Magcaanta eyga mas'alo madaxa daalisay

Magcaanta eyga mas'alo madaxa daalisay

Sida la hilaadinayo, aadanuhu eyda wuxuu la tacaamulayey muddo 14,000 oo sano ka badan. In eyga la rabbaayadeeyo waxaa la bartay marxaladdii aadanuhu uu ku noolaa qaraabsiga iyo ugaarsiga ee uusan weli baran qodaalka beeraha iyo in magaalo la dego. Culumada qaarkood waxay ku doodeen in eygu uu yahay noolihii ugu horreeyey ee dadku ay rabbaayadaysteen. Ummadihii hore qaarkoodna waxay qabeen in eygu uu yahay noole Eebbe uu jannada ku uumay, dadkana uu hadiyad uga dhigay. Bal waxaaba la sheegaa in bulshadii Astika (=Aztecs) ee Meeksiko degi jirey ay rumaysnaayeen in Eebbe uu eyda uumay ka hor inta uusan aadanaha abuurin.

Sheekoxariiraha Afrika middoodna waxay sheegtaa in goortii Eebbe uu dunida uumay uu eey u xilsaaray hurinta dabka, yeyda oo ay eyga walaalo yihiinna uu ku qaybiyey geerida. Eyga oo magacii waagaas loo yaqiin uu ahaa 'Rukuba', dadka ayuu baray sida dabka loo shido. Yeydu iyadu weli hawsheedii hore bay haysaa, oo dad iyo duunyo wixii u dagta bay ka diirataa.

Eyga muddo badan waxaa ilaah ahaan looga caabudi jirey dhulal kala duwan sida Shiinaha, Masar, Hindiya, Koonfurta Ameerika iyo meelo kale. Dalka Shiinaha wixii ka horreey kacaankii 1960kii, eygu wuxuu ahaa noole u gaar ah boqorrada iyo dabaqadda ladan, oo saboolka iyo dabaqadaha hoose looma oggolayn in ay ey dhaqdaan. Boqorraduna eydooda waxay u qaban jireen haween nuujiya. Weliba boqorradu waxay aad u jeclaayeen eyda nooca loo yaqaan 'Bakiinka' (=Pekingese), oo lagu dooday in uu u carfo sida ubaxa yaasmiinka.

Muddadaas dheer ee dadka iyo eeydu ay wada noolaayeen, dadku eeyda waxay u adeegsadeen hawlo badan oo kala geddisan sida ugaarsiga, waardiyaha, wehelka, dagaallada, baadigoobka, hagidda indhoolayaasha, ogaanta xannuunada dadka ku dhaca qaarkood, iyo ummuuro kale. Eyguna dhankiisa dadka wuxuu ka helaa baad, biyo iyo hooy dugsoon. Eygu waa noole aad u noocyo badan, oo inkasta oo uu magaca iyo asalka wadaago, haddana midabka, muuqaalka, baxaalliga iyo dabcigaba si weyn buu ugu kala duwan yahay. Eyga waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay noolayaasha kuwa ugu garaadka badan, uguna daacadsan. Waa noole awooda in dadka xanaanaysta uu jeclaado in ka badan inta uu naftiisa jecelyahay. Sidaa awgeedna, had iyo goor waxaa tusaale looga dhigtaa daacadnimada, saaxiibtinimada iyo naf huridda. Wadaad suufi ahaana waxaa laga sheegay in uu yiri: "Suufinimada waxaan ka bartay ey reero gurigood hortiisa hurday." Suufiga dhabta ah iyo eygu waxay isaga eg yihiin daacadnimada iyo kibir la'aanta.

Kun sano ka hor, wadaad la oran jirey Maxamed bin Khalaf bin al-Marsibaan ayaa wuxuu qoray buug uu u bixiyey ‘Fadliga eeydu dheertahay in badan oo ka mid ah kuwa dharka xirta / فضل الكالب على كثير ممن لبس الثياب”. Wuxuuna ku xusay axaadiis, gabayo, murti iyo sheekooyin badan oo muujinaya daacadnimada iyo waxtarka eyda iyo weliba in marar badan eygu uu dadka ka waxtar badan yahay. Sida la sheegana, sababta Marsibaani ku bixisay in uu buuggaan qoro waxay ahayd in uu la yaabay khayaanada iyo labo wejiilaynta dadka.

