Leyla iyo Xaawo labo aan midna la quurin
Culumada diimaha baaraa, diimaha dunida ka jira waxay u qaybiyaan labo qaybood oo waaweyn oo kala ah; diimaha Bariga iyo diimaha Galbeedka. Waxay kaloo u qaybiyaan diimaha ilaahyada badan iyo diimaha towxiiddiga ah ee halka Ilaah rumaysan. Diimaha Saraadashtiga, Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamku waxay soo hoos galaan diimaha reer Galbeedka ama diimaha Towxiiddiga ah, waxaana la rumaysan yahay in afartaas diimood ay xiriir leeyihiin oo ay wax badan kala ammaahdeen.
Saddexda diimood ee danbe -Yahuudiyadda, Masiixiyada iyo Islaamku- waxay wariyaan sheeko isu dhaw oo ka hadasha abuurkii kownka iyo Aadan iyo Xaawo (The creation story / قصة الخلق). Waa sheeko caan ah oo dadka oo idil ay ka dheregsan yihiin, aanna loo baahnayn in halkaan looga sheekeeyo. Ugu yaraan, Soomaalida badankeedu waa maqleen xadiiska nebiga ee yiraahda: "Haweenka wanaag u dardaarma, maxaa yeelay dumarka feer qalloocan baa laga uumay, feertana meesha ugu qalloocani waa halka ugu sarraysa /استوصوا بالنساء خيرا فإن المرأة خلقت من ضلع أعوج وإن أعوج ما في الضلع أعاله".
Hase ahaatee, qayb wadaaddada Yahuudda ka mid ahi waxay xusaan sheekoxariir diini ah oo ku doodaysa in Xaawo aysan ahayn afadii ugu horraysay ee nebi Aadan uu guursaday, balse Xaawo ka hor Eebbe uu u guuriyay haweenay lagu magacaabi jirey 'Lilith' ama 'Leyla'. Baybalkuna wuxuu si kooban u sheegaa jiritaanka labo abuur, oo Eebbe markii hore wuxuu isku mar uumay Aadan iyo gabar, mar kalena wuxuu abuuray gabar keli ah.
Sheeko-xariirtaan oo asal ahaan ka soo jeedda ilbaxnimadii Baabilidu, waxa ay leedahay: Eebbe wuxuu uumay nin uu u bixiyey Aadan. Laakiin, markuu Aadan uumay kaddib buu wuxuu is tusay in aysan wanaagsanayn in nin uu keli ahaado. Kolkaasna Eebbe isla dhoobadii uu Aadan ka uumay buu wuxuu ka abuuray gabar qalanjo ah oo joog, jamaal iyo garaad intaba loo dhammeeyey, wuxuuna u bixiyey 'Lilith ama Leyla'. Aadan iyo Lilit durba waxay bilaabeen in ay dagallaamaan, waayo Lilith waxay ku tiri: "Hoostaada seexan maayo /I shall not lie beneath." Aadanna wuxuu ku yiri: "Kaa hoos mari maayo laakiin waa kaa korraynayaa, maxaa yeelay booskaagu waa in aad iga hoosayso aniguna aan kaa korreeyo /I shall not lie beneath but above, for your place is beneath and mine above." Lilit na waxay ugu jawaabtay: "Adiga ayaa iga hoos maraya! Waayo waa simannahay oo labadeennaba carro isku mid ah baa na laga uumay /You lie beneath me! We are both equal, for both of us are from the earth."
