Labo Isma Saarin
Ruuxda Aan Doojinno
Dadka iyo dhirta waxaa ka dhaxeeya xiriir adag, oo keena in dadku ay u hiloobaan dhirta, la’aanteedna ay dareemaan marnaan iyo cabsi. Dadkuna tan iyo taariikh aad u durugsan waxa ay ka doodaan in dhirtu ay leedahay dareen iyo wacyi iyo in kale?
Geedkaan hoos ka muuqda oo afafka qaarkood lagu yiraahdo magcaan ay ka mid yihiin Kaybok, Siiba bentandara iyo sidoo kale Jambi (=Kapok, Ceiba pentandra, Jumbie), dadka qaarkoodna ay ku koolkooliyaan naynaasta ‘geedka cudbiga xariirta ah’, waxa uu ka baxaa dhulal badan sida; qaaradda Ameerika, Galbeedka Afrika iyo Koonfurta Aasiya. Waa geed weyn oo leh jirrid aad u ballaaran. Qayb walba oo geedkaan ka mid ahina waxa ay leedahay siyaabo loo adeegso iyo weliba xanuunno lagula tacaali jirey.
Qaar badan oo ka mid ah dadyowgii asal ahaan degi jirey bartamaha qaaradda Ameerika, waxa ay rumaysnaayeen -welina rumaysan yihiin- in geedkaani uu yahay geed muqaddas ah oo barakaysan. Waxay sheegaan inuu yahay geed u taagan akwaanta kala duwan ee Alle uu uumay. Xiddiddada iyo qaybta qarsoon ee geedku waxay u taagan tahay dunida hoose ee jinka iyo sheydaanku ay ka arrimiyaan, cadaabtuna ay ku taal. Qaybta dhexe waxay u taagan tahay dunida aan ku noolnahay. Qaybta sare ee geedka iyaduna waxay u taagan tahay jannada.
Run ahaantiina, aadmigu abidkood waa isku barxi jireen cibaadada Alle iy tan dabeecadda, dadka badankooduna ma fahmi karaan si lagu kala sooci karo Alle iyo dabeecadda, oo ugu danbaysta Alle iyo dabeecaddu waa u walax keliya ama waa u lacag labadeeda dhinac. Sida la ogyahayna, falsafadda diinta Buudiyadu waxay ku qotontaa fikradda xiriirka ka dhaxeeya dadka iyo dabeecadda, gaar ahaan dadka iyo dhirta. Maxaa yeelay, sida la sheego Buuda qudhiisa ayaa fahmada iyo maanfurka waxa uu helay kaddib markii uu muddo afartan casho ah geed hoos fadhiyey. Nebi Muxamed (scw) god buur ku yaal buu galay, Buudana geed buu hoos fariistay, anbiyadii iyo falaasifadii kalena dhaqamo la mid ah bay lahaayeen.
Qoraagii Maraykanka ahaa ee Henry David Thoreau (1817-1862), oo muddo labo sano ka badan si istikhyaarkiisa ah keligi kayn ugu dhex noolaa, buuggiisa ‘Walden’ oo uu noloshii kaynta ka qoray waxa uu ku yiri: “Waxay ila tahay in waxa dadka kale ay diinta ugu yeeraan ay tahay waxa anigu aan u aqaan jacaylka dabeecadda.”
Docda kale, maadaama geedkaani uu leeyahay hoos qabow oo la harsado, waddamada Galbeedka Afrika, waxa uu ahaa madal si joogto ah kulamada iyo shirarka loogu qabto, waxaana la aamminsan yahay in hoostiisa lagu go’aamiyey xeerar iyo dhaqamo badan oo boqollaal iyo kumanyaal sano lagu dhaqmayey, oo facba kii ka horreeyey uu ka dhaxlay. Mid ka mid ah sheekooyinka khuraafiga ah ee Afrika oo la hilaadinayo in ay faaftay sebankii uu socday gumaadkii lagu addoonsaday dadka Afrika -gaar ahaan kuwii laga qaaday Galbeedka qaaradda ee la geeyey jasiiradaha Kariibiyaanka- waxa ay xustaa in geedkaani uu leeyahay ruux shar leh oo dadka dhibaataysa, siiba kuwa dhibka iyo dhaawaca isaga u geysta. Sida la qiyaasayo sheekadu waxa ay ka curatay iyada oo geedkaan loo adeegsan jirey in laga soo laalaadiyo addoonta la doonayo in la deldelo.
Halgamaagii reer Maartiniik ee Eymi Siseer (=Aime Cesaire, ‘1913-2008’) oo dabeecadda aad u jeclaa, waxaa la sheegaa inuu saacado badan geedkaan ku hoos qaadan jirey, si uu uga helo ilhaam uu u adeegsado hawlaha hal-abuurkiisa. Siseer inkasta oo uu ahaa Shuuci la dhacsan aragtida maaddinimada taariikhda ee Kaarla Maarkis, haddana waraysi uu bixiyey maalmo yar ka hor intii uusan geeriyoon, waxa uu ku yiri: “Kolka aan rabo in aan naftayda ogaado, naftayda waxaan ku akhriyaa muuqaallada dabeecadda. Taas baa ah waxa muhiimka ah. Haa, geedka ayaa ila hadla. Ma garanayo in aan geedaha la hadli karo, laakiin waxaan ogahay in ay iyagu ila hadlaan, oo ay wax ii macneeyaan.” Waxaana la yiri: ‘Ma jiro qof geedkaan hoos istaagay oo aan dareemin heybaddiisa.’
Sannado aan ku noolaa magaalada Neyroobi ee dalka Keenya, saaxiibkay Sheekh Cabraxmaan Maxamed Jibriil ayaa waxa uu caado u lahaa in dhawrkii toddobaadba uu mar i soo waco, isaga oo igu leh ‘War aan ruuxda doojinnee berri subax ma ku soo maraa?’ Sheekh Cabdiraxmaan ruux doojinta waxa uu ka waday in gelin lagu nasto meel deggen oo leh dabeecad bilicsan oo ishu ay u bogto, naftuna ay u khushuucdo, oo ku xasisho. Marar aan yarayn, Saacadahaas naf doojinta ah, Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu ku casumi jirey saaxiibbadi hadba inta is haleeli karta, gaar ahaan kuwa markaas magaalada martida ku ah.
Jimce iyo ciid wanaagsan dhammaantiin.

Comments