Labo aragtiyood
Sida la sheego, feylasuufkii Giriigga ahaa ee Aristippus (435-356 C.H) oo ahaa nin aan madaxda iyo maalqabeenka ka ag dheeraan jirin, baa habeen wuxuu booqday feylasuufkii Diogenes (412-323 C.H.) oo isagu ahaa saahid dhulka goglada, samadana harsada. Wuxuu u tagay isaga oo cashaynaya, waxayna isdhaafsadeen erayadaan;
Aristippus: “Haddii aad baran lahayd sida boqorka loogu afmaceeyo (=afmiinshaareeyo), caddas iyo kimis kuma aadan cashayseen.”
Diogenes: “Haddii aad baran lahayd sida caddas iyo kimis loogu casheeyo, waxaad ka xoroobi lahayd u afmacaynta boqorka.”
Dhacdooyinka kale ee Diogneses laga sheego waxaa ka mid ah, in maalin isaga oo muddulkiisa hor fadhiya uu u yimid Aliksandarkii Weyaa (356-323) oo xilligaas xukumay dunidii la yaqiin badankeeda. Salaan ka dib, Aliksander odayga wuxuu ku yiri: fadlan ii sheeg haddii uu jiro wax aan kuu qaban karo? Diogenes durba wuxuu ugu jawaabay: “Haa, iiga wareeg iftiinka qorraxda ee aad iga qarinayso /Yes, stand out of my sunlight”. Aliksander goor danbe wuxuu yiri: “Haddii aanan Aliksander ahaadeen, waxaan jeclaan lahaa in aa Diogenes ahaado.”
Su’aal: In madaxda iyo maalqabeenka loo afmiinshaareeyo iyo in kimis iyo biyo lagu noolaado kee baa dhib yar?
F.G.: Caddastu (=lentils) waa jaad ka mid ah miraha la beerto sida digirta, galleyda, heedda, masagada, misirta, iqk. Waxay leedahay midabyo badan oo aalaaba huruud iyo kareem u dhexeeya. Waxaa la siiyaa qiimo jaban, sidaa darteedna badanaa waxaa iibsada saboolka jeebkoodu yar yahay. Ruuxii magaca mirahaan af Soomaali ku garanayaa, isaga/iyada oo mahadsan ha igu biiriyo.

Comments