Qir iyo qir baa xaal ka noqday. Goortaasna Lilit magaca Alle ayay ku dhawaaqday, arrinkaas oo u suurogeliyey in ay yeelato baalal ay ku haaddo -(caqiidada Yahuuddu waxay dhigaysaa in aysan habboonayn in magaca Alle lagu tiraabaa). . Lilit waxay degtay Badda Cas, ciyowna waxay is calmadeen Ibliis, oo ay wadaageen in labadooduba ay Alle ku caasiyeen Aadanna la colloobeen, dharaar kastana waxay dhali jireen ubad boqol ka badan. Laakiin waa dambe, Eebbe caradii uu u qabay Lilit darteed buu Ibliis ma dhalays uga dhigay. Lilit si ay falkaas uga aargudato habeen walba waxay shahwada ka xaddaa wiilal badan oo ilmo Aadan ah, dhanka kalena sheydaanka lagu magacaabo 'Samaa'iil' bay waxay kula heshiisay in uu Xaawo duufsado, oo uu gogoldhaaf ugu galmoodo. Gogoldhaafkii dhexmaray Xaawo iyo Samaa'iilna waa kan keenay caadada bil kasta mar ku dhacda dhammaan bilis Xaawo iyo weliba in ay ku mabaan basar xumada gogoldhaafka. Tan iyo xilligaas fog, Eebbe wuxuu laayaa ubadka Lilit, Lilit na dhankeeda waxay laysaa warasada Aadan. Xaalkooduna waa barbardhac oo midkoodna kan kale kama uu adkaado.
Yeelkadeede, Aadan muddo ayuu cirka eegmo ugu hayey isaga oo abdaynaya in Lilit ay soo noqoto, isna diidsiinaya xaqiiqada abwaanku uu ku cabbiray erayadaan hoose:
Haku daalin jeedaal
Indho sooma jiidaan
Qalbi kaa janjeeree!
Ugu danbayntii, Aadan goortii uu ka quustay soo laabashada Lilit, ayuu Eebbe baryo la hoos galay, wuxuuna ku tuugay: Eebbow haweenaydii aad iigu deeqday waa iga durdurisay. Eebbe saddex malag oo la kala yiraahdo Sanvi, Sansanvi iyo Semengelaf buu wuxuu ku amray in ay Lilit soo caro celiyaan, wuxuuna ku yiri: Haddii ay oggolaato in ay idin soo raacdo waa hagaag iyo sida la rabo, haddii ay idin diiddase ha soo jajuubina, balse u sheega in boqol ka mid ah carruurteedu ay maalin kasta dhiman doonaan.
Saddexdii malag waxay u tageen Lilit oo joogta bartamaha badda ay Masaaridu ku qarqoomi doonaan (=Badda Cas). Waxay u sheegeen labada qodob ee Eebbe kala doorransiiyey, iyaduna waxay u sheegtay in aysan Aadan ku noqonayn xataa haddii Eebbe uu ubadkeeda eber ka dhigayo. Saddexda malagna waxay ku tiri: Anigu idin raaci maayo, haddii Eebbe ubadkayga laayana, waxaan dhaar ku marayaa in aniguna dhankayga aan maalin walba dilo boqol ilmood oo ka mid ah ubadka Aadan durriyaddiisu ay dhali doonaan, marka qura ee ay iga badbaadayaanna ay tahay marka idinka magaciinnu uu ii muuqdo.
Eebbe markii uu dhagaystay warbixintii saddexda malag ay Lilit uga keeneen, ayuu cabbaar wuxuu ka fekeray sida Aadan uu ku heli karo marwo raalliyo ah oo nolosha la qaybsata, ubadna u dhasha. Dabadeed, Aadan buu wuxuu ku riday hurdo uu la suuxay, intii uu suuxsanaana feercalaantiisa ayuu wuxuu ka uumay Xaawo oo noqotay marwo raalliyo ah, oo aad ugu dhego nugul maaddaama ay tahay xubin jirkiisa ka mid ah. Xaawo sida Lilit kuma ay doodi karin in ay Aadan la siman tahay, maxaa yeelay iyada waxaa laga uumay feercalaan yar oo aan Aadan u dhigmin.
