Jannada iyo cadaabta

Dagaalyahan Jabbaan ah (=Samurai) oo dunida nolol iyo geeri keli ah ka yaqiin, ayaa maalin wuxuu u tagay wadaad ka tirsanaa dariiqada loo yaqaan Zen ee diinta Buudiya, wuxuuna ku yiri:

"Waxaan kuugu imid in aan wax kaa weydiiyo jannada iyo cadaabta. Waxaan jeclahay in aan kala ogaado in ay dhab ahaan u jiraan iyo in kale?"

Wadaadka oo libaax isu haystay, isaga oo caro giirka la kicinaya ayuu dagaalyahankii wuxuu ugu jawaabay: War janno iyo naar fahankoodu ha kuu danbeeyeene horta adigu maxaad tahay? Adiga oo ah dagaalyahan seef la ordaya ayaad waxaad doonaysaa in laguu sharraxo janno iyo naar iyo ummuuro waaweyn oo aadan baddooda geli karin! War ninyahow waqtiga ha iga dhumin ee I dhaaf aan kaa wardiyee! I la dhaaf su'aashaada nacasta ah waqtiga ha iiga dhumine! I dhaaf!

Dagaalyahankii oo hadalka wadaadka aad uga dhirfay, seeftiisii oo birqaysa ayuu galka kala haaday si uu wadaadka luqunta ugu dheereeyo. Markaana wadaadkii oo bisad noqday, cabsi awgeedna wadnuhu la belbelayo baa wuxuu ku baroortay: "Cadaabtu waa tan".

Kolkaasna dagaalyahankii oo xikmadda wadaadka u bogay, caradiina ka ba'day ayaa inta seeftii galkeedii ku celiyey wadaadkii salaan gobeed oo qaddarin iyo ixtiraam watada ku taagay. Wadaadkii oo farxad darteed neefi ka soo kuddeyna waxaa laga hayaa in uu ku tiraabay: "Jannaduna waa tan".

Jannada iyo naartu dunida ayay ka jiraan, waxaana xukuma xaaladdeenna maskaxeed iyo teenna nafsadeed. Marka aan dareemayno farxad iyo riyaaq waxaan ku jirnaa janno, marka aan dareemayno caro, ciil, nacayb iyo liidashana waxaan ku jirnaa cadaab.

Feylasuufkii Cumar Khayaam (1048-1131) gabayadiisa afarreeyda midkood wuxuu ku yiri meersiyo oranaya: “Dhulka meesha ugu hoosaysa iyo cirka meesha ugu sarraysa ayaan cadaabta iyo jannada ka raadin jirey, dabadeed waxaan maqlay cod heybad leh oo oranaya: jannada iyo naartu gudahaagay ku jiraan /Beyond the earth, beyond the farthest skies, I try to find Heaven and Hell. Then I hear a solemn voice that says: ‘Heaven and hell are inside’.”

Waxaan abdaynayaa in hadda ka dib uusan qofna ku dhicin imtixaanka jannada iyo naarta.

Comments