Itoobiya Iyo Sheegashada Dhulka Soomaalida

Maqaalkani waxa uu si qoto-dheer u falanqaynayaa damaca taariikhiga ah iyo kan casriga ah ee Itoobiya ay ku doonayso dhulka iyo badda Soomaaliyeed. Wuxuu xusayaa in ujeedka Itoobiya uu aad uga durugsan yahay helitaanka marin badeed keliya, wuxuuna Soomaalida ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan halistaas

Sidaan la wada soconno, saddexdii toddobaad ee u danbeeyey Soomaalida waxaa ka dhex aloosan doodda ka dhalatay is-afgaradka badda ee Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Ia galay Itoobiya. Halkaan, muraadkaygu ma aha in dooddaas aan wax ka iraahdo, balse intii arrinkaani soo shaac baxay dhegahaygu marar badan waxay maqleen dad ku murmaya Itoobiya dhul Soomaaliyeed bay rabtaa iyo ma rabtee irrid yar oo ay badda ka gaarto bay u baahan tahay?

Qof ahaan, waxaan ka mid ahay Soomaalida aan aqoonta fiican u lahayn dadka iyo dalka Itoobiya. Hilaadda tobaneeyo goor baan Itoobiya booqday, laakiin dhammaan booqashooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo maalmo kooban qaatay, oo booqashadii ugu dheerayd waxay qaadatay bil iyo bar ama 45 casho.

Sidaas oo ay tahay, haddana waxaan qabaa in damaca Itoobiya uu aad uga durugsan yahay dekad iyo waddo bad loo maro. Tiro aan yarayn oo dadka Itoobiyaanka ka mid ahi waxay rumaysan yihiin in ay jiraan dad Soomaali ahi, laakiin ma rumaysna jiritaanka dhul Soomaaliya la yiraahdo oo Soomaali ay leedahay. Duulkaani waxay ku doodaan in taariikh ahaan dhulka Soomaalidu degto oo dhammi uu ahaa qayb ka mid ah dhul weynaha Itoobiya oo xadkiisa dabiiciga ahi uu yahay badweynta Hindiya iyo Badda Cas. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegashadaan carrabka ku adkeeyeyna waxa uu soo xigtay Ras Alula Abanega oo ahaa sarkaal Itoobiyaan ah oo noolaa qarnigii 19-aad, kaas oo ku andacooday in “Badda Casi ay tahay xadka dabiiciga ah ee Itoobiya/ The Red Sea is Ethiopia’s natural boundary’. Ugu yaraan, saddex jeer baan la kulmay shakhsiyaad Itoobiyaan ah oo sidaas ku tookhaya. Kolkii ugu danbaysay ee aan la kulmay waxay ahayd habeen ka mid ah sannadkii 2012.

Waqti danbe oo habeen ah baan waxaan dhaxdin (=transit) ku ahaa garoonka dayuuradaha magaalada Addis Ababa ee Bole. Waxay ahayd xilli danbe oo shaqadii garoonku ay istaagtay. Waxaan galay dukaan ka mid ah dukaammada alaabaha hadiyad ahaanta loo iibsado lagu gado.

Dukaanku waxa uu lahaa labo ama saddex iskafaale (=shelves) oo ay saarnaayeen xoogaa buug ah oo u badan kuwa loogu talo galay dadka dalxiisayaasha ah. Kolkaan buugtii isha wada mariyey baan waxaan soo qaatay buugga sheekada ah ee ‘Fallaarta Eebbe’ (=Arrow of God /سهم هللا) ee uu qoray qoraagii weynaa ee reer Nayjeeriya ee Chinua Achebe (1930-2013). Markaan ninkii dukaanka gadayey la soo istaagay buu wuxuu I weydiiyey: Ma Soomaali baad tahay? Waxaan ugu jawaabay: ‘Haa’. Dabadeed, daqiiqado kooban baan waxaan isdhaafsannay iswaraysi ku saabsan Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin durba ninkii waxa uu bilaabay inuu ku andacoodo in dhulka Soomaalidu degto oo dhammi uu yahay dhul Itoobiya ay leedahay, Soomaaliduna ay yihiin qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha dowladda Itoobiya. Bilowgii hore waxaan u qaatay in hadalku kaftan iyo waa la sheegay uu ka yahay, balse aakhirkii waxaan yaqiinsaday in ay dhab ka tahay, oo daqiiqadaha aan doodaynay caro darteed buu isla cuncunayey, erayada aan ku leeyahayna waxay ugu muuqdeen gardarro aan geed loogu soo gabban iyo gamasyo lala dhacayo.

Danjire Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), isna buuggiisa xusuus qorka ah waxa uu ku xusay in markii wafdigii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal -dhammaantood Allaha u naxariistee- ay Addis Ababa tageen si ay Boqor Xayle Salaase ugala hadlaan dhulka Hawd iyo Riseef Eeriya (=Hawd and Reserved Area), uu ku yiri: Hawd iyo Riseef Eeriya “Idinka iyo xoolihiinnuba waad ku noolaan kartaan, oo hashiinnu ilaa Addis-Ababa ayay daaqi kartaa, waase dal Itoobiya ka mid ah, gorgortanna kama furna.” Xayle Salaase intaas wuxuu ku daray inuu yiri: Soomaalidu waa qoomiyad Itoobiya ka mid ah, laakiin gumaysigu uu duufsaday.