Xanta hoose ee laga soo wariyey Aadan iyo Xaawo waxay sheegaysaa in Xaawo habeenkii aysan seexan jirin jeer ay tiriso lafaha feeraha Aadan. Waayo, waxaa laga yaabaa in meel kale ay ugu qarsoon tahay xaajiyad kale oo feerihiisa middood laga uumay. Xaawo uma aysan baahnayn in ay Aadan weydiiso in uu xaas kale leeyahay iyo in kale. Sidoo kale uma aysan baahnayn in ay taleefankiisa baarto ama ay maryihiisa cadar haween ka uriso. Waxaa ku filnaa in ay tiriso feerihiisa oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee, Lililt markay ogaatay in Eebbe uu Aadan xaas kale u guuriyey, baa waxaa ku dhacay masayrka tan iyo maanta dumarka lagu yaqaan. Waxayna go'aansatay in ay Aadan u dhigto dersi uusan abidki illoobin. Lilit inta muuqaal abeeso isu yeeshay bay Xaawo jannada ku booqatay, waxayna u macaysay geedkii Eebbe u diiday cuniddiisa.
Lilit waxay Xaawo ku tiri: Naa Xaawo, illeen adiga iyo Aadan labo doqon baad tihiin! Naa ma ogtahay sababta geedkaan la idiinku diiday? Geedkaan ciddii cuntaa waxay yeelataa aqoon iyo xikmad, abidkeedna ma dhimato? Naa ma naftiinna iyo ubadkiinna baydaan la jeclayn aqoon, xikmad iyo in aad waartaan?! Ilaah waa idin xasdayaa, oo ma uu doonayo in sidiisa oo kale aad Ilaahyo u noqotaan. Ciddii hesha aqoon iyo xikmad buuxda, isla markaana ka bedbaadda geeridu waxay noqonaysaa Ilaah. Waxa Ilaah uu abuurkiisa dheer yahay waa aqoonta iyo xikmadda dhammayska tiran iyo waaridda uusan dhimanayn.
Xaawo si fudud bay ku rumaysatay warka Lilit, sababta oo ah saddexda faa'iido ee geedka lagu sheegay saddexduba waa kuwo aad loo jecel yahay, oo cid loo sheegay oo diidi lahayd aysan jirin. Akhristow adigu haddii aad booska Aadan iyo Xaawo ku jiri lahayd, sidaa si ka duwan miyaad yeeli lahayd?
Xaawo iyo Aadan markii ay geedka rudeen, Eebbe inta u carooday buu Jannadii Cadmeed ka cayriyey. Weliba Eebbe iyaga oo wada jira ma uusan cayrin ee midba meel cidlo ah buu ku xooray.
Sidaas baa Lilit sabab ugu ahayd in labadeenni waalid jannada laga soo saaro, weliba intaas ugama aysan harin ee waxay go'aansatay in Aadan ay uga aarsato in ubadkiisa ay ku layso rixinka hooyadood ama dhallaannimada, si Aadan iyo Xaawo ay u dhadhamiyaan xanuun la mid ah kan iyadu ay dareento mar kasta oo Eebbe uu dilo boqol ka mid ah ubadkeeda (Iyaga iyo ku Allahoode, waxay kaloo wariyeen in Aadan markii jannada laga soo saaray ee isaga iyo Xaawo midba jiho lagu tuuray, uu 130 dabshid kaddib isaga oo weli Xaawo baafinaya ay habeen Lilit u timid ayna wada xaajoodeen. Laakiin taariikhyahannadii dhacdadaas soo tebiyey nooma ay sheegin labadooda kii habeenkaas sare maray iyo in xal dhexdhexaad ah ay isla gaareen. Si taa la mid ah wadaaddada Yahuuddu waxay sheegaan in Lilit ay habeen la seexatay nebi Saleebaan iyada oo isugu soo ekaysay boqoraddii Bilqiis).
