Kabiir Abwaan Diimuhu ku Dirireen

"Awliyo allaay, dunidu waa waalan tahay! Dadku markaan runta u sheego waa i tuuryeeyaan, laakiin markaan been u sheego waa u riyaaqaan!"
~ Kabiir

"Waxaan gubey gurigaygii, ilayskii ka baxayna waa kan aan tooshka ka dhigtay oo aan ifsanayo. Haddana waxaan gubaygaa guriga cid kasta oo doonaysa in ay i raacdo. Haddaad doonayso in aad i raacdo, soo gub gurigaaga oo nagu soo biir." Kabiir

Ifka lagama helo wax ruuxda aadanaha ka baahi iyo oon badan. Sidaas oo ay tahayna, ruuxda dadka badankoodu dunida kama hesho wax baahi tira ama ay ku oon baxdo. Had iyo jeerna, dunida waxaa ka taagan isdiid u dhexeeya waaqica dhabta ah ee nolosha adduunyada iyo tebidda qalbiga qofka.

In wax la sugaa waa wax dhib badan, waana sababta ma sugto ay meher ku seegtay. Sugiddu waa adagtahay marka aad ogtahay waxa aad sugayso – socdaal aad muddo qorshaynaysay, gacal aad u hilowday, waxbarasho aad ka qalinjebinayso, jago aad abdeyneyso in laguu magacaabo, aroos iyo ummuuro kale oo badan. Haddana, sugiddu waxay sii cuslaataa marka aadan hubin ama aadan aqoon waxa aad sugayso. Dadka oo dhammi waxay ogyihiin in ay dhimanayaan, laakiin ma hubaan waxa geerida ka danbeeya iyo waxa ay mudan doonaan. Waana halkaas meesha ay ku jirto sirta oonka ruuxda aadamiga iyo baahida dadka badankiisu ay u qabaan Alle iyo diimaha. Nafta aadanaha badankiisu ma aqbali karto in aysn jirin wax dhimashada ka danbeeya. Marba haddii la dhimanayo, dhimashadana aysan waxba ka danbayn, maxay tahay xikmadda ku jirta dhalashadu?!

Gabyaagii Hindiga ahaa ee Kabiir Das (1398-1518), waxaa lagu tilmaamay in uu yahay abwaanka iyo suufiga ugu weyn ee abid ay Hindiya dhashay. Waxaa lagu sheegay in uu ahaa nin ka tarjuma ruuxda Hindiya. Ruuxda Hindiyana waxaa lagu qeexay in ay tahay baadigoobka baahida ruuxda aadanaha (=Hindiya waa dhulka ilaahyada, awliyada, muusigga iyo dhaantada). Kabiir wuxuu saamayn ballaaran ku leeyahay maanka iyo ruuxda dadka dhul-weynaha Hindiya. Tusaale ahaan, buugga "Guru Granth Sahib" oo ah buugga muqaddaska u ah dadka haysta diinta Siikha waxaa ku jira 500 oo meeris oo laga ammaahday maansada Kabiir. Abwaankii weynaa ee Rabindranath Tagore (1861-1941) oo af ingiriis u rogay boqol ka mid ah maansada Kabiirna wuxuu sheegay in Kabiir uu yahay macallinkiisa koowaad. Waana adagtahay in la helo qof ku abtirsada qaarad-u-egta Hindiya oo aan maqal magaca Kabiir, maansadiisana meeris iyo ka badan aan ka hayn.

Kabiir waa eray carabi ah oo macnihiisu yahay ‘weyne’, waana mid ka mid ah 99-ka magac ee Eebbe ee loo yaqaan ‘Magcaanta Alle ee wanaagsan /أسماء هللا الحسنى”. Cabdikabiir -ama Kabiir Daas- wax xog ah oo qumman oo maansadiisa dhaafsiisan lagama hayo. Waxa keliya ee la sheegaa waa in uu noolaa qarnigii 15-aad (1398- 1448/1518), kuna noolaa magaalada Varanasi ee Waqooyiga Hindiya, oo sidoo kale loo yaqaan Benares iyo Kashi, ahna xarun diinta caan ku ah, looguna yeero magaca “magaaladii macaabidda /city of temples’. Hindida qaarkoodna waxay ku doodaan in magaalada 'Varanasi' ay tahay midda magaalooyinka dunida ugu filka weyn oo loogu hor degay, laakiin waxaa la rumaysan yahay in ay jiraan magaalooyin faro badan oo ka fac weyn, oo ay ka mid yihiin Xalab, Dimishiq, Ariixa (=Jeriko), Fiyuum, Susu, Atena, Argos, Plovdiv, Qudus, Sidon, Erbil, Ray, Luoyang iyo weliba kuwo kale.