Ku Allahoode, waxay sheegeen in feylasuufkii gabyaaga ahaa ee Abuu Calaa al-Macarri uu dharaar tagey fadhigii ama golihii Shariif Murtada -(riwaayad kale waxay tiraahdaa masjid buu galay. Waxaana suurogal ah in meeshu ahayd masjid Shariif Murtadaa uu dersi ka akhrin jirey). Intii golaha la joogey, Abuu Calaa oo indhoole ahaa wuxuu ku joogsaday nin ka mid ahaa dadkii meesha joogey. Ninkii oo caroodayna wuxuu ku qayliyey: Muxuu yahay eygaan igu joogsaday?

Abuu Calaana wuxuu ugu jawaabay: Eey waxaa ah midka aan aqoon toddobaatan magac oo eeygu uu leeyahay! Kolkaana Shariif Murtada baa dadkii golaha joogey oo u badnaa rag aqoon u leh afka iyo suugaanta Carabta wuxuu ku yiri: dhammaantiin eey baad tihiin ilaa aad ii keentaan toddobaatan magac oo eyga loo yaqaan. Dhacdadaasi waxay dhiirrigelisay in aqoonyahannadu ay diiwaan geliyaan magcaanta caratbu ay eyga ugu yeerto. Dhowr boqol oo sano ka dibna, shiikh caan ah oo la oran jirey Jalaaludiin Siyuudi baa wuxuu tiriyey maanso uu ku xusay magcaan fara badan oo eygu uu leeyahay. Maansadaas Siyuudi wuxuu u bixiyey ‘Iska beri yeelidda canbaaraynta Macarri /التبري من معرة المعري’. Sheekadaan iyo kuwa la midka ah marka aan maqlo, waxaan isweydiiyaa: suurogal ma tahay in qof laga mamnuucay taabashada eygu uu barto magcaan sidaa u badan oo eygu uu leeyahay? Waa hubaa in Soomaalidu aysan eyga saddex magac ka badan u heli karin. Magcaanta badan aalaaba waxaa keena jacayl ama nacayb midkood, kuwaas oo iyaguna ka dhasha la dhaqanka noolahaas ama walaxdaas. Tusaale ahaan, Soomaalidu geela, fardaha, dawacada iyo dhurwaaga magcaan badan bay u heli karaan, sheekooyin badanna waa ka sameeyeen, sababtuna waa xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo noolayaashaas, oo labada hore dhaqashadooda iyo manfacood bay jecel yihiin, halka labada danbe ee ariga ka cuna ay ka neceb yihiin.

Qaar ka mid ah wadaaddada suufiyada oo eyda iyo guud ahaan abuurka Alle aad u qaddariyaa waxay sheegaan in toddobaatanka magac ee eyga la siiyey ay u taagan yihiin toddobaatan heer oo ruuxu maro si uu u gaaro meekhaan lagu tilmaami karo erayga ‘bani’aadam’. Aadaminimada dhabta ahi ma aha in qofku muuqaal bani’aadam uu yeesho, balse waa in uu akhlaaq suubban iyo garasho wanaagsan uu leeyahay.

Maalin maalmaha ka mid ah, nin ku labbisan huga culumada oo ku lugaynayey waddada ayaa wuxuu ku soo baxay eey meel fadhiya, markaasuu bakooraddiisii aad u la dhacay. Eygii oo xanuun darti la cabaadayaana inta orday buu wuxuu ku hor galgashay xakiimkii weynaa ee Abuu Saciid. Eygu dhaawacii ku yiil buu tusay Abuu Saciid, wuxuuna dalbaday caddaalad iyo in xaqiisa laga siiyo wadaadka sida arxan darrada ah ula dhaqmay.

Xakiimkii wuxuu ku jeestay wadaadkii, wuxuuna ku yiri: “War midkaagaan dhoohani sidee baad ku keentay in noole aan waxba galabsan aad sidaan foosha xun u garaacdo? Bal eeg sida aad u gashay!”