Sida la wada og yahay afka Cibriga iyo afka Carabigu waa wada dhasheen, aalaabana askunka erayada waa wadaagaan. Sidaa darteedna, la yaab ma leh in magaca Lilith ee Cibriga ahi uu la macne yahay magaca Carabiga ah ee 'Leyla'.
Erayga Cibriga ah ee 'Lilith' macnihiisu waa mugdi iyo habeen. Si taa la mid ahna, magaca 'Leyla' ee gabdhaha loo bixiyo macnihiisu waa 'habeen' ama 'mugdi' ama 'madow'. Tusaale ahaan Carabtu habeenka gudcur daran ama xaalad kale oo ba'ani ay jirto waxay ku tilmaamaan in ay tahay 'Leylatun Leylaa /ليلة ليالء' oo ay ka wadaan 'Habeen mugdi badan'. Mugdiga la tilmaamayaana wuxuu noqon karaa mid maaddi ah sida mugdiga habeenka ama mid macnawi ah sida duruufaha qallafsan. Si gaar ah, Carabtu magaca Leyla waxay u bixiyaan khamrada iyo gabdhaha. Maxaa yeelay, marqaanka iyo shukaansiga labadaba habeenka ayaa la la raadsadaa, labadubana waxay leeyihiin sakhrad iyo miyir beel.
Waxaa la rumaysan yahay in magaca Carabiga ah ee Leyla iyo kan Cibriga ah ee Lilit ay labaduba ka soo jeedaan kan Akaaddiga ah ee Lilitu. Afka Sameetigga ee Carabiga iyo Cibrigu ay ka wada tirsan yihiin wuxuu xiriir la leeyahay afafkii ay ku hadli jireen dadkii ku dhaqnaa dhulkii loo yaqiin Misobotaamiya sida Soomarida iyo Akaadida. Labadaan af ee danbana waxaa ku jira isla magaca 'Lilitu' oo ah magac diini ah oo ay u bixiyeen sheydaan dheddig oo habeenkii mugdiga ku shaqaysta. Sida la qiyaasayana sheydaankaan markii ugu horraysay waxaa lagu xusay sheekada 'Gilgamesh iyo Enkido iyo dunida hoose /Gilgamesh, Enkido and the nether world', oo taariikhdeeda lagu hillaadinayo abbaaraha afar kun oo sano ka hor. Sheekadaan waxaa ku soo arooray weero sheegaya in ilaahaddii Misobotaamiya ee Inanna ay jiinka webiga Furaat ku beertay geed baxarsaaf ah oo ay damacsanayd in ay carshi ka samaysato.
Toban dabshid kaddib bay tagtay meeshii ay geedka ku beertay si ay danteeda ugu fushato, laakiin waxay aragtay geedkii oo dushiisa ay shinbir guumays ahi guri ka dhigatay, laamihiisa dhexdoodana ay Lilit carruur ku haysato, jirriddiisana ay abeeso ku nooshahay. Dabadeed boqorkii Uruk ee Gilgaamish baa wuxuu maqlay sheekada geedkaan, wuxuuna qaatay seeftiisii iyo gaashaankiisii si uu u laayo duulka geedka degay. Wuxuu dilay abeesadii, geedkiina xididdada ayuu u siibay, guumaystii iyo Lilit iyo carruurteediina inta haadeen bay baxsadeen.
Lilith waa sheydaan dheddig oo aan say lahayn ama Ibliis baa nin u ah laakiin kuma uu filna. Taasina waxay ku bixisaa in ay dhibsato arkidda haweenay uur leh ama ilmo yar daadahsanaysa. Waxaa kaloo aan la tusin barbaar keligi gogol ku cidlooda. Sidaa aawadeed, Lilit ama Leyla habeenkii bay mirataa, waana midda sababta in haweenka uurka leh ay ilmuhu ka dilmaan ama dhallaannimo ay kaga dhintaan. Laakiin, waxay fulisaa ballanqaadkeedii ahaa in aysan ubadka dilayn inta ay ujeeddo magaca saddexdii malag ee Badda Cas kula kulmay. Taa awgeedna, ummado badan waxaa dhaqan u ahaa in dhallaanka xirsi xir ahaan wejiga iyo dhabannada looga sawiro astaamo loola niyoonayo in ay metalayaan saddexdaas malag. Sidoo kale, isla qardhaastaas xirsi xirka ah waxaa loo xiraa haweenka uurka leh iyo kuwa fooshu hayso.