Dadka qaar waxay yiraahdaan, Kabiir waxaa dhalay waalidiin Muslimiin ahaa, laakiin Hinduus baa korsaday. Dad kalena waxay qabaan si taa ku lid ah, oo waxay yiraahdeen waxaa dhalay waalidiin Hinduus ah, laakiin waxaa korsaday qoys Muslimiin ah. Qolo saddexaadna waxay qabaan in labo waalid oo labada diin kala haystaa ay iska dhaleen. Kuwo afraadna waxay qabaan in uu ka mid yahay wiilasha faraha badan -ee ay ka midka yihiin Ciise iyo Buuda- ee la sheego in Eebbe uu si gaar ah gacantiisa ugu uumay. Waxaa kaloo jira, dad qaba in uu ahaa wiil ay meher la'aan ku dhashay haweenay ka tirsanayd dabaqadda Barahmin-ka ee Hinduusta oo isla markii ay ummashayba iska xoortay, ayna heleen oo korsadeen nin iyo xaaskiis Muslimiin ahaa oo lagu kala magaacaabi jirey Niru iyo Nima, xirfaddooduna ay ahayd soohidda maryaha. Hase ahaatee, waxay u badan tahay in ay dhaleen waalidiin asal ahaan Hinduus ahaa, laakiin goor danbe diinta islaamka qaatay, labada diimoodna aysan u kala xadaysnayn.

Kabiir waxaa isku si u jecel Hinduusta, Muslimiinta, Buudida, Siikha, Kirishtanka iyo xataa mulxidiinta. Caamadu waxay ka heshaa run si fudud loo sheegay, culumaduna falsafad qodan oo ay muddo dul istagaan. Waa maansoyahan loogu tagayo meerisyo aad ku xasisho iyo kuwo kale oo ku cariya. Inkasta oo dabaqadaha iyo diimaha Hindiya ay qolo kastaa isku daydo in ay Kabiir si gaar ah u sheegato, haddana waxaa cad in aysan jirin dabaqad ama diin ku guulaystay in ay sheegashadeeda dadka kale ka dhaadhiciso.

Kabiir isagu ma oggolayn in diin ama koox gaar ah loogu abtiriyo, wuxuuna ku doodi jirey in uu yahay igaar Eebbe abuuray, Eebbahaas magacii la doono ha loo bixiyee. Tusaale ahaan, Kabiir maansadiisa middood wuxuu ku leeyahay:

"Anigu Hinduusi ma ahi,

Muslimna ma ahi!

Waxaan ahay jirkaan, shanta walxaad ka kooban.."

Kabiir wuxuu ku dooday in jirka aadamigu uu ka kooban yahay shan walxaad oo keena kala duwanaanta xaaladaha jirka iyo nafta qofka [caafimaad iyo cudur, farxad iyo murugo, jacayl iyo nacayb, ...]. Shantaas walxaad kolka si fiican la isu waafajiyana, waxay la mid noqdaan shanta xarig ee kabanka oo fannaan falsan uu ka yeersiiyey cod samada Eebbe ka ajiibo (=Aaladda Tanpura oo Hindidu adeegsataa waxay ka mid tahay bahda cuudka ama kabanka waxayna leedahay 4 ama 5 xarig) .

Kabiir wuxuu ahaa ummi aan akhris-qoraal aqoon, abidkiina aan buug iyo qalin isasaarin. Hayeeshee, waxaa laga hayaa in uu yiri: “Marka indhahaaga iyo dhegahaagu ay furan yihiin, xataa caleemaha dhirta ayaa wax kuu baraya si la mid ah sida buugta muqaddaska ah.” Kabiir meerisyo ka mid ah maansadiisa wuxuu ku sheegay in uusan wax qorin waxna akhrin, laakiin uu leeyahay maskax wanaagsan oo aqoontii facyaasha kala duwan diiwaan gelisay. Isaga oo arrinkaas xusayana wuxuu yiri:

Anqaas iyo xaashi midna ma aan taaban,

Gacantaani abidkeed qalin ma qaban

Xigmadda muhiimka ah ee afarta fac

Kabiir afkiisa oo keli ah buu ku tebiyaa I don't touch ink or paper, this hand never grasped a pen. Essence of Four-ages wisdom, Kabir tells with his mouth alone).

Kabiir wuxuu ku dooday in akhrinta buugta badani ay dunida waasho, dadkana doqomo ka dhigto, xigmadduna ay ku jirto in qofku uu barto afarta xaraf ee uu ka kooban yahay erayga 'Love' (=Jacayl):

Reading book after book

This world went to dogs!

No one became a learned one!

The one who studied

The four letters of ‘LOVE’

He’s the real wise one!

Waxaa kala jira xog iyo xikmad. Akhriska badan waxaa laga helaa xog iyo macluumaad badan oo qofku u qaato in uu wax walba ogaaday, xikmad badanna uu yeeshay. Sidaas oo ay tahay, haddana aalaaba qofku xogtaas kuma xasilo, dulqaad iyo qanaacana kama dheefo, ee wuxuu ku noolaadaa baqdin, cadaawad, damac, nacayb iyo wareer. Si taa ku lid ah, gacaladu ruuxa waxay ka xoraysaa cadowga naftiisa ka buuxa ee baqdinta, beenta, damaca, kibirka, xasadka iyo wixii silloon oo dhan ay ka midka yihiin, waxayna dhaxalsiisaa wacyi iyo xikmad, noloshana waxay ka dhigtaa mid lagu noolaan karo. Kabiir oo xaqiiqadaas tilmaamayaana wuxuu yiri: Jacaylkayga la'aantiis ma neefsan karo,

Sida kalluun biyaha laga saaray (=Without my love, I can't breath! Like a fish out of water!)