Wadaadkii wuxuu yiri: “Eedda anigu ma lihi, ee eyga ayaa leh. Gardarro kuma dilin, ee sababta aan u garaacay waa in uu maryaha iga najaaseeyey.”

Hase ahaatee, eygii wuxuu ku adkaystay cabashadiisii, wuxuuna yiri: Najaaso ma ahi, laakiin xataa haddii laga soo qaado in aan najaaso ahay, anigu ninka ma raadsan ee isaga ayaa i soo doontay, oo iigu yimid meeshii aan fadhiyey. Dabadeed, Abuu Saciid eygii buu wuxuu ku yiri: “Halkii aad ka sugi lahayd magdhow buuxa, ii oggolow in aan magdhow kaa siiyo xanuunka jirkaaga gaaray oo keli ah.”

Eygiina wuxuu ku jawaabay: “Taasi waa wanaag iyo xikmad! Kolkaan arkay ninkaan huga culumada sita, waxaan u qaatay in uusan wax ii dhimayn. Haddaan arki lahaa nin dhar caadi ah xiran, waddada waan u bannayn lahaa, aadna waan uga fogaan lahaa. Gefka dhabta ah ee aan galay waa in aan u qaatay in qofka muuqaalkiisa kore uu xaqiiqadiisa tusiyo. Haddaad doonayso in aad ganaaxdo, u diid in uu xirto huga ikhyaarta. Ka mamnuuc in uu yeesho muuqaal culumo, si aan loogu sirmin…”

Muslimiin badan oo Soomaalidu ugu horrayso waxay rumaysan yihiin in eygu uu yahay noole liita oo najaaso ah. Fiqiga Islaamka, siiba fiqiga Shaaficyaduna si weyn buu u dhaleeceeyaa eyda. Waxaana jira xadiis caan ah oo Muslimiinta badankoodu ay ku dhaqmaan oo yiraahda: "Haddii ey uu leefo weel uu leeyahay mid idinka mid ah toddobo jeer ha mayro, mid ka mid ahna carro ha ku mayro /إذا ولغ الكلب في إناء أحدكم فليغسله سبع مرات إحداهن بالتراب". Dad badanna waxay u qaateen in mayriddu ay tusinayso in eeydu ay najaaso tahay, weliba najaasadoodu ay tahay mid daran oo aan sahal ku go'in.

Sida runta ah,najaasonimada eygu waa mas'alo culumadu tan iyo waqti hore ay aad isugu khilaafsanaayeen, caqliga iyo nusuub badanna ay teegarayaan in uusan najaaso ahayn. Weelka eygu leefo ha la dhaqana macneheedu ma ah in eygu uu najaaso yahay, nadaafadda iyo najaasaduna ma aha labo eray oo isku macne tusiya. Qaar badan oo ka mid ah culumada islaamkuna waxay qabaan in sababta weelka loo dhaqayaa ay tahay nadaafad ahaan ee aysan ahayn in eygu uu najaaso yahay, waxayna amminsan yihiin in candhuufta eygu aysan najaaso ahayn. Xadiis Bukhaari buuggiisa ku xusay isaga oo ka warinaya Cabdullaahi bin Cumar-na wuxuu oranayaa: "Eydu waxay ku kaadin jireen, horay iyo gadaalna ugu socon jireen masaajidka waqtigii Rasuulka Alle, wax biyo ahna kuma ay rushayn jirin / كانت الكالب تبول وتقبل وتدبر في المسجد في زمان رسول هللا، فلم يكونوا يرشون شيئا من ذلك” Wadaaddo kale ayaa waxay dadka ku wacdiyaan in eydu ay noolayaasha kale ka jeermis badan tahay, laakiin arrinkaasi ma ah mid cilmi ahaan loo caddeeyey, balse waxaaba jira dad ku dooda in jeermiska dadku uu ka khatar badan yahay kan eyda.