Sidoo kale, Layla habeenkii iyada oo xiran maryo cadcad oo xariir ah bay ragga -siiba xerta doobabka ah ee digriga iyo daalacashada kutubta diinta ka doorbida daawashada gabdhaha- waxay ku booqataa gogosha oo laabta u salaaxdaa, markaas bay riyoodaan oo ay macdantooda meel cidla ah ku qubaan. Tusaale ahaan, buugga Talmuudka ee Shabbat waxaa ku qoran: "Ninka waxaa ka reebban in keligiis uu guri seexdo, maxaa yeelay waa intaas oo uu Leyla gacanta u galo /It is forbidden for a man to sleep alone in a house, lest Lilith get hold of him."
Hodon kolka ay Cilmi soo booqanayso, uma aysan imaan jirin iyada oo bilis Xaawo ah, balse waxay u imaan jirtey iyada oo bilis Leyla ah. Bilis Xaawo waa xishootaa, oo habeen bar kuma guurayso nin islaameed oo fiid hore dareen li' ku jiifsaday. Laakiin Leyla sharci Alle iyo xeer aadmi midkoodna ma xiro.
Hammada beena baan iri malaha, waa la hurudaaye Hareertayda oo madhan baan, is iri haabo gacanteeda Goortaan hubsaday meel cidla ah, inaan ku hawshooday Hoogaansigeedii dambaan, soo hambaabiraye U haylhaylay gogoshii sidii, halablihii aare Siday iga halleeyeen maryihii, hiifay oo tumaye Haab-haabtay labadii go'oo, shaarkii maan heline.
Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan heesaha waxaa ku badan adeegsiga weedha "Qeys iyo Leyloo kale noqonnaa", oo loo adeegsanayo macne ah 'aan is jeclaanno oo aan is guursanno'. Run ahaantii, Qeys iyo Leyla waxaa noqda lammaanaha isi seega, laakiin lammaanaha is calfadaa ma ay noqdaan. Weligeed iyo waaqeed, Leyla nin caashaqay guur kuma calfan. Waa suurogal in uu riyo kula baashaalo, laakiin in uu soo jeed kula caweeyaa waa habeenkii xalay ahaa oo tagay. Waayo guurku wuxuu u hoggaansamaa xeerarka iyo sharciyada dadka iyo diimuhu ay dhigaan, laakiin caashaqu ma leh sharci iyo xeer xukuma. Qeys haddii uu calfan lahaa Leyla ma ay curateen sheekada Qeys iyo Leyla. Si taa la mid ahna haddii Cilmi guursan lahaa Hodon ma uu tiriyeen gabayo Caashaq ah.
