Maka weli waa Maka
Dabshidkii 1926, Dr Taha Xuseen wuxuu muxaadarooyin u jeediyey ardayda jaamacadda Qaahira, goor danbe oo isla sannadkaas ahna waxaa soo baxay muxaadarooyinkaas oo laga dhigay buug loo bixiyey “Gabayadii Jaahiliyadda / في الشعر الجاهلي”.
Taha Xuseen markuu bilaabay qoridda buugga wuxuu ka duulay manhajka falsafiga ah ee shakiga ku dhisan Cartesian doubt), oo macnihiisu yahay in cilmibaaruhu uu baaritaanka bilaabo isaga oo aan horay go’aan uga gaarin natiijada baaritaanka, balse diyaar u ah in uu qaato waxa baaridda uga soo baxa. Waa dhaqan ka duwan kan geel- jiraha ku weydiiya halka uu laanta ka goynayo, isaga oo horay u sii sahansaday laanta uu goynayo iyo meesha uu ka goynayo.
Taha Xuseen dulucda buuggiisu waxay noqotay in gabayada carabta ee la sheego in la tiriyey sabenkii jaahiliyadda ee islaamka ka horreeyey, dhab ahaantii ay yihiin gabayo la tiriyey intii Islaamku jirey, ayna yihiin gabayo islaam oo ka tarjumaya noloshii muslimiinta iyo wixii ay jeclaayeen ama ay necbaayeen.
Buuggaan oo ka mid ah buugta dunida carabta doodaha ka dhaliyey, qodobada waaweyn ee lagu xusay ee dooddda keenay waxaa ka mid ah in Taha Xuseen uu inkiray in nebi Ibraahiim iyo Ismaaciil ay taariikh ahaan jiraan, warka sheegaya in Ibraahim iyo Ismaaciil ay Maka yimaadeenna wuxuu ku tilmaamay in uu yahay sheeko Qureeshtu u allifeen si ay dano dhaqan-dhaqaale ugu gaaraan, quraankuna markii danbe uu u rumeeyey si Islaamku xiriir qaraabo u la yeesho diimihii ka horreeyey ee Yahuudiyadda iyo Masiixiyadda. Markii uu qodobkaan ka hadlayeyna wuxuu yiri:
“Towreedku ha nooga sheekeeyo Ibraahim iyo Ismaaciil, Quraankuna sidoo kale ha nooga sheekeeyo, laakiin labadaas magac in lagu xusay Towreedka iyo Quraanku kuma filna in la qiro in taariikh ahaan ay jireen, iska daa in la sugo sheekada sheegaysa in Ismaaciil Ibraahim uu Maka u soo qaxay e …Annaguna waxaan ku khasbannahay in sheekadaan –sheekada qaxa- aan u aragno nooc xeelad ah oo looga golleeyahay in la sameeyo xiriir ka dhaxeeya Yahuudda iyo Carabta iyo dhanka kale xiriir ka dhaxeeya Islaamka iyo Yahuudiyadda iyo Quraanka iyo Towreedka, waa mid la sameeyey islaamka ka hor islaamkuna uga faa’iideystay dano diineed iyo kuwo siyaasadeed / للتوراة أن تحدثنا عن إبراهيم وإسماعيل ، وللقرآن أن يحدثنا عنهما أيضا ، ولكن ورود هذين اإلسمين في التوراة والقرآن ال يكفي إلثبات وجودهما التاريخي فضًالًال عن إثبات هذه القصة التي تحدثنا بهجرة إسماعيل بن إبراهيم إلي مكة ... ونحن مضطرون إلي أن نري في هذه نوع ًا من الحيلة إلثبات الصلة بين اليهود والعرب من جهة وبين اإلسالم- قصة الهجرة-القصة واليهودية والقرآن و التوراة من جهة أخري ، فهي حديثة العهد ظهرت قبيل اإلسالم واستغلها ااإلسالم لسبب ديني وسياسي أيض ً”
Maxamed Nuuradiin oo ahaa xeer-ilaaliyihii guud ee xilligaas, oo loo xilsaaray in uu eego eedaymaha loo soo jeediyey Taha Xuseen wuxuu sheegay in Taha Xuseen si loo qaateen ah uu uga jawaabay weydiimihii buuggiisa laga weydiiyey, ujeeddada qoraaguna aysan ahayn in diin wax loo dhimo balse ay tahay in mas’alo cilmi ah laga gun gaaro, wuxuuna soo jeediyey in dacwada la laalo. Hayeeshee, dowladd Masar oo ka duulaysay ilaalinta dareenka guud ee bulshadu waxay qaadatay go’aan ahaa in buugga maktabadaha laga aruuriyo.
Hayeeshee, Taha Xuseen ka dib waxaa bilowday doodo ka waaweyn middii Taha Xuseen oo iyagu shaki gelinaya wax badan oo ka mid ah fikirka Islaamka. Tusaale ahaan, labada mustashriq ee Patricia Crone iyo Michael Cook dabshidkii 1977, waxay soo saareen buug ay u bixiyeen “ Haajiriyiin: Sidee Islaamku U Samaysmay /Hagarism: The Making of the Islamic World.” Waxayna ku andacoodeen in taariikhda islaamkii hore aan lagu kalsoonaan karin, sababtana waxay ku sheegeen in taariikhdaas badankeeda waqti danbe la qoray. Waxayna ku doodeen in muslimiintii hore xataa aysan adeegsan magaca Muslimiin, ee ay adeegsan jireen magaca Haajiriyiin.