Muslimiintu meel ay joogaanba quraanka aad bay u akhriyaan, suuradaha quraanka ah ee ay sida gaarka ah u akhriyaanna waxaa ka mid ah suuradda 'al-Kahfi' ee ka warranta qisadii barbaartii Eebbe darti dadkoodii uga go'ay. Maalin kasta oo Jimce ah muslimiin badan baa suuraddaan akhriya. Suuraddaan oo ka mid ah labo meel oo eyga quraanka looga xusay, eyga waxay ka bixisaa sawir aad u qurxoon. Suuraddu eygii barbaarta weheliyey -oo culumada qaar ay magaciisa ku sheegeen 'Qitmir'- waxay ka dhigtay xubin sharaf badan oo ka tirsan barbaarta Eebbe rumaysay. Mar walba oo suuraddu ay barbaarta soo hadal qaadday eygana waa ku lammaanisay.

Waxaa la wariyey in eygu uu barbaarta cod fasiixa kula hadlay, oo uu ku yiri: Anigu ciddii Alle jecel oo dhan waa jeclahay, waxaana idiin ballanqaadayaa in inta aad huruddaan aan waardiye idinka hayn doono, cadowna uusan idin kadinayn. Aayadaha qisadaas ka warramaana waxay oranayaan: " وهم رقودانحن نقص عليك نبأهم بالحق إنهم فتية آمنوا بربهم وزدناهم هدى ... وتحسبهم أيقاظ ً ونقلبهم ذات اليمين وذات الشمال وكلبهم باسط ذراعيه بالوصيد لو اطلعت عليهم لوليت منهم ا...سيقولون ثالثة رابعهم كلبهم ويقولون خمسة سادسهم كلبهم رجم ًا ولملئت منهم رعب ًافرار ً بالغيب ويقولون سبعة وثامنهم كلبهم قل ربي أعلم بعدتهم ما يعلمهم إال قليل فال تمار فيهم إال ا وال تستفت فيهم منهم أحد ًامراء ظاهر ً".

Weydiimaha la is weydiiyana waxaa ka mid ah: sidee bay ku dhici kartaa in dad suuraddaan akhriya oo rumaysan waxa ay sheegayo ay eyda u liidi karaan. Mase dhaqanka ayaa quraanka ka xoog badan? (Waxaa xusid mudan in qisada barbaarta 'Asxaabu Kahfi' ay tahay mid Muslimiinta iyo Masiixidu ay wadaagaan, isla markaan la rumaysan yahay in Masaaridii hore ay lahaayeen sheeko la mid ah). Marka kale, ee eyga lagu xusay quraanka waa marka quraanku uu isku metalay qofka damaca adduunku uu waalay iyo eyga, oo aayadda quraanka ahi iyada oo qofkaas xaaladdiisa tilmaamaysa ayay waxay leedahay: "Wuxuu la mid yahay ey haddii la eryo iyo haddii la daayaba carrabka lalminaya / هُكْرُتْت َوْأ َثْْهَلْيِه َيْلَع َلِم ْحْتِب ِإن َلْكَلِل ا ْثَمَك َهُلُثَمَ يلهث".

Liididda iyo nacaybka ay Muslimiinta badankoodu eyga u qabaan kama soo jeeddo quraanka, balse waxay ka soo jeeddaa axaadiis nebiga loogu abtiriyo iyo sharraxaadda ay wadaaddada qaarkood ka bixiyeen. Laakiin kolka axaadiistaas qummaati loogu fiirsado waxaa la ogaanayaa in ay yihiin hadallo iska hor imaanaya, isuguna jira qaar aan la hubin in nebigu uu yiri iyo qaar la sheego in nebigu uu yiri asii duruuf gaar ahaa ku yimid iyo weliba kuwo kale oo la siin karo macne ka duwan midka ay wadaaddadu siiyeen. Guud ahaan, nacaybka eeydu ma aha arrin daliil xooggan diinta looga hayo. Sidee baa Eebbe u necbaan karaa abuur uu isagu uumay?!

Sheekooyinka milgada leh ee wadaaddadu ay marar badan dadka ku wacdiyaan, haddana aan meesha laga soo qaadin waxaa ka mid ah sheekada haweenaydii miraafka badnayd, laakiin Eebbe uu ugu denbi dhaafay eygii oommanaa ee ay kabteeda ceelka uga waraabisay. Axaadiista iyo sheekooyinka noocaan ahi aalaaba Mulimiinta kuma duxaan, waayo waxaa ka xoog badan axaadiista iyo sheekooyinka kale ee eyga bakhtiga iyo nijaasta ku tilmaama.

