Maalintii dhuusadu macallinka noqotay

Maalintii dhuusadu macallinka noqotay

Su Dongpo oo sidoo kale loo yaqaan Su Shi (1036-1101), wuxuu ahaa wadaad Buudi ah oo u dhashay dhulka Shiinaha. Wuxuu ahaa nin isbiday aqoon, iimaan iyo xikmad. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu booqasho u aaday wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen, oo labadooda degmo uu u dhexeeyey webiga weyn ee Yangitsi (Yangtze). Markii uu gaarey gurigii wadaadkii ay saaxiibka ahaayeen oo magaciisa la oran jirey 'Macallin Foyin', wuxuu ogaaday in saaxiibkiis uu maqan yahay. Cabbaar ayuu sugay, laakiin ugu danbayntii wuxuu go'aansaday in uu ka laabto. Si uu saaxiibkiis u la socodsiiyo in uu dadaal ku bixiyey in uu arko darteedna, guriga irriddiisa buu wuxuu ugu dhejiyey xaashi uu ku qoray:

"Aniga oo ah Shiikh Su DongPo oo ah nin siddeedda dabaylood ee adduunku aysan dhaqaajin karin baa salaan kuugu imi.”

Macallin Foyin markii uu guriga ku soo noqday, ee uu arkay farriinta loo reebay, isla warqaddii buu wuxuu ku qoray erayga “pi” oo macnihiisu yahay “dhuuso”, arday xertiisii ka mid ahaana wuxuu ka codsaday in uu u geeyo Shiikh Dongpo. Shiikh Dongpo markii uu akhriyey jawaabta warqadda ku qoran caro ayay shalay ka noqotay, wuxuuna qaadan waayey in eraygaas oo kale loola bareero. Si halhaleel ahna wuxuu ku dalbaday doon uu webiga uga gudbo. Isaga oo caro afka ka abruniyana wuxuu isa sii taagay gurigii saaxiibkiis, wuxuuna ku yiri: sidee ku keentay in aad eraygaas iigu tiraahdo aniga oo ah Shiikh Dongpo?

Kolkaasna macallin Foyi wuxuu ku jawaabay: “Waa yaab, siddeedda dabaylood kuma dhaqaajin karaan, laakiin hal dhuuso ayaa webiga kaa tillaabinaysa?!”

Shiikh Dongpo markii uu fahmay farriinta saaxiibkiis doonayo in uu ku baraarujiyo, xoogaa buu yaxyaxay, laakiin wuu garaystay, maalintaasna wuxuu ku dhaartay in hadda ka dib uusan ku faanin wax uu haysto, wax ka maqanna uusan u murugoon.

Eraybixinta “Siddeedda dabaylood ee adduunyada /The eight wordly winds”, waa eraybixin wadaadda Buudigu ay u adeegsadaan waxyaabaha dadka dhaqaajiya. Waxay rumaysan yihiin in ay jiraan siddeed dareen oo dadka dhaqaajiya, waxayna kala yihiin; ammaanta, cayda, sharafta, facsharka, helidda, waayidda, farxadda iyo murugada. Waa afar ka tarjuma waxa qofku jecel yahay iyo afar ku lid ah oo ka tarjuma waxa uu neceb yahay. Siddeeddaas arrimood ee afar qofku raadiyo afarna uu ka cararo ayaa ah dabaylaha qofka -iyo dunidaba- dhaqaajiya. Qofkuna wuxuu xakiim noqdaa marka uu siddeeddaan dabaylood ka xoroobo, oo ammaanta iyo cayda, sharfidda iyo liididda, helidda iyo waayidda, farxadda iyo murugadu aysan midna saamayn gaar ah ku yeelan.

Comments