Gabayada Kabiir waxay ahaayeen kuwo si gole-kafuul ah loo tiriyo, dabadeedna dadku ay afka isugu sii gudbiyaan. Gabayadaas oo aan qornayn darteedna waxaa la rumaysan yahay in gabayo badan gadaal looga daray, kuwo Kabiir lahaana ay dhumeen. Marar badanna gabayadiisa waxaa lagu arkaa erayo ka tarjuma walxo aan la aqoon waagii Kabiir noolaa. Marka dadka la weydiiyo: sidee baa Kabiir u adeegsaday eraygaan oo aan waagaas la aqoon? Waxay ku jawaabaan: Kabiir waa adeegsaday, waayo Kabiir waa Kabiir! Hadda gabayada la hayo ee Kabiir loogu abtiriyaa kun kor bay u dhaafeen, waana adagtahay in la kala saaro kuwa uu dhab ahaan isagu u tiriyey iyo kuwa carrabka loogu tiray.

Nusuusta -oo maansadu ay kow ka tahay- tarjumiddeedu waa diliddeeda. Hindida Kabiir yaqaanna waxay yiraahdaan Kabiir la ma akhriyo ee isaga oo lagu luuqaynayo ayaa la dhegaystaa. Kolka luuqda jaanta lagu darana waxaad u qaadanaysaa in aad daawanayso xer xadraynaysa. Sidaa darteed, qof ahaan isku dayi maayo in aan tarjumo gabayada Kabiir, laakiin waxaan soo xigan doonaa tarjamada Ingiriiska ah ee tiro kooban oo maansooyinkaas ka mid ah.

Sida badan, Kabiir gabaygiisa wuxuu ku soo gunaanadaa meeris uu u dhigo qaab xigasho, oo ah ‘Kabiir wuxuu yir /Kabir says’. Taas oo dadka qaarkood ay ku fasireen in ulajeedku uu yahay in la ogaado xuquuqda lahaanshaha (=Copyright), oo dunidii hore aysan jirin cid ilaalisa iyo sharci kan akhlaaqda ka baxsan oo ka yiil. Runtiise meeriskaasi waa dulucda gabayga oo dhan, gabayga intiisa kalena waa arar iyo gogoldhig uu u samaynayo meeriskaas dulucda ama nuxurka ah ee uu gabaygiisa ku gunaanadayo. Meeriskaasi wuxuu ka dhigan yahay tiimbare Kabiir gabaygiisa ku dhuftay, oo uu dhegaystaha ama akhristaha ugu sheegayo in xogta gabaygu xanbaarsan yahay ay tahay xog si dhab ah loo hubiyey oo aan u baahnayn in cid danbe wax laga weydiiyo. Waa run khibradda nolosha lagala soo baxay, ee ha barbardhigin wax buug lagu qoray, balse waxaad barbardhigtaa khibraddaada nolosha iyo dareenka qalbigaaga. Runtu kuma jirto eray af laga yiri, laakiin waxay ku jirtaa waaqica nolosha. Runta in la maqlana waxaa ka muhiimsan in la dareemo. Warku lama mid ah xaqiiqada, oo ruuxa oomman haddii maanta oo dhan loo sharraxo waxa biyo yihiin kuma uu oon baxo, laakiin waxaa deeqa galaas biyo ah oo la siiyo.

Kabiir wuxuu ahaa suufi rumaysan murtida tiraahda "Hadal run baa lagu caddeeyaa, ilkana rumay." Waxa qura ee uu danayn jirey waa runta. Runta oo aan la tarraxin. Sidaa darteed, wuxuu sheegi jirey hadal run ah oo u qayaxan sida seef aan gal lahayn.

Weydiimaha asaasiga ah ee qof walba maskaxdiisa ku soo dhacaa waa: "Waa kuma Ilaah?", "Ilaah ma jiraa?", "Haddii uu jiro sidee buu u eg yahay?" "Ma lab baa mise waa dheddig?", iyada oo kooban su'aasha aan maanka dadka faaruqini waxay tahay: "Waa maxay Eebbe?"

Feylasuufkii Jarmal-Maraykanka ahaa ee Paul Tillich (1886-1965), oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay feylasuufyadii qarnigii 20-aad maaddada caqiidada ka faallooday kuwooda ugu muhiimsan, wuxuu ku dooday in Eebbe aan af caadi ah looga sheekayn karin. Waayo? Eebbe sawir kasta oo cidi ka bixiso waa uu ka duwan yahay, mana jirto cid taqaan hal macne oo Eebbe la siiyo ama hal qaab oo Eebbe looga hadlo. Si kasta oo la isugu taxalujiyo in Eebba sharraxaad laga bixiyo iyo si kasta oo su'aalo la isaga weydiiyo, Eebbe wax dhab ah laga fahmi maayo. Tillich xaaladdaas Eebbe wuxuu ugu yeeray "God above God or God beyond God", waana xaalad ama sawir u eg midka ay bixinayso aayadda quraanka ah ee sheegaysa in Eebbe wax lagu metalaa aysan jirin (=ليس كمثله شيء). Sidaa awgeed, Paul Tillich wuxuu ku taliyey in marka Eebbe laga hadlayo aan la adeegsan af caadi ah, balse la adeegsado astaamo iyo afmaldahan (=Religious Language as Symbol). Paul Tillich ka horna feylasuufyo iyo suufiyo badan oo Kabiir uu ka mid yahay baa rumaysnaa in Eebbe aan loo adeegsan af caadi ah iyo erayo qeexan. Maxaa yeelay, afka caadiga ahi wuxuu keenaa marin-habaabin, oo dadku iyaga oo aan Eebbe waxba ka fahmin bay waxay u qaataan in ay si buuxda u fahmeen. Tusaale ahaan, wiilka yar ee salafiga ahi, marka loo akhriyo buugga 'Usuulu Talaataha' ama 'Fatxu Majiidka', wuxuu u qaataa in uu caqiidada saxda ah fahmay, Allena uu u bartay si la mid ah sida uu u yaqaan wiilka ay jaalka yihiin ama xataa ka sii durugsan. Wiilkaasi weli kuma uu baraarugin murugsanaanta ka jirta doodaha caqiidada. Wiilka aan tilmaamayaa waa mid aan si fiican u aqaan, maxaa yeelay beri buu aniga ahaa.