Buugga lagu magacaabo "Amiirka Yar' (=Le Petit Prince/ The Little Prince / األمير الصغير) ee uu qoray Antoine de Saint-Exupéry, waa buug carruur iyo cirroolaba akhriskiisa la xiiseeyo. Weeraha buuggaan ku soo arooray ee aadka loo xigtana waxaa ka mid ah weedha tiraahda: "Weligaa waxaad mas'uul ka tahay wixii laguu rabbaayadeeyey /You are responsible, forever, for what you have tamed." Oraahdu waa talo ay dawaco siisay Amiirka Yar ee sheekadu ay ku socoto. Amiirka Yar oo cidlo iyo farxad la'aan dareemaya ayaa waxaa u imaanaysa dawaco, waxayna yeelanayaan kulammo is barasho iyo xog waraysi ah oo sidaan u dhacay: Amiirkii: "Kaalay oo ila ciyaar."

Dawacadii: "Kulama ciyaari karo, maxaa yeelay rabbaayad ma ahi."

Suu ye: "Waa maxay rabbaayadayntu?"

Say te: "Macnaheedu waa in xiriir la sameeyo... Aniga, adigu weli waxaad ii tahay oo qura wiil yar oo la mida boqol kun oo wiilal oo kale. Kuumana aan baahni. Adiguna dhankaaga, iima aad baahnid. Adiga, anigu waxaan kula ahay hal dawaco oo la mid ah boqol kun oo kale oo dawaco. Laakiin haddii aad i rabbaayadayso, waan isu baahanaynaa. Aniga waxaad iigu muuqanaysaa sidii in wax laguu dhigaa aysan dunida ka jirin. Adiguna waxaad ii arkaysaa sidii aan dunida keligay ku ahay... Ruuxu wuxuu fahmaa wixii uu rabbaayadeeyo oo kali ah... Walxaha waxaa qiimo u yeela waqtiga aan gelinno...

Haddii aad i rabbayso, waxay la mid noqonaysaa sidii in qorraxdu u soo baxday si ay naftayda u nuuriso. Tillaabadaada ayaan ka garanayaa tillaabada kuwa kale oo dhan. Saanta kuwa kale waxay iiga dhignaanaysaa in aan godkayga degdeg u gaaro. Taaduse waxay ii noqonaysaa muusig bohosha iga soo saara. Fadlan, i rabbee!

... Aan sirtayda kula wadaago, waa sir aad u fudud: Qalbiga oo keli ah baa ah midka sida saxda ah wax loogu arko; waxyaabaha muhiimka ah indhuhu ma arkaan... Walxaha waxaa qiimo u yeela waqtiga aan gelino... Ubaxaaga waxa qiimaha u yeelay waa waqtiga aad u hurtay...Dadku xaqiiqadaas waa illoobeen, laakiin adigu waa in aadan illoobin. Weligaa waxaad mas'uul ka tahay wixii aad rabbaayadayso. Waxaad mas'uul ka tahay ubaxaaga..."

Goor danbe, Amiirka yari wuxuu xasuusanayaa barashadii dhex martay isaga iyo dawacada: "Wuxuu ahaa oo keliya dawac la mid ah boqollaal kun oo dawaco kale ah. Laakiin hadda waxaan ka dhigay saaxiibkay, hadda isagu waa mid ka duwan wax kasta oo kale oo dunida ka jira." Casharkaan dawacadu ay Amiirka siisay baa xaqiiqadu ku dhan tahay. Noolayaashu aqoon la'aanta darteed bay isugu diimaan. Soomaaliduna waa tii horay u tiri: "Barasho horteed ha i nicin."

Bulshada aqoonteeda iyo ilbaxnimadeeda waxaa lagu gartaa hadba sida ay xayawaanka ula dhaqanto ee fadlan aan isku dayno in xayawaanka -bisadaha iyo eeydu ugu horreeyaan- aan si wanaagsan u la dhaqanno. Haddaad Eebbe jeceshahay abuurkiisana jeclow.

Comments