Jacaylka iyo iimaanku maxay wadaagaan?

Jacaylka iyo iimaanku waa shilin labadiisa dhinac, labadubana meel qura oo qalbiga ah bay ka soo fulaan. Jacayl waa iimaan, iimaanna waa jacayl. Jacaylka iyo iimaanka labaduba waxay u baahan yihiin in khatar loo bareero, waayo labaduba dammaanad ma leh, waxaana asal u ah rumayn iyo in cid kale kalsooni lagu qabo.

Suurogal ma aha in aan jeclaanno cid aynaan rumaysnayn, laakiin waxaan rumaynaa cidda aan jecelnahay. Ubaxa, shokolaatada iyo hadiyadaha qaaliga ahi jacaylka waa bilaan laakiin ma badbaadiyaan. Jacaylka waxaa badbaadiya rumaynta, kalsoonida iyo daacadnimada. Nebiguna (scw) iimaanka wuxuu ku qeexay in uu yahay: "Wixii qalbiga ku xasila ficilkuna ka runsheego /اإليمان ما وقر في القلب وصدقه العمل".

Nebiga waxaa kaloo laga wariyey in uu yiri: "Jannada geli maysaan jeer aad rumaysaan, rumaynna aad maysaan jeer aad is jeclaataan. War ma idin tusiyaa arrin haddii aad samaysaan aad is jeclaanaysaan, salaanta dhexdiina ku faafiya / ال تدخلوا الجنة حتى تؤمنوا، وال تؤمنون حتى تحابوا، أال ادلكم على أمر إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا السالم بينكم".

Ku Allahoode, waxay wariyeen in waa nin iyo afadiis ay huuri yar ku safreen. Iyaga oo badweyn marayana ay soo dhacday duufaan mowjado kicisay. Huurigu aad buu u yaraa mawjadahana iskama uu caabbin karin. Daqiiqad kasta waxay halis ugu jireen in huurigu la dego ama uu la qallibmo. Ninku wuxuu u xasilloonaa sidii in aan waxba dhicin, laakiin xaajiyaddu aad bay u argagaxday, iyada oo yaabbanna saygeeda waxay weydiisay, "Miyaadan cabsanayn? Miyaadan dareemayn in aan ku jirno daqiiqadihii nolasheenna ugu danbeeyey? Ma waxay kula tahay in aan xeebta nabad ku gaarayno?"

Ninkii isaga oo qoslaya ayuu seef galka kala baxay, oo xaaskiisa luqunta ka saaray. Afadii oo argagixii la yaab ugu darsamay, waxay weydiisay waxa uu samaynayo?

Wuxuu ku yiri: "Ma baqaysaa?"

Qosol bay ku dhufatay, iyada oo weli aad u qoslaysana waxay tiri: "Maxaan u baqayaa? Marba haddii seeftu gacantaada ku jirto maxaan ka cabsanayaa? Waan hubaa in aad i jeceshahay."

Ninkii seeftii ayuu galka ku celiyey, wuxuuna yiri: "Oraahdaas baa ah jawaabta su'aashaadii hore. Eebbe ayaan rumaysnahay, waana ogahay in uu i jecel yahay, duufaantuna gacantiisa bay ku jirtaa, wax walba oo uu sameeyaana waa wax wanaagsan, waana ku kalsoonahay in uusan samaynayn wax qaldan oo noo xun."

Iimaanka odayga iyo jacaylka afadu waa shilin labadiis dhinac, waxayna ku salaysan yihiin kalsooni cid kale lagu qabo. Jacaylku waa iimaan ee ha ku gaaloobin (Waxaa xusid mudan in falaasifada qaarkood ay kala duwaan macnaha labada eray ee iimaan [faith/اإليمان] iyo rumayn [Believe/التصديق], laakiin waa sheeko kale oo aynaan halkaan uga hadlayn).

Comments