Kabiir wuxuu aamminsanaa in Eebbe aan erayo lagu cabbiri karin, caqlina lagu ogaan karin. Fikradaha dadku ay Alle ka bixiyaanna aysan ahayn waxa Alle uu yahay, ee ay yihiin waxa dadku ay yihiin. Dadku marka ay Alle ka hadlayaan, Alle ka ay hadli maayaan, ee iyaga ayaa iska hadlaya. Waxa ay ka hadlayaan sida ay jecel yihiin in uu noqda ilaaha ay jecel yihiin ama ay neceb yihiin. Kabiir isaga oo qiraya in aadanuhu aysan Eebbe waxba ka sheegi karin, ayuu wuxuu yiri:

"Sidee bay abidkay iigu suuroobaysaa in aan qeexo eraygaas sirta ah?

Sidee baan ku oran karaa sidaas uma uu eka, iyo sidaas buu u eg yahay? ...

Lama hayo erayo lagu sheegi karo waxa uu yahay /

O, how may I ever express that secret word?

O, how can I say He is not like this, and He is like that? ...

There are no words to tell that which He is"

Kabiir wuxuu ku dooday in Eebbe uu yahay "neefteenna neefteeda". Maansooyinkiisa middoodana wuxuu ku yiri: "Ardayahow, ii sheeg, waa maxay Eebbe? Waa neefta neefta ka hoosaysa / Kabir says: Student, tell me what is God? He is the breath inside the breath." Gabay kale oo lagu magacaabo ‘Garaafadaan ama jeeggaan dhoobada ah/ this clay jug’, Kabiir wuxuu ku leeyahay: “Wadeygayow haddii aad run doonayso, runtu waxay tahay, Ilaaha aan jeclahay waa kan gudaheenna.” Sidee baa loo qeexi karaa neefta neefta ka hoosaysa? Sidee bayse tahay in loo raadiyo ilaaha naga midka ah? Kabiir Eebbe wuxuu ku metalay ceel ay dad badani u arooraan, diimaha kala duwan iyo magcaanta ay Eebbe ugu yeeraanna ay yihiin magcaan loo bixiyey biyo dad kala duwani ay ceelkaas ka soo dhaamiyeen. Hinduusta iyo Muslimiintuna waa dheriyo isku dhoobo ka samaysan.

The well is one, says Kabir

And water-bearers, many!

The pots may differ in shape and size

But the water in all of them is same

Buugga Towreedka waxaa lagu xusay in markii Aadan iyo Xaawo ay cuneen geedkii loo diiday, ay iyaga oo Eebbe ka xishoonaya geed gadaal ka mareen. Markaasna Eebbe uu Aadan u dhawaaqay isaga oo ku leh: “War Aadan ku aaway? / Adam, where are you?”

Eebbe waa wax walba oge, Aadanna ma uu arki waayin si uu u weydiiyo meesha uu joogo, balse ujeeddada weydiintu waa cashar aadanaha la siinayo, oo Eebbe uu ugu sheegayo in uu meel kasta joogo, oo xataa geedaha aad gadaasha ka maraysaan ay yihiin astaan Eebbe. Eebbe xarumaha cibaadada oo keliya lagama helo, ee wuxuu ka muuqdaa badaha, buuraha,webiyada, xiddigaha, ubaxa, wejiga noolaha iyo meel walba. Cidda middaa ka ilduufta ayaana u qaadata in Eebbe uu meel ku xiran yahay.

Kabiir isaga oo xaqiiqadaas ka duulaya, ayuu dadka waxuu ku baraarujiyaa in aysan Eebbe meel fog ka raadin ee ay naftooda ka dhex raadiyaan. Qodobkaanna Kabiir keli kuma aha ee waxaa qaba Suufiyo badan oo diimo kala duwan ku kala abtirsada, waana waxa loo yaqaan "Midnimada jiritaanka" (=Pantheism /وحدة الوجود). Kabiir wuxuu leeyahay gabay caan ah oo lagu magacaabo “Waan qoslaa marka aan maqlo in kalluun biyo ku jiraa uu oomman yahay /I laugh when I hear that the fish in the water is thirsty.” Kalluun biyo ku jiraa ma uu oomo, laakiin aadanaha ayaa ooma, waayo iyaga oo Alle meel dhaw ka heli kara ayay raadintiisa ku rafaadaan. Ruuxa ruuxdiisa hela baa Eebbe ogaada, ee horta ruuxdaada hel. Kabiir gabay kale wuxuu ku leeyahay: "Haddaad rabto in aad Eebbe ogaato, naftaada si fiican u eeg. Muqaddisnimadu ruux walba ayay ku jirtaa ee meel kale ha ka raadin. Muqadisku wuxuu dhiiggeenna ugu jira sida midabka casi uu caleenta xinnaha ugu jiro."

