaha caaraddooda.

Iyada oo kooban, xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay in muslimiintu aysan weligood miyirsanayn, xalna gaarayn jeer ay kala gartaan nusuusta diinta iyo dhacdooyinka taariikhda, mid walbana siduu mudan yahay ula dhaqmaan. Ayna ku qancaan in diinta iyo siyaasadda oo la isku barxaa ay ka dhigan tahay dagaal lagu dhawaaqay.

Comments