Ma jiraan dad ama diin meel cidlo ah ka abuurma, oo dadka iyo diimaha mid kastaa wuxuu leeyahay asal hore oo uu ka farcamay. Sheeko-xariirta Lilitna inkasta oo aalaaba aan si toos ah loogu xusin buugta diinta, haddana waa dhif iyo naadir in la helo diin iyo dhaqan ay ka maqan tahay. Waayo, waa wajiga kale ee kan Xaawo dhammaystiraya. Sheekadaan ummadado badan oo ay ka mid yihiin Faraacinada, Soomarida, Giriigga iyo Roomanka ayaa magcaan kala duwan u yaqiin. Sidoo kalena Yahuudda qaarkood baa ku sheegay in Lilit ay ahayd ooridii nebi Aadan, Carabtuna waa wariyeen iyaga oo magcaan kala duwan ugu yeera sida Ummu Sibyaan iyo Nadaaha. Waxaana lagu xusay in badan oo ka mid ah suugaanta dunida sida; John Milton oo ku xusay gabaygiisa 'Pradise lost', si taa la mid ah Victor Hugo ayaa ku xusay gabaygiisa "Dhammaadka Sheydaanka /The End of Satan" isaga oo ku tilmaamay in ay tahay dhiig jaqdo. Sidoo kale, waxaa haweenay jinniyad leh u muujiyey fannaakii Dante Rossetti oo sameeyey sawir uu u bixiyey "Marwo Lilit /Lady Lilith", waxaana la allifay riwaayado, masraxiyado iyo filimaan la xiriira Lilith. Waayadaan dambana waxay summad u noqotay dumarka u ol'oleeya xorriyadda iyo xuquuqda haweenka, oo iyagu aan doonayn in loo aqoonsado in ay yihiin gabdho anshax suubban.
Soomaalidu -siiba wadaaddada Salafigu- waa neceb yihiin sheekoxariiraha Yahuudda. Taas oo jirta, haddana iyaga oo aan is ogayn bay isla sheekoxariirta Yahuudda cilmi dhab ah ka dhigtaan, oo ku dhaqmaan. Arrinkaasna waxaa u daliil ah in ay isla sheekada Lilit aamminsan yihiin. Wadaaddadu waxay ka hadlaan, welibana ay xarumo u furteen, waxay ugu yeeraan 'Ummu Sibyaan' ay ku andacoodaan in ay tahay jinni dhib badan oo gasha dumarka dhaqmaadka ah oo ay uurka u diiddo ama u keento in ay ilmuhu ka dilmaan ama ka saqiiraan. Sidoo kale, waxay booqataa ragga oo ay macdanta ka xaddo ama xataa ay ma dhalays ka dhigto.
Wadaadka Soomaaliga ahi waxa uu dadka cilmiga iyo diinta uga dhigayaa waa isla sheekoxariirta Lilit oo af Carabi loogu qoray. Soomaalidu, gaar ahaan wadaaddadu waxay is moogaysiiyaan in Carabta iyo Yahuuddu ay yihiin ilmo adeer awoowayaashood ay hal ceel ka wada cabbeen.
Mararka qaarkood Lilit waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay haweenay ma dhalays ah oo ilmaha neceb. Ummadaha adduunka oo dhanna dhexdooda waxaa ka jirta dareen ah in haweenayda aan wax dhalin ama dhasha necebi ay tahay qumayo aan kheyr lagu ogayn. Gabadha guurka ka daahda amaba aan guursanna ummado badani waxay ku metalaan shinbirta guumaysta, waxayna ugu yeeraan 'Guumays'. Fikradda gabdha guumeys loogu metalayna waxay ka soo jeeddaa isla sheekada Lilit, oo iyada ayaa lagu sheegi jirey in ay tahay guumays ilmaha dafta.Gabadha aan wax dhalin iyo bulshada ay la nooshahay waxaa ka dhex taagan tuhun colaadeed oo bulshadu gabadhaas waa ay liiddaa, iyaduna cuqdad bay u qaaddaa (Inta badan, Lilit waxaa lagu metalaa guumays ama abeeso. Guumaystu dhan waxay astaan u tahay xumaan, dhanka kalena xikmad. Abeesaduna dhan waa cudur oo waxay leedahay qaniinyo sumaysan, dhanka kalena waa daawo).