Kabiir wuxuu leeyahay gabay kale oo lagu magacaabo “Xaggee baad iga raadisaa /Where do you search me?" Waa gabay Kabiir ku metalayo in Eebbe uu si toos ah u la hadlayo aadanaha, cinwaanka laga helana uu ugu sheegayo.

Gabaygaan Kabiir wuxuu ku muujinayaa siyaabaha kala geddisan ee aadanuhu ay Alle u raadiyaan. Qolo kastaana sida muuqata waxay qiil u raadiyaan qaabka ay iyagu Alle u caabudaan iyo meesha ay kula kulmaan. Qaar waxay u arkaan in Alle xajka lagu ogaan karo, halka qolo kale ay u arkaan in Alle lagu ogaado caabudidda walxaha. Kuwo waxay la tahay in buuraha laga helo, halka kuwo kale ay la tahay in xarumaha cibaadada laga helo. Qaar waxay ugu dhawaadaan salaad iyo khalaawayn, halka kuwo kale ay ugu dhawaadaan soon. Kuwo badan waxay ku mashquulaan laylyidda jimicsiga Yogada iyo dunida oo laga saahido.

Kabiir marka uu leeyahay Eebbe ma aha arrimahaan oo dhan ulajeeddadiisu ma aha in uu diido in Eebbe qaababkaan loogu dhawaan karo, balse wuxuu diidayaa in qaababkaan oo keliya lagu koobo, oo loo qaato in ay jiraan siyaabo go’an iyo meelo gaar ah oo Alle laga helo. Helidda iyo ogaanshaha Eebbe waxaa xukuma dareenka qofka. Qof kastaana wuxuu heli karaa si isaga ku habboon oo uu Eebbe ula xiriiri karo. Gabaygaan Kabiir wuxuu ku muujinayaa tilmaamaha Alle ee meel kasta laga helo iyo in Alle uusan meel kaa jirin ee garashadaada oo qur ahi ay kuu soo dhawayn karto ama ay kaa dheerayn karto. Meerisyada gabayga waxaa ka mid ah;

Where do you search me? I am with you Not in pilgrimage, nor in icons Neither in solitudes Not in temples, nor in mosques Neither in Kaba nor in Kailash I am with you O man I am with you Not in prayers, nor in meditation Neither in fasting Not in yogic exercises *** *** *** Says Kabir, Listen with care Where your faith is, I am there. Mar kale, Kabiir wuxuu yiri: Hinduusta iyo Muslimiinta labaduba waa dhunsan yahay. Mar walba way dagaallamaan. Yoogistayaasha, Siikha iyo wadaaddada diinta Jeynka ee wareega, kulligood damac baa dhumiyey! Nuxurkayaga iyo ruuxdayadu kuma ay jiraan in aan Hinduus nahay, ama Muslimiin nahay , ama Siikh nahay ama Jaynis nahay. Waxay ku jiraan in aan bani'aadam nahay.

Erayada Alle, God, Ram iyo magcaanta kale ee badan ee la midka ahi, Kabiir waxay ugu muuqdeen sida silsilado isku hal nooc oo dahab ah ka samaysan laakiin naqshadda loo kala beddelay. Sidaas waxaa la mid ah qaababka ay u cibaadaystaan dadyowga diimaha kala duwan ku kala abrtisada iyo buugtooda muqaddaska ah. Qolo waxay qashaan ariga si ay u cunaan, kuwa kalena lo’da ayay u qashaan isla ujeeddadaas, sidaas oo ay tahayna waa isku caayaan oo ku dagaallamaan. Kabiir isaga oo arrinmahaan tilmaamaya ayuu wuxuu leeyahay:

How can there be two Lords of the Universe? Who has confused your mind? The same Lord is named Allah and Karima by Hazrat And Rama and Kesab by High priest Like different ornaments made of gold Are named differently The gold in the remaining the same, The names you call them in Do not make any difference; So are same Namaz and Puja. Who is Muslim and who Hindu Living on same land all? The Pundit reads the Vedas And the Mulla the Quran Like pots made of same clay Are called by different names Says Kabir, both Pundit and Mulla blunder None has realized the Lord, One permits killing of goat for eating The other cow for same purpose Both quarrel over the manner of killing And remain apart from each other. Kabiir agtiisa waxa muhiimadda lihi waa qanaacada qalbiga qofka iyo nabaddda iyo wadanoolaanshaha aadamiga. Kaniisadda, Macbadka iyo Masjidku agtiisa farqi ma leh.

I stay neither in temple nor in the mosque

The Purana and the Koran are mere words

Neither in Kaaba nor in Kailash

Sida la sheegay, Kabiir ma jeclayn in uu tago xarumaha diimaha ee wax lagu caabudo, sida macaabidda, masaajidda iyo mawlacyada. Sababtuna waxay ahayd isaga oo u arkayey in ay yihiin meelo wadaaddada diimuhu ay dadka ku qaybiyaan. Dadweynaha wuxuu ku oran jirey: Dunida la heshiiya ee ha la heshiinnina wadaaddada gararka orgida leh, ee khiyaanada badan, ee aadamiga u qaybiya si ay u maamulaan. Xarumaha cibaadada ee kala duwanna wuxuu ku metalay in ay yihiin xijaab iyo xudduud aadanaha kala ooda, ama tiirar aadanaha midba xayn lagu xiro. Wuxuuna isweydiiyey: Haddii Ebbe qolo guri ay dhisteen ay ku xirtaan, aadanaha kale xaggee bay Ebbe u raadsanayaan? Dad kooxiba tiir ku qabbiran yihiinse sidee bay isugu imaan karaan oo ku heshiin karaan? Kabiir wuxuu leeyahay sidatan;

If God be within the mosque, then to whom does this world belong?

