Maaguut iyo magcaanta

Soomaalidu waxay tiraahdaa: "Magac bilaash uma baxo." Waa oraah muujinaysa in magacu uu sabab ku baxo, isla jeerkaasna cidda loo bixiyo uu raad ku yeesho. Culumada cilminafsiga qaarkoodna waxay ku doodeen in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in marar badan magaca iyo muuqaalka qofka la isku soo sooci karo. Carabtuna waxay yiraahdaan "Ruux kastaa magaciisa nasiib buu ku leeyahay /لكل امرئ من اسمه نصيب".

Yeelkadeede, abwaankii Suuriga ahaa ee Maxamed al-Maaguut (1934-2006), maqaal gaaban oo uu qoray geeridiisii ka hor wuxuu cinwaan uga dhigay: "Waxaan dhalayaa cunug aan Aadan u bixinayo /سانجب طفال اسميه آدم", wuxuuna yiri:

Waxaan dhalayaa wiil aan u bixiyo Aadan, maxaa yeelay sebankeenna magcaanta waa la isku qoonsadaa, sidaa awgeed u bixin maayo Maxamed iyo Ciise, u bixin maayo Cumar iyo Cali midkoodna, sidoo kale u bixin maayo Sadaam iyo Xuseen, xataa u bixin maayo Sakariye ama Ibraahiim, sidoo kale xataa u bixin maayo Deefid ama Joorje.

Waxaan ka baqayaa in kolka uu koro uu cunsuri noqdo iyo in magaciisa loo qaado, oo ajanebigu ay u arkaan argagixiso, xagjirnkuna ay murtad u aqoonsadaan, Shiicaduna ay Sunni u arkaan, Sunnadana uu Shiici ama Calawi ugu muuqdo.

Waxaan ka cabsanayaa in magaciisu uu noqdo baasaboorkiisa. Waxaan doonayaa Aadan Muslim iyo Masiixi isku ah. Waxaan doonayaa in uusan diinta ka ogaan waxaan ahayn in Eebbe uu leeyahay. Waxaan rabaa in uu ogaado in waddanka la wadaago. Waxaan barayaa in diintu ay tahay waxa qalbigiisa ku xasila ee uu aammino, kuna camal falo, aysanna ahayn magaciisa. Waxaan barayaa in carabnimadu ay male'awaal tahay, bani'aadamnimaduna ay ka muhiimsan tahay.

Waxaan u sheegayaa in baahidu ay gaalnimo tahay, jahligu uu gaalnimo yahay, dulmigu uu gaalnimo yahay. Waxaan u sheegayaa in Eebbe laabta laga helo ka hor inta aan masaajidda iyo kaniisadaha laga helin. Iyo in Eebbe uu gacalo yahay ee uusan baqdin ahayn.. Waxaan barayaa wixii ehaladeennu ay illoobeen in ay na baraan. Waxaan barayaa in waxa naga maqani uu yahay waxa aan haysanno, waxa aan haysannaana uu yahay kan naga maqan.

Waxaan u sheegayaa in hadalkayga aan ku bilaabay in aan dhalayo isaga oo lab ah, sababta oo ah weli dheddiga waa la aasaa.. Isu dheelitir la'aantuna weli waa ka jirtaa bulshada carabta.

Comments