Waxaa kaloo la sheegaa in Lilit iyo Xaawo ay kala metelaan labo marxaladood oo taariikhda aadanaha ka mid ah. Lilit waxay metashaa waagii haweenku ay dunida hoggaamin jireen ee Carraweelo ay boqoradda ahay, laakiin markii raggu ay awoodda haweenka kala wareegeen ee ay iyagu noqdeen kuwa talada reerka looga danbeeyo, waxaa dhimatay Leyla, waxaana dhalatay Xaawo oo ah raalliyo aan diidin dhan kasta oo loo rogo. Waa marxaladda dhiigga caadada iyo kan dhalmadu ay dhumiyeen barakadii iyo muqaddasnimadii ay waagii hore lahaan jireen, loona arkay in ay yihiin xaaraan ay waajib tahay in laga dheereeyo xarumaha cibaadada iyo kutubta muqaddaska ah.
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. Guud ahaan, sheeko xariirtu waa aalad bulshadu ay u adeegsato in ay isugu tebiso farriimaha la dhibsan karo haddii si toos ah la isugu gudbiyo. Dabeecadaha sheeko xariirahana waxaa ka mid ah in ay u nugulyihiin in si joogto ah dib-u-macnayn loogu sameeyo, iyada oo laga duulayo hadba baahida bulshadu sida ay tahay.
Sheekadu waxay sheegaysaa in Lilit laga uumay isla dhoobadii Aadan laga uumay, taas oo ku bixisay in ay Aadan isku dhereriso, isaga iyo ubadkiisana ay ka aargudato. Farriinta sheekadu xanbaarsan tahay waa dareenka raggu ay weligood ka qabaan in haweenku ay la sinmaan.
Kolka haweenku ay la sinmaan ragga ee ay helaan xuquuq iyo waajibaad u dhigma kuwa ragga, raggu waxay fishaan in fidno dhici doonto, adduunyaduna gaddoomi doonto.
Lilit ama Leyla waa haweenay isku darsatay qab, qurux iyo garaad badni. Waa saddex sifo oo haweenayda isku darsata ay raggu ka argagaax. Had iyo goor , marka la arko haweenay nafteeda ku kalsoon, oo dareemaysa isku filnaan iyo in aysan u baahnayn in go'aannada nolosheeda ay rag marti ugu noqoto, waxaa lagu shaabbadeeya in ay tahay mid basar xun oo mudan in Alle naclado, aadamiguna ay necbaadaan. Si taa liddi ku ah, haweenayda u dhego nugul doonista labku waxay noqotaa raalliyo duco qabta, xataa haddii -sida Xaawo- ay gurato miraha laga xarrimay. Gabyaagii Soomaaliyeedna waa kii lahaa:
Madi cararta maqasheeda koris, minow san baa dhaanta
Murwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta.
Xaawo waa farac ama qayb ka mid ah Aadan, laakiin Leylo waa asal dhammaystiran oo aan cidna ka farcamin. Xaawo waxay tusaale u tahay haweenay kasta oo u hoggaansanta ragga aragtidooda iyo go'aammadooda, Leylana waxay tusaale u tahay gabar walba oo isu aragta in ay la siman tahay walaalkeed, oo uusan kasmo iyo karti midna dheerayn.
Xaawo waa afo iyo hooyo daacad ah oo raxmad badan. Waa raalliyo guri joog ah, oo carruurta iyo jikada aan dhan u dhaafin. Halka Leyla ay ka taay shahwo cartamaysa oo duufsi iyo damac gelin u taagan. Sida runtu tahayna, haweenay kasta gudaheeda waxaa ku hardamaya 'Xaawo' iyo 'Leyla' oo wada jira, ragga oo idilna waxay jecel yihiin in ay helaan labadaas nooc ee dumarka ah, Xaawo leh daacadnimo, raxmad iyo dhego nugayl ay ku xasilaan iyo Leyla leh damac, shahwad, madax adayg iyo madax bannaani, isla markaana mid kasta goonnideeda waa uga baqaan, sidaa darteedna waxay xal bidaan in ay guursadaan 'Xaawo', suuqana ay 'Leyla' kula baashaalaan (=Lilith complex). Sida falsafadda Taawiyaddu (=Taoistic) ay sheegaysana waxaa jira labo mabda' oo dhaqaaqa nolosha xukuma oo la kala yiraahdo Yang iyo Yin. Waa labo mabda' oo dhan iska soo horjeeda, dhanka kalena is dhammaystira, midkoodna kan kale la'aantiisa uusan jiri karin.