If Ram be within the image which you find upon your pilgrimage,

then who is there to know what happens without?

Hari is in the East, Allah is in the West.

Look within your heart, for there you will find both Karim and Ram;

All the men and women of the world are His living forms.

Kabir is the child of Allah and of Ram: He is my Guru, He is my Pir.

Wadaaddada diimaha kala duwani waa necbaayeen Kabiir, waayo waxay u arkayeen in uu khatar ku yahay jiritaankooda iyo shaqadooda. Waxaana la wariyaa shirqoollo badan oo ay u maleegeen iyo madax ay ku dacweeyeeyn. Sheekooyinka arrinkaan la xiriira ee la sheegana waxaa ka mid ah in wadaaddo Hinduus ahi ay mar gabar qurux badnayd oo ka mid ahayd gabdhaha duruufta noloshu ay ku khasabtay in ay jirkooda iibiyaan, ay xoolo badan u ballan qaadeen haddii ay ku guulaysato in ay Kabiir duufsato, laakiin iyadii baa Kabiir duufsaday, oo sidii Mary Magdalene awliyo Alle u noqotay.

Kabiir wuxuu ku dooday in runta aadanuhu u baahan yahay aan buugta muqaddaska ah midkoodna laga helayn. Laga heli mayo Gita, Veda, Baybalka, Quraanka iyo mid kale toona. Runta loo baahan yahay waxaa laga helayaa gabalka kimista ah ee cid ka maaraantaa aysan jirin.

Dunida oo dhan laga soo heli maayo cid kimis ka maaranta. Dadkana sida jirkoodu uu kimista ugu baahan yahay, baa ruuxdoodu Alle ugu baahan tahay. Sida ay ugu kala duwan yihiin qaabka ay kimista u samaystaan oo kale bayna ugu kala geddisan yihiin sawirka ay Alle ka haystaan. Kabiir isaga oo qodobkaan ka hadlaya wuxuu yiri:

“I found nothing in your chants, Nothing in the holy texts Kabir says, listen seekers I found everything in a piece of bread.” Sida la sheegay, Kabiir wuxuu fariisan jirey makhaayadah hortooda, wuxuuna oran jirey: “Dabaqadda aad doonto ahow, diinta aad rabtana hayso ee xataa haddii aad tahay lama-taabtaan (=untouchable), fadlan kaalay aan kimis iyo hees wadaagnee”.

Hindiya oo ah dhul ay ka jiraan afaf, dhaqamo, diimo iyo dabaqado kala duwan, muddo kun sano ka badan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq lagu magacaabo “Bhakhti Movement” oo u ol’oleeya midaynta bulshada. Waa dhaqdhaqaaq ku lida waxyaabaha bulshada qaybiya ee nacaybka iyo colaadaha u keena. Xilliga dhaqdhaqaaqaani uu ugu awood badnaa wuxuu ahaa qarnigii 15-aad, oo ku beegan sabankii Kabiir noolaa. Waxaana la rumaysan yahay in suugaanta Kabiir ay ka qayb qaadatay xoogaysiga dhaqdhaqaaqu uu xilligaan sameeyey. Tan iyo maantana Hindida daneeya midnimada Hindiya, Kabiir wuxuu ka joogaa halka Cabdullaahi Suldaan Timacadde (AUN) uu Soomaalida waddaniyiinta ah ka joogo.

In badan oo ka mid ah dabaqadda Hinidida ah ee loo yaqaan ‘Daaliska ama Lama- taabtaanka /Dalits or Untouchables’, oo ah dabaqad Hindiya aad loo xaqiro, Kabiir waxay u arkaan in uu ahaa nebi u yimid si uu iyaga u xoreeyey. Waxay rumaysan yihiin in uu yahay Hindigii ugu horreeyey ee isku dayey in uu nooleeyo ‘dadnimadooda’ boqollaalka iyo kumanyaalka dabshid la duugayey. Xilliga Kabiir soo baxay dadkaan loogu yeero Daaliska ama lama-taabtaanka xataa looma oggolayn in ay galaan xarumaha lagu cibaadayso, siiba macaabidda diinta Hinduusiyadda oo badankoodu ay ku abtirsadaan. Kabiir oo dhibkaas dareensanaa gabayadiisa wacyigelinta ah wuxuu ku oran jirin: “Maxaad ka raadinaysaan macaabiddaas? Ma waxay idinla tahay in Eebbe halkaas oo qura laga helo? Ilaah macaabidda ma joogo! Ilaah meel fog ha ka raadin ee ka raadi naftaada iyo deegaanka kugu xeeran… Ilaah uma baahna af gaar ah, buug, mawlac iyo wadaad toona… Saaxiib I dhegayso, wuu ogyahay ruuxa jecel. Waa haddii aad dareemaysee /Listen to me, friend: he understands who loves. If you feel.”