Caadi ahaan, Itoobiyaanka badankoodu waxay iska indho tiraan in Itoobiyada hadda jirtaa ay tahay mid gumeystayaashii reer Yurub ay abuureen, oo arrinkaas ay kala mid tahay waddamada kale ee qaaradda Afrika. Itoobiyaan badan waxaa laga dhaadhiciyey in Soomaalidu ay yihiin dad badow ah oo gumeysigii reer Yurub ka hor aan abidkood dowladnimo arag, qabiilkana kaga kalsoon qaranka -amase qabiilku uu kala weyn yahay dowladda. Soomaalida reer miyiga ahina xaq uma yeelan karaan in ay yeeshaan dhul ballaaran oo leh xeebta Afrika ugu dheer.

Teeda kale, tiro lixaad leh oo ka mid ah qoomiyadda Oromadu waxay aamminsan yihiin in dhulka Soomaalida badankiisu uu yahay dhul asal ahaan ay Oromo lahayd oo laga barakiciyey, ayna lama huraan tahay in mar uun dhulkaasi uu gacanta Oramada dib ugu soo laabto.

Sheeko-xariiraha beenta ah ee Abiy Axmed iyo Itoobiyaan kaleba ay dunida ka iibiyaan waxaa ugu culus midda sheegaysa in taariikh ahaan Itoobiya ay ahaan jirtey dal ballaaran oo bad weyn leh. Laakiin, xaqiiqadu waxay tahay in dhowrka qarni ee dowladda Itoobiya ee la yaqaannaa ay jirtay, muddo kooban oo keliya ay bad lahayd. Waana muddadii yarayd ee ay qabsadeen dalka Eriteriya. Bilowgii qarniig 16-aad tan iyo dabayaaqadii qarnigii 19-aad Badda Cas waxaa si toos ah ama si dadban u maamulayey dowladdii Cusmaanida ee Istanbuul laga xukumay iyo dalka Masar, dhammaadkii qarnigii 19-aadna waxaa kala wareegay gumeystayaashii reer Galbeedka. Boqorradii Itoobiya oo uu ku jiro Boqor Meneliggii II oo lagu tiriyo in uu yahay kan dhidibada u taagay Itoobiyada casriga ahi, waxay diidi jireen in la dhiso waddooyin isku xira dhulka Itoobiya iyo Badda Cas, sababta ay u diidayeenna waxay ahayd cabsi ay ka qabeen in waddooyinkaasi sahlaan duullaano kaga yimaada quwadihii Badda Cas ka talinayey sida; Turkida, Masaarida, Mahdiyaddii Suudaan iyo Talyaaniga. Boqorradaani waa ku taami jireen in mar uun ay gaaraan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, balse waxay hubeen in hawl iyo hoog badani ay ka sokeeyaan gaariddooda.

Boqorrada Itoobiya, inkasta oo aysan gacanta ku hayn xeebaha Badda Cas, haddana mar walba waxaa loo oggolaa in ay adeegsadaan dekadaha baddaas ku yaal, arrinkaas oo u suurogelin jirey inay ka dhoofiyaan badeecadahooda u badnaa dadka addoonta ah -oo xooggoodu ahaa Oromada Abiy Axmed uu ka dhashay- isla markaana ay ka soo dejistaan badeecado hubku uu ugu mudnaa (=Taariikhda Itoobiya oo dulmi iyo addoonsi ay ka buuxaan, badankeeda dadweynaha waa laga qariyaa, waxaana lagu daboolaa in laga hadlo ilbaxnimadii hore ee Itoobiyada Kirishtaanka ah iyo in Itoobiya ay tahay dal aan la gumeysan.

Waxaana xusid mudan, in sannadihii 1930aadkii, Benito Musolini uu ku marmarsiyoon jirey in sababta uu Itoobiya ugu duulay ay tahay isaga oo doonaya in uu xorooyo, uuna ilbixiyo dadka Itoobiya ee addoonsiga iyo cawaannimadu isugu darsameen).

Intaas waxaa dheer, in ciidamada badda ee Itoobiya ay muddo dheer ahaayeen wax lagu dhiso qabka qarannimo ee dadka Itoobiyaanka ah iyo shey Boqor Xayle Salaase iyo madax kale ay ku madadaashaan, laakiin hadda waxaad mooddaa in xaalku uu sidaas ka duwan yahay oo Abiy Axmed ay ka go’an tahay in uu ka dhabeeyo riyo qaddiim ah, oo uu Itoobiya u dhiso dekado iyo ciidan badeed xoog leh, isaga oo ka faa’iideysanaya kala tagsanaanta Soomaalidu ku sugan tahay, isla jeerkaasna isku hallaynaya taageerada qaar ka mid ah dowladaha gobolka ku hardamaya. Laakiin Itoobiya waa inay ogaato in tirada dadkeeda, kobaca dhaqaalaheeda iyo taageerada waddamada shisheeya midkoodna uusan xaq u siinayn in ay ku duusho dhul iyo bad ummad kale.

Hadal iyo dhammaanti, Soomaalidu wax kale oo ay ka doodaanba, marna yaysan ka doodin damaca Itoobiya ee dhulka iyo badaha Soomaalida oo ah damac soo jireen ah, welina taagan. Waxaana xusid mudan in Itoobiyaanka iyo Oramadu aysan Soomaalida kala aqoon, kalana jeclayn oo gebi ahaantood ay Soomaali u wada yihiin. Marka qura ee ay u kala abtiriyaan waa goorta ay doonayaan inay kala qaybiyaan si fidnada qaybsanaantooda ay uga dhex kalluumaystaan. Siyaasadda guunka ah ee had iyo goor gumeystayaashu ay adeegsadaanna waa xeerka dhigaya: ‘Qaybi oo xukun /Divide and rule’. Sheeko caan ah oo hogatusaalayn mug leh xanbaarsanina waa tan tiraahda “Waxaa la i cunay maalinkii dibiga cad la cunay /أكلت يوم أكل الثور األبيض”.

Allow sahal ummuuraha!!!

Comments