sheekada Lilit waa sheeko fac weyn oo ku suntan in ay tahay qisada haweenay Aadan khayaantay, sheydaanna caashaqday. Laakiin boqolkii dabshid ee u danbeeyey bay aad u shaac baxday. Waxaana la rumaysan yahay in faafiddeedu ay la kowsatay curashadii iyo xoogaysigii dhaqdhaqaaqyada u halgama xorriyadda iyo xuquuqda haweenka.
Si gaar ahna waxaa loogu doodaa in gabdhaha Yahuudda ee waxbartay ay yihiin kuwa kaalinka ugu weyn ka qaatay faafidda sheekada Lilit.
Bulshada Yahuuddu muddo dheer waxay ahaayeen bulsho tiro yar oo muxaafid ah, oo ku dhex nool bulshooyin ka tiro badan kana dhaqan iyo diin duwan. Bulshadaas yar ragga ayaa u talin jirey, diintana ugu fasiri jirey si waafaqsan aragtida bulshada abawiga ah. Gabdhaha Yahuudda ee waxbartayna waxay ku qanceen in tafsiirka wadaaddadu ay nusuusta diinta siiyaan ay caqabad ku yihiin iyaga iyo ubadkooda, waxayna bilaabeen in ay dib u akhrin ku sameeyaan kitaabkooda Towreedka iyo shuruuxda laga bixiyey.
Sida dhabta ahna, maanta diimaha oo dhan dhexdooda waxaa ka socda dadaallo ay dumar hoggaanka u hayaan, oo ulajeeddada ka danbaysaa ay tahay in haweenku ay kaalin ku yeeshaan fasiridda nusuusta diinta. Maxaa yeelay, haweenku meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxay tirsanayaan in ragga wadaaddada ah ee diimaha fasiraa ay gacan bidixeeyaan, diintana u macneeyaan si waafaqsan danaha ragga.
Hadal iyo dhammaantii, Lilit ama Leyla waxaa lagu sheegay in ay ahayd haweenay Eebbe u uumay si ay Aadan afo ugu noqoto. Laakiin hankeedu uu siin waayey in ay noqoto hooyo ubad dhasha oo keliya. Markaana waxaa isku si u la colloobay Alle iyo boqor Gilgamesh, raggii Aadan dhalayna waxay astaan uga dhigteen haweenay kasta oo leh qab, qurux iyo garasho aan dumarka kale lagu hafrin. Waa tee haweenayda isku dayday in ay ina rag jac iska tiraahdo oo aan magacyo loo bixin???
Xaawo iyo Leylo waa labo aan kala dhicin, oo isku si waxqabadkooda loogu baahan yahay. Xaawo iyo Leyla ma aha labo qof oo kala duwan, balse waa hal ruux oo kaalimmo kala geddisan qaadanaya. Waa hooyada iyada oo ilmaha haysa, haddana shaaha iyo yaanyada suuqa ku iibinaysa. Qofka, qoyska iyo qarankaba waxaa dan ugu jirtaa in la helo Xaawo iyo Leyla is kaaba, oo midiba ay kaalinkeeda ka qaadato halganka nolosha loogu jiro.
ليومك ال لحلمكشْْ شيء زائللك كبِش الحياة اآلن في امرأة تح غدا وعرفاحذ ْْ ِمكه لجس ِمك ال ِلو ْْشْْ ولدا سيحمل عنك روحكروانتظ ناسل في الوجودتفالخلود هو ال ) شيء باطل أو زائل، زائل أو باطل (محمود درويشلوك ٌ.

Comments