Dalkaanna waxaa ka abuurmay dhaqdhaqaaqyo ruuxi ah oo ku abtirsada Kabiir (=Kabir Panth), dadka ugu badan ee raacsanna waa bulshada dabaqadaheeda la liido. Dabaqaddaani Kabiir waxay ka qaateen in marka hore ay naftoodu qiimo iyo sharaf la yeelato, marka xigana ay afka iyo maanka ku diriraan oo xaqooda ku dhacsadaan. Kabiir gabayadiisa midkood wuxuu ku leeyahay:

“Make your 5 elements a sword! Your mind, a dagger! Make the Word, your shield! Let the bullet of Wisdom strike! Don’t mess with me, man! Stand aside, a man! Stay far away from me! I’m crazy about the Word Don’t mess with me! I’m crazy about the song Don’t mess with me! Stand aside, a man! Stay far away from me! I might strike you down With my dagger of truth! Waxaa xusid mudan, in sanooyinkaan danbe ay jiraan Daalis badan oo qaata diinta Islaamka, iyaga oo ku qanacsan in diinta islaamku ay Hinduusiyadda kaga wanaagsan tahay xagga sinnaanta dadka.

Guud ahaan, dabaqadda Daalisku labada ruux ee ay dunida ugu qaddarin badan yihiin waa Kabiir iyo Dr. Ambedkar oo ahaa nin ka tirsanaa dabaqaddaan lama-taabtaanka, laakiin dadaal iyo dhib badan ka dib noqday sharciyaqaan caan ah oo u halgami jirey xuquuqda aadanaha –siiba xuquuqda dabaqadda Daaliska, madaxna ka noqday guddigii qoray dastuurka dalka Hindiya xorriyadda ka dib, Hindi badanna ay rumaysan yihiin in uu Gaandi ka mudnaa naanaysta la siiyey ee ‘Mahatma’ (Erayga mahatma macnihiisu waa ruuxdii weynayd, wuxuuna u dhigmaa erayga weli). Sheekooyinka tirada badan ee Kabiir laga sheego, waxaa ka midah mid oranaysa:

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Kabiir sheedda wuxuu ka arkay wadaad gurigiisa ku soo socda. Dabadeed, Kabiir gurigii uu ku jirey illinkiisa ayuu wuxuu ku xiray doofaar wasakh badan. Wadaadkiina markuu arkay doofaarka fooshaxun ee albaabka ku go'an ayuu dib isaga laabtay, isaga oo ka baqay in doofaarku uu nijaaseeyo.

Kabiir markii uu arkay wadaadkii oo dhabarka jeediyey ayuu dibedda u soo baxay, oo wuxuu weydiiyey sababta uu la noqday, wadaadkiina wuxuu tilmaamay doofaarka meesha ku xiran. Kolkaasna Kabiir wuxuu yiri: "Sababta aad iiga noqotay waa in doofaar aan daahir ahayni uu iriddayda ku xiran yahay, laakiin ma ogtahay in laabtaada ay ku dabran yihiin afkaar aan daahir ahayn oo ay ka mid yihiin caro, damac, kibir iyo xasad?" Wadaadkii xaqiiqadaas ma uu dafirin ee wuu qiray, isaga iyo Kabiirna waxay noqdeen saaxiibbo aad isugu dhow, oo wax kala kororsada.

Nebiga waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Jikra waxaa ku jira cad haddii uu hagaago, jirka oo dhammi uu hagaago, haddii uu hallaabana jirka oo idil uu hallaabo, waana qalbiga/ اال إن في الجسد مضغة إذا صلحت صلح الجسد كله وإذا فسدت فسد الجسد كله، أال وهي القلب”. Kabiirna sidaas buu rumaysnaa oo dadka wuxuu ku oran jirey: si aad wax u aragtaan, waxna u ogaataan horta muraayadda wax lagu arko nadiifsada, muraayadda wax lagu arkana wuxuu ku sheegay in ay tahay laabta ama qalbiga. Markaad laabtiinna ka sifaysaan beenta, nacaybka, xasadka, isla weynida iyo idil ahaan sifooyinka xun oo dhan, markaas ayaad wax arkaysaan, runtana ogaanaysaan.

Kabiir wuxuu ahaa suufi . Suufinimadana waxaa lagu qeexay in ay

tahay in ruuxu uu yeesheo "Akhlaaq wanaagsan". Kabiir wuxuu necbaa beenta, wuxuuna jeclaa runta iyo daacadnimada. In waxa aad jeceshahay, waxa aad sheegayso iyo waxa aad samaynaysaba aad ka run sheegto. Kabiir wuxuu noo sheegayaa in beentayada aan wajahno, oo aan naftayada runta u sheegno, oo kibirka iyo isla saxsanaanta aan joojinno, cabsida iyo damacana aan ka xorowno. Damaca in if iyo aakhiraba aan wax badan helno iyo cabsida geerida iyo in adduun ama aakhiro dhib na qabsado. Kabiir gabay buu wuxuu ku leeyahay:

Waxaan u baxay si aan sharka u raadiyo, mana helin wax shar ah.

Waxaan baarid ugu noqday naftayda, waxaana ogaaday in aysan jirin cid iga shar badani I set out to find evil and found no evil one. I searched my own self and found no one as evil as I).

Wuxuu noo sheegayaa, in ka hor inta aynaan abuurka Alle eedayn, oo aynaan xumo ku tuhmin, aan naftayada eedayno, oo aan ogaanno iimaha maankeenna iyo nafteenna.