Mar kale, Patricia Crone oo ahayd mustashriqad Danish-Maraykan ah buuggeeda “Ganacsigii Maka iyo Curashadii Islaamka /Mecca Trade And The Rise Of Islam”oo la daabacay 1987, waxay shaki ka muujisay in Makada quraanka, axaadiista iyo Musliintii hore ay ka hadleen ay tahay isla Makada aan maanta naqaan iyo in kale? Waxayna u badinaysaa in Kacbada nusuusta diinta lagu xusay ay ku tiil meel ka fog Makada hadda la yaqaan ee ku taal Galbeedka dalka Sacuudiga.
Dabadeed dabshidkii 2012, taariikhyahanka diimaha Tom Holland ayaa telefishinka Ingiriiska ee Channel 4 wuxuu u diyaariyey barnaamij documentary ah oo loogu magac daray “Islaamka: Qiso Aan La Sheegin /Islam: The Untold Story.” Barnaamijkaas oo u muuqda inuu ka duulayo isla doodda Patrica Crone wuxuu ku doodayaa in ujeeddada barnaamijku ay tahay in jawaab loo helo weydiinta ah: Maxaa loo waayey dhigaallo taariikh ah oo aan ahayn kuwa Islaamka ee gadaal danbe laga qoray oo xusa shakhsiyadda nebi Muxamed, Quraanka iyo in Makada hadda jirtaa ay tahay middii jirtey sebenkii nebiga. Weydiimahaas oo ah waxa Tom Holland uu ugu yeeray “Godka madow /Black hole”ee taariikhda Islaamka.
Isla waddadaas waxaa sii qaaday Dan Gibson oo ah taariikhyahan u dhashay dalka Kanada. Mr. Gibson dabshidkii 2011 wuxuu soo saaray buug uu u bixiyey “Joqoraafiyadda Islaamka /Quranic Geography”, 2016kiina wuxuu sameeyey barnaamij documentary ah oo afkaarta buuggaas iyo kuwo ka horreeyey ka duulaya oo lagu magacaaby “Magaalada Barakaysan /The Sacred City”. Gibson wuxuu ku doodayaa in meesha islaamku ka curtay ee nebi Muxamed ku dhashay, kuna noolaa ay ahayd magaalada Petra ee Koonfurta Urdun/Jordan, magaalada Maka ee hadda la yaqaanna ay muslimiintu tageen waqti danbe, gaar ahaan markii Cabdullaahi bin Subeyr uu burburiyey kacbadii Petra, Xajar Aswadkana u qaatay Maka iyo dhulka Xijaas.
Daraasadaha mustashriqiintaan oo dhammi qayb ahaan waxay ka duulayaan in culumada baara raadadkii ummadihii hore (=Archaeologist) ay sheegaan in ay waayeen wax markhaati u noqon kara jiritaanka nebiyada badan ee Yahuuddu sheegtaan.
Arrinkaas oo dhabar jab ku noqonaya taariikhda Israa’iil oo badankeedu ay ku dhisan tahay taariikhda nebiyadaas, waxayna rumaysan yihiin in xaalad taa la mid ahi ay ka jiri karto dhanka Islaamka.
Tusaale ahaan, sheekooyinka aan la caddayn ee dadka haysta diimaha samaawigu ay xusaan waxaa ka mid ah in nebi Ibraahim uu tagay Masar uuna kula kulmay Fircoon, kuna guursaday Haajir oo Masriyad ahayd. Waxay kaloo sheegaan in in nebi Yuusuf uu galay Masar uuna korsaday boqorkii Masar (=عزيز مصر), dabadeedna qoyskoodii oo dhammi ay Masar ugu yimaadeen. Goor danbana Masaaridii ay addoonsatay Yahuuddii, kuna dhiseen Ahraamta aan maanta aragno, ilaa uu u dhashay wiil (=Muuse) Fircoon ku gacansayray, kana shaqeeyey in Israa’iilidu ay ka guuraan Masar, laakiin intii aysan gaarin dhulkii ay u socdeen ee Falastiin ayaa waxaa ku dhacay jaahwareer keenay in muddo afartan sano ah ay meel cidlo ah iska daba wareegaan.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo hadda baaritaannadaani kuma aysan guulaysan in ay soo bandhigaan doodo culus oo dareen weyn abuura, meelaha qaarkoodna waxay u muuqan karaan in ay yihiin kuwo daandaansi loogu talo galay, siiba barnaamijka Mudane Holland. Holland barnaamijka dhexdiisa wuxuu ku leeyahay: “Taariikhdu waa luuqyo badan tahay … Yaa yaqaan meesha ay kuu hoggaamin doonto? / History is like a labyrinth...who knows where it may lead? ”, waxaana muuqata in uu si fudud luuqyada taariikhda ugu ambaday.
Hase ahaatee, waxaa jira welwel weyn oo ah in habdhaqanka dowladda Sacuudiga ee aan oggolayn in baaritaanno lagu sameeyo dhulkeeda iyo falalka ay ku kacdo ee lagu burburiyo meelaha taariikhiga ah ee magaalooyinka Maka iyo Madiino -iyada oo marmarsiinyo laga dhiganayo in bidco iyo shirki la la dagaallamayo -ay ka qayb qaadanayaan in taariikhda islaamka la waayo, sidaana afkaarta mustashriqiintu ay kalsooni ku hesho ka dib marka la waayo markhaatiyo kale oo la barbardhigo.
Waa wax la la yaabo in wadaaddada Sacuudigu ay u ol’oleeyaan baabi’inta raadadka taariikhda Islaamka iyada oo aan og nahay in wadaaddada diimaha iyo firqooyinka kala duwani ay si weyn isugu hawlaan in ay diimahooda iyo firqooyinkooda u sameeyaan taariikh aan jirin – halkaan nebi hebel baa habeen ku hoyday, halkeer weli hebel baa ka duulay, halkaan… halkeer …halkaan…halkeer…!!!
The Sacred City
Islam the Untold Story

Comments