lbaxnimo Waa Isaamnimo 3

lbaxnimo Waa Isaamnimo 3

2. AQOON:

Aayadihii ugu horeeyey ee Nebi Muxammad (Salallaahu caleyhi wasallam) loo waxyooday waxay ahaayeen: "Akhri, ku billaabid Magaca Alle ee abuuray dhamaan waxa jira. 2. Ka abuuray aadanahaa xinjir (dhiig guntamay oo adkaaday). 3. Akhri! oo Rabbigaa waa Roonaan badnaha. 4. kan baray aadanaha in wax lagu dhigo qalinka," (Al- Calaq 1-5).

Aayadahaasi farriinta ay gudbinayaan ma aha kuwo qarsoomi kara, oo waxay si cad ummadda Islaamka ah ugu sheegayaan xilka saaran oo ah inay iftiinka cilmiga qaataan, khayrkana bartaan, dadyowga kalena baraan.

Qoraallada taariikhduna waxay noo shegayaan markuu duullaankii Badar dhacay sannadkii 2aad ee Hijrada oo ku beegan 625 C.D, Muslimiintana guushii raacday, gaaladiina rag badan laga soo qafaashay in Rasuulku (Salallaahu caleyhi wasallam) madax furashada raggaas kuwii qoridda iyo akhrinta yaqiin ka dhigay in mid walba (10) ubadka Muslimiinta ka mid ah uu baro qoraalka iyo akhrinta.

Aayadaha Qur'aanka iyo axaadiista Nebiga (Salallaahu caleyhi wasallam) ee cilmiga iyo culumada amaanaya ama jahliga iyo juhalada dhaleecaynaya ma aha kuwo la kow labayn karo. Culimaduna waxay ahaayeen kuwa ummadda hoggaanka u haya lana taliya kuwa hoggaanka haya.

Dawladda Islaamka iyo maal qabeennada Muslimiintuna si deeqsinnimo leh bay cilmiga iyo culumada wax ugu huri jireen. Fuqahada Islaamkuna waxay yiraahdeen sakada waa la siin karaa ruuxa xooga leh ee cilmiga baranaya, lamase siin karo ruuxa cibaadada u go'ay.

Masjidkii ugu horreeyey ee Rasuulku (Salallaahu caleyhi wasallam) Madiino ka dhisay wuxuu ahaa Isla markaas dugsi la yiraahdo "Sufa", afka carabiga oo aqoonta Islaamka weel u ahna, labada eray ee Jaamic "Masjid" iyo jaamacad waa isku asal, Azhar oo la dhisay 972 C.D, waxaa loogu yeeraa masjid ama jaamacad kii la doono.

Arrimahaas oo idilna waxay dhaliyeen in qoraalladii iyo maktabadihii bateen, waxaana la sheegay in sannadkii 891 C.D. magaalada Baqdaad ay ku tiil in ka badan 100 maktabadood, buugta maktabadahaas yiilna ay gaarayeen kumanyaal. Sidoo kale maktabaddii Al-Casiis ee ku tiil magaalada Qaahira, waxaa la sheegay in buugtii tiil ay dhammayeen (1, 600, 000) hal malyan iyo lix boqol oo kun oo qayb (Volumes).

Sidaas darteed, la yaab ma leh haddii qoraallada taariikhdu noo sheegtaan in dhamaan dadkii ku noolaa Andalus "Spain" ay si wanaagsan u yaqaaneen qoraalka iyo akhrinta, waqti ay wax akhrintu ku koobnay in yar oo ka mid ah wadaaddada kaniisadda waddamada reer galbeedka.

Waxaana hubaal ah in Qaysarkii (Kaiser) imbiraadoorayadii Roomaanka bari (Byzantine) uusan layaabeen laba qaydlihii muslimiinta abaanduulaha u ahaa ee shardiga ka dhigay in qodobbada heshiiska lagu daro in Muslimiinta xaq u yeeshaan inay iibsadaan farguriyadii (Manuscripts) Giriigga.

Mowqifkaas laba qaydlaha Jasiiradda ka tageyna waa mid mudan in la barbardhigo midkii Tataarkii bariga uga soo duuley Muslimiinta 1258 C.D. markii biyihii wabiga Dajla la madoobaadeen anqaastii qoraaladdii Muslimiinta ee wabiga sida cawaandinnimada ah loogu gurayey.

Sidoo kale waa mid mudan in la barbardhigo midkii ay samaysay kaniisadda kaatooligga (Roman Catholic Church) markii ay ku dhaqaaqday falalkii dugaagnimada ahaa ee ku caanbaxay maxkamadihii baaritaanka (Inquisition), kuwaas oo yurub ku xasuuqday aqoon yahanadii iyo wax garadkii.

Aqoontuna waa midda qofka Muslimka ah ku bixineysa shaqo jaceyl iyo ka faa'ideysiga waqtiga, maxaa yeelay aadamigu wuxuu ilbaxnimo sameyn karaa markuu waqtiga ka faa'ideysto. Islaamkuna ma yaqaan howl gab, qofka Muslimka ahina waa inuu shaqeeyaa inta u dhaxeysa dharabta iyo qabriga.

3. CADDAALAD:

Waxaa abwaannada iyo waaya aragyadu qiraan in garsoor wanaaggu ka mid yahay arrimaha keena in ilbaxnimo cimrido. Qaar ka mid ah xeeldheerayaasha siyaasadda sharciga ku dhisan ee Islaamka waxaa laga weriyaa in ay yiraahdeen: “Xukunkii caddaalad lagu dhisaa waa waaraa mid gaalaba ha ahaadee, xukunkii xad gudub lagu dhisana wuu dumaa, hadduu rabo magac Islaam ha sitee”.

Ilbaxnimada Islaamkuna waxay cimriday oo fidday markay tiigsatay yoolna ka dhigatay caddaalad, caddaaladduna waxay leedahay macne ballaaran oo ka durugsan sida dad badan u malaynayaan. Aayadaha Qur'aanka, axaadiista Rasuulka (Salallaahu caleyhi wasallam), mawaaqifta madaxda iyo garsoorayaasha muslimiinta ee ku saabsan cadaaladduna ma aha kuwo la koobi karo, qoraallada taariikhdaana baalal dahab ah ku qoray. Erayga caddaaladuna (iyo kuwo la macnaha ah) waa erayga seddaxaad marka laga fiirsho ereyada ugu badan ee kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqday. Ereyga ugu badan ee Kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqdayna waa Allaah, kan labaadna waa aqoon, kan seddexaadna waa caddaalad oo Kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqday kun jeer in ka badan.

Haddaba su'aasha in la isweydiiyo u baahan waxay tahay: Waa maxay sababaha dhaliyey dib u dhaca ilbaxnimo ee Muslimiinta maanta haysta?

Dhammaad!

Comments