Bulshada Hinduustu waxay aamminsanaayeen -welina qaarkood ay aamminsan yihiin- in qofka ku dhinta magaalada Kaashi uu jannada boos ku leeyahay, halka kan ku dhinta deegaanka Magahar tigidka cadaabta horay looga jarayo. Kabiir oo khuraafadaas diidi jirey, maalmo yar ka hor intii uusan geeriyoon ayuu wuxuu ka guuray Kaashi, wuxuuna tagay Magahar si uu ugu dhinto. Si uu u canbaareeyo khuraafadaas ayuu wuxuu u khilaafay dhaqankii dadka ee ahaa in la jeclaado in lagu geeriyoodo Kaashi. Kabiir wuxuu ka soo horjeeday caabudidda sanamyada, khuraafaadka iyo meelaha xajka iyo barakaysiga loo aado. Waxay la ahayd in dhulka Alle uusan kala karaamo badnayn, laakiin dhaqamadda dadku ay kala duwan yihiin. Waxaana laga hayaa: "Haddii dhagxaan la caabudo Eebbe lagu helayo, anigu buur dhan baan caabudayaa /If by worshipping stones one can find God, I shall worship a mountain.” Wuxuu kaloo yiri: Haddii biyo lagu mayrto dartood lagu badbaadayo, kalluunka iyo raha ayaa awliyo noqonaya, jannadana ugu horraynaya. Gabay kalena wuxuu ku yiri:

"Barkadda barakaysan, biyo un baa ku jira.

Waan ogahay, waayo waan ku dabaalan jirey.

Dhammaan ilaahyada alwaaxda iyo foolka maroodiga laga qoray, ma awoodaan in ay eray qura yiraahdaan

Waan ogahay, waayo waan u qayshan jirey aniga oo abdaynaya in ay i kaalmeeyaan.

Kutubta Bariga oo dhammi waa erayo. Waa ogahay, waayo maalin baan si daacad ah u baaray.

Waxa Kabiir uu ka hadlayaa, waa wax uu ku noolaa oo keliya

Walaxda aadan dhab ahaan u la noolaani, waa wax aan jirin."

Inkasta oo ay jiraan caddaymo muujinaya in Hinduusta iyo Muslimiintuba ay diyaar u ahaayeen in ay Kabiir dhibaateeyaan intii uu noolaa, haddana markii uu dhintay labaduba waxay diyaar u noqdeen in ay ku diriraan sheegashadiisa, oo qolo kastaa waxay jeclaystay in ay si gaar ah iyadu u sheegato.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in markii Kabiir xijaabtay ay xertiisii ku murmeen sida loo aasayo, oo Muslimiintii waxay yiraahdeen Muslim buu ahaa waxaana loo aasayaa sida Muslimiinta loo duugo. Hinduustiina waxay yiraahdeen: Hinduusi buu ahaa waxaan loo gubayaa sida Hinduusta. Iyaga oo murmaya ayaa korkooda waxaa ka soo muuqday Kabiir oo ku yiri: Eega naxashka waxa ku jira. Markii ay naxashkii fiiriyeenna waxay ku arkeen ubax jaadad badan, laakiin ma aysan arag meydkii Kabiir. Dabadeed waxay qaybsadeen ubaxii oo qoloba qaybteedii sida ay diintoodu qabto in meydka loola dhaqmo ka yeeleen -oo Hinduustu waa gubeen, Muslimiintuna waa duugeen. Tan iyo maantana Hindidu waa ku murmaan Kabiir Hinduusi iyo Muslim midka uu ahaa, waxaana jira labo mawlac oo ku yaal meeshii uu ku geeriyooday, ayna ku siyaartaan dadka diimahaas kala taabacsani.

Ugu danbayntii, Kabiir wuxuu leeyahay gabay lagu magacaabo " Wadeygayow, kaalay imow waddankayga /O my friend, come to my country". Bakistaanida iyo Hindida oo colaad siyaasadeed oo ba'ani ay ka dhexayso, waxyaabaha mideeya waxaa ka mid ah jacaylka Kabiir. Waqtiyada kooban ee ay illoobaan nacaybka ka dhexeeyana waa marka lagu luuqeeyo heesta Kabiir ee "Wadaygayow, kaalay imow waddankayga".

Shabnam Virmani oo ah gabar Hindiyad ah oo filimaanta samaysaana, filinka hoos ku lifaaqan ee ay gabaygaas ugu magac dartay, waxay uga hadlaysaa qayb ka mid ah taariikhda labo qof oo labo qaaradood ku kala abtirsada, laakiin jacaylka Kabiir uu kulmiyey. Labadaas qof waxay kala yihiin; Prahlad Tippanya oo ah heesaa Hindi ah oo qaada heesaha dadweynaha ee kuwa Kabiir ay ugu horreeyaan iyo Linda Hess oo ah macallimad wax ka dhigta jaamacadda Stanford ee carriga Maraykanka, kuna takhasustay taariikhda iyo suugaanta Kabiir.

Su'aasha ug weyn ee filinku isweydiinayaa waxay tahay: Halkee baa ah waddanka Kabiir? Kabiir ma ahayn cunsuri aadanaha xudduud ku kala xira, mana oggolayn seerayaasha ay ka midka yihiin afka, dhaqanka, dhiigga, dhulka, diinta iyo midabku. Sida ay ila tahayna, Kabiir waddankiisu waa meel kasta oo samaha laga taageero, xumahana lagula diriro.

Comments