Macnaha nolosha

Sheeko ummadaha badankoodu ay ka sheekeeyaan baa waxay tiraahdaa:

"Maalin maalmaha ka mid ah, iyada oo lagu jiro xilli roobaad, dadkuna ay u diyaar garoobayaan in ay beertaan dalagyadooda ayaa nin wuxuu arkay oday waayeel ah oo godad ka qodaya beertiisa dhexdeeda. Ninkii odayga wuxuu weydiiyey: "Maxaad qabanaysaa?"

"Canbe ayaan beerayaa" ayaa odaygii ku jawaabay.

"Oo ma waxay kula tahay in aad calfan doonto miraha geedahaan ay dhali doonaan?"

"Maya, u malayn maayo in cimrigaygu uu gaaraya goorta geedahaan la goosanayo. Laakiin waxaan quuddaraynayaa in dad kale ay manaafacaadsan doonaan. In badan oo noloshayda ka mid ah, ayaan ku intifaacay dhir dad kale ay beereen. Falkaanna waa sida aan ugu muujin karo abaalka ballaaran ee aan u hayo."

Sheekadaan waxaan xasuustay kaddib markaan caawa daawaday filinkaan Jabbaanka ah ee "Ikiru" ama "Nolol". Ma jiro ruux aadami ah oo aan marar badan ku intifaacin wax dad kale ay qabteen - dad badan oo isugu jira kuwo aan naqaan iyo qaar badan oo aynaan aqoon. Wax walba oo horteenna ka muuqdaa waa miro ka dhashay beer ay faleen dad timaaddada eegayey.

Maxay kula tahay in aad samayn lahayd, haddii dhakhtar kuu sheegi lahaa in dhowr bilood oo qura aad sii noolaanayso???

Filinku, inkasta oo waqti fog la sameeyey, dhaqammo jabbaanna ay ku jiraan, haddana dhanka kale wuxuu ku hadlayaa af caalami ah oo aadanuhu ay wadaagaan. Maxaa yeelay, farriintiisu ma aha mid qolo iyo dhaqan gaar ah ku socota, balse waa mid aadanaha oo dhan isku si u taabanaysa. Noloshu waa gaaban tahay, laakiin waxaad ku dheerayn kartaa in aad hesho walax aad raad ku reebto.

Life is brief, Fall in love, maidens, Before the crimson bloom fades from your lips, Before the tides of passion cool within you, For those of you who know no tomorrow, Life is brief, For those to whom today